Top Banner
42

Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

Jul 23, 2016

Download

Documents

qaylo

Wargeys 3 biloodle ah ka hadla arimaha bulshada & siyaasadda, Bosaso, Puntland - Somalia
Welcome message from author
This document is posted to help you gain knowledge. Please leave a comment to let me know what you think about it! Share it to your friends and learn new things together.
Transcript
Page 1: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad
Page 2: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

QORAAYAASHA WARGEYS-KA

Liibaan Axmed Shire

Dr. Saadiq Eenow

Khadar Axmed Nur

Gen. Cali Ismaaciil

Dr. Abdurahman Ahmed Nur(Sulub)

Faarax Axmed Muse

Prof. Axmed Barre

Takhasuska: siyaas-adda iyo dhaqaalaha, Madaxa wargeyska Yagleelka-aayaha.

Dhakhtar, Qoraa weyn ahna Wasiirka Caafimaadka D/Punt-land

Bachelor: Animal Pro-duction,Master of Business Administration.

Madaxii Academy-ya-dii istiraatiijiyada Soomaaliyeed 1986 - 1991, Qoreyna Buug’ & Daraasado

PhD - Georgetown University USA, Aas-aasaha Dr.Sulub Leadership Center

BSC, MSC (clinical and diagnostic Microbiol-ogy), Bare: Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Bariga Afrika Boosaaso

Siyaasadda Jaamacadda Qahira iyo Maamulka & Maaraynta J.Ottowa, hanti dhowraha Shirk-adda Ganacsiga Guud ee Tawfiiq - Boosaaso

YAGLEELKA AAYAHA

XARUNTA GEESKA AFRIKA EE HORUMARINTA & CILMI

BAARISTA

TIRSIGA 2’AAD

LIIBAAN AXMED SHIRE

C/FATAAX NUUR AXMED(ASHKIR)

FAARAX BINIIN BOOS

KHADAR AXMED NUUR

CABDALLAH YUUSUF MUUSE

Wargeys 3 biloodle ah oo ka faallooda arrimaha Bulshada & Siyaasadda

June 2015 [ 1436 h ]

Madaxa Wargeys-ka

Ku xigeenka Madaxa

Tafaftiraha

Xog-hayn

Design & Graphics

AddressBosaso - Puntland, Somalia

Telephone: +252-90-7798022E-mail: [email protected]

Page 3: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

YAGLEELKA AAYAHAA

06

32

22

06

32

10

14

18

22

07

24

26

38

14

26

38

Ereyga Madaxa Wargeyska

Ereyga Madaxa wargeyska

Federaalnimada & Soomaaliyada Cusub

Baraarug ama Baraarug la’aan HoggaamiyeMaxay Dhalaan?

Dhulkii Udugga

Khilaafaadka ka iman kara Biyaha

Aadamiga casrigan iyo fikradda iskaas-higa iyo isgaas-haan-buuraysiga

Hooyo Ayaan Daran

Quruxda Gobolka Sanaag

Qaadka Iyo Dhibaatooyinki-isa

Warshadihii Soomaaliya

Federaalnimada & Soomaaliya-da Cusub

Aadamiga casrigan iyo fikradda iskaashiga

Dhulkii Udugga

Qaadka Iyo Dhibaatooyinkiisa

Warshadihii Soomaaliya

Yagleelka Aayaha (Caddadkii 2-aad), Wargeys 3 biloodle ah, Boosaaso - Puntland, Somalia Tel: (+252-90-7798022 | +252-90-7794213), E-mail : [email protected]

TUSMO

Waxaa mahad oo dhan iska leh Eebbihii weynaa, nabad iyo naxariisna ha u sugnaa-to suubanahii ..

Federaalnimadu waa nooc kamida noocy-ada lagu baahiyo awoodda siyaasadeed iyadoo ..

Is-beddellada waaweyn ee dunida ka socda, waa kuwo saameyn ku leh nolosha bulsho ..

Dawladdii dhexe ee Soomaaliyeed waxay burburtay Jannaayo 1991, kadib markii madaxweynihii..

Waxaa dhab marag ma doonta ah in uu qaadku ku hayo dhibaato caafimaad iyo mid dhaqan dhaqaale ..

Soomaaliya waxa ay muddo kooban ku tallaabsatay hurumar la taaban karo oo dhinaca ..

HORDHAC

MAQAALLO

SIYAASAD

SHEEKO

Page 4: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad
Page 5: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad
Page 6: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

Waxaa mahad oo dhan iska leh Eeb-bihii weynaa, nabad iyo naxariisna ha u sugnaato suubanahii Max-amed (N.N.D.H).Eebbe galladi waxaa noo hirga-lay soo saarista tirsigii 2’aad ee Wargeyska YAGLEELKA AAYAHA, Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa raggii isku taxalujiyey oo isku xilqaamay soo saarista cadd-adka 2’aad ee wargeyska.Waxaa na farax geliyey oo aad noo dhiirigeliyey soo dhoweyntii iyo bo-gaadintii ballaarnayd ee uu wargey-sku ka heley bulshada markuu soo baxay tirsigiisii 1’aad.Waxaa si gaar ah u daneeyey inta

EREYGA MADAXA WARGEYSKA

Liibaan Axmed Shire

aqoonta iyo cilmiga leh, bahda qalinlayd iyo qorayaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iyo heer kasta oo ay kala leeyihiin, waxayna ka sinnaayeen inay nagu booriyeen inaysan shaqadaan joogsan.Hadii Eebbe idmo waxaa naga go’an inaan joogteyno wargeyska oo uu qeyb libaaxle ka qaato sare u qaadista iyo dhisidda garaadka bulshada Soomaaliyeed, iyo tusmeynta dad-ka tubta toosan ee aan dib uga kaban karno turunturooyinkii na helay.Waxaan ku dadaalnay inay qoraan qoraalada, warbixinnada iyo xogaha wargeysku daabacayo aqoonyahano iyo qorayaal & kaadiriinta ugu caansan Soomaa-lida.Waxaa tirsiga 2’aad ee YAGLEELKA AAYAHA ku soo baxay mowduucyo muhiim ah oo kala duwan oo ku baahsan Geeska Afrika oo dhan.Akhriste waxaan kaa sugaynaa inaad wargeyska saaxiib la noqotid oo aad usoo gudbisid wixii aragtiyo aad haysid, ku dar-satid qoraalo ama hibo kale oo gooni kuu ah oo aad leedahay.

Page 7: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

7YAGLEELKA AAYAHA

HOOYO AYAAN DARAN

Hooyo ayaan daran waa hooyo aad iyo aad u qurxoon oo qofkii bartaa aanu nicin. Waa hooyo raxmad badan oo caruurta si fiican u korisa oo jecel in ay caruurteedu wax bartaan. Waa hooyo dhabteeda lagu nasto oo lagu rayreeyo. Hooyo ayaan daran waxay korisay carruur badan oo ay dhashay.Curadkeeda oo lagu magacaa-bo Oday oo ay muddo badan ku tabcaysay kharash iyo waq-ti badanba kaga baxeen ko-rintiisa iyo waxbarashadiisa,

markii uu dhamaystay wax-barashadiisa wuxuu u waree-gay magaalo ka fog meesha hooyadiis ku noolayd, mudo tiro badan ayuu reerka ka ma-qnaa mana soo xusi jirin oo danahiisa gaarka ah ayuu ku mashquulsanaa, waxaa lagu xaman jiray inuusan hooya-diis u roonayn iyadoo loo tirinayo inuu necbaa dadka hooyadiis ayaan daran la de-gaanka ah. Si haddii loo eego Oday horumarka habarta iyo in wax loo qabto waa jeclaa. Intii uu ka maqnaa mar buu isku dayey in uu habarta wax la qabto iyadoo taladaas ay la wadaageen walaalihiis Xilkas iyo Dawac waana ku guulay-steen waxay ku dadaaleen sidii qaar ka mid ah habarta

duriyadeeda wax loo bari lahaa, carruur badan ayaa wax bara-tay inkastoo mudadii danbe arrintaasi dhicisowday kadib markii Oday iyo walaalihiis tiiro gabeen inkastoo Xilkas uu waayadii dambe dareensanaa in mustawaha aqoonta ee duri-yadu hoos u socoto. Dhibka jiray wuxuu ahaa Oday wuxuu ahaa nin madax adag oo jecel in hadalkiisa la dhegaysto maa-hee in aan xal kale jirin. Isaga iyo walaalkiis Xilkas dhibaato xoog leh ayaa kala raacday oo ahayd danta hooyo iyo duri-yada oo uu dayacay Oday, iyo Xilkas oo lahaa war duriyada mustaqbalkooda ha bi’ine sida ka daa.nasiib darro, walaalkood Dawac ma kala celin wuxuu ahaa nin

Page 8: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

8 YAGLEELKA AAYAHA

fariid ah oo isku daya mid walba inuu ku qanciyo in isagu sax ya-hay danahiisa gaarka ahna gaar u wata, wuxuu ku fiicnaa inuu dadka iska horkeeno oo keliya wuxuu caan kaga noqday de-gaankooda af iyo uur kala jira.Waxaa jira wiil Oday dhalay oo la yiraahdo Caraysane oo nin qurxoon ah oo muddo diba-da waxbarasho ugu maqnaa kadibna dalka ku soo noqday. Cayraysane wuxuu aabihiis u aaminsanaa si xoog ah oo wux-uu ba noqday gacan yare, wux-uu ku mashquulsan yahay sidii uu uga dhaadhicin lahaa dadka kale, xariifnimada iyo xilkasni-mada aabihiis. Caraysane waa nin reer galbeed muddo ahaa dhaqankii reer galbeedkana wax ka sii wata. Waa nin ilbax ah oo jecel lebiska wanaagsan oo aan u bogin sida dhalinta qaarkood waayadan danbe u lebistaan sdia qaadashada khamiiska, la bixida garka dheer iyo diinta oo loo dhowaado. Caraysane wux-uu ballan ku qaaday inuu aad ula dagaalamo ninkii fikrada aabihi-is ka soo horjeesta hadday xitaa wiilkiisa tahay.Xilkas ninka la yiraahdo markuu ka quustay sida walaalahiis iyo wiilkii uu adeerka u ahaa wax u wadaan wuxuu ku tashaday inuu nimankaas iyo waxay wadaan faraha kala baxo bulshada reer Qolof Qob Weyna u sheego sida foosha xun ee Oday, Dawac, iyo caraysane hooyadood iyo duri-yadeeda u silcinayaan una dibin

daab yeynayaan.Madaxey waa wiil kale oo hooyo ayaan daran dhashay isaga oo dhalin yaro ah ayey hooyo ayaan daran qurbaha u dirtay muddo kadib waa ku soo laabtay oo waa uu soo guryo noqday wuxuu hooyo ayaan daran iyo reer Qolof Qob Weyn ka dhaadhiciyey in uu yahay nin aqoon leh oo daacad ah kana talinaya danaha hooyo iyo reer Qolof Qob Weyn. Waa la rumaystay waxay lahaayee-na farta ayaa laga saaray, nin ka mid ahaa reer Qolof Qob Weyn oo alaabo muhiim ah u hayey reerka ayaa laga codsaday inuu alaabtaas madaxay ku waree-jiyo si madaxey uu alaabtaas u socodsiiyo bulshada reer Qolof Qob Weyn uga faa’iideeyo de-gaanka hooyo ayaan darana ugu hormariyo. Madaxay alaabtii si gaar ah ayuu u isticmaalay cid ka daba tagtay oo la xisaabtan-tayna ma jirin. Muddo kadib Madaxay wuxuu ogaaday in bulshada reer Qolof Qob Weyn waxba garanayn oo dhinacii la rabo loo jeedin karo, wuxuu isu soo sharaxay inuu mas’uul ka noqdo goob bulshada ka wada dhaxaysa uuna mar labaad bal-lan qaaday inuu bulshada ugu adeegayo waana lagu wareejiy-ey maadaama uu yahay wiil ka mid ah wiilasha hooyo ayaan daran. Arrintaas dib danbe wax lays kama waydiin. Wuxuu ahaa nin aad ugu firfircoon danahiisa gaarka ah si fiicana ula xiriira reer Qolof Qob Weyn meel kas-

ta oo ay joogaan, kana danaysta oo danahiisa gaarka ah ka dha-maysta.Waxaa kale oo jira wiil la yiraah-do Qob Moos oo hooyo ayaan daran dhashay, isagu wax badan ma qabto waa qunyar socod walaalkiis Madaxay ayuu jecel yahay wuxuuna u fuliyaa da-nahiisa gaarka ah, waa nin da-beecad wanaagsan markaad kulantaan laakiin lagu xanto reer magaalnimo. Dadka reer Qolof Qob Weyn waa ka cawdaan dib-in daab yadiisa dadban. Madax-ay walaalkiis Qob Moos waxba ma taro, dan badana uma hayo laakiin markii uu rabo inuu dan ka fushado waa u yimaadaa waana ka helaa oo ninka Qob Moos la yiraadho waan nin dan-ta laga dhamaysan karo.Waxaa jira labo nin oo kale oo ilma ayaan daran ah laakiin habartu aanay soo korsan, Il-ka-cade wuxuu la soo koray ad-eeradiis oo degaan kale ku nool, waa nin qurxoon oo haybadi ka muuqato oo aadan ka dideyn, waa nin hadal gaaban oo farxaan ah laakiin markaad is barataan ninkii il-furani fahmi karo in Il-ka-cade calooshiisu madow da-hay. Ilka-cade waxay bulshada reer Qolof Qob Weyn u arkaan nin hooyadiis jecel laakiin dadka si fiican wax u indha-indheeyaa waxay ogaadeen inuu habarta dibin daab yeeyo oo aanu jec-leyn horumarka hooyo ayaan daran iyo duriyadeeda. Waa nin hawl badan oo aad moodo in

Page 9: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

9YAGLEELKA AAYAHA

uu hooyo iyo danteeda u ordayo laakiin dano kale wata, ilka-cade waa qunyar socod, hadduu rabo inuu dan fushado wuxuu istic-maalaa walaalkiis Layli.Ninka Layli la yiraahdo waa nin fudud oo xarig lama sitaan ah oo lagu dan fushan karo, waana nin firfircoon oo dadaal badan oo qalbi furan haddana xaaran oo si fudud loogu dan gaari karo. Dhinaca kale marka laga fiiri-yo Layli waa nin gooni daaq ah oo aan dhex gelin bulshada inta badan. Waa nin habartu day-acday markuu yaraa oo iskiis isu koriyey oo naxariista hooyo ayaan daran aan arag, hadana jecel inuu hooyadiis wax u qab-to laakiin fudayd dhaafiyey. Wa-laalkiis ilka-cade dano badan oo isaga u gaar ah ayuu layli ku fushaday isagoo layli u tusayey inay dan guud tahay oo uu ku hoday, goor xeero iyo fandhaal kala dhaceena Layli wax ogaa-day. Arrintiina ku noqotay caano qubtay daba qabasha mooyee ka daba tag ma leh.ilka-cade rag badan ayuu sallaanka kor ugu raacay welina daba socda meel uu ku furi doonana garanmayno.Waxaa jira wiil kale oo hooyo ayaan daran dhashay oo ma-gaciisa la yiraahdo Wanaaje. Wa-naaje waa nin hooyadiis ayaan daran aad u jecel oo aad ugu xiran, waa yaraankeedii, habar-tana aad ayuu uga ag dhowaa, waa ninkii ugu danbeeya oo naaskeeda jaqa. Wanaaje si aad ah ayuu hooyadiis ugu xirnaa

una jeclaa inuu wax u qabto oo ka ducaysto. Wuxuu ahaa nin fa-riid oo maskax furan oo si fiican u soo barbaaray. Wuxuu ballan ku qaaday inuu hooyadiis iyo bulshada reer Qolof Qob Weyn wax u qabto. Waxyaalo badan oo wanaag ah ayuu hooyadiis u qabtay, wuxuuna noqday nin ka dhex sheegan bulshada oo aad loo amaanay.Walaalihiis markay arkeen xawliga uu ku socdo iyo inuu ka hormaray way ka horyimaa-deen. Markii Wanaaje dareemay in dagaal lala galay ayuu wa-laalihiis isugu yeeray una shee-gay in sida walaalihiis wax u wadaan ay khaldan tahay, waa-na ku sii colaadiyeen waxaana dhex maray dagaal xoog leh oo dhinaca afka ah laakiin aan ga-can gaarin haba ugu darnaa-deene Oday iyo Dawac. Muddo kadib wanaaje waa laga adka-aday waayo biyo kaa badan iyo col kaa badan labaduba waa ku hafajiyaan. Wanaaje wuxuu door biday intii ay walaalihiis iyo bul-shada reer Qolof Qob Weyn iska hor iman laahaayeen oo dhi-bi dhici lahayd inuu degaankii hooyadiis uga haajiro dartood. Wanaaje inkastoo uu ahaa nin aad u firfircoon, qalbi wanaag-san , jecelna inuu bulshada wax u qabto, waxaa lagu xaman jiray inuu ahaa nin keligiis talis ah oo madax adag, carana dhow iyo wax qabadkiisuna aan dhamay-stir lahayn. Waxaan is weydiin la hayn oo la isku raacay inuu ahaa

in jecel horumarka ayaan daran iyo duriyadeeda.Hadaba hooyo ayaan daran ta-cabkeedii rag baa khasaari-yey oo dib u dhaca iyo inay asaageed ka harto baday. Hooyo iyadoo dadka u dadaal badan oo intaas oo rag ah dhashay oo ku tacabtay oo wax bartay,. iyadii hooyooyinka oo dhan u mud-nayd oo ay ku dayan jireen, hig-sana jireen in maantay iyadu ugu liidato oo la wada dhaafay maxaa sababay?Haddaba maxay tahay sababta qarsoon ee ayaan daran ubad-keedu iyagoo dadka ugu firfir-coon ugu aqoon badan hadd-ana hooyadii korsatay oo ku tacabtay ay u diidan yihiin inay wax taraan waxna u qabtaan una hormariyaan!!!!!!?????Waxaba taas ka sii daran ilma ayaan daran, hooyadood uma ogala in cid kale wax tarto oo horumarkeeda wax ku yeela-to!! Waa yaabka yaabkiis! Ilma ayaan daran ma DHUUG BAA? Dhuugu geedaha ma cuno gee-lana uma ogola!! Yaab kale!!!Waa su’aal da’ weyn oo madaxa daalinaysa!!!!

Waxaa diyaariyey:Axmed Maxamed Barre

Page 10: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

10 YAGLEELKA AAYAHA

BARAARUG AMA BARAARUG LA’AAN HOGGAAMIYEMAXAY DHALAAN?Maqaalkaan wuxuu u kuur galayaa qeexidda ama micnaynta baraarug iyo baraarug la’aan, qaybahooda, dheefta iyo dhibka ka dhasha, iyo doorka la doonayo in hoggaamiyuhu ka qaato baraaru-jinta dadka uu madaxda u yahay.

Baraarugsanaantu waa aqoonta, garwaaqsiga, iyo dareen ka laga qabo fikrad, shay, dad, iyo wixii la mid ah.Waa maskax-ku-hayn-ta iyo xasuusashada haw-laha ku saabsan waaxid ama wadar. Baraarug la’aantuna waa waayid la waayo baraarugsanaan.Baraarugsanaanta wax-aa loo qaybiyaa afar qay-bood:• Ku baraarugsanaanta

naftaada (self-awareness)• Maaraynta iyo maamulidda

naftaada (self-management)• Ku baraarugsanaanta bul-

shada (social awareness) iyo• Maaraynta iyo maamuusid-

da xiriirada iyo calaaqaadka (relationship management).

Baraarugsanaanta nafta. waxaa loola jeedaa in qofku ama hog-gaamiyuhu uu naftiisa barto oo baaro isagoo dantiisutahay in uu ogaado wax yaabuhuu

ku fiicanyahay iyo ku wuu ku xunyahay, ku wuu ku xoog-badanyahay iyo ku wuu ku tab-ardaranyahay, ku wuu jecel-yahay iyo ku wuu necebyahay, markuu faraxsanyahay iyo markuu caraysanyahay, marka laga gardaranyahay iyo markuu gardaranyahay, waxa uu yahay iyo waxa uu rabo in uu noqdo, waxa uu iska rumaysanyahay iyo waxa dadku ka rumaysany-ihiin, iswaafaqsanaanta iyo iswaafaqsanaan la’aanta niya-

Page 11: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

11YAGLEELKA AAYAHA

diisa iyo falkiisa, ku wad.Hoggaamiyuhu in uu naftiisa barto waxay la mid tahay in uu gudihiisa ku dhex safro. Sa-far la safrana waxaa ugu dheer safarka qof gudihiisa ku dhex safro. Kolkuu ogaado waxyaa-baha san iyo wax yaabaha sil-loon oo uurkiisa ku jira isagoo isweeydiya: sidee waxa fiican uga faaiidaystaa, waxa xunna u beddelaa. Dulucdu waa “sidee naftayda u beddelaa?”Tusaale. Qarnigii 17aad, ayaa waxaa ka shaqayn jirey isbitaal weyn oo ku yaal magaalada Vienna, Nimsa (Austria) takhtar la yiraahdo, Dr. Ignaz Semmel-weis. Dumarka ku umula isbita-alka mid baa dhimata tobankiiba (1 in 10). Isbitaalka sumcadiisii ayaa xumaatay, dumarku jid-kay ku dhalaan.Dr. Semmelweis 4 bilood oo fasax ayuu qaatay si uu u baaro arrintaan isagoo booqanaya isbitaalla kale. Intuu maqnaa dhimashadii hoos bay u dhacday. Wuxuu ogaaday in uu waqti badan gelin jirey baarita-anka dadka dhinta, jirrooyinna u soo gudbin jirey dadka fiyoow. Xalkii wuxuu noqday in gacmaha daawo laysaga mayro (chlorine & lime). Natiijadii waxay noqotay in dumarkii umulayey boqolkiiba mid dhimato (1 in 100).Takhtar-rada ayaa jirrada xambaarsanaa isagaana ugu xambaaridbad-naa.Takhtarku sanduukh buu ku ji-rey oo ku xirnaa, wuu indha la’aa

oo naftiisii buu been u sheegay. Waayo? Jirrada bannaanka ayuu karaadinayey. Ma ogayn in uu isagu jirrada wado.Sidoo kale, jirrooyinku way ku dhex faafaan sharikadaha, urur-rada, iyo dawladahaba. Madax-da ayaa jeermiska xambaarsan, ku waa soo dila’ hoggaannima-da, dhibaatooyinkana abuura. Jirradu waa naftaada oo aad been u sheegto. Kolkaaan san-duukha ku jirno, aragtideenna aan xaqiiqada aragno ceeryaa-mo ayaa ku rogonta ama caad baa naga saarma. Innaguna sax isuma aragno, dadka kalana sax uma aragno. Nafteennii ayaan khayaamaynnay. Khayaamayn-ta nafteenna ayaa dhibaatooyin oo idil u abuura dadka nagu wa-reegsan, sharikadaheenna, uru-rradeenna, dawladdeenna, iyo adduun weeynaha kalaba.Mudane Hoggaamiye, naftaa-da baro, qiimaha ay leedahay baro, awoodeeda baro, xuddu-uddeeda baro, waxay kuliidato baro, gafafkeeda baro. Mudane hoggaamiyaha mustaqbalkoow, waxaad rabtid ogoow, sababta-ad u rabtid ogoow, waxaad ka samaysantahay ogoow, naftaa-da soo saaroo u kuurgal.Nasiib wanaag, waa jeermis la ogaan karo, la takoori karo, lana baabi’n karo.

Maraynta Nafta. Naf-barashada ka dib, wuxuu hoggaamiyuhu ku dadaalaa sidii uu naftiisa u

maarayn lahaa, u maamuli la-haa, u hoggaamin lahaa, u hagi lahaa, oo u xakamayn lahaa. Isagaa nafta wadee iyadu ma waddo. Ku guulaysiga naftu wuxuu hoggaamiyaha dhaxal siiyaa in uu isbeddelo oo cara-dii badnayd farax u rogo, cabsi-dii haysatey geesinimo u rogo, caalwaagii rajo u rogo, walwal iyo walbahaarkii waxbarasho u rogo, ceebtii sharaf u rogo, carariddii ciidamin u rogo. Way adkaanaysaa in qof qof kale weeraro ama uu isdifaaco kol-ka uu xaqiiqada oo dhan wada arko. Hoggaamiyayaasha heer-ka sare ahi way ku baraarug-sanyihiin dadka rabitaan kooda, dareen kooda, aragtiyadooda, xirfadahooda, falalkooda, iyo kala duwanaanshahoodo iyagoo ka dhex arkaya faaqidaadda iyo faallaha doodahooda.Hoggaamiyaha heerka sare ahi awood buu u leeyahay in uu naftiisa layliyo oo cawaadiftiisa xakameeyo xaalad kastoo uu ku jiro.

Ku baraarugsanaanta Bulshada. Hoggaamiyayaal badan waxay sababaan in ay ururradooda iyo dawladahooda burburiyaan sa-babtoo ah naftooda ma yaqan-niin. In aad wax aqoonsato oo ku baraarugsanaataa waa dagaal-ka barki.In aad isbeddesho waxaa ka hor-reeya in aad isbaratid. Tusaale ahaan, iin baad leedahay ama

Page 12: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

12 YAGLEELKA AAYAHA

wax baad ku liidataa. iintaas ama liidashadaas ma doorin kartid waayo ma ogid oo ma ta-aqaanid. Liidasho aadan aqoo-na ma beddeli kartid. Markaad ceebahaaga sii ogaatidba wax-aa kuu fududaanaya sixiddooda iyo wax ka qabadkooda. Kaad lahayd markii hore ku ka fiican baad noqon. Hoggaamiyuhu waa inuu naftiisa fahmaa inta uusan dad kale hoggaamin.Ta-asi waxay la mid tahay, in uu sida beerta naftiisa falo, mira fii-can ku abuuro, oo waraabiyo, oo miraha ka baxaa ay ku intifaa-caan dadkuu madaxda u yahay.Nafta liidataa waa bambo ama qumbulad qaraxeeda lagu aad-diyey waqti go’an. Kolkay qa-raxdana waxay baabi’isaa hog-gaannimada iyo horumarkii la gaarey. Hoggaamiyaha oo dhisa baraarugsanaanta wax-ay keentaa aragtiya cusub, dig-toonaan, garwaaqsiiyo ictraafid la ictiraafo dhaqan ka guuldar-rada u keenaya hoggaamiyaha, dhaawacna u gaysanaya shari-kaddiisa, dawladdiisa iyo dadkii-sa, iyo dunida kalaba.Hoggaamiyuhu in uu naftiisa ka cararo ma aha isagoo cududaar-ka dhiganaya inuu ku mashquu-lay hawla badan, aqoon badan, dad badan, iyo dhulal badan, shi-rar badan, waqtina uu u waayey gudihiis—maskaxdiis, wadnihii-sa, dareenkiisa, iyo fakarkiisa.In uu hoggaamiyuhu ku baraarug-sanyahay cawaadifta teeda

san iyo teeda silloon waa laga mamaarmaan gaar ahaan kolka iska-horimaad jiro. Cawaadiftu way faaftaa sida jirrooyinka faayriska ahoo kooxda, ururka, dawladdaba way dishaa.Hoggaamiyaha naftiisa ka ad-kaadaa wuxuu ka badbaadaa dhagarta nafta (self-deception). Dhagarta naftu waa hoggaami-yaha oo mushkiladiisa arki waaya. Dhibka ugu weeynna waa inuu u arko in dhibku meel kale iyo dad kale ka imaanayo.

Maaraynta Xiriirka Bulshada. Hoggaamiyaha baraarugsani siyaasadda kataagan bulshadii-sa si xeel dheer buu ula socdaa; wuu dareen sanyahay sida lay-sagu xir xiranyahay; wuu akhrin karaa oo fahamsanyahay xiriir-ka awoodaha siyaasadeed ka dhexeeya; wuxuu kaloo garan-ayaa qiyamka iyo mabaadi’da hagaysa bulshada.

Dawrka Hoggaamiyaha. Hoggaamiyaha naftu wuxuu u baahanyahay in uu waqti dheer ku bixiyo in moolka naftiisa u dhaadhoco. Jidka aad naftaa-da barashadeeda u maraysid adiga oo keliya ayaa mari kara.Khariidadaaad u isticmaalay-sid naftaada adiga oo keliya ayaa degsan kara oo raaci kara. Hoggaamiyuhu wuu hormariyaa baraarugsanaanta nafta si uu hurdada uga kiciyo awoodihi-isa, hididdiilooyinkiisa, iyo ah-

daaftiisa. Waqtigiisa ugu fiican ayuu geliyaa caqiidadiisa iyo camalkiisa ugu fiican intuusan dhiman. Dadka qaarkood wax-ay iktishaafaan oo soosaaraan qiyam kooda iyo mabaadi’doo-da kolkay sariirta sakaraat-ul-mawdka saaranyihiin.Hoggaamiyuhu waa inuu ku fakaraa oo ka fakaraa baraarug-sanaanta iyo baraarugsanaan la’aanta wixii la soo dhaafay, waxa taagan, iyo waxa soosoc-da ee ku saabsan naftiisa, uru-rkiisa, bulshadiisa, dawladdiisa, dalkiisa, dadkiisa, iyo dunidaba.Waa inuu u haystaa khariidad naftiisa, ururkiisa, bulshadii-sa, iyo dunidaba taasoo xam-baarsan wixii la soo dhaafay iyo waxa taagan oo ay ka mid yihiin mabaadi’, xaalado, dhac-dooyin, bari samaad iyo bari xumaad, isbeddello, khibrado, ahdaaf, habab, awoodo, liida-shooyin, fursado, iyo khatarro. Hoggaamiyuhu waa inuu koriyo oo kobciyo oo ku dhaqmo dh-aqan ka baraarugsanaanta oo uu yareeyo oo baabi’iyo dhaqan ka baraarugsanaan la’aanta.

Dr. Abbdurahman Ahmed Noor(Sulub)

Page 13: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

13YAGLEELKA AAYAHA

TUUJI MAANKAAGAwaxa jirey Afar nin oo saaxiibo ah, oo kala ah ( Yuusuf, Cadnaan, Siciid iyo Mustafe), waxayna leeyihiin afar baabuur oo kala ah (Jeesar, Noha, Laylao, iyo laanroobal), sidoo kale waxaynu ognahay in afartan saaxiibka ahi kala deganyihiin afar xaafadood oo kala ah: (Shacabka, Biyo badan, Boolimoog, iyo Gobaysane )Haddaba adoo ka raad qaadaya macluu-maadkan hoose waxad sheegtaa mid kasta oo kamid afartan ka mid ahi xaafadda uu deganyahay iyo nooca gaadhigiisu yahay.Macluumaad ku kaalmayn kara.1. Ninka Jeesarta lihi wuxu soo booqdaa

saaxiibkiis oo deggan xaafadda Booli-moog.

2. Siciid gaadhiga marki uu iibsanayey kharash badani kagama bixin.

3. Xaafadda Gobaysane waxa deggan In-jineerrada iyo Dhakhaatiirta.

4. Jimce kasta Mustafe iyo Yuusuf wax-ay salaadda ku soo tukadaan xaafadda Shacabka, oo aanay deganayn.

5. Ninka Laanroobalka lihi ma degana xaa-fadda Boolimoog iyo xaafadda Gobay-sane.

6. Xaafadda Biya badan lagama helo

baabuur qaaliya.7. Yuusuf waxbarashada kuma fiicnayn.8. Ninka Laylada lihi wuxu ka shaqeeyaa shirk-

adda uu iska casiley Siciid.9. Cadnaan wuxu masjidka xaafaddooda ku

arkaa labo ka mid ah saaxiibadiis marka laga soo boxo salaadda jimcada.

10. Dawladda hoose aad uma danayso xaafadda Biyo badan, sababtoo ah malaha kaabayaal dhaqaale.

11. Mustafe iyo ninka Noohada lihi ma wada shaqeeyaan

12. Yuusuf waa nin buuran, mana sameeyo wax jimicsi ah.

13. Gaadhiga Cadnaan waa mid qaaliya.14. Mustafe masoo booqan ninka leh gaadhiga

Laanroobalka, hase ahaatee wuxus oo boo-qday ninka leh laylada.

15. Ninka Noohada lihi wuxu jecelyahay inuu ku lugeeyo meelaha Jardiinada iyo beeraha dalxiiska ku wanaagsan le.

16. Cidda degan xaafadda Boolimoog maaha Mustafe iyo Siciid toona.

17. Jeesarku maaha gaadhiga Cadnaan.

Waxa diyaariyey:Maahir Axmed Maxamed.

Page 14: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

14 YAGLEELKA AAYAHA

Dawladii dhexe ee Soomaaliy-eed waxay burburtay Jannaayo 1991, kadib markii madaxweyni-hii dalka ka talinayey 21 sano barqo cad magaalada Xamar ay ka saareen ciidan maleeshiyaad ah oo qoys matalaya halkaasna dawladii dhexe ee Soomaaliy-eed ku galbatay, dalkiina ku ga-lay dagaal sokeeye oo socday

muddo 20 sano ka badan. Taa-sina waxay kallifty in ummaddii Soomaaliyeed oo dhamaantood Xamar soo galay hantidii ay la-haayeena Xamar wada geliyey laga wada cararo dharaar qura oo qof walba isagoo faro maran oo cayr ah dib ugu guryo noqday gobalkii uu ka yimi.Haddaba dadkii ku abtirsan-

ayey gobolada Waqooyi-bari Soomaaliya intii ka badbaaday dhimasho wuxuu firxad koodii ku soo guryo noqday gobolo beris-amaadkii loo yaqaanay GAARI-WAA oo la cidleeyey oo dayac iyo dhib badani ka muuqday, laakiin Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ lama huraan waa cawska jiilaal”.

DHULKII UDUGGA

Page 15: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

15YAGLEELKA AAYAHA

8 sano kadib oo dadka de-gaankaasi xeer dhaqameed ku-wada dhaqnaayeen oo aanay wax dhibaato ahi ka dhexdhi-cin ayaa waxgaradkii degaanku dareemeen baahida weyn oo loo qabo maamul dawladeed oo ummadda horumar gaarsii-ya oo soo celiya kala danbeyntii iyo maamuuskii dawladi lahayd. Wada hadal muddo 3 bilood ah soconayey oo ay isugu yimaa-deen dhamaan wax garadkii goboladaas oo dhan ayaa lagu yagleelay dawlad goboleed loo bixiyey (Punt-land) oo marka Soomaali loogu dhawaaqo la yiraahdo (Dhulkii uduga) 1dii Agoosto 1998, oo uu madax-weynihii ugu horreeyey ee Punt-land ka noqday Kornayl Cabdul-laahi Yuusuf Ahmed. Dawladaas oo ka koobnayd 6 gobol.Degaanadaasi sida la wada og-yahay waa degaano taariikho soo jireena leh oo xittaa maga-ca loo bixiyey taariikh soo jireen ah leeyahay oo ku cad kutubta taariikhda. Dadka Soomaliyeed oo xiligaa jiray (Puntites) wax-ay xiriir ganacsi la lahaayeen boqortooyinkii Masar ka talin jiray xiligii faraacinada oo iyagu ku abtirsada degaanadan aan maanta ku noolnahay ee Punt-land oo ay xaggooda ka ahaay-een dhulal barakaysan oo ay ugu yeeri jireen dhulalkii Ilaahy-ada (land of the gods). Alaabada ay masaaridii hore u soo doonan jireen dhulkan BUUN, oo mac-naheedu yahay “ GEESKA” oo maanta loo yaqaan Puntland

waxaa ka mid ah:Murraha , Hadiga, ama malmal-kaFooxa.Qoriga mohogaaniga ah oo loogu yeero afka qalaad “Ebony (black wood).Sidoo kale haddaad taariikhda dib ugu noqotid dadkii hore ee faraacinada iyo dadka Soomaa-lida ahi dhinaca dhismaha jirka, muuqaalka, iyo dhaqanka qa-arkiis waa iska shabahaan.Tusaale ahaan, markaan wax ku baranayey dalka Masar sanidihii sideetanaadkii waxaan booqday matxafka masaarida ee magaa-lada Qaahira markaan booqa-nayey qaybta masaaridii hore waxaan arkay dad faraacina oo ku lebisan baal cad oo ruugaga korkooda u jooga oo wata be-dano u eg kuwaan bander bay-la ku arki jiray markaan yaraa oo kalluumaysatada bayla ay iticmaali jireen inkasto hadda ay bedeleen saxiimado matoor leh, sidoo kale waxay dhexda ku xiran jireen go’ cad oo qariya xu-dunta iyo inta ruuga u dhaxaysa( qayd maraykaan ah). Xaqiiqadii arrintaas markaan arkay wax-ay igu dhalisay yaab iyo fajac in aan bedenkii bayla matxafka masaarida ee qaahira ku arko.Dhulkan Puntland waxaa ka jiri jiray saldanado taariikhdoodu ka soo bilaabato qarnigii 13aad ee dhalashadii nebi ciise kadib, saldanadaasi waxay ahayd sal-danadii ka jirtay dhulkii waqtigaa la oran jiray MAAKHIR (Maakhir Coast) ,hadana la yiraahdo sa-

naag,waxaana xukumayey dirkii suldaankii la oran jiray (Suldaan Dhidhin).Qarnigii 19aad waxaa bilaaba-tay saldanadii uu ka talinayey suldaan Maxamuud Cali Shire.Sidoo kale waxaa jirtay Boqor-tooyadii Bari oo uu ka talinayey boqor Cismaan oo caasimadii-su aheyd CALUULA, marsadiisa ganacsiguna ahayd xaafuun.Boqortooyadaas oo liicday kadib markii boqor cusmaan iyo ina adeerkiis Yuusuf Cali Keenadiid ku loolameen xukun-ka kadibna dantu kalliftay in Yusuf Cali Keenadii d dalka ka tago oo Yamen galo, halkaas oo uu muddo 10 sano ah ku ma-qnaa,kadibna Soomaaliya ku soo noqday oo saldano kale ka yagleelay Gobolka Mudug.Gobolada Puntland waxaa soo maray dowlado dhowr ah oo ay ugu dambeysay dawlada hadda jirta oo uu madaxweyne ka ya-hay Dr. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas oo xilka madaxweyne nimada ku guulaystay 8 Jan-naayo 2014.Dawladda Puntland intay jirtay waxay samaysay horumar fii-can waxay qabatay waxyaalo badan oo uu ugu horreeyey taa-bo gelintii nidaam dawladeed oo leh kala damayntiisa oo maalin-ba maalinta ka dambaysa horu-mar samaynayey, hormuudna uu u ahaa madaxweynihii ugu hor-reeyey ee Puntland Kornayl Cab-dullaahi Yuusuf Ahmed iyo ku xigeenkiisii Mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo isna noqday

Page 16: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

16 YAGLEELKA AAYAHA

Madaxweynaha Puntland mud-do afar bilood ah.Sidoo kale waxaa halkaa ka sii qabtay qorigii horumarka Gen-eral Maxamuud Muuse Xirse (Cadde) xilka hayey muddo shan sano ah (2005-2009). Dawla-da cadde waxay halkaas ka sii ambaqaaday horumarkii dalka oo ay isku dayday inay xooga saarto dhinaca kobcinta dhaqa-alaha. Dawladii cadde waxay samaysay:Dhismihii Garoonka Diyaarada Bosaso ( Bender Kasim Air-port).Waxay furtay maxjar lagu daweeyo laguna xanaaneeyo xoolaha Puntland ka dhoo-faya oo dadku shaqo ka heleen, gobolkana lacag adag u soo xe-reeyey.Waxay caan ku aheyd dawladii Cadde in wasiirka dawladaha hoose oo markaa jiray Cali Cab-di Awaare waqti badan geliyey sidii loo dhisi lahaa maamulada degmooyinka Puntland ka koo-ban tahay oo runtii ay ku guu-laysteen.Waxay mug weyn ka qaadatay sidii ay u dhaqan gelin lahayd dawladdii federalka ee Cabdul-laahi Yusuf Ahmed madaxwey-naha ka ahaa oo ay dawladda Puntland dhaqaale badan ku bixisay, inkastoo dadka qaarkiis dhaliil u arkayeen ah in arrinta-asi dhaqaalihii Puntland hoos u dhigtay.Sidoo kale waxaa General Cad-de xilka kala wareegay Mudane

Cabdiraxmaan Sheekh Maxam-ud Farole, Jannaayo, 2009 xilka hayey muddo 5 sano ah dawlad-dii Faroole waxay qabatay:Hirgelintii Dastuurkii PuntlandInay Qayb libaax ka qaadatay sidii loo taabo gelin lahaa das-tuurkii dawlada federaalka ee ku meel gaarka ahaa.Horumarintii maamul wanaaga.Diyaarintii nidaamka xisbiyada badan laakiin aan hirgelinWaxay aad ugu dadaashay inay hormariso xiriirka dibadda ee dawladda Puntland, waxana Ga-roowe ka dhacay shirar siyaasa-deed oo miisaan leh.Waxay xooga saartay sidii loo hormarin lahaa caafimaadka iyo waxbarashada.Waxay samaysay calankii Punt-land Waxay hirgelisay TVga PuntlandWaxay xooga saartay dhinaca cadaalada iyo maxkamadahaWaxay dhistay madaxtooyada Puntland ee Garowe ku taala.Waxay bishay magaalada caas-umadda u ah Puntland Garoowe. Waxay dhistay waddooyin badan gaar ahaan Caasimadda iyo qaar ka mid ah magaalooy-inka waaweyn.Sidoo kale dawlada cusub ee uu madaxa ka yahay madax-weyne Dr. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas waxay ballan qaaday inay horumarkii meesheeda ka sii amba qaadayso waxqabad-ka ugu horreeya oo laga arkayna uu yahay inay bilowday dhismi-hii gegida dayuuradaha ee Boo-

saaso oo dhan dherer ah 3,400m oo lagu dhamaystiro doono muddo laba sano ah oo had-dii garoonkaasi dhismo uu reer Puntland ka qaadi doono culays muddo ka haysta dhinaca safa-rada cirka.Sidoo kale nidaamka iyo daw-ladnimada ka jirta geyiga Punt-land waxay sahashay in dadka gobolka degani fursad u helaan inay ganacsiyo gaar loo leeya-hay samaystaan oo ay qayb lix-aadle ka qaataan horumarka iyo dib u dhiska gobolka. Ganacsi-yada kala duwan ee dalka ka jira waxaa ka mid ah:Ka ganacsiga badeecooyin-ka dibada laga keeno (import), iskastoo ay haboonaan lahayd in wax soo saarka guduhu xoog leeyahay waa la gaari doonaa. Waayo lacag adag oo badan ayaa dalka dibadiisa nooga bax-da.Dhoofinta xoolaha nool, beeya-da, fooxa , iyo kalluunka (export)oo dalka soo geliya lacag qalaad oo laf dhabar u ah dhaqaalaha gobolka.Sidoo kale waxay bulshada gobolku ku dhaqaaqeen sidii ay u samaysan lahaayeen tacabka beerashada oo gobolku runtii aad ugu fiican yahay, haddii la helo rabitaanka dadka ee wax-beerashada (desire) iyo awoodii wax lagu beeran lahaa (capabil-ity).Shirkadaha xawaaladaha oo qayb libaax ka qaata koritaanka dhaqaalaha dalka waayo waxay

Page 17: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

17YAGLEELKA AAYAHA

u sahlaan shacabkeena qurba-ha jira inay lacag u soo diraan ehelkooda gobolka gudihiisa ku nool.Bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay oo maxali iyo ajnabi ah oo Gobolka ka furmay oo soo kordhiyey faa’iidooyin badan oo dhiirigelinayaa in ganacsigu kor u kaco.Shirkadaha isgaarsiinta oo iya-na qayb libaax ka qaatay horu-marka ganacsiga iyo shaqo abuurka. Gobolka iyo dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa laga helaa khidmad isgaarsiin iyo inter-net oo ka casrisan kana jaban dhamaan dalalka deriska la ah, waa amaan iyo shaqo wanaag ay mudan yihiin shirkadaha is-gaarsiinta Soomaaliya.Khidamaha Gaadiidka isa-ga goosha magaalooyinka waaweyn ee dalka oo xamuulka iyo dadkaba qaada oo aad loo-ga ganacsado khidmad fiicana u qabta shacabka.Waxaa hadda bilaabanaya oo soo kordhaya wershadaha yar yar ee wax soo saarka gudaha ah sida biyaha safaysan,dhalin-ta korontada, galaynta cabita-anada, saabuunaha, iyo shaam-booyinka, samaynta joodariyada iyo wixii la mid ah. Oo ah arrin fiican inkastoo ay u baahan yihi-in in tayadooda la daba galo oo laga hubiyo dadka waxa ay u soo saaraya.Sidoo kale , hotelada oo aad u soo kordhaya khidmadana ku dadaalaya inay wax ka bedelaan

oo baahi weyn loo qabo.Dhamaan horumarkaas aan kor ku soo xusay si loo horumariyo loona ilaaliyo, Waxaa dawlada hadda hogaanka gobolka hay-sa looga fadhiyaa inay arrimaha hoos ku taxan isbedel fiican oo dhinaca wanaaga ah sameeyaan sida:Amniga oo u baahan in si fiican loo sugo, oo hadda ay jiraan ci-idamada qayb ka mid ah oo ga-dood ku jira iyo xalintooda.Dawlad wanaaga oo dhaliili ka muuqato oo ka imanaysa dhi-naca shacabka.In la sugo meesha uu aado da-khliga soo gala dawladda iyo sida uu u baxo ( Transparency).Dawladu dhinaca cashuur uru-rinta aad bay ugu hawlan tahay laakiin lacagta soo xeroonay-sa waa in shacabka wax loogu qabtaa sida dawlada hoose inay bilicda magaalada wax ka be-desho,Sidoo kale dawladi ma jiri karto shacab la’aan sidaa darteed qof-ka huwan magaca dawladnimo waa in laga arkaa haybadii daw-ladi lahayd oo uu qabaa tababar wanaagsan oo lagu carbiyo inuu yahay adeege shacab oo sha-cabkiisa ixtiraamo duruufkasta oo uu ku jiro, siiba kuwa dharka ciidamada xiran. Cadaalada iyo maxkamadaha oo u baahan isbedel xoog leh dayac badan baa halkaa ka jira.Shilin Soomaaligii oo gabaab-si ku jira iyo war la isla dhex-marayo in Puntland wershado lacagta daabaca la keenay oo

laga baqayo inuu sicir bararkii soo noqdo haddii lacag aan xik-mad iyo maamul fiican ku sa-laysnayn la daabaco.Isbedel la dareemi karo oo la filayey welise aan la arag oo weli rajo laga qabo.Puntland waxay calaamad u tahay horumar, wanaag, iyo nabad ku wada noolaansho , Puntland waxay ku naaloonay-saa Soomaaliya oo midaysan oo federaal ah oo gobolba gobol-ka kale garab u noqdo, si loo helo horumar guud oo dalka ah. Puntland waxay hogaanka u haysaa isu soo dhowaanshaha ummaddii Soomaaliyeed ee kala erdhootay inay mar dambe gac-maha isqabsadaan oo Soomaa-liya oo dib cagaheeda isugu ta-agta la helo.

Ahmed Mohamed Barre

Page 18: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

18 YAGLEELKA AAYAHA

KHILAAFAADKA KA IMAN KARA BIYAHA

Page 19: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

19YAGLEELKA AAYAHA

Biyuhu waa asaaska jiritaanka nolosha bani’aadamka , xoolaha, dhirta, iyo noolaha kale oo dhan. Waxaa xaqiiq ah hadii aanay ji-reen biyo in aaney nololi jirteen , mararka qaarkoodna biyuhu waxa ay gaystaan aafooyin ay ku hoobtaan naf iyo maal, kana dhaca daafaha koonka. Biyuhu waa nolosha noolaha, waxa lagu qiyaasa in 60% miisanka qofka in uu yahay biyo, sidoo kale waa 70% biyaha waraabka beeraha dunida. Qayba ha ugu badan ee biyaha waa kuwa milixda ah ee badaha oo aan lacabi-karin, bi-yaha macaan (fresh water) ama (domestic water or potable wa-ter ) waxa lagu qiyaasaa 3% ee dunida hase yeeshe 99% waxa ayku jiraan buuraha barafka ama dhumucda dhulka hoostii-sa , waxana hadda la isticmaa-laa 1% biyaha macaan.hase yeeshe way ku fillaan la-haayeen dunida hadii si cadaa-lad ah loo qaybsan lahaa, sidaa darteed waxa uu yiri Dr. ismaaciil siraaju-diin oo ahaa gudoomiye ku xigeen kii Bangiga aduunka: (waxa jira xiriir ka dhexeeya dadka saboolka ah iyo biyaha ay cabaan ee dunida sadexaad iyo cudurada ku dhaca, waxana biyuhu uga ka caan qiime aad u sareeya 18% ama 20% dakhli-gooda) waxaana lagu qiyaasaa dadka saboolka ah ee dunida ku nool ( 2.2 milyaar ) oo qof, wax-aana ay helaan biyo aan nadiif ahayn , waxa la saadaalinaya hadii aan xaaladan wax iska bedelin in ay gaarayaan dadka

saboolka ahi ( 3milyar ) 2025 marka loo’eego baahida biyood iyo xaalada biyuhu ku sugan yihiin , Waxaa laga yabaa in uu ka dhaco khilaafaadka ugu weyn ee dunidu Biyaha, Khilaafaadkan oo ka dhalanaya :Dadkii oo soo gelaya Magaalooy-inka .Isbedalka Cimilada .Nabaad guurka ka dhacaya meelo badan ee Dunida ka mid ah.Roobabkii oo yaraanaya .Qaynuun dowli ah oo aan ka jirin wax qaybsiga biyaha .Arimahan iyo kuwo kaleba wax-ay tusaale u yihiin in khatara-ha ugu weyn ee lafili karo ay ka imaanayaan biyaha.Khilaafaadka la xiriira biyaha Bariga dhexe .Meelaha khilaafaadka biyuhu ka taaganyahay waxaa ka mid ah Bariga dhexe, Webiga (Niil) Webiga Niil waxaa wadaa-ga dowladaha kala ah: ( Masar, Suudaan, Kongo, Ken-ya, Uganda, Burundi, Itoobiya, Ereteriya, Taansaaniya iyo Ru-wanda), oo ah Meelaha oo uu ka yimaado webigu ,waana webiga ugu dheer Dunida. Khilaafaadka oo salka ku haya wax qaybsiga biyood oo si sharci ah laysugu waafaqsaneyn iyo baahida Bi-yood oo sii kor dheysa marba marka ka dameeya, dowladda Masarna webigu waxa uu ugu jira ( Amnigood Qowmiga) ah taas oo ay ugu dhigantahay no-lol ama Geeri, Khilaafaadka ugu weyni waxa

uu dhexmaraa Itoobiya iyo Ma-sar, halkaas oo uu Niilku ka soo dhasho 80%, inkasta oo xiligaan dambe ay wada gaareen is-af-garad la xiriira wadaaga biyaha iyo ka faa’iidaysigiisa, meelaha kale ee uu kadhici karo khilaa-faadku waxa ka mid ah:Turkiha, Suuriya, iyo Ciraaq, Kh-ilaafaadkaas oo la xiriira webiga “Digla” iyo “Furaad” iyo Maas-haariicda horumarineed ee uu ka wado Turkigu (Biyo Xireenno) Saameyn ku yeelanaya awood-da Biyaha.waxa aan meesha ka maqnayn qaybta libaax oo ay ku yeelatay “Yuhuuddu” Biya-ha Bariga dhexe markii ay qab-satay dhul badan oo ka mid ah Dalka Carbeed dagaaladii ay la gashay (1948,1967,1973), sida buuraleyda Golan, Urdun meelo ka mid ah, Daanta Galbeed iyo Qasa.Xaalada Biyaha Soomaaliya Soomaaliya biyuhu way ku yary-ihiin marka laga reebo labada webi, Webi Jubba iyo Webi Sha-beele, Roobabkuna marka ay da’aan biyuhu waxa ay isugu yimaadaan meelaha godanta loona yaqaan (Tog) ama Dooxo isla markaasna way sii dhaa-faan oo kuma hakadaan marka laga reebo Toga ama Dooxada Dharoor ,Nugaal ,Magaada,Tog-dheeer iyo “Gaabi”. Biyaahaas iyadoo aan laga faa’iideysan ayey badda ku shubaan ama waxa ay ku dhamaadaan meelo aan looga baahnayn.Webi Shabeele: Waxa uu ka soo dhashaa Buuralayda JigjigA

Page 20: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

20 YAGLEELKA AAYAHA

,Harar, Asbe, Teferi, IYO Me-chasa, waxaana uu ku dhacaa webi Jubba (yoontoy) waana laba dhexaadka kismaayo , Ja-maame waxana uu ku dhamaa-da badweynta Hindiya.Webi Jubba: Waxa uu ka soo dhashaa Buuralayda Itoobi-ya ,Xadkana waxa uu ka soo galaa Doolow, waxaana uu ku dhamaada Badweynta Hindiya.Waadi Dhud: Waxa uu ka soo dhashaa Buuralayda Sanaag waxaana uu badda ka kaga da-raa Xaafuun.Dowladdii Dhexe ee Soomaali-ya intii ka horaysay 1990 waxa ay la hayd Istaraatiiji la xiriirta horumarinta biyaha si loo gaaro mustaqbal wanaagsan, waxaa-na jiray khuburo iyo Xeeldheer-ayaal isugu jira Soomaali iyo Ajnebi ku howlanaa arrimahaas iyo xarumo Cilmi Baariseed.Mashruuca Dhexe ee kaydka Xogta Biyaha (National Water Center):-Wasaaradii macadanta iyo biya-hu, waxey sanadkii 1981 la bilo-wday khubaro ka tirsan, UNDP iyo FAO, la tashi in muddo ah kadibna, waxaa leys lagartay, in loo hawl galo fikradii wasaara-da macdanta iyo biyahu soo bandhigtay. Hadaba wasaara-da macdanta iyo biyahu, Waxey 1983 bilowday mashruuc sahan ah oo dhulka iyo biyaha hoose ku saabsan, waxaana lagu tala galay in mashruuca hal sano lagu dhamaystiro. Maal gelin-ta mashruuca waxaa bixiyey

Soomaaliya iyo UN’ ka khubu-rada howshaas fulisay waxay ka kala socdeen Soomaaliya iyo FAO.Mashruuca dhowr jeer , wuxuu la kulmay hakad, sababa kala duwan dartood, balse, howshii uu fuliyey oo koobani waa sidan :425 Buug oo ku saabsan cilmiga biyaha ee Soomaaliya.1050 Marjac (References) ee ila-ha biyuha Soomaaliya.5000 Ceel iyo ilo biyood oo xog-tooda la aruriyay.Qaab casri ah oo lagu aqoonsa-do ceelasha Soomaaliya ka jira ama ka jiridoona .60 goobood (Stations) oo ku baahsan Soomaaliya oo dhan oo lagala socdo xaaladda biya-ha hoose .500 oo baaritaan-biyood ah oo daafaha Soomaaliya oo dhan laga sameeyey.Mashruucu wuxuu dalka u qay-biyey saddex Gobol mid walbana wuxuu ka diyaariyey hal buug oo ka hadlaya Taya iyo Tirada Biya-ha Soomaaliya waana ku wan:Inta Biyo dhulka Soomaaliya ka jira.Vol.1: Southern RegionVol.2: Central RegionVol.3: Northern RegionTayada Biyaha Hoose ee SoomaaliyaVol.1: Southern RegionVol.2: Central RegionVol.3: Northern RegionMashruucan oo maal , mas-kax iyo wakhti badan la geliy-

ey, waxaa lagu guulaystay in la soo gabagabeeyo Bishii Maarso 1990.Kharashka Mashruuca ku kacay wuxuu dhamaa.So.Sh: 4,138,460$ US :1,390,567 United Na-tions(UNDP).Mashruucani wuxuu la magac baxay Mashruuca dhexe ee Qa-ranka ee kaydka Xogta Biyaha (National water data center), waxaana si aan la maleyn Karin laga kaaftoomey ugu horeyntii-ba kharashkii iyo wakhtigii ku lumi jirey markii loo baahdo in shaqo biyood la qabto oo laga qabto meelkasta oo ka mid ah Soomaaliya .Waxaa xaqiiq ah in Mashruu-can oo kale iyo kuwo kale oo kasii baaxadweyni ay hirgeli-yeen Wasaaradihii dowladdii Soomaaliyeed ee burburtay. Haddaba, waxa iga su’aal ah , xagee tacabkaas maalka , mas-kaxda iyo wakhtiga badan la-geliyey ee Ummadda Soomaa-liyeed danaheeda kala duwan loogu adeegi jirey ka baxay?Taas jawaabteeda waxaa laga sugayaa qof kasta oo Soomaa-li ah in uu is weydiiyo. Waxaase hubaal ah haddii aan xaaladda Soomaaliya maanta ku Sugan-tahay wax iska bedelin, taas oo ah: qolo qolo iyo qabiil , damac madaxnimo iyo maaleysi, gobol gobol iyo dowlad goboboleedyo ku salaysan qabiil …Iwm ay Xaaladu inta ka siixumaanayso.Gen. A.I

Page 21: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

21YAGLEELKA AAYAHA

Page 22: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

22 YAGLEELKA AAYAHA

Is-beddellada waaweyn ee dun-ida ka socda, waa kuwo saam-eyn ku leh nolosha bulsho wal-ba iyo qof walba oo aadami ah. Halheyska ah in uu dhamaadey xilligii iska hor-imaadka ee la galay xilligii is-kaashiga (End-ing Era of Confrontation and Be-gining Era of Cooperation) ayaa wuxuu yahay mid si muuqda meel walba looga hadaaqayo. Aadamiga ku dhaqan dhulka oogadiisa, intooda badan waxay maanta si qeexan ugu qanceen in iska hor-imaadku uu cusley-nayo nolosha, is-kaashiguna uu sahlayo nolosha. Shaagga no-losha ee wareeganaya, waxaa lagu qiimeeyaa hadba jahada uu ku socdo.    Marka ay bulshadu is-kaashaneyso, isla-markaas ay baadi-goob ugu jirto bul-shooyin kale oo ay kaashato, waxaa muuqanaya in bulsha-daasi ay qaaddey waddadii guu-sha. Markaas ayay nolosha ku yeelaneysaa midab la garanayo oo wanaag iyo shacni ku kordhi-ya aadamiga. 

Waa dhoweyd waxaanu maq-leyney iyada oo magaalada Boo-saaso ee ku taal dowladda Punt-land (State of Puntland) Somalia, lagu mataaneeyey magaalada Minneapolis ee ku taal dow-ladda Minnesota (State of Min-nesota) Mareekan. Dhacdadaas horteed iyo dabadeed, in badan ayaanu warbaahinta ka maqal-nay heshiisyada la-kala saxiix-anayo ee la xiriira mataaneynta laba degmo oo laba qaaradood ku kala-yaal, mataaneynta laba jaamacdood oo laba qaaradood ku kala yaal, iskaashi dhaqa-ale ama nabad-gelyo oo dhex-mara laba dowladood oo laba qaaradood ku kala yaal. Waxaa arintaas weheliya heshiisyada gaashaan-buureysiga iyo is-ba-heysiyada siyaasadeed ama ciidameed oo dhex-maraya in-badan oo dowladaha adduun-ka ah. Waxaa kaloo si muuqda u bidhaamaya qaxa iyo hijrada ay dadku ku degaan beddelan-ayaan, taas oo sii xoogoobeysa sabab iyo sabab-la´aanba. 

Dhallinyarada ku dhaqan qa-aradda Afrika, iyaga oo u xilanaya nolol tayadeedu sareyso, waxay jecel-yihiin in ay u hayaamaan waddamada Yurub iyo Amerika. Shirkadaha reer galbeedka ayaa iyaga oo faa´iido-doon ah wax-ay u hayaamayaan waddamada bariga qaaradda Aasiya iyo bari-ga-fog. Ujeeddadu waxay tahay, shaqaalaha jaban oo ay ugu xilanayaan. Waddamada ugu waaweyn qaaradda Aasiya, ayaa iyaguna shirkadohooda waxay u soo hayaamayaan qaaradda Afrika. Madaxda Afrika, iyaga oo wadar ah, shirarka loogu qabtey magaalo-madaxda dowlada-ha ugu waaweyn Aasiya waxaa kamid ah shirarka lagu maga-caabey kulanka sare ee Shiino iyo Afrika (China Africa Summit), kulanka sare ee Hindiya iyo Af-rika (India Africa Summit), ku-lanka sare ee Turkiya iyo Afrika (Turkey Africa Summit). Kulamadaas oo mid waliba uu dhowr jeer ka dhacay magaa-

AADAMIGA CASRIGAN IYO FIKRADDA ISKAA-SHIGA IYO ISGAA-SHAAN-BUURAYSIGADr. Saadiq Enow

Page 23: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

23YAGLEELKA AAYAHA

lo-madaxda waddamada loogu magac-darey, ayaa waxaa ka qeyb-galay madax-weynayaas-ha dowladaha Afrika iyo wasii-rada arimaha dibadda. Sababta loo casumey madaxdaas sare waxay tahay baahi shirkadaha dowladahaas saddexda ah ay u qabaan hantida ma-guurtada ah ee ceegaagta qaaradda madow. Haddaba arimahaas oo idil wax-ay inoo waxyoonayaan, sana-daha kunleyda labaad (sanad 2000-eedkan aanu ku jirno) in aadamigu uu cagta saarey wad-do ka duwan tii uu ku dhamey-stey qarnigii ugu danbeeyey ee kunleydii koowaad (sanad 1000-eedkii hore). Xiriirka ku dhisan mataaneynta iyo wa-da-shaqeynta jaamicadaha, de-gmooyinka, shirkadaha, xaru-maha dhaqanka, barlamaanada, ururada bulshada ee dhex-mara dowladaha ayaa wuxuu beddeley aragtidii ahayd iska hor-imaadka, wuxuu ku bedde-ley is-kaashi. Aragtidaasi uu qaatey aadami-ga casrigan, waxay xoogowd-ey markii la fahmey qof waliba nolol-maalmeedkiisa in ay ku dhisan tahay kumanyaal qof oo uusan aqoon u lahayn, kuwaas oo ku sugan waddamo kala du-wan, una dhashey qowmiyado kala duwan. Haddii qofku uu ka fekero maalin-nololeedkiisa, wuxuu ka dhex-helayaa boqol-laal iyo    kumanyaal qof oo ka soo wada-shaqeeyey agabka

uu maantaas adeegsanayo, ku-waas oo uusan uga maarmin noloshiisa maalintaas ah. Had-dey tahay gogosha uu ka soo ka-cay iyo suuliga uu galay, haddey tahay aqalka uu ku nool-yahay iyo meesha uu ka shaqeeyo ama wax ka barto, haddey tahay leb-iska iyo kabaha uu qaatey, had-dey tahay raashinka iyo biyaha uu quudanayo, haddey tahay ku-raasta iyo miisaska uu fariisan-ayo, haddey tahay idaacadaha uu dhegeysanayo iyo gaadiidka uu raacayo, haddey tahay Mo-bile-ka uu sito iyo Computer-ka uu adeegsanayo. Agabkaas iyo kuwa badan oo aynaan xusin, dhammaan waxaa diyaariyey oo ka soo shaqeeyey dad aada-mi ah. Haddaba haddii tallaabo walba oo qofku uu qaadayo ay ka muuqaneyso adeegyo ay dad u qabteen, isagana adeeg ayaa laga filayaa. Maxaa-yeeley dad-ka oo dhan aa qofkii, qof walba-na waa dadkii oo dhan.   Aadamiga kulmaya waxay lamid yihiin canaasirta kiimi-kada ah oo kulmaya oo kale. Haddii aadamigii kulmey uu fal-gal ka dhex-dhaco, wax-aan shaki ku jirin in uu xawilaad (Transformation) ku dhacayo oo mid waliba uu siduu ahaa iska-beddelayo. Waxaa arinta-as lamid ah kulanka iyo xiriirka dhex-mara    bulshooyinka, kaas oo mid waliba uu ka faa´iidayo aqoonta iyo khibradda midka kale. Mar-walba oo aadamigu

uu gacmaha is-qabsado waxaa is-raacaya qalbigooda. Arinka keliya oo aadamiga gaarsiin-ka-ra buurta nolosha dhaladeeda waa is-kaashi. Oraah ayaa jirta oraneysa, dunidu waxay nadiif noqon lahayd markii qof wali-ba uu nadiifiyo aqalka hor-tii-sa. Bulsho walba, haddii ayan quudin dad-weynaha saboolka ah ee tirada badan, bad-baad-imaayaan hantiilayaasha tira-da yar. Qofkuna nolosha uma uu iman naftiisa oo keliya, bal dhamaantaya waxaan u nimid in in-ba in-ta kale ay gaca-siiso. Hor u-mar waxaa lagu gaaraa, colaadda oo yaraata iyo nabadda oo la cayiliyo, saaxiiba-da oo la badsado iyo nacabka oo la yareeyo, wada-shaqeynta oo la kordhiyo iyo khilaafka oo la dhimo. Maalin walba oo bul-shadu ay nabad ku shaqeyso waxaa u kordhaya kalsoonida dhexdeeda ah waxaana u xoo-goobaya mu´asasaadkeeda dowladnimo. Is-kaashigu wux-uu keenaa fir-fircooni, wuxuu fogeeyaa caajiska. Is-kaashiga waxaa laga dhaxlaa jaceyl iyo is-buuxin, waxaa laga dhaxlaa hal-abuur, waxaa laga dhaxlaa nolol lagu gaaro barwaaqo iyo berya-samaad. Ugu danbeyntii ogow in derbigu uusan dhagax qura ka dhisneyn, malabkuna ayan hal shinni sameyn, gacan-tuna ay gacanta kale dhaqdo, la-badooda oo wada jirana ay weji-ga dhaqaan.

Page 24: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

24 YAGLEELKA AAYAHA

Quruxda Gobolka Sanaag

ad ka u sareeya dabooshay ama deegaan aan qorraxda la arag oo daruuri dalaysay. Muuqaaladaa-si waxay maskaxdooda ka guux-ayaan dad badan oo niyadda ka jecel in ay gobolka Sanaag soo booqdaan welise aan na-

siib u yeelan in ay soo gaadhan kuwaas oo ay maqal ku tahay quruxda Eebe weyn ku manay-stay gobolkani Sanaag.Gobolka sanaag oo ah gobolka labaad ee ugu baaxada weyn gobollada Soomaaliya , waxa uu ku fadhiyaa dhul weyn oo buur, bannaan iyo Bad-ba leh, waa gobol ku wacan dalxiis-ka kuna haboon tamashlaha. Sida la wada og yahay gobolku

Page 25: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

25YAGLEELKA AAYAHA

waxa uu leeya-hay goobo badan oo caan ah, abwaana-da iyo guud ahaan bahda suugaanlaydu-na inta badan ku hal qabsa-daan marka ay doonayaan in ay cid qurux ku t i l m a a m a a n , ama ay roob iyo barwaaqo maansooyinkoo-da ku cabirayaan. Waxse xusid mudan in abwaanadaas amaan-ta kala duldhacay gobolka Sa-naag aanay intooda badan indha saarin dhulkaas ay tilmaameen.Malahayga waxaad akhristoow is weydiin kartaa haddii dad-kii aan weli arag mala awaalka intaa le’eg ku cabireen quruxda Sanaag maxaad ka malayn kar-taa in uu ku sharaxi karo kan maalin kasta jaleecaya ama dhex mushaaxaya?? Anigoo su’aashaa ka ambaqa-adaya ayaan maqaalkan idin kula wadaagayaa xoogaa ka mid quruxda iyo muuqaalka indhaha u roon ee gobolkan Sanaag. Buuraha Daalo. waa meel magaceedu dheer yahay oo badi dadka Soomaa-liyeed maqleen ama arkeen, waa buuro dhaadheer oo laagag ah aadna u cagaaran gu’a iyo jiilaalba. waxse la yaableh mar-ka aad ku dulsocoto buurahaas

dushooda in meelaha qaar ay kaa hoos marayso daruurtu oo aad hoos u eegaysid, inta badana arooryada hore waxaa buurahaas ku dahaaran dhedo ( nuglo ) taasoo sababta marar-ka qaar in aad hortaada wax badan ka arki weydo.Ilaha Biyaha ( Shalaalaat ) Ka sokow dhirta dhaadheer ee noocyada badan ee buurahan ka baxa ee uu caanka ku yahay sida Dayibka iyo Dibowga - waxa aad ku ildoogsanasaa ilaha bi-yaha ee qulqulaya kuwaas oo qaarkood meelo dhaadheer ka soo hoobanaya.Godka Tabco.Malaha waad maqashee weli godka Tabca kama deign, waa meeshi uu lahaa abwaankii Soomaaliyeed:“Tabcoo ubax ka baxayoo, tigaaduna hadhaysoo teel teel daruurina, dusha sare ka fuusahay” , waxana ay erayadani maskax-

diisa ka soo m a a x d e e n m a r k u u arkay god-ka Tabca oo ah buur la d a l o o l i y e y oo baabuur-tu marto, marka ay u d e g a y a a n Casha ama deegaana-da xeebaha

ah ee gobolka Sanaag oo uu malaha uu la ashqaraaray sida isticmaarkii ingiriisku buurtaa u dalooliyey ee wadada oga dhig-tay.Marka laga dego godkaas buur-ta Tabca waxaad hoos ugu daa-degaysaa deegaanka Hareed oo ah dhul beereed aad u bilicsan, waxa deegaankan aad loogu xu-suustaa oo ka baxa Liin Xaamu-da, waxaase anigu markaan deegaankan booqday isoo jiitay oo dareen gaarana igu beeray markaan indhaha Saaray Nooc ka mid ah Qaadka ama Jaadka oo deegaankan ka baxa, wax-aad arkaysaa dhalinyarada dee-gaankan ku dhaqan oo Laamaha qaadka ka goosanaya duleedka guryaha dhoobada iyo geedaha ka samaysan ee ay degan yihi-in malaha waxaa toosnaan la-hayd hadaan soomaalidu iska deyn karayn mukhaadaraadka qaadka in ay lacagta u huraan kan dhulkooda ka baxa, oo ay

Godka Tabco

Page 26: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

26 YAGLEELKA AAYAHA

QAADKA IYO DHIBAATOOYINKIISA

Faarax Axmed MuuseBSC, MSC (clinical and diagnostic Micro-biology)Bare: Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Barriga AfricaBosaso-SomaliaE-mail: [email protected]

Waxaa dhab marag ma doonta ah in uu qaadku ku hayo dhibaato caafimaad iyo mid dhaqan dhaqaale umadda Soomaaliyeed, wax-aa muuqata in ruugista iyo ka ganacsiga qaadku ay sii kordheysay labaatankii sano ee u danbeysey. Qof kas-ta oo Soomaali ahi waxaa uu markhaanti ka yahay in maandooriyaha qaadku dhib ba’an ku hayo kobaca dhaqa-alaha, nabadgelyada, jiritaan-ka qoyska, caafimaadka iyo fekerka suuban ee ummada. Sidaa daraadeed waxaa lama huraan ah in aan si kooban oo cilmiyeysan uga hadalno geedka qaadka, taariikhda cunista qaadka, dhiska kii-mikaad ee qaadka, waxyee-looyinka caafimaad ee qaad-ka, dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee qaadka iyo si-yaabaha ugu haboon ee lagu xakameyn karo cunista iyo ka ganacsiga qaadka.Geedka QaadkaMagac sayniseedka geed-

ka qaadka waa (Catha edulis) oo macnihiisu yahay qaadka la cuno, magacan waxaa baxiy-ey cilmi bare u dhashay dalka Iswiidhan lana oran jiray Peter Forsskal, ninkani waxaa uu ka mid ahaa rag cilmibaarayaal ahaa oo uu boqorkii shanaad ee Denmark (Frederick V) 1760 uu diray in ay sahan iyo cilmibaaris ku soo sameyaan dhulka shaam iyo khaliijka ee ay Carabtu deg-to, Petter Forsskal waxaa uu ku dhintay dalka Yemen 1763 wax-aase qoraaladii iyo cilmibaaristii uu ku sameeyay geedka qaadka faafiyey saxiibkiis Niebuhr 1775 kaas oo ku weheliyey safarkiisa.Geedka Qaadka waa geed cagaaran, meel dhexaad ah kaas oo inta badan dhererki-isu u dhexayo 3-7 mitir, wax-aase dhacda in uu dhererkiisu gaadho 15-25 mitir marka uu ka baxo dhulka joogiisu hooseeye, geedka waxaa uu leeyahay jirid dhuuban oo leh qolof cad, cal-eema abid cagaaran, wuxuuna bixiyaa ubax iyo miro leh iniin xiliga gu’ga. Geedka qaadka

iska daayaan kan uga imanaya waddamada Deriska ah, Si la-cagtii debada inaga aadaysey inoogu baaqato.Toga midhisho.Toga Midhisho ayaa isna ka mid ah goobaha sida weyn loogu yaqaano dalxiiska, wax-ana maalmaha jimcaha iyo khamiista ay dadka reer Ceer-igaabo majo baxsi u aadaan togga Midhisho oo ah tog laba buurood oo dhaadheer dhex-dooda ku yaala, isla markaa-na lagu tabcay oo ay ku beer-an yihiin geed midhoodyo kala duwan sida Sayntuunka, liinta, Farsuugii, Cambiha, xasiigtii iyo iwm.Baliyada waaweyn ee aan gudhayn ee biyuhu fadhiyaan cagaarkuna hareereeyey ayaa ah mid aan indhahaagu ka daa-layn oo ay markasta majeeran-ayaan ama ay jamanayaan, waa hubaal oo is weydiini kama ta-agna in aad jeclaanayso oo aad is oranayso yaan weligaa ka te-gin.Goobaha kale ee dalxiiska iyo tamashlaha ku wacan ee gobol-ka Sanaag ee indhahaaga soo jiidanaya waxaa iyana ka mid ah deegaanka Godmo biyo cas leh, waa shaloowyo biyuhu ka soo dhacaan, biyahaas waxay ka soo hoobanayaan oogada oo ah dhul qaboow, waxayna ku hoo-banayaan gubanka oo ah dhul kuluul, sidoo kale deegaankani waa dhul beereed aad u qurux badan .

Page 27: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

27YAGLEELKA AAYAHA

waxaa uu si wanaagsan uga baxaa dhulka joogiisu sareeyo ee roobanaha ah kaas oo heer kulkulkiisu u dhexayo (5-35 C0,) waxaa la tilmaamaa in geed-ka qaadka ee ka baxa dusha sare ee buuraha uu ka saameyn badan yahay (marqaan) kan ka baxa dhul hooseedka siman.Taariikhada QaadkaMa jirto taariikh sugan oo laga

hayo geedka qaadka, waxaase la tilmaamaa in ay cunista qa-adku ka horeysay isticmaalka bunka, masaaridii hore waxay ka aaminsaneyd qaadka in uu yahay quud ilaah kaas oo qofkii cuna siinaaya awood ka duwan mida dadka caadiga, waxaa la sheegaa in cunista iyo beeri-sta qaadku ka soo bilaabatay wadanka Itoobiya una soo tal-laabtay dalka Yemen horaantii qarnigii 14aad.Maxamed ibnu Axmed Albayru-unii ( Abu Rayxaan) oo ahaa caa-lim muslim oo khabiir ku ahaa culuumta caafimaadka, daawa-da, juquraafiga iyo xiddigiska kuna dhashay dalka Osbaki-stan sanadkii (362 H ama 973

M) ayaa la sheegaa in uu ahaa ninkii ugu horeyay oo qoraal wax kaga tilmaamay geedka qaadka, wuxuuna kitaabkiisa (Al-saydalah fil al-dhibi) ee uu qoray qarnigii 11aad ku sheegay in uu qaadku yahay badeecad laga keeno dhulka Turkista-an (Jamhuuriyadaha islaamka ee ruushka) loona isticmaalo daaweynta cudurada dhefshi-

idka ee saameya caloosha iyo beerka. Najiibu diin Al-samarqa-ndi oo isna ahaa caalin muslim oo aqoon dheer u lahaa culuumta daawada wax-uu ku shee-gay kitaabkiisii

(Al-aqraasiin) (Pharmacology) ee uu qoray sanadkii 1237 in qa-adka laga isticmaalo Yamen iya-ga oo sheegta in ay ku daweyaan daalka iyo murugada. Imaamu Al-maqriisii oo noolaa intii u dhexaysay (1364- 1442 M) wux-uu ka waramay mar uu booqday magaalada Saylac in dadka reer Saylac ay cuni jireen qaadka iya-ga oo sheeganaya in uu yareeyo rabista cuntada, baahida gal-mada iyo raaxada hurdada. Si kastaba ha ahaatee taariikhda qaadku waa mid qadiim ah oo aan laheyn xilli go’an oo ay soo bilaabatay.Dhiska Kiimikaad ee QaadkaDhiska kiimikaad ee qaadku

waxay ku hiran tahay hadba de-gaanka iyo cimilada meesha uu ka baxo, walxaha kiimikaad ee uu qaadka ka kooban ya-hay waa badan yihiin waxaase ugu muhiinsan labada maado Kaatinon iyo kaatin-ka (Cathi-none and Cathine) kuwaas oo saameya hadhiska dareen wad-ka bani aadanka ( Psychotropic compounds), maadooyinka waa kuwa keena marqaanka (eupho-ria) iyo ku walfidda cunista qa-adka. Maadada kaatinon waxay khalal iyo jahawareer gelisaa habsami u socodka hadhiska da-reen wadka madaxa banaan (au-tonomic nervous system (ANS)) kaas oo inta badan xakameeya garaaca wadnaha, hannaanka neefsashada, habdhiska dheef-shiidka, xididada dhiigga, IWM, sidaas oo kale waxay maada-da kaatinon saameysaa xarun-ta dhexe ee habdhiska dareen wadka ( central nervous system) waxay sababtaa xilliga qaad-ka la cunayo dareen farxad iyo rayrayn been ah leh iyo walwal iyo walbahaar marka ay cunista qaadku dhamaato. Sida kas-

Qaab dhismeedka maadooyinka kaatin iyo kaatinon

Page 28: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

28 YAGLEELKA AAYAHA

taba ha ahaatee maa-dada kaatinon (Cathi-none) ayay qaramada midoobow ku dartay liis-ka maandooriyayaasha darajada kowaad 1971 (UN convention of psy-chotropic substances) kuwaas oo aan sina loo isticmaali karin looga-na ganacsan karin, sidoo kale waxay liiska dara-jada sadexaad ku dartay maadada kaatin (Cathine) oo iyana ka mid ah dhis-ka kiimikaad ee qaadka. Wadama badan oo ka mid yihiin Canada, Ger-many, Hong Kong, France, Norway, Sweden, USA iyo Switzerland ayaa qaadku ka yahay maandooriye ay cunistiisa iyo ka ganac-sigiisuba tahay mid aan la ogoleyn, waxaa iyana dhowaan mamnuucday cunista qaadka wadanka Ingiriiska. Haddaba max-aa kala gudboon maamu-lada Soomaalida cunista iyo ganacsiga qaadka, in-aga oo og dhibta uu ina-gu hayo in uusan ku heyn wadamadaas aan kor ku soo xusnay??.W a x y e e l o o y i n k a Caafimaad ee QaadkaQaadku wuxuu waxyee-

layaa caafimaadka qofka, wuxuuna saameyaa inta badan xubnaha iyo hadhisyada jirka, bal aan mid mid u dul istaagno waxyeelooyinkiisa caafimaad aniga oo xiganayna qoraa-lo ay hay’adda caafimaadka aduunku (WHO) ka qortay waxyeelooyinka qa-adka . DhimirkaSaamaynta ugu muhimsan ee qaad-ku waa tan dhimirka, taasoo la xiriirta

awooddiisa maandoorinta. Qof-ka cunidda qaadka badsadaa waxaa lagu yaqaan caro badan iyo ilaalin la’aan tebinta fikra-daha iyo dhaqdhaqaaqa jirka, kuwaasoo sabab u noqon kara dagaal iyo shilal, qaad cunis-tu waxay leedahay calaamado waaliyeed sida qofka oo yeesha firfircooni dheeraad ah, hurdo la’aan iyo daal la’aan isuna arka

Page 29: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

29YAGLEELKA AAYAHA

in uu isugu yahay madaxweyne ama nin aan cidna ka sareyn (manic illness with grandiose delusion). Cunidda badan oo raagta ee qaadku waxay iyadu keeni kartaa waalli dhab ah.

• Habdhiska dheefshiidkaMaaddooyinka kaatinka, kaati-nonka iyo tanniinyada ee qaad-ka ku jiraa waxay dhabqiyaan

hawlaha dheefshiidka, taasoo keeni karta hamuundarro (an-orexia), yabuusad (constipation) , caloolholoc stritis) beerqolfow (liver fibrosis), baabasiir (hemor-rhoids), laba iyo tobbanlaha oo boogooba (duodenal ulcer) iyo kaankarada ku dhacda qeybta sare ee habdhiska dheefshiidka ( upper gastro-intestinal malig-nancy).

Boogowga laba iyo tobbanlaha

Kaankarada afka

• Afka Cunista qaadku waxay burburi-saa ilkaha iyo cirridka, taasoo dhibaato u keenaysa hawsha calalinta iyo caafimaadka afka, waxay fududeysaa cudura-da faafa ee ku dhaca ilkaha iyo ciridka (dental caries and peri-odontal disease), cunista badan ee qaadku waxay sababtaa kaankarada ku dhacda afka (oral cancer), cilmi baaris lagu sameyay dalka Yamen oo lagu beegsanaayey 36 qof oo qabay kankaarada afka ayaa waxay muujisay in 30 ka mid ahi dad-kaasi ay si joogta ah qaadka u cunijireen.

• Habdhiska taranka iyo kaa-di mareenka (Genito-urinary system)

Qaadku wuxuu sababaa qofka oo kaadidu qabato oo kari waayo in ay kaadidu ka soo baxdo (uri-nary retention), shahwada oo dareerta galmo la’aan (sperma-torrhoea) iyo himadda galmada oo yaraata.

• Habdhiska dhiig wareega (Cardiovascular system )

Cunista qaadku waxay keentaa garaaca wadnaha oo kordha (tachycardia), dhiigkar, xididada dhiiga oo ciriiryooma, nudayaa-sha murqaha wadnaha oo bur-bura taas oo keenta wadnaha oo howl gaba, maskaxda iyo sam-babada oo dhiig ku furmo.

• Cudurrada Galmada ku faafa ( cudurada fisqiga)

Sida aan wada ogsoonahay cu-nista qaadka waxaa la xiriira is dhexgal rag iyo dumar aan isu

Page 30: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

30 YAGLEELKA AAYAHA

dhixin, taas oo sahasha galmo xaaraan ah, fududeysana faafida cudurrada halista ah sida AIDs-ka, Isfiilitada (waraabowga), Jabtada iyo kuwa kale oo badan.

Dhibaatooyinka Bulsho ee Qa-adkaDhibaatooyinka uu qaadku ku hayo arimaha bulshada iyo qoyska ma ahan mid la dhay-alsan karo, waana arin qofkii u kuur galaa ay dhabanadiisu la ilmeynayaan, cunista qaad-ku waxay burburisay qoysas badan oo nabad iyo nolol ku naaloonayay, waxay dayac iyo darxumo badday ubad badan oo mustaqbal iyo aayo wanaagsan ku haminaayey, waxay dhabq-isay horukacii iyo baraarihii umaddi higsaneysay, si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinka bul-sho ee qaadka waxaan ku soo koobi karnaa sidan.• Musuqmaasuq: qaadku waa asalka musuqmaa-suqa iyo falal danbiyeedyada la galo, ninka qayilaa wax kas-ta waxaa uu dhaafsadaa majin qaad ah oo uu wahabka isaga qaado isaga oo aan dan iyo hee-lo ka gelin cawaaqibta danbe ee falkiisa, qaran dhan in uu qaad siistaana waxba kuma ahan qoys iyo caruurr iskaba daaye.• Khilaaf iyo kala tag qoyska

dhexdiisa ah: Qofka qayilaa ma dabooli karo baahida dhaqaale ee qoyskiisa maxaa yeelay marna waa qaad

raadis marna waa qaad raam-si, marka shilimaadka uu helaa isaga daaqiisa iyo marqaankii-sa kama badna, taasina waxay keenaysaa khilaaf iyo kala tag laga dhaxlo mira aan la ma-hadin.

“ Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa lehQayil oo cun reerkiina qadi qa-adow adigaa leh ” • Dhaqan xumo iyo dhilleysi: inta badan meelaha lagu qayilo waxaa is dhex fariista rag iyo dumar wada qaawan kuwaas oo hadii marqaanku gaaro aysan wax kala celinayaa jirin, af xu-mada iyo akhlaaq darada dadka qayila iyo kuwa ka ganacsada waa marag ma doonto.“Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh”• Cibaado xumo iyo rabi ka

fogaansho:qaadku waxaa uu leeyahay sa-laada iyo cibaadada oo laga wahsado

“ Qaadicu salaadnimo qasad ah qaadow adigaa leh ”

Dhibaatooyinka dhaqaale ee qa-adkaDhibaatooyinkaas badan ee ka soo hadalnay waxaa isku fuuqsanaayaa dhibaatooyinka dhaqaale ee uu qaadku ku hayo ummada Soomaliyeed dal iyo dibadba, waxay ay cilmibaari-sya la sameeyay muujinaayaan in maalin walba Kenya loo diro aduun dhan 800,000 oo doolar halka itoobiyana loo diro han-ti dhan 300,000 oo doolar taas oo wadarta guud ee lacagta qa-adka inooga baxda maalintii ka dhigeysa xoola dhan 1100,000 oo daalar taas oo sanadkii no-qoneysaa (1100,000 x 365 maalmood = 396,000,000).Bal aan si fudud isu barbardhi-gno miisaaniyad sanadeedka 2015 ee dowlada federaalka, dowlad goboleedka puntland iyo mida Somaliland iyo miisaani-yada qaadka ee sanadlaha ah. Sida ku cad jaantuska sare

Miisaaniyad sanadeedka 2015 Vs Kharashka ku baxa qaadka sanadkiiba ( Doolarka Mareykanka)

01 Dowlada Federaalka Soomaaliya 239,900,00002 Dowlad Goboleedka Puntland 42,876,00003 Soomaaliland 108,000,000

Wadarta Guud 390,776,000Kharashka Qaadka ku baxa sanadkiiba 396,000,000Farqiga 5,224,000

Page 31: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

31YAGLEELKA AAYAHA

waxaan aragnaa in kharashka qaadka nooga baxaa 5,224,000 oo doollar ka badan miisaani-yad sanadeedka Soomalida ee 2015, haddaba miyuusan qaad-ku aheyn musiiba qaran??.

Habka ugu haboon ee lagu xakameyn karo cunista iyo ka ganacsiga qaadka

Qaadku waa musiibo qaran, xakameyntiisuna waa masuuli-yad saaran qofkasta oo Soomaa-li, waxaase mas’uuliyadda ugu weyni saaran tahay madaxda iyo horjoogayaasha umadda, dow ma ahan in aan waxaas oo aduunya ah u dhoofino wadda-mo aan nolosheena iyo soo ka-bashadeenu dan u aheyn, kana soo qaadano wax burburinaaya dhaqaalaheena, anshaxeena, caafimaadkeena, kartideena iyo dadnimadeena, hadii aynan la-heyn ficilo qaran ma weynay fiiro dhaqaale!!!. Ugu danbeyntii waxaan ku talin lahaa arrimah-an si loo xakameeyo cunista iyo ka ganacsiga maandooriyaha dilaaga ee qaadka.• In la saaro qaadka canshuur

aad u badan kana badan bo-qolkiiba laba boqol.

• In sidoo kale la saaro cans-huur badan gaadiidka qaad-ka keena sida diyaaradaha iyo gadiidka dhulkaba.

• In laga saaro faras magaa-layaasha goobaha qaadka lagu iibsho iyo meelaha lagu

cuno• In loo sameeyo saylad u

gaar ah oo ku yaal daafaha magaalooyinka

• In laga mamnuuca cunista qaadka goobaha dowladda xiliyada shaqada.

• In la sameeyo wacyi gelin balaaran oo ku saabsan qa-adka iyo dhibaatooyinkiisa

• In loo aqoonsado qaadka musiibo qaran.

“ Nin dharbaaxo quureed dugs-aday dhaqayadeed maalye Dha-shaadeydaa Sugtaa xaajadaad dhowrataa ebidde ”

Xaaraanimmada QaadkaUla jeedooyinka ugu waaweyn ee shareecada islaamka loo soo dejiyey in ay dhowrto ayay culi-mada islaamku ku sheegaan in ay yihiin • Dhawridda diinta • Dhawridda nafta• Dhawridda caqliga• Dhawridda hantida • Dhawridda sharafta • Dhawridda dhasha Waxkasta oo intaas mid ka mid ah wax u dhimaa waa xaraan aysan banaaneyn isticmaalki-isu, hadaba waxaa nin kasta oo caaqil ahi ogyahay in cuni-sta qaadku ay waxyeelayso di-inta, nafta, caqliga, hantida iyo sharafta sidaas darteed iyada oo aan daliil iyo nusuus badan loo raadin ayay cadahay xaraantin-imadiisu.

Page 32: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

32 YAGLEELKA AAYAHA

Page 33: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

33YAGLEELKA AAYAHA

Waa maxay Federaalnimo? Federaalnimadu waa nooc ka-mida noocyada lagu baahiyo awoodda siyaasadeed iyadoo awoodaha dastuuriga ah loo kala qeybinayo laba heer oo kala ah: heer qaran iyo heer gobol, waa midow dawladeed oo ay hoos imaanayaan daw-lada yar-yar, ama waa daw-lad goboleedyo isugu tegey hal dawlad oo midaysa, dawladda federaalka ayaa waxa ay u xil saarantahay wixi ku saabsan xi-riirka arrimaha debedda, marka ay timaado xiriirka ay aduunka kale la samaynayso waxa ay u muuqataa dowlad qura.

Noocyada federaalka.1-Federaalnimada midowga. federaalnimadan waxa ay ti-maaddaa marka ay isku tagaan dhowr dawladood ama dhowr gobol sida Germany , Canada iyo USA.Federaalnimadaas oo kale waxa ay timaadaa marka ay dowlada-haas yar-yar oo isku tagay ay u arkaan inay dani ugu jirto isku

tegiddooda , waxayna u arkaan in awooddooda sare u kacayso, si ay iskaga caabiyaan awooda kale oo Gobolka ka jira.2-Federaalnimada ka hortagga kala tegida .federaanimadan waxa ay ti-madaaddaa marka ay jirto cab-si laga qabo in dawlad jirtay ay kala googo’do, taas oo sabab looga dhigay cadaadis kaga yamid shacabka hoostagaya dowladdaas oo ku kala duwan umuuraha ku saabsan diinta, luqada, isirka, dhaqanka, iyo wixi la halmaama, xaaladdaan oo kale marka ay taagantahy waxa la qaataa nidaamka feder-aalka si qayb kasta oo ka mida dawladda loo siiyo jaanis ay isku maamuli karto; si waafaqsan waxay aaminsanyihiin.

