-
MACLUUMAAD NAGU SAABSAN
https://eea.iom.int/PROTECT-project
Mashruuca PROTECT (DIFAAC), oo ay maamusho International
Organization for Migration (IOM, Haayada Caalamiga ah ee
Muhaajiriinta) iyo iskaashatadeeda, ayaa diirada saaraaya xoojinta
adeegyada taageerada heer qaran ee lasiinaayo dhiibanayaasha
rabshada kusalaysan galmada iyo jinsiga. PROTECT wuxuu sidoo kale
diirada saarayaa in adeegyadaan loofuro qaxootiyaasha, dadka
magangalyo doonka ah iyo soogalootiga, haddii ay yihiin caruur ama
dad waawayn ayna kujiraan adka loo aqoonsado inay kamid yihiin
LGBTI.
Waxaa aasaasay midowga Europe ee xuquuqda, sinaanta iyo
dhalashada (2014-2020)
KUSAABSAN XADGUDUBKA GALMADA IYO JINSIGA
Macluumaad
XASUUSNOOW
SGBV MAAHA khalad aad adigu gaysatay Aduunyada oo dhan dumar,
rag, gabdho iyo wiilal badan ayaa lakulma xadgudub jireed ama mid
galmo ama noocyo kale oo SGBV ga ah intay nool yihiin. Qofkasta
ayaa noqon kara dhibane loo gaystay rabshad galmo iyo mid jinsi
laxariirta.
Kaligaa MA tihid. Caawimaad ayaad heli kartaaWaxaa jiro dad
kacaawin kara, sida dhakhaatiirta, saraakiisha booliiska,
shaqaalaha arimaha bulshada. Haddii uu kugu dhaco ama uu hadda kugu
dhacaayo SGBV, usheeg qof aad kukalsoon tahay ama laxariir ururada
kor kuqoran.
KACAAWI dadka kale inay badbaado helaan sidoo kale.Haddii qof ay
kudhacday ama ay kudhacayso SGBV uu gurmad kuusoo doonto, dhagayso
qofka oo xasuusi in SGBV uusan ahayn wax ay khaladkooda leeyihiin
uusana kaligiis ku hayan arinta. Usheeg inay caawimaad heli karaan
kuna dhiiri gali inuu caawimaad raadsado. Haddii uu qofku aqbalo,
waxaad laxariiri kartaa ururada kor kuqoran adoo qofka
kaashanaaya.
Lawadaag qofkasta buug yarahaniyo muuqaalka si ay ugaartodad
badan!
https://youtu.be/JU6MvCfcYD8
-
BUUG YARAHAAN waxaa loogu talagalay qofkasta oo usoo haajiray
Malta kana yimid wadan kale. Waxaa laga yaabaa inaad wadankaan
timid adoo raadinaaya nabadgalyo, shaqo, inaad wax kabarato, ama
inaad lanoolato xubnaha qoyskaaga. Wadanka Malta, qof KASTA wuxuu
leeyahay xaquuq lamid ah dadka kale, ayadoon laga eegayn da’da,
aqoonsiga jinsi, dookh galmada, luuqada, diin ama meesha qofku
kayimid.
Waxaad XAQ uleedahay inaad kuraaxaysato nolol kacaagan nooc
kasta oo rabshad ah. Haddii qof uu kudhibaateeyo ama kuhanjabo inuu
kudhibaateeyo adigga ama qof aad taqaano, xasuusnoow inaad xaq
uleedahay inaad caawimaad iyo nabadgelyo hesho.
Kaligaa matihid. CAAWIMAAD ayaad heli kartaa.
RABSHADA KUSALAYSANGALMADA IYO JINSIGA (SGBV)
RABSHADA QOYSKA - waa rabshad kadhex dhacda guriga ama qoyska
una dhaxay-sa dadka isqaba iyo sidoo kale xubnaha kale ee
qoyska.
RABSHADA LAMAAHAYAASHA ISQABA - waa rabshad udhaxaysa lamaane
isqaba (isguursaday, isla nool, wiil saaxiib ah/gabar saaxiib ah
ama leh xariira kale ee iskud-haw), ama lamaanae kalatagay.
XADGUDUBKA DAREENKA - waa xanuun ama dhaawac maskaxeed ama
dareen, sida hanjabaada rabshad gacan qaad ah ama mid galmo,
handadaad, iyo takoorid.
XAD GUDUB DHAQAALE - marka mid kamid ah lamaanayaasha isqaba uu
maam-ulaayo dhaqaalaha lamaanaha kale, taasoo daciifinaysa awooda
qofka ee taageerida naftiisa kuna qasbaysa inuu kutiirsanaado
dhaqaalaha qofka xukumaaya.
WEERARKA JIREED - waa ficil gacan qaad ah kaasoo aan dabiiciyan
ahayn mid galmo. Tusaale ahaan waxaa kamid ah: wax kudhufashada,
dharbaaxo, hantaaturayn ama ficil kasta oo kale kaasoo keenaaya
xanuun, raaxo la’aan ama dhaawac.
XADGUDUB GALMO - waa fal toos udhaca ama hanjabaad gacan qaad ah
oo laxariirta galmo, hadii ay tahay mid qofka lakufsado ama xaalad
aan sinaan lahayn ama handadaad ah. DHIBAATAYN GALMO - waa ficil uu
qof si kas ah sabab galmo awgeed utaabto qof kale asagoon qofka
kale fasax uga qaadan.
RABSHADA KUSALAYSAN GALMADA IYO JINSIGA (SGBV) waa rabshad lagu
beegsado qofka sababolaxariira jinsigiisa, lab/dhedig midkuu yahay
ama aqoonsigiisa jinsi. SGBV waxaa kujira ficilada keena dhibaatada
jireed, dareen ama galmo ama dhibaato, hanjabaadaha ficilada
noocaas ah, caga juglaynta iyo xadgudubyada kale ee kadhanka ah
xoriyada. Inta badan SGBV lama aqoonsado ama lamasoo sheego.
Waa maxay farqiga udhaxeeya jinsiga,
nooca qofka iyo aqoonsiga jinsi? Qofka jinsigiisa waxaa lagu
aqoonsadaa markuu dhasho(wiil ama gabar) ayadoo laga fiirinaayo
sababo jireed iyo kuwo noole, halka nooca qofku yahay lagu saleeyo
sida bulshadu aaminsan tahay in qofkaas udhaqmo (sida ay tahay inay
dharka uxirtaan naftoodana umuujiyaan, waxaa dookhooda iyo
waajibaadkoodu noqonaayo, iwm.) si waafaqsan jinsigooda dhalasho.
Aqoonsiga Jinsi ee qofka waxaa looga jeedaa dareenka uu shaqsiyan
aaminsan yahay qofkasta iyo khibradiisa shaqsiga ah ee jinsiga. Tan
ayaa waafiqi karta ama kaduwanaan karta jinsiga qofka lagu
aqoonsado markuu dhasho, ayna kujiraan dareenka shaqsiga ah ee
jireed (kaasoo ay kujiri karaan, hadii qofku iskiis udoorto, inuu
wax kabadalo qaab muuqaalka jirkiisa ama xunaha taranka jirkiisa
asagoo adeegsanaaya nidaam caafimaad, qaliin ama qaabab kale) iyo
fikradaha kale ee ku aadan jinsiga, ayna kujiraan labiska, hadalka
iyo qaabka dhaqanka qofka.
SGBV waa mamnuc xaalad kasta oo lagu jiro
SGBV waa inaan loo dulqaadan ama la aqbalin inay tahay dhacdo
kama’ ah. SGBV waa xadgudub kadhan ah xaquuqda aadanaha waxayna
keenaysaa ciqaab danbiyeed sharcigu jidaynaayo. Malta waxay sidoo
kale dajisay sharci qaran oo kaa difaacaaya SGBV.
Ma codsan karaa caawimaad?
Waxaad xaq uleedahay inaad caawimaad raadsato naftaada ama
dhibane adiga gurmad kuusoo raadsaday. Gudaha Malta waxaa jiro
adeegyo udiyaarsan dadka lagula kaco SGBV ga. Waa muhiim inaad
xasuusnaato inaysan qasab ahayn inaad lacag bixiso ama aad qof ama
shirkad wax siiso si ay caawimaadaan kuusiiyaan.
Waa maxay noocyada ugu badan ee SGBV?
SGBV gu wuxuu noqon karaa mid jireed ama mid dareen iyo, ayadoo
ay lajiraan kuwo kale, wuxuu noqon karaa nooc kamid ah rabshada
qoyska iyo rabshada handadaada lamaanaha, xadgudubka dhaqaale,
xadgudub dareen, weerar gacan qaad ah, xadgudub galmo iyo danbiyada
nacaybka kudhisan, ayna kujiraan kuwa lagula kaco dadka loo
aqoonsado inay yihiin LGBTI (dumarka lesbiyaanta ah raga geeyga ah,
dadka lab iyo dhedig ba ugalmooda, labeebshaha iyo dadka noocyada
kaladuwan ugalmooda).
Waa maxay SGBV?
-
Waa maxay cawaaqiibyada kadhalan kara SGBV?
SGBV wuxuu kugu reebi karaa laba cawaaqib mid dhanka jirka ah
iyo mid dhanka dareenka ah. Jir ahaan, asagoo ay lasocdaan
cawaaqibyo kale, SGBV wuxuu keeni karaa waxyeelo jireed, xanuun,
caabuqyo iyo uur aadan doonayn. Cawaaqibyada dareen ee SGBV waxaa
kujiri kara dhakaaryoow, qaraw cabsi leh, hurdo la’aan, madax
xanuun, iyo noocyo badan oo kaladuwan oo dareeno ah sida xanaaq,
ceeb, murugo, danbiile nimo, ama cabsi. Malta waxay leedahay
adeegyo xirfadeed oo qarsoodi ah si loo taageero dhibanayaasha.
Kaligaa MA tihid.
Yaa samayn kara rabshadaha SGBV?
QOFKASTA ayaa samayn kara SGBV. Rabshad sameeyuhu wuxuu noqon
karaa qof aadan waligaa arag ama qof aad taqaano, sida xubin
qoyskaaga kamid ah, saaxiib ama lamaane aad islanooshihiin.
Xagee ayay SGBV kadhici kartaa?
SGBV wuxu kadhaci karaa MEELKASTA: wadankaaga hooyo, intaad
kujirtay safarkaaga aad kutagaysay wadan kale, iyo wadanka aad
hadda kunooshahay. Wuxuu kadhici karaa guryaha gaarka ah iyo
goobaha bulshada ku kulanto, sida goobaha waxbarashada, goobaha
shaqada, iyo xeryaha soo qaxootiga.
SGBV gu ma wax aan anigu sabab u ahay baa?
SGBV marna maaha khaladka dhibanaha. Dhaqanada jinsiga iyo
xariirada awoodeed ee aan iskudheeli tirnayn ayaa ah sababaha ugu
wayn ee keena SGBV. Qofka danbiga gaysta ayaa ah kan kaliya ee eeda
qaadaaya.
Maxaa dhacaaya hadii aanan kadagaalamin falka?
Waxa badanaa dhacda in aanu qofku iskacelin inta weerarku socdo
waayo waxaa laga yaabaa inaad cabsooto aadna dareento rajo la’aan
ama inaad dabin kujirto mana taqaanid wax aad samayso si aad uga
baxdo xaalada aad kujirto. Tani kama dhigna inaad oggolaatay in
rabshad laguu gaysto.
Noocyada kale ee SGBVDHOOFINTA DADKA - waa kaganacsiga dadka oo
ay kujirto in xoog lagusoo kaxaysto, lakhiyaano, ama loo hanjabo si
loogu shaqaqesto ama loogu isticmaalo ganacsiga jirka ah iyo/ama
noocyada kale ee kafaaiidaysiga dadka tabarta yar.
GUUR QASAB AH - waa midoow udhaxeeya labo qof kaasoo midkood
iyo/ama labada qofba aysan shaqsiyan udooran ogolaanshahooda buuxa
ee xorta ah si ay iskuguur-sadaan.
GUURKA ILMAHA/GUURKA XILI HORE - waa guur udhaxeeya labo qof oo
midkood ama labaduba ay kayar yihiin da’da 18 sano jir.
GUDNIINTA GABDHAHA/XUBNO JARISTA - dhamaan nidaamyada ay
kuji-raan jarista qayb ahaan ama gabi ahaan xubinta taxanka ee
gabdhaha ama dhaawac kale oo loo gaysto xubnaha taranka haweenka
sababo kabaxsan kuwo caafimaad.
DANBIGA SHARAF DHAWRKA - waa falalka rabshada ah, caadiyana
dilka qof, oo ay gaystaan ragga ee qoyska lagulana kaco dumarka oo
loo aqoonsado inay ceeb usoo jiideen qoyska.
DANBIGA NACAYBKA KUDHISAN - waa nacayb kudhisan urur ama
jinsiyad oo yimaada marka danbiiluhu qofka kubeegsado sabab
laxariirta inuu xubin kayahay koox gaar ah oo bulshada kamid ah ama
jinsiyad gaar ah sida rabshada kadhanka ah dadka loo aqoonsado inay
yihiin LGBTI (dumarka dumarka u galmooda ,raga raga ugalmooda ama
noocyada kale ee raga iyo dumarka u wada galmood, labeebshaha,
khaniiskadadka lab iyo dhedig ba ugalmooda).
Yay saamayn kartaa rabshada SGBV? SGBV waxay kudhici kartaa
QOFKASTA marnana maaha wax uu sababteeda leeyahay qofka dhibanaha
ah. Haweenka iyo ragga, gabdhaha iyo wiilasha, dadka waawayn iyo
caruurta, ayna kujiraan dadka katirsan LGBTI ayaa dhamaantood noqon
karan dhibanayaasha SGBV. SGBV maaha wax marna qiil loosamayn
karo.
Xataa haddii aad
kasoo maqan tahay guriga aadna
aaminsan tahay inay hawshu kali kugu tahay,
ma tihid kaligaa caawimaad ayaadna heli kartaa.
XASUUSNOOW!
QOFKASTA ayaa noqon kara dhibane SGBV loo gaysto
SGBV markasta waa MID AAN LA AQBALI KARIN
SGBV MARNA maaha khaladka dhibanaha
Waxaad codsan kartaa CAAWIMAAD
-
Si aad uhesho caawimaad sharci oo bilaash ah, waxaad laxariiri
kartaa:
WOMEN’S RIGHTS FOUNDATION (URURKA XAQUUQDA HAWEENKA) (NGO) Tel.
7970 8615 / www.wrf.org.mt
LEGAL AID MALTA(oo ah wakaalad dawladeed) Tel. 2567
4330www.justice.gov.mt/en/legalaidmalta
ADITUS FOUNDATION (HAAYADA ADITUS) (NGO)Tel. 2010 6295 /
www.aditus.org.mt
ADEEGYADA LAHELI KARO
Maxaan samaynayaa haddii Anigga ama qof Aan
aqaano lagula kaco ama uu marqaati kanoqdo SGBV? Ficilada
rabshada laxariirta galmada iyo jinsigu waa danbi. Haddii adigga
ama qof aad taqaano ay kudhacdo, marqaati kanoqdo ama aad kashakido
nooc kasta oo rabshad ah, waxaad laxariiri kartaa Ciidanka
Booliiska Malta.
WICITAAN DEGDEG AH: 112 / JOOJINTA DANBIGA: 119 QAYBTA GURMADKA
DHIBANAHA: 2294 2079/2160
Waxaad sidoo kale wici kartaa Laynka Caawimaada ee Qaran: 179Waa
layn 24 ka saac shaqeeya oo bilaash ah, qarsoodi ah macluumaadka
aad kubixisana gaar kuuyihiin. Luuqadaha lagu hadlo waa Maltese iyo
Ingiriis; waxaad dalban kartaa turjumaan.
Kawaran haddii aan ubaahdo caawimaad sharci? Waa maxay adeegyada
kale ee laheli karo?
Goobaha Hooyyga ah
Maxaan samayn karaa haddii aan ubaahnahay caawimaad dhanka
dhimirka ah?
Kawaran haddii aan ubaahdo caawimaad caafimaad?
