Sahayda Sanduuqa-Qalabka ee Degdega Hel tallooyin dheeraad iyo liistada TakeWinterByStorm.org Waxay ku qoran tahay warqadda dib u isticmaalista Fadlan dib u isticmaal. 1510_4996m_floodupdateBRO15-16_GenCombined.ai Ka hor inta aadan galin gurigaaga, ka taxaddar jajab suurtagal ah ee xagga dhismaha, gaas siidaynta, maasada korontada, iyo xarkaha korontada ee nool/fiiqan. 2 3 4 5 6 7 8 1 Ha kaa hubiyo nidaamkaaga kuleelyaha qof aqoon u leh qalabka korontada, sokodyada korontada, iyo qalabyada amaankooda ka hor inta aadan isticmaalin. Wac shirkada gaaska si gaaska laguu soo furo. Raac hab waxqabadka loogu talagalay nadiifinta amaanka ah ee alaabta guriga, cuntada, sahayda biyaha, iyo hantida. Qor qasaarahaaga. Sawir ka qaad waxyeelada iyo qor qarashyada dayactirka. Kala xiriir shirkada caymiskaaga wixii sheegasho ah ee qasaaraha fatahaada/daadka. Calaameey meesha sare ee biyaha ee gudaha gurigaaga ama waxyeelaha dhismaha. Si tartiibtartiib ah uga saar biyaha xaga hoose ee guriga (ilaa sadexmeelood-hal meel ee biyo maalintii) si looga hortago waxyeelida dhismaha. Si haboon u saar oo u tuur jawaanada ciida. Fiiri warbaahinta deegaankaaga wixii ah warar cusub ee caawinta musiibada iyo nidaamka isdiiwaangalinta. KADIB Wax u dhis si Masuuliyad leh Wixii hormarin/hagaajin ah ee dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara wuxuu u baahan yahay ansixin/oggolaansho. Dhismaha cusub, dayactirada dhismaha, dhismo ku darka, wax qodida, assaaska dhismaha, buuxinta, ama waxii kale ee isbeddel ah ee hantidaada waa in ay lahaadaan ansixin/oggolaasho iyo raacaan shuruudaha xeerarka maareynta dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara ee bulshadaada. Wixii dayactir ah ama hagajinta dhismaha ah ee dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara ee ka sareeya boqolkiiba 50 ee qiimahooda waxaa looga baahan yahay in kor loo qaado ama daad-ka-celin. Dhisida si masuuliyad leh waxay hubinaysaa in dadka iyo dhismaha ay ahaadaan wax ka badbaadsan daadka. Shuruudaha xeerarka maareynta dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara waxay ka dhigayaan aagaga/meelaha daadku gaari karo wax khatar yar ku ah dhamaan dadka ku nool iyo ka shaqeeya meeshaa/aagaa iyadoo yareynaya saameynta ay ku leedahay horumarin walba ee hantida kale. Ka hor intaanad bilaabin mashruuc ama si aad u soo sheegto horumarin sharci darro ah, kala xiriir hey'addaha oggolaan-bixinta/ansixinta ee maamulkaaga ama Waaxda Ansixinta/Ogolaan-bixinta iyo Dib-u-eegista Deegaanka ee Degmada King lambarka 206-296-6600 ama booqo barta internet-ka ee kingcounty.gov/permits. Ha ku lugeynin, ku soconin, ha ku wadin gaariga aagaga fataahaada/daadka. Dib u laabo. Biyaha yaysan ku qaadin. Haddii gaarigaaga uu ku xirmo/xayirmo aaga fatahday/daadka leh, ka bax gaariga sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. Gadaal ugu soco wadada aad ku timid si aad u gaarto meel badbaado ah. 2 3 4 5 1 Wac Xarunta Digniinta Fatahaada/Daadka ee Degmada King si aad u hesho macluumaadka xaaladaha fatahaada/daadka iyo sadaalinta. U diyaar garow ogeysiinta guuritaan ah ee ka imaanaya maamulada. Haddii lagaagala taliyo inaad guurto, sidaas samey isla markiiba. Raac wadooyinka guuritaanka ee lagu taliyay, iyadoo lagayaabo wadooyinka gaaban inay xirnaan karaan. Haddii aysan suurtogal kuu aheen inaad si badbaado ah uga tagto gurigaaga ama dhismaha/sarta sababtuna tahay biyaha oo si degdeg ah ku kordhayo, wac 911 si laguu caawiyo. Kadib na u dhaqaaq dhul/dabaqa sare ama saqafka guriga. Qaado dhar diiran, biyaha aysan ka dusayn, toosh, mobaylka/taleefanka gacanta, iyo raadiyaha gacanta. Marka fatahaada/daadka uu shaki ka jirin in uu dhacayo, laakin kaliya haddii uu wakhtiga ogolaado: • Xer khadkaaga gaaska ee assaasiga ah • Ka dami dhammaan korantada dhismahaaga/sartaada furaha korontada ee assaasiga ah. Ha taaban waxii qalab koronta ah illaa haddii ay taalo aag/meel qalalan ama aad ku taagan tahay qayb alwaax/qori qalalan adigoo xiran kabaha hoos caaga ka ah iyo gacangashi caag ah. • Diiwaangeli tirakoobka daadka/fatahaada sida wakhtiga, akhriska qalabka cabirida, iyo sare u qaadida daadka ee maxaliga si loo isticmaalo mustaqbalka si loo fahmo daadka/fatahaada xaafaddaada. Ku dar Wixii aragtida gaarka ah ee gurigaaga ama ganacsigaaga. INTA LAGU JIRO 6 KA HOR 1 Ogow khatartaada ee Daadka/Fatahaada. Haddii laguu soo diray warbixintan, gurigaaga ama hantidaada waxay ku taalaa gudaha ama meel ku dhow dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara. Ka baro wax dheeraad ah barta internet-ka ee kingcounty.gov/floodmaps ama wac 206-477-4727 . 2 Iibso caymiska daadka/fatahaada. Caymiska mulkiilayaasha-guri ee caadiga ah ma daboolayo khasaraha uu sababay daadka/fatahaada, waxaana jiri kara muddo 30 maalmood oo sugitaan ah siyaasada caymiska daadka/fatahaada ee cusub. Ka baro wax dheeraad ah barta internet-ka ee floodsmart.gov ama wac 800-427-4661. 3 Ilaali naftaada iyo qoyskaaga. • Cusboonaysii qorshooyinka xaaladaha degdega ah ee qoyskaaga, beertaada, ama ganacsigaaga oo dooro meel lagu kulmo haddii ay xubnaha qoysku kala lumaan. • Ogow dhowr wado oo ka imaanaya gurigaaga ama ganacsigaaga ee aadaya dhul meel sare ah. • Isticmaal jawaanada ciida si aad u ilaaliso gurigaaga ama hantidaada (ka fiiri khariidada gudaha kutaalo goobaha qaybinta ee lacag la'aanta ah). • Dooro saaxiib ama qaraabo ka baxsan gobolka si aad u wacdo macluumaad bixin daraadeed haddii khadadka maxaliga ahi ay mashquulsan yihiin. • Isku duwo xirmo ah gargaarka degdega ah (eeg hoos). • Kala hadal deriskaaga u diyaarsanaanta daadka/ fatahaada, khibradahii hore, iyo kaalmo walba oo gaar ah oo adiga ama ayaga u baahan karaan. 4 Ka ilaali hantidaada iyo xayawaanka gurigaaga khatarta daadka/fatahaada. • Ogow sida aad iyo goorta aad u dhaqaajin lahayd gawaarida, qalabyada, xoolaha, ama xayawaanka guryaha dhul meel sare ah. • Ku kaydi alaabada muhiimka ah iyo kiimikooyinka guryaha meel ka sareeya heerka daadadka/fatahaada. • Ku xir oo u dhuuji si amaan ah taangiyada gaaska iyo weelasha shidaalka ee kale. • Ku rakib tuubooyinka biyaha bixiya meesha bulaacada sarta si looga hortago biyaha daadka/fatahaada oo ku aruuraya tuubada bixisa bulaacada. • Ka ilaali biyo mareenka wadooyinka, godadka duufaanka, iyo albaabbada tubada weyn ee biyaha caleemaha iyo qashinka. Tallaabooyinkani waxay ilaaliyaan hantidaada waxayna ku hayaan webiyada iyo durdurrada inay nadiif noqdaan. • Batari ama raadiyaha gacanta lagu buuxiyo iyo battariyaal dheeraad ah • Qalabka gargaarka degdega ah iyo firimbi • Toosh oo uu la socdo batari dheeraad ah • Nuqul ah dukumiintiyada muhiimka ah oo bac ku jira (laysanka darawalnimada, caymiska iyo macluumaadka bangiga, iyo macluumaadka xiriirinta) • Biyo kugu filan dhawr maalmo iyo cuntada gasaca iyo baakada oo loogu talagalay qoyskaaga iyo xayawaanka aad heysato • Dhar diiran, kabo/buutyo adag, iyo bustayaal • Sahayda nadaafadda iyo fayadhowrka • Dawooyinka dhakhtarka uu qoray • Waxyaabaha raaxada ee loogu talagalay carruurta (busto, buugaag, alaabta carruurtu ku ciyaarto) • Batari buuxiyaha/jarjarka taleefanka gacanta Booqo barta kingcounty.gov/flood si aad isku qorto helida digniinta nidaamyo wabi ee kala duwan ee gudaha Degmada King. ISDIIWAANGELIN KU SAABSAN DIGNIINTA MA U BAAHAN TAHAY CAAWIN? Wac 206-477-4727 haddii aad u baahan tahay caawinta raadinta guri, aad u baahan tahay in la xaqiijiyo gurigaaga inuu ku yaalo dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara, ama aad rabto macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan shahaadada kor u qaadida guri. MARKA UU DAAD/FATAHAAD DHACO... Noqo qof diyaar ah! Ka hel faahfaahin ku saabsan daadka/fatahaada barta kingcounty.gov/floodservices Kooxda Strike ee Degmada King: Abaabul degdeg ah si loo ilaaliyo dadka, hantida iyo deegaanka Kooxda Strike ee Degmada King waxaa la aasaasay sannadkii 2017 si ay si degdeg ah u dayactiraan/ hagaajiyaan xarumaha ka badbaadinta daadadka/fatahaada ee waxyeelada gaareen intii lagu jiray dhacdooyinka daadadka/fatahaada, iyada oo aan wax saameyn ah ku yeelanin mudnaanaha wax qabadyada kale ee Maamulka Xakameynta Daadka/Fatahaadka ee Degmada King. Kooxda Strike waxay dhamaystireen laba iyo taban mashaariic dayactir asaasi ah oo ku kacaya qiyaastii $ 2.5 milyan labadii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii la soo dhaafey, Kooxda Strike waxay naqshadeeyeen, oggolaadeen iyo dhiseen shan dayactir la qorsheeyey ee ah xarumaha ka badbaadinta daadadka/faatahaadka. Mashruuca degdeg ah ee lixaad ayaa la aqoonsaday horaantii sanadkan. Kooxda Strike waxay si firfircoon uga shaqeynayeen sidii loo qorsheyn lahaa mashruuc waxayna ay ka heleen ogolaansho US Army Corps of Engineers (Ingineerada Ciidanka Militariga ee Maraykanka) dhisida dhismo degdeg ah oo la dhameeyey Setembar 2018. Ilaalinta iyo maareynta dhameystiran ee dhulka hooseeya ee daadka uu ku imaan karo Iyadoo loo marayo maalgelinta iyo kormeerida mashaariicda iyo barnaamijyada ilaalinta daadadka/fatahaada, Xakameynta Daadka/Fatahaada ee Degmada King waxay ilaalisaa caafimaadka iyo badbaadada bulshada, xarumaha dhaqaalaha gobolka, kuwa dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay guryaha iyo wado mareenada. Si aad wax dheeraad ah uga barato shaqada Flood Control District (Xakameynta Daadka/Fatahaadka ee Degmada), fadlan booqo barta internet-ka kingcountyfloodcontrol.org. Dayactirka Degdegga ah ee Stossel, waxaa dhameystiray King County Strike Team (Kooxda Strike ee Degmada King), Setembar 2018 U DIYAAR GAROW DAADKA/FATAHAADA 2019 HAGAHAAGA EE U DIYAARGAROWGA DAADKA/FATAHAADA EE GOBOLKA KING 516 Third Ave. Room 1200 • Seattle WA 98104 Qaabab Kale Ayaa la heli karaa 206-477-4812 (TTY Relay: 711) Hello! APP-ka DIGNIINTA DAADKA/FATAHAADA BALAASHKA AH EE DEGMADA KING Kala soco macluumaadka daadka/fatahaada ee hadda ah taleefankaaga gacanta wakhtiga dhabta ah adigoo soo dejisanaya barnaamijka/app-ka Digniinta Daadka/Fatahaada ee Degmada King kaas oo muujinaya qulqulka hadda ah ee webiga, xogta heerka wabiga, iyo saadaalinta, iyo heerarka daadadka/fatahaada dhabta ah. Sawirada/Garaafka waxay fududeeyaan aragtida dhoor maalmood ee xogta wabiga iyo xogta saadaasha. IS-WARGALI TALEEFANKA, QORAALKA FARIINTA AMA EMAIL-KA Is qor inaad hesho digniinada daadka/fatahaadka ee otomatiga ee bilaashka ah. Waxaad ku shakhsiyeesan kartaa digniinada wabi ahaan iyo heerka daadka/fatahaada. DIGNIIN! DEGMADA KING DAAD/ FATAHAAD kingcounty.gov/flood ama wac 206-477-4899 NA SOO RAAC! @KCFloodDistrict and @KCDNRP ee Twitter iyo King County Water and Land Resources Division (@KCWLRD) ee Facebook QARIIRADA KING COUNTY RIVERS Materiales traducidos y servicios de intérprete están disponible bajo solicitud: 206-477-4812; TTY: 711. Haddii aad ku hesho borooshoor-kan/ warqadan boostada, gurigaaga ama dhismahaaga wuxuu ku yaalaa ama u dhawyahay dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara. Badbaadada Daadka/ Fatahaada iyo Diyaarsanaanta Fariin ka socota Degmada King Flood Control District (Degmada Xakamaynta Daadka/Fatahaada) Qofna uma qorna ka badbaadka musiibada la xiriira musiibooyinka dabiici ah. Haddii ay tahay inaan ka arkeyno meel fog, taageereyno bulshada deriska ah, ama isu keeneyno geesinimadeeda si aan wax uga sameyno. Wali ahaantii, diyaar ahaanta waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fudud ee ugu fiican ee aad sameyn karto si aad u ilaaliso naftaada, qoyskaaga, iyo hantidaada. Kind County Flood Control District (Maamulka Xakameynta Daadadka/Fatahaada ee Degmada King) (Degmada) wuxuu caawiyaa bixinta ilo badan si loo sameeyo sidaa. Ma ogtahay in daadku/fatahaadu yahay masiibada dabiiciga ah ee ugu badan ee ka dhaca degmada King iyo Mareykanka gudihiisa? Waxay dhici kartaa ku dhawaad wakhti walba, xitaa dhowr mitir oo biyo ah waxay keeni kartaa waxyeelo iyo kharash khasaare oo badan. Saameynta daadadka/fatahaada wuxuu ka koobnaan karaa mid khafiif ah ilaa iyo mid daran, khatar ah, iyo burbur leh. Dhaawac halis ah iyo xitaa dhimasho ayaa ka imaan kara, jidadka gaadiidka iyo adeegyada korontada iyo biyaha ayaa go’i kara, iyo waxyeelada guryaha iyo ganacsiyada waxay ku kici karaan tobanaan kun oo doolar. Degmada waxay ka shaqeysaa in ay yareeyso khatarta daadka/fatahaadda, maalgeliso mashaariicda amniga dadweynaha iyo taageerida Xarunta Digniinta Daadka/fatahaada ee Degmada King. Waxaan bixinaa macluumaad iyo ilaha sida buug-yarahan oo kale si ay uga caawiyaan dadka inay u diyaargaroobaan waxna ka qabtaan dhacdooyinka daadadka/fatahaada. Fadlan qaado dhowr daqiiqo si aad u eegto macluumaadkan muhiimka ah oo aad maskaxda ku hayso talooyinkan muhiimka ah: • Ogow khatartaada/halistaada ee daadadka/fatahaada ah. Samee baaris ah halista/khatarta meesha aad ku nooshahay, ka shaqeyso ama si joogto ah u booqato adigoo booqanaya kingcounty.gov/floodmaps iyo hoos ugu dag ilaa iyo "iMap floodplain boundaries" ama wac lambarka 206-477-4727. • Feejignow/digtoonow! Hel digniin hore ee daadka/fatahaada iyo macluumaadka daadka/fatahaada wakhtiga dhabta ah adigoo isku qoraya Digniinta Daadadka/Fatahaada ee Degmada King iyo adigoo ka soo dejisanaya App-ka Digniinta Daadka/Fatahaada ee Degmada King barta Kingcounty.gov/flood. • Tixgeli maalgelinta caymiska daadka/fatahaada. Caymiska mulkiilayaasha-guri iyo kireystayaasha caadiga ah ma daboosho waxyeelada daadka/fatahaada, iyo waxay qaadan kartaa muddo 30 maalmood ah si ah siyaasada caysmiska daadka/fatahaada ee cusub in ay waxtar yeelato. Dib ha u dhigin, booqo barta internet-ka foodsmart.gov si aad wax dheeraad ah u barato iyo aad u hesho shirkad caymis ah. • Dib u laabo. Biyaha yaysan ku qaadin. Waligaa ha ku socon ama ku wadin gaari biyaha daadka/fatahaada. Biyo la eg qiyaasta foot ayaa ka bixin kara gaari wadada iyo lix inji ayaa ridi kara qof socda. In ka badan nus ee dhammaan dadka ay biyaha qaadeen ee la xiriira daadka/fatahaada waxay ku dhacaan darawaliinta dhex-qaada/mara biyaha daadadka/fatahaada, iyo tirada boqolkiiba ah ee xiga ee ugu sareeysa ee ah dhimashada la xiriirta daadadka/fatahaada ayaa ah dadka isku dayaya in ay maraan biyaha daadadka/fatahaada. Roobka iyo Barafka waa calaamadaha quruxda ee Pacific Northwest, sidaa darteed ku raaxayso! Laakiinse sidoo kale ilaali amaanka dadka aad jeceshahay iyo hantidaada iyo alaabtaada qiimaha leh marka lala kulmo fatahaad/daad. Noqo qof u diyaar ah Fatahaada/Daadka! Reagan Dunn, Guddoomiyaha Maamulka Xakameynta Fatahaada ee Degmada King kingcountyfloodcontrol.org | Twitter: @KCCReaganDunn Guddoomiyaha Reagan Dunn