This document is posted to help you gain knowledge. Please leave a comment to let me know what you think about it! Share it to your friends and learn new things together.
Transcript
MACLUUMAAD NAGU SAABSAN
https://eea.iom.int/PROTECT-project
Mashruuca PROTECT (DIFAAC), oo ay maamusho International Organization for Migration (IOM, Haayada Caalamiga ah ee Muhaajiriinta) iyo iskaashatadeeda, ayaa diirada saaraaya xoojinta adeegyada taageerada heer qaran ee lasiinaayo dhiibanayaasha rabshada kusalaysan galmada iyo jinsiga. PROTECT wuxuu sidoo kale diirada saarayaa in adeegyadaan loofuro qaxootiyaasha, dadka magangalyo doonka ah iyo soogalootiga, haddii ay yihiin caruur ama dad waawayn ayna kujiraan adka loo aqoonsado inay kamid yihiin LGBTI.
Waxaa aasaasay midowga Europe ee xuquuqda, sinaanta iyo dhalashada (2014-2020)
KUSAABSAN XADGUDUBKA GALMADA IYO JINSIGA
Macluumaad
XASUUSNOOW
SGBV MAAHA khalad aad adigu gaysatay Aduunyada oo dhan dumar, rag, gabdho iyo wiilal badan ayaa lakulma xadgudub jireed ama mid galmo ama noocyo kale oo SGBV ga ah intay nool yihiin. Qofkasta ayaa noqon kara dhibane loo gaystay rabshad galmo iyo mid jinsi laxariirta.
Kaligaa MA tihid. Caawimaad ayaad heli kartaaWaxaa jiro dad kacaawin kara, sida dhakhaatiirta, saraakiisha booliiska, shaqaalaha arimaha bulshada. Haddii uu kugu dhaco ama uu hadda kugu dhacaayo SGBV, usheeg qof aad kukalsoon tahay ama laxariir ururada kor kuqoran.
KACAAWI dadka kale inay badbaado helaan sidoo kale.Haddii qof ay kudhacday ama ay kudhacayso SGBV uu gurmad kuusoo doonto, dhagayso qofka oo xasuusi in SGBV uusan ahayn wax ay khaladkooda leeyihiin uusana kaligiis ku hayan arinta. Usheeg inay caawimaad heli karaan kuna dhiiri gali inuu caawimaad raadsado. Haddii uu qofku aqbalo, waxaad laxariiri kartaa ururada kor kuqoran adoo qofka kaashanaaya.
Lawadaag qofkasta buug yarahaniyo muuqaalka si ay ugaartodad badan!
https://youtu.be/JU6MvCfcYD8
BUUG YARAHAAN waxaa loogu talagalay qofkasta oo usoo haajiray Malta kana yimid wadan kale. Waxaa laga yaabaa inaad wadankaan timid adoo raadinaaya nabadgalyo, shaqo, inaad wax kabarato, ama inaad lanoolato xubnaha qoyskaaga. Wadanka Malta, qof KASTA wuxuu leeyahay xaquuq lamid ah dadka kale, ayadoon laga eegayn da’da, aqoonsiga jinsi, dookh galmada, luuqada, diin ama meesha qofku kayimid.
RABSHADA QOYSKA - waa rabshad kadhex dhacda guriga ama qoyska una dhaxay-sa dadka isqaba iyo sidoo kale xubnaha kale ee qoyska.
RABSHADA LAMAAHAYAASHA ISQABA - waa rabshad udhaxaysa lamaane isqaba (isguursaday, isla nool, wiil saaxiib ah/gabar saaxiib ah ama leh xariira kale ee iskud-haw), ama lamaanae kalatagay.
XADGUDUBKA DAREENKA - waa xanuun ama dhaawac maskaxeed ama dareen, sida hanjabaada rabshad gacan qaad ah ama mid galmo, handadaad, iyo takoorid.
XAD GUDUB DHAQAALE - marka mid kamid ah lamaanayaasha isqaba uu maam-ulaayo dhaqaalaha lamaanaha kale, taasoo daciifinaysa awooda qofka ee taageerida naftiisa kuna qasbaysa inuu kutiirsanaado dhaqaalaha qofka xukumaaya.
WEERARKA JIREED - waa ficil gacan qaad ah kaasoo aan dabiiciyan ahayn mid galmo. Tusaale ahaan waxaa kamid ah: wax kudhufashada, dharbaaxo, hantaaturayn ama ficil kasta oo kale kaasoo keenaaya xanuun, raaxo la’aan ama dhaawac.
XADGUDUB GALMO - waa fal toos udhaca ama hanjabaad gacan qaad ah oo laxariirta galmo, hadii ay tahay mid qofka lakufsado ama xaalad aan sinaan lahayn ama handadaad ah. DHIBAATAYN GALMO - waa ficil uu qof si kas ah sabab galmo awgeed utaabto qof kale asagoon qofka kale fasax uga qaadan.
RABSHADA KUSALAYSAN GALMADA IYO JINSIGA (SGBV) waa rabshad lagu beegsado qofka sababolaxariira jinsigiisa, lab/dhedig midkuu yahay ama aqoonsigiisa jinsi. SGBV waxaa kujira ficilada keena dhibaatada jireed, dareen ama galmo ama dhibaato, hanjabaadaha ficilada noocaas ah, caga juglaynta iyo xadgudubyada kale ee kadhanka ah xoriyada. Inta badan SGBV lama aqoonsado ama lamasoo sheego.
Waa maxay farqiga udhaxeeya jinsiga,
nooca qofka iyo aqoonsiga jinsi? Qofka jinsigiisa waxaa lagu aqoonsadaa markuu dhasho(wiil ama gabar) ayadoo laga fiirinaayo sababo jireed iyo kuwo noole, halka nooca qofku yahay lagu saleeyo sida bulshadu aaminsan tahay in qofkaas udhaqmo (sida ay tahay inay dharka uxirtaan naftoodana umuujiyaan, waxaa dookhooda iyo waajibaadkoodu noqonaayo, iwm.) si waafaqsan jinsigooda dhalasho. Aqoonsiga Jinsi ee qofka waxaa looga jeedaa dareenka uu shaqsiyan aaminsan yahay qofkasta iyo khibradiisa shaqsiga ah ee jinsiga. Tan ayaa waafiqi karta ama kaduwanaan karta jinsiga qofka lagu aqoonsado markuu dhasho, ayna kujiraan dareenka shaqsiga ah ee jireed (kaasoo ay kujiri karaan, hadii qofku iskiis udoorto, inuu wax kabadalo qaab muuqaalka jirkiisa ama xunaha taranka jirkiisa asagoo adeegsanaaya nidaam caafimaad, qaliin ama qaabab kale) iyo fikradaha kale ee ku aadan jinsiga, ayna kujiraan labiska, hadalka iyo qaabka dhaqanka qofka.
SGBV waa mamnuc xaalad kasta oo lagu jiro
SGBV waa inaan loo dulqaadan ama la aqbalin inay tahay dhacdo kama’ ah. SGBV waa xadgudub kadhan ah xaquuqda aadanaha waxayna keenaysaa ciqaab danbiyeed sharcigu jidaynaayo. Malta waxay sidoo kale dajisay sharci qaran oo kaa difaacaaya SGBV.
Ma codsan karaa caawimaad?
Waxaad xaq uleedahay inaad caawimaad raadsato naftaada ama dhibane adiga gurmad kuusoo raadsaday. Gudaha Malta waxaa jiro adeegyo udiyaarsan dadka lagula kaco SGBV ga. Waa muhiim inaad xasuusnaato inaysan qasab ahayn inaad lacag bixiso ama aad qof ama shirkad wax siiso si ay caawimaadaan kuusiiyaan.
SGBV marna maaha khaladka dhibanaha. Dhaqanada jinsiga iyo xariirada awoodeed ee aan iskudheeli tirnayn ayaa ah sababaha ugu wayn ee keena SGBV. Qofka danbiga gaysta ayaa ah kan kaliya ee eeda qaadaaya.
Maxaa dhacaaya hadii aanan kadagaalamin falka?
Waxa badanaa dhacda in aanu qofku iskacelin inta weerarku socdo waayo waxaa laga yaabaa inaad cabsooto aadna dareento rajo la’aan ama inaad dabin kujirto mana taqaanid wax aad samayso si aad uga baxdo xaalada aad kujirto. Tani kama dhigna inaad oggolaatay in rabshad laguu gaysto.
Noocyada kale ee SGBVDHOOFINTA DADKA - waa kaganacsiga dadka oo ay kujirto in xoog lagusoo kaxaysto, lakhiyaano, ama loo hanjabo si loogu shaqaqesto ama loogu isticmaalo ganacsiga jirka ah iyo/ama noocyada kale ee kafaaiidaysiga dadka tabarta yar.
GUUR QASAB AH - waa midoow udhaxeeya labo qof kaasoo midkood iyo/ama labada qofba aysan shaqsiyan udooran ogolaanshahooda buuxa ee xorta ah si ay iskuguur-sadaan.
GUURKA ILMAHA/GUURKA XILI HORE - waa guur udhaxeeya labo qof oo midkood ama labaduba ay kayar yihiin da’da 18 sano jir.
GUDNIINTA GABDHAHA/XUBNO JARISTA - dhamaan nidaamyada ay kuji-raan jarista qayb ahaan ama gabi ahaan xubinta taxanka ee gabdhaha ama dhaawac kale oo loo gaysto xubnaha taranka haweenka sababo kabaxsan kuwo caafimaad.
DANBIGA SHARAF DHAWRKA - waa falalka rabshada ah, caadiyana dilka qof, oo ay gaystaan ragga ee qoyska lagulana kaco dumarka oo loo aqoonsado inay ceeb usoo jiideen qoyska.
DANBIGA NACAYBKA KUDHISAN - waa nacayb kudhisan urur ama jinsiyad oo yimaada marka danbiiluhu qofka kubeegsado sabab laxariirta inuu xubin kayahay koox gaar ah oo bulshada kamid ah ama jinsiyad gaar ah sida rabshada kadhanka ah dadka loo aqoonsado inay yihiin LGBTI (dumarka dumarka u galmooda ,raga raga ugalmooda ama noocyada kale ee raga iyo dumarka u wada galmood, labeebshaha, khaniiskadadka lab iyo dhedig ba ugalmooda).