Waxaad booqan kartaa dhakhtar guud oo kusugan mid kamid ah
XARUMAHA CAAFIMAADKA adoon wax balan ah qabsan.Wixii laxariira
dhaawacyada daran, waxaad aadi kartaa WAAXDA SHILKA IYO XAALADAHA
DEGDEGA AH EE ISBITAALKA MATER DEI HOSPITAL, Dun Karm Street,
Msida,
taleefanka. 2545 4030. Haddii aad ubaahan tahay gaariga
gurmadka, waxaad wici kartaa nambarka xaalada Degdega ah ee
112.
JESUIT REFUGEE SERVICE (JRS, ADEEGGA SHARCIGA EE QAXOOTIGA)oo ah
adeegyo sharci, adeeg bulsho iyo taageero dhanka dhimirka ah oo
lasiiyo dadka qaxootiyaasha ah iyo dadka magangalyo doonka ah ee
kujira xabsiyada ama bulshada kudhex nool.Tel. 2144 2751 /
www.jrsmalta.org
VICTIM SUPPORT MALTA (VSM, TAAGEERADA DHIBANAHA EE MALTA)waa
caawimaad lagu siiyo taageerada dareenka, mid sharci iyo mid
farsamo
dhibanayaasha SGBV.Tel. 2122 8333 / victimsupport.org.mt
HAAYADA ST JEANNE ANTIDEtaageero bulsho oo lasiiyo dadka
loogaysto rabshada qoyska.Tel. 2180 8981 / www.antidemalta.org
RAINBOW SUPPORT SERVICES (ADEEGYADA TAAGEERADA EE
QAANSO-ROOBAADKA) waa taageero bulsho oo lasiiyo dadka LGBTI
kujira.Tel. 7943 0006 / maltagayrights.org
THE GOOD SHEPHERD SISTERS – URURKA DAR MERĦBA BIK130, Birbal
Street, Balzan Tel. 214 40 035 / darmerhbabik.org
DAR PAPA FRANĠISKU – hooyga xaalada degdega ah ee habaynkii ee
ragga, da’doodu udhaxayso 18-60 sano. 126, Fleur de Lys Road,
Birkirkara.Tel. 2788 8211 / 7702 6644
DAR MARIA DOLORES– hooyga xaalada degdega ah ee habaynkii
ee haweenka, da’doodu udhaxayso 18-60 sano69, Fleur de Lys Road,
Birkirkara Tel. 2144 5431
Waxaad laxariiri kartaa AĠENZIJA SEDQA PSYCHOLOGICAL SERVICES
(ADEEGYADA DHIMIRKA EE AĠENZIJA SEDQA)aad ula hadasho shaqaale
kashaqeeya arimaha bulshada.Tel. 2295 9000 / www.fsws.gov.mt
Waxaad utagi kartaa MIGRANT WOMEN ASSOCIATION (MWAM, URURKA
HAWEENKA SOOGALOTIGA AH) – oo ah NGO bixiya taageero dhanka
dhimirka ah oo lasiiyo haweenka muhaajiriinta ah.7952 8945 /
migrantwomenmalta.org
Waxaad booqan kartaa KELLIMNI.COM
- oo ah adeeg taageero oonleen ah bixiya (oo kuqoran Ingiriis
iyo Maltese) looguna talagalay dhalinta iyo dhalin yarada
qaangaartay kaasoo ah mid bilaash ah, qarsoodi ah oo macluumaadka
aad bixiso adigga gaar kuuyahay. Waxaad qof kula hadli kartaa wada
sheekaysi toos ah oo qof iyo qof ah, waxaad diri kartaa iimeel ama
waxaadna soo dagsan kartaa Appka.
Waxaad laxariiri kartaa GBVSO/VIOLET SUPPORT ONLINE (TAAGEERADA
VIOLET EE OONLEENKA AH)ood kahelayso www.vso.org.mt – waa adeeg
qarsoodi ah oo bilaash ah oo iimeel iyo wada sheekaysi ah looguna
talagalay qofkasta oo dhibane u ah rabshad kusalaysan galmo iyo
jinsig kuna baxa luuqado kaladuwan