Maxaa keena in la qaato Feder-aalnimada?1-Dagaal sokeeyedawladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa hawada ka baxaday (1991)dii kadib markii ay guluf dagaal ku qaadeen jabhado abaabulan

oo ku andacoonayey inay kaca-banayaan dulmi iyo ku tagrifal awoodeed, dagaalkaasi waxa uu isku bedeley dagaal beeleedyo lagu riiqmay, oo soomaaliya u horseeday bur-bur dhinac walba ah, nidaamki iyo kala danbayn-tii ayaa noqotay mid laalan ilaa waqtigaan aan taaganahay. shirar iyo kulamo badan kadib oo lagu qabtay dawlado badan oo Soomaaliya deris la ah ayaa quus laga gaarey inay Soomaa-liya lugaheeda dib isugu taagto, oo dawlad midaysan oo awood leh noqoto.dagaaladii sokeeye iyo gabood falladii baaxadda waynaa ee waddanka hareeyey ayaa keenay in dib looga feke-ro suuragalnimada in la helo Soomaaliya oo hal dalwad oo dhexe leh, shacabka Soomaliy-eed badankiisu waxa uu gaarey xaqiiq ah in si ay u kala bad-baadaan ay tahay inay qaataan nidaamka federaalka, dawlad goboleed-kii ugu horeeyay ee ku qanacday nidaamkaan waxa uu ahaa dawlad gobleedka Punt-

FEDERAALNIMADA & SOOMAALIYADA CUSUB

Page 34: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

34 YAGLEELKA AAYAHA

land (1998)dii.Maxamed Abshir Waldo oo ah qoraa Soomaliyeed qoraal uu kufaafiyay websaydka Horseed media bishii Oktoobar 2010 oo cinwaankiisu yahay Fadaralism in Somalia “the birth of Puntland State and The lessons Learned” waxa uu ku sheegay:1) In nidaamka maamul Goboleedyadu uu yahay midka ugu habboon marka la eego xaa-ladda lagu jirey ee lagu daweyn karo, lagagana gudbi karo, cab-sida, cadaawadda iyo kalsooni xumada ka dhalatay dagaalkii sokeeye ee dhiigga lagu qubay. 2) In federaalku yahay xal u dhexeeya nidaamyada kala ah hannaanka maamul ee ku sa-leysan awood-maroorsi, xarun keliya taladu ka go’do, iyo tan goosashada mutaxan. 3) xukun wadaaggu wuxuu xoo-jinayaa, awoodna siinayaa de-gmooyinka iyo gobollada, isla markaana wuxu keenayaa horu-mar bulsho iyo mid dhaqaale oo isku dheeli tiran, wax-soo saar-na leh (Waldo, 2010)2-Ummad ku kala duwan isir, diin ama luqad. Waxa is weydiin mudan hadday Soomaalidu tahay ummad ka midaysan dhinaca diinta luqada , isirka iyo dhaqankaba hadana waxay qaateen nidaamka fed-eraalka ..! nidaamka la qaadan-ayo waa inuu noqdaa nidaam aad ka dhex aragtay dantaada , Soomaaliya waxa ay u kala qa-ybsantahay qabiilo, marka ni-

yada qofka waxa kasii guuxaya dhibtii laga dhaxlay dawladdii keli-taliska ahayd, iyo tii laga soo maray dagaalladii soke-eye ee Soomaaliya halakeeyay oo kala firdhiyay, sababtayna in qof kasta ku laabto dhulkii uu asal ahaan ka soo jeedey, taas-oo uu u arkay inuu ku bad-baa-dayo , dhab ahaantiina waa lagu bad-baadey, artintaan waxay keentay oo ay noqotay dhul ku suuban inuu ku barbaaro fikirka ah in la qaato nidaamka feder-aalka ah, waxayna dadku ku an-dacoonayaan hadaanu maanta ku bad-baadney dhulkayagii oo dawlad iyo nidaam ka jirin ber-ritana waa ay ka sii fiicnaanay-saa haddii maamul gooni ah loo sameeyo iyadoo tan guudna oo Soomaaliya ahna la wadaago.

Faa’idooyinka Federaalka:1-Dhiira gelinta maamul-wana-agga iyo baahidda maamulka. Dawlad federaal ahi waxay dhiiri gelisaa horumarka guud ee qa-ranka, iyadoo ka soo dhiseysa meel hoose ,tuulo, degmo, gobol, iyo ilaa heer dawlad dhexe, tani waxay kalsooni ku abuuraysaa maadaama shacabku iskood isu maamulayaan waxay kale oo abuuraysaa kalsooni ah in aya-gu iskood wax u qabsan karaan, sababtoo ah maamulkaasi waxa uu aad uga dheregsanyahay una fahsanayahay baahida mee-shaas kajirta, maadaama uu si hoose uga taliyo goobta baa-hidaasi ka taagan tahay, waqti

dheerna qaadan mayso in uu la fal galo wixii dhib ama cabasho ah oo ka yimaadda dhanka sha-cabka. 2-Kawarqabka iyo u dhowaan-shaha shacabka: Nidaamka Federalka ahi waxa uu u dhowyahay shacabka mar-ka loo bar-bardhigo tan xarunta dhexe oo keliya ah, waxa uu fududeynayaa la xisaabtan-ka maamulka, wuxuna soo dhaweynaaa adeegayada bul-shada loo hayo.Waxa tusaale inoogu filan daw-laddii dhexe ee Maxamed Siyaad muwaadinka Boosasso kunool oo kale waxa laga yaabaa inuu jaro masaafo gaaraysa (1500 ) Km; si uu u helo saxiix uu uga baahanyahay xafiis dawladeed oo caasimadda ku yaal, xafi-iskaas hadduu gobolkiisa ku ooli lahaa kuma qaadateen in ka badan saacado tirsan. Sidaa darteed nidaamkaas xarunta dhexe ahi waxa uu u daranyahy waqtiga , dhaqaalaha, iyo raaxa-da muwaadinka , waxuna ku abuurayaa shacabka uur kutaa-lo keeni karta in looga faa’ideys-to in nidaamkaas khal-khal lagu abuuro.3-Ka hortagidda ku tagrifalid awoodeed. Faa’iidada ugu muhimsan ee laga dhaxlo dawladda feeder-al ahi waa in la’isku miisaamo (dheellitiro), awoodda dawladda dhexe iyo tan gobollada, waxay adkaynaysaa ama meeshaba ka saaraysaa in hal qof ama koox is

Page 35: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

35YAGLEELKA AAYAHA

ku dani waddanka afduubtaan, oo awooddana ku tagri falaan, madaama awooddu u kala qa-ybsantahay maamul goboleedy-ada iyo dawladda dhexe. 4-Awood qaybsi ku dhisan sin-naan iyo caddaalad.Dawladaha soo koraya waxa hareeyay oo ay kacabtaan cadd-aalad darro iyo in koox gooni-yi maamulka waddanka iyo khayraadkiisaba isku koobaan, haddaba tan federaalka ahi waa ay ka duwantahay oo awoodda dhexe si siman ayaa loo qayb-sanayaa, tan gobolkana gobol-ka kasti isagaa u madax ban-naan maamulkiisa , khayraadka waddanku leeyahayna waxaa loo qaybsanayaa hab laysla ogolyahay oo lagu caddeynayo axdi qarameedka u yaal wadd-ankaas. 5-Tartan horseedaya hor-umarBini’aadamku dabci ahaan waxa uu jeclyahay inuu tartamo , tartankaasna waxa uu keenaa dadaal iyo shaqo badan, addu-unku haddaanu tartan iyo lool-an dhinac walba ah gelin xiiso iyo dhadhan mayeesheen, sidaa darteed ma jiro dawlad goboleed jecelaanaya inuu arko dawlad goboleed kale oo ay siman yihiin inuu ka hormaro, taasina waxay keenaysaa in dawlad goboleed kasti guntiga dhiisha iskaga dhi-go si uu u higsado horumar.6-Waddanka oo aan u nuglaan burbur guud. Dawladda awoodehee-da hal meel lagu soo koobay

(centralized) waxa hubanti ah hadii burbur dhoco in ay dow-ladda dhexe hawada ka baxay-so, waxayna keentaa in dowla-dii dhammaydi tin iyo cirib lagu kala tago, waa sidi Soomaaliya ka dhacday (1991)dii marki ay dawladdii dhexe duntey.Nidaamka federaalka ahi taas waa ka ka duwanyahay oo ni-daamka dawlad goboleedyada ka dhexeeya hadduu dhexda ka boxo dowlad goboleed kastaa nidaamkiisa ayuu ilaashan-ayaa, sidaadsna waxaa looga bad-baadyaa bur-bur aan wax-ba hanbayn.

Caqabadaha iyo dhibaatooyinka federaalnimada. 1- Awood-qaybsiga oo aan kala caddayn. Marka aynu fiirinino xaaladda maanta ee Soomaaliya waxa muuqanaysa in ay tahay xaa-lad adag oo u baahan hoggaan hufan oo ka madax bannaan saamaynta qabiilka, kartina u leh in uu Soomaaliya ka saa-ro ceelka dheer ay ku dhacday , haddii taas aan la helin nidaam-ka federaalka ee la qaatay xal u noqon maayo maadaama aan laysku kalsoonayn, oo maamul kasta uu is adkaynayo , doonay-ona inuu sadbuursado; si uu uga gaashaanto waxa niyadiisa ku jira oo ah inuu dulmi la kulmi doono.Soomaalida dastuur iyo xe-er-hoosaadyo aad u quruxbadan way qoraan yaqaaniin hase

ahaatee tan is waydiinta mudan waxay tahay intee in la’eg ayay diyaar u yihiin inay fuliyaan? Shaki kuma jiro inuu jiro xeer hoosaad kala hagaya daw-ladda-midowga iyo dawlad goboleedyada laakiin wax-aa hubanti ah in laysla fahmi waayayo mid kasta awooddiisa intay gaarsiisantahay, tusaale ahaan, Puntalnd iyo dawladda dhexe dhawr mar waxay isku jiireen yaa awood u leh in heshiis caalmaiya lala yeesho shirkada shidaal, kaasoo ladmacsanaa in laga baaro dhulka dawladda Puntalnd. 2-Dowlad taag daran Soomaaliya maanta waxa ay la ildaran tahay dagaalo soke-eye iyo mid fikirro is diidan ah, kaasoo sababay in Soomaaliya ku sigatay in maabka aduunka laga waayo, waxa dhashay daw-lad goboleedyo kala qoqoban oo si toos ah aduunka ula xariiraya, taasina waxay sababaysaa in dowladda dhexe awoodeedu wiiqantao, maadaama dowlad goboleedkasta gooni loola xi-riirayo, tani waxa kaliya ee la-gaga bad-baadi karaa waxay ku xirantahay aduun weynaha iyo dowladaha dariska ahi sida ay ula dhaqmaan dawladda dhexe.

Ccaqbadaha soo waajihi kara federaalnima Soomaaliya 1-danaha qabiilka iyo baahinta maamulka. qoraaga Soomaaliyeed ee Max-amed Cumar ayaa waxa oo

Page 36: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

36 YAGLEELKA AAYAHA

maqaal uu ku qoray mareegta Shaahid Luuliyo (2014)kii asa-ga oo kahadlaya qabaa’isha iyo go’aamada ay ka taaganyihin federaalnimada, ayuu wuxu yiri sidaan:qabiilada qaar ka mid ah waxa muuqata ( in ay aad u diidany-ihiin federaalnimo sababtoo ah waxay aaminsanyihiin in qayb-siga awoodda siyaasadeed ee noocaan ahi u qalmin qabiilkoo-da, maadaama tiradadooda iyo gobalada ay Soomaaliya ka deganyihiin isu dheeli tirnayn, dastuurka federaalka ahna waxa ku cad federaalnimada in asal loogu dhigayo 18kii gobol ee ji-ray (1991)kii kahor. Beelaha qaar gaar ahaan kuwa dega koonfurta asagoo ka had-layanaya wuxu yiri: ( qayb ka-mida konfurta Soomaaliya iyo gobalada dhexe waxay soo jee-dinayaan in nidaamka laqaad-anayo uu noqdo federaalnimo midow fudud ah, iyadoo lad-amaanad qaadayo in si cadd-aaladi ku dhisantahay loo baa-hinayo adeegyada asaasiga ee looga baahanyahay gobolada. Madaxda Soomaaliya iyo kaa-lintooda kaga aaddan baahinta Maamulka. dawladahi ku meel gaarka ahaa iyo dawaladda Xasan Sheekh hoggaaminayo ( ee hada xilka haysa ) waxa ay ku guul darray-steen in ay nimaadka federaalka ku baahiyaan gobolada dalka, taasina waxa loo aaneenayaa in labadi madaxweyne ee ugu

danbeeyay ladhacsanayn ni-daamka federaalka ah, xeeld-heerayaal arrimaha siyaasadda ka faallooda ayaaa waxay ti-baaxayaan in labada madax-weyne ee ugu danbeeyay (sha-riif iyo Xasan) ay caqabad ku noqdeen baahinta nidaamka federaalka, iyagoo adeegsan-ya awoodda dawladeed, waxa tusaale nool u ah xusul duub-ki uu u galay madaxweynaha hada xilka hayaa mudane Xasan Sh.Maxauud inuu carqaladeeyo dawlad goboleedkii Jubaland, dadaal dheeri ah ayuu ku bixi-yay sidii uu isu hortaagi lahaa in halkaa laga yagleelo nidaam dawlad goboleed ah oo dowlada wadaagga hoos tagta. dawladda Puntland iyo daw-ladda deriska ah ee Kenya oo dan gaara ka leh Jubbaland ayaa waxay u muujiyeen ta-ageero hagar la’aaneed hirgelin-ta nidaamkaasi, intaa kadibna wada hadalo dheer iyo heshiisi-in ay dhex-dhexadinaysay urur goboleedka IGAD iyo dowladda Ethopia ayaa lagu soo afjaray khilaaf jiitamay o u dhexeeyey Xasan Sheekh iyo Jubbaland.khilaafaadkaas soo noqnoq-day ee u dhexeeyey Puntland iyo dawladda Federaalka ah ee muqdisho waxa uu ku qotomaa isfahan la’aan labada dhinac ah oo ku salaysan arrimaha feder-alnimada iyo awood qaybsiga.Dastuurka dalka iyo baaahinta maamulka.Dastuurku waxa uu tibaaxaayaa:

“Soomaaliya waa dawlad fed-eraal ah oo madaxbannaan, waana Jamhuuriyad dimuqraa-di ah oo ku dhisan hannaanka is-matalidda loo dhan yahay ee shacabka (inclusive repre-sentation), nidaamka xisbiyada iyo caddaalad bulsheedka ah ” (Dastuurka qabyada ah, 2012). sidoo kale, dastuurka qabyada ah wuxu caddaynayaa in feder-aalku ka kooban yahay laba heer oo kala ah dawladda dhexe, iyo dawlad goboleedyada. Waxana dawlad-goboleed noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan – gobollada waxaa laga tixraa-cayaa 18-kii gobol ee dawladdii meleteriga ahayd ay ka tagtay (Dastuurka qabayda ah, 2012).Sida ku cad dastuurka Soomaa-liya aan kor kuxsnay waxa uu caddaynayaa in dawlad-goboleed uu noqon karo keliya laba gobol iyo wixii ka badan, marka maanta daw-lad gobolodeedka shirkiisa loo fadhiyo ee la fialayo dowlad goboleed loogu sameeyo gobo-lada dhexe waxa u u si cad oo aan gabasho lahyn uga hor imaanayaa dastuurka waddan-ka u degsan.Waxa arrin lala yaabo ah in madax weynihii loo igmaday ilaalinta dastuurka uu yahy kan ugu horreeya ee kutumanaya dastuurka wadanka u yaal, bil guduheed ayuu madaxweynuhu in kabadan saddex jeer isaga daba laabtay gobollada dhexe; si uu u dardar geliyo hirgelin-

Page 37: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

37YAGLEELKA AAYAHA

ta maamulkaas, waxa is weey-diin mudan sababta keentay in madaxweynaha iyo kooxdi-isu u hayaan xamaasad intaa le’eg dawlad goboleed ka hor imaanaya dastuurka dalka u degan iyadoo la ogaa caga jiidki madaxweynaha iyo jallaafeynta uu ku hayay waqtigii la asaas-ayay maamulka Jubbaland.dadka la socoda arrimaha si-yaasadda Soomaaliya wax-ay adkaynayaan in dawlad goboleedka gobolada dhexe laga samaynayo looga gol-leeyahay in lagu huriyo dagaal beeleedyo iyo is qaqabsi dhinaca soohdi-maha, taas oo ay rabaan inay sabab u noqoto fashilka arri-maha maamul baahinta, waana sida uu ku fekerayo madaxway-naha iyo kooxdiisa oo aad uga soo horjeeda maamul baahinta.

Seebaa looga gudbi karaa caqa-badahaas 1-Dhismaha dowlad goboleedy-ada in la dhamaystiro. Si kasta oo ay uga caga jiideen labadii madaxweyne ee ugu danbeeyey (sheekh Shariif iyo Xasan Sh.maxamuud dardar-galinta iyo dhamaystirka dawlad goboleedyada, hadana iyadoo diidmadaas iyo carqaladayntaas ay jirtay maanta dhamaystirka dawlad goboleedyadu meel fii-can ayuu marayaa, taasi waxaa loo aanayn karaa beesha caa-lamka iyo shacabka Soomaaliy-eed oo u arkay habka kaliya ee Soomaaliya ay ku kala bad-baa-

di karaan iyagoo hal dawlad wada leh in ay tahay nidaamkaa federaalka. Maanta Soomaaliya waxa si dhaba uga jira saddex dawlad gobeleed oo kala ah Puntland (1998), Jubbaland 2012 iyo Koonfur galbeed (2014ki) , in-tuba nidaamyadoodi dastuuri-ga ahaa way dhammaystireen, hada waxa haray waa in la dede-jiyaa dhameestirka wixi dhiman.Dawlad goboleedyada in awood dheeriya lasiiyoSi dawladdu hoos uga soo dhis-mato waa in awood dheeriya la siiyaa maamul goboleedya-da, loona gogol xaaraa sidii ay u hirgelin lahaayeen doorasha (one man one vote) ah kaasoo ka dhigaya nidaamka halkaa lagu doortay mid caga adag ku taagan, shacabkiisana meteli kara, waa in dawlad goboleedy-ada ay qaadaan tubta maamul wanaagga, baahinta maam-ulka oo ah in ay ka qayb geli-yaan dhammaan qaybaha bul-shada ee kaladuwan, oo cidna la faquuqin; si loo gaaro deg-naansho siyaasadeed, waxana muhiim u ah jiritaanka dawlad goboleedyada inay gaaraan isku filnaansho dhinaca dhaqaalaha ah, iyada oo ay tahay waddo loo marayo horumarinta kaaba-yaasha dhaqaalaha hada jira , iyo in la abuuro kuwa cusub; si loo dar-dar galiyo dhaqdhaqaa suuqa iyo kobcinta dhaqaalaha, waa in si nidaamsan oo waa-faqsan nidaamyada adduunka

canshuuraha wadanka loo soo xereeyaa, waa in si adag loo-la dagaalamaa musuqmaas-uqa, waa in dawlad goboleedku uu ku dadaalaa shaqa abuuris ; si hoos loogu dhigo shaqa la’aanta baahsan ee waddanka dhan saameyey taas oo qayb ka noqonaysa hoos u dhigidda fal-dambiyeedka waddanka ka dhaca In la sameeyo golaha xallinta khilfaadka soohdimaha dowlad goboleedyadaCaqabadda ugu weyn ee hor istaagi karta in la dhamaystiro maamul goboleedyada waxa weeye khilaafaadka ka dhalan kara soohdimaha iyo raadka ay reebi karto, waxan shaki ku jirin in aanu si wanaagsan u kala caddayn xuduudaha goboladu, waana halka uu isfahan waagu ka imaanayo.

Page 38: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

38 YAGLEELKA AAYAHA

Soomaaliya waxa ay muddo koo-ban ku tallaabsatay hurumar la taaban karo oo dhinaca warsha-daha yaryar ah, waxa la hirgeli-yey warshado yar-yar oo markii danbe lagaga nastay lacagihii adkaa ee debedda inaga aadi jirey, haddaba waxan markale

booqanay Buraale oo ah Madaxa Maktabadda Arshiifka ee majal-ladda ( Yagleelka Aayaha); si aanu u ogaano bal inuu hayo wax xog ah oo ku saabsan wer-shadahaas laga hirgeliyey dalka intii uu jirey xukunkii meleteriga ahaa ee u dhexeysey ( 1970 –

WARSHADIHII SOOMAALIYA

Faarax Biniin Boos

Page 39: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

39YAGLEELKA AAYAHA

1991)dii, nasiib wanaag wax-anu maktabaddaas ka helnay macluumaad iyo qoraalo badan oo ku saabsan waxqabadkii dawladdi dhexe ee burburtay, sidaa darteed waxan halkan ku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah magacyada iyo meelihii ay ku yaalleen warshadahaas ku burburay dagaalladi sokeeye ee dalka aafeeyey, taasoo ka mid

ah qoraalladi aanu ka helnay Arshiifka Majalladda, waxayna ku qoranyihiin Af-ingiriis, mana aanu turjumin maadaama dadka badankoodu fahmi karaan, waa-na kuwaan liiskii warshadahaas iyo ciwaanadi lagu yaqaaney beri samaadkii:1. Kisimayo Meat Cannery (P.O.

BOX 62 TELL 2074)2. Las-khore Fish Cannery (

telegram L,F,C, P.O. Box 1093 TELL 3565

3. Bilomog Fish Canneryhabo Fish Factory ( P.O. BOX 375)

4. SOMAL TEX ( Balcad Textile Factory) TELL 36050 MOG, BALCAD 6 TELEGRAM SO-MAL TEX– MOGDISHU )

5. ITOP (AFgoi Fruit Processing Plant) ( TELL 25025 TELEX 620)

6. BerBera Gypsum pilot plant7. Jowhar SNAI Sugar Factory

(P.O.BOX 25 TELL 26018)8. Mogdishu Milk Factory (P.O.

BOX 1709 TELL 80375 )9. Berbera Cement plant 10. Mogdishu Crude Oil Refinery

(P.O.BOX 1241 TELL 47069 TELEX 606 IRAQ SOM REFI-NARY MOG)

11. Flour Cum Past mill in Mog-adishu

12. Mogadishu KM,7 Shoe Fac-tory (TELL 80364)

13. 13- Brick plant in af-goi (P.O.BOX 1079 )

14. Kisimayo Fish Freezer 15. Cigarette & Matches Facto-

ry in Mogadishu (P.O.BOX12 TELL22202 TELEX741 MON-SOM)

16. State Printing Agency in Mogadishu (P.O.BOX 1743 TELL 3056 TELEX 609 B,C,S MOG)

17. Sewing Plant In Mogadishu 18. Mogadishu Alluminium

Utensil Plant (P.O.BOX 2861 TELL24048 TELEX 747WER-SHEDAHA)

19. Edible Oil Mill In Mogadishu 20. Tannery at Kisimayo21. Tannery in Mogdishu22. ENEE(Mogadishu Electrici-

ty Energy) ( P.O.BOX 1 TELL 2967 TELEX 643 )

23. National Packing Industry 24. SOPRAL S.P.A. Factory in

Mogadishu 25. Juba Sugar Complex 26. Corrugated CarboardBoxes

and Plastic Bag Plant in Ja-mama

27. Factory and Mechanical Work Shop Mogadishu ( MARIO,P.O.BOX 1985 TELL 40007)

28. Cotton Seed Ginning Plant In Jamama

29. Leather and Footwear Plants in Qardho, Beletwene, Eriga-vo, and jowhar

30. Maize Mills in Mogadishu, Hargaisa, Kisimayo, Burao and galkaioBaidoa

31. Structural Clay Plant in mog-dishu, Baidoa, and Afgoi (P.O.BOX 721 TELL 81209 MOG)

32. Furniture and Fixtures Plant In Qardho, Baladwane, Eriga-vo and Jowhar

33. Jowhar BIASA (Detergent and Plastic Plant)

34. Power Stations In Brawe,

Page 40: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

40 YAGLEELKA AAYAHA

Bosaso, Erigavo and Marca35. Water works& supply sys-

tems in Mogadishu Eriga-voBuraoHargeisa andkisi-mayo

36. Wearing Apparel Plants in Mogadishu and Hargaisa

PRIVATE ENTERPRESES1. Somali Chemical Industry (

BAYL)2. Toilet and Laundry Soap In-

dustry 3. IFCA Chemical Industry ( P.O.

BOX 1199 TELL 80022)4. Flooring and Tiles Industry5. Coca – Cola (National Bot-

tling Co )6. WARMASH Nail Work Shop

( WIRE PRODUCTS FACTO-RY ) ( P.O. BOX 696 AND 2947TELEX 758 DIMBIL TELL 81933)

7. ALLAMAGANS CO. Ltd.8. Vulcan Tires Factory 9. Mogadishu Tannery 10. Banadir Shoe Factory 11. Mogadishu Confectionary 12. O.K. Products 13. Pepsi Cola Co.14. IGAR Ice Industry 15. TUBEX Factory16. Hargaisa New Dairy Presents

( Ayaan Dairy and Confectio-ries Plant )(P.O.BOX 4444)

17. Easean Fishers LTD ( P.OBOX 6223 TELL 80107 TELEX 745 CROCE SUD )

18. Horn Advertising And Real State ( P.O.BOX 7721 TELL 20883 TELEX 769 )

19. Somali Vegetable Oil Indus-try ( P.O.BOX 1532 TELL 80233 ( SVOIL )

20. Industry Research & Trading Association ( P.O.BOX 1072 TELL 23278 TELEX “INTRA”

21. Afro Arab International Group ( P.O.BOX 902 TELL 22424 TELEX 797 AF ARABI )

22. Somali Bottling Company Hargaisa( P.O.BOX 6 TELL 2834 TELEX PEPSI COLA HARGAISA)

23. Makhir Coast Import – Ex-port General merchant ( P.O.BOX 27 TELL 81709)

24. SVILA PRODUCTS ( P.O.BOX 177 TELL 22630 )

25. Somali Hellenic Shipping Company ( P.O.BOX 2775 TELL 21069 TELEX 779 )

26. Somali Shipping Agency & line( P.O.BOX 35 TELL 20312 TELEX 611 SSA MOG SOM)

27. AllaMagans Co. Ltd. ( P.O.BOX 1751 TELL 22047 TEL-EX 781 MAGANS )

28. UjeerAgamissmail Factory( P.O.BOX 370 TELL20166)

29. JUBA ENTERPRESES Beder And sons Ltd.(P.O.BOX549 TELL22238 TELEX76 BEDER MOG)

GARGAAR FOAM INDUSTRY1. KAL – KAAL Es-

pogneMettress Factory 2. KEY & ALIKE WORK SHOP 3. Timber Factory ICA Industry 4. Zipper Factory 5. Dry Cell Battery Factory (

Hargaisa )6. Vinegar Brewery7. SomalMopil Factory 8. Banadir Star Factory 9. Mango Juice Processing

Plant 10. Mogadishu Soap Factory

ZAM – ZAM Factory 11. Chemical & Cosmetic Facto-

ry 12. ALBA Beverage Factory 13. Missione Shoe Factory 14. CIF Benadir Factory 15. OCEANIL HAIROLL Factory 16. J.C. Perfume Factory 17. SaliiddaUdgoon ( Perfume

Factory )18. Luna d’Africa Factory 19. Ben jaber Hair oil Manufac-

tory 20. DIMBIL FUR/TURE Manu-

factory21. BRICKS Factory22. BACKING & Patisseries Fac-

tory ( HARGEISA)23. Chocolate Manufactory24. Plastic Manufactory ( Ber-

bera)25. Tiles Factory ( Hargaisa ) 26. Nail Work Shop ( Hargaisa )27. Barawe Shoe Factory28. Sant Processing Plant ( Har-

gaisa )29. Tiles Factory ( Garowe )30. Laundry Soap Industary(

Hargeisa )31. Laundry Detergent Factory (

Hargaisa )32. Kisimayo Ice Factory33. ISMA ( Somali Flooring Tiles

Factory(P.O.BOX 985 TELL

Page 41: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad

41YAGLEELKA AAYAHA

80172 TELEX 620 MOG )34. GAR – GAAR (Somali Foam

Industry.)( P.O.BOX 2485 TELL 81398 TELEX 770 IS-LAH MOG)

Haddaba iyadoo dalku uu la-haa waxaas oo wershado ah oo shaqaynayay, wax soo saarna lahaa ayaa maanta lays wey-diinayaa meesha ay ku dan-beeyeen wershadahaas la geliy-ey hantida badan, waxase nasiib darro ah in dadkii la rabey inay dhulkooda hagaajiyaani gacmo-hooda ku burburiyeen waxkasta oo dalku lahaa, waana hantidii aynu dhiggeen ugu faani lahayn, waxana hubaal ah in dalalka aynu inagu wax soo saarkee-na ka iibin jirney maanta iyagu inoo soo dhoofiyaan waxay soo sameeyeen ee aynu shalay u dhoofin jirney lacag adagina in-aga soo geli jirtey.

Warshadaha ugu waaweynaa ee wax soo saari jirey ee ku yaalley dalka waxa ka mid ahaa wershaddii sibidhka ( shamiit-ada ) ee ku taalley magaalada Berbera, warshaddaasoo dhis-meheeda la bilaabay sanadkii 1974tii, waxayna soo saari jirtey maalin kasta ( 300 ) tan oo sibidh ( shamiito ) ah. Waxase uur ku taallo ah inay maanta iyadoo kharaab ah oo la boo-bay lana bililiqaystay ka taagan-tahay buuraha waaweyn ee ku gadaaman magaalada Berbera, waxayna qof kasta oo muwaa-din ah ku beeraysaa murugo iyo uur ku taallo joogto ah oo ku aaddan sida dalka loo kharibay.Waa hubaal in dagaal dhaco oo dhib badani ka yimaaddo hase ahaatee in la burburiyo hantidii iyo dhaxalki umaddu lahayd oo cagta la mariyaa waa arrin ugub ah.

Ugu danbayntii inaga oo ka war qabna in hantidii dalku lahaa hadday ahaan lahayd beero, dhul bannaan, dhismayaal, war-shado iyo i.w.m la boobay lana burburiyey, bal aan buraale wey-diino inuu ogyahay warshada ka badbaadey burburkii dalka ka dhacay,wuxuna noo sheegay inay jiraan dhawr warshadood oo ka badbaadey burburkii iyo boobki ka dhacay dalka, waxana ka mid ah:1. Warshadda korontada ee

magaalada Boosaaso iyoQardho.

2. Warshadda dharka eemagaalada Balcad.

3. Warshadii kalluunka eemagaalada Qandala.

Ugu danbayn iyo gabagabo waxan rajaynaynaa in ay jiraan dad iyo muwaadiniin bogaadin mudan oo bad-baadiyey war-shadahaas ilaa hadda taagan ee aan waxba laga qaadin, waxay-na mudanyihiin in la siiyo abaal marin qaran.

C/laahi Maxamud XasanMadaxa Archive-ka Xarunta CIlmi baarista Geeska Afrika

Page 42: Yagleelka Aayaha Tirsigii 2aad