Top Banner
1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada Ka hortaga Barakaca Lama filaanka ah Talo soo jeedinta 5 – 10 Sanadood ah ee loogu tala galay Bariga Portland Waxyaalaha La soo jeediyay ee Loo isticmaalayo Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada : A. Habka Looga qayb qaadanayo Hawlaha Magaalada Iyadoo la hirgeliyay Waxyaalo Loo isticmaalo Ka hortaga Barakaca Lama filaanka ah ee Bariga Portland, waa muhiim in ay bulshadu ka qayb qaadato si looga helo hogaan iyo tilmaamo ku saabsan sida qorshe ahaan wax looga qabanayo arrimaha ay bulshada garawsadeen iyo qoondaynta ilaha dhaqaale ee jira. Waxaa talo ahaan ku soo jeedinaynaa in waxyaalaha soo socda* la sameeyo oo uu noqdo nidaam loo baahan yahay oo si firfircoon bulshada uga qayb galin doona iyagoo qaadaya mas’uuliyadda iyo natiijooyinka daacada ah ee ka soo baxa hawsha la wado si looga hortago barakaca lama filaanka ah ee Bariga Portland. 1) In la bixiyo fursaddo kala duwan oo lagaga qayb qaadayo oo si fudud loo heli karo iyo in go’aan gaarida laga qayb galiyo kuwa ay suurtagalka tahay in ay sida xun u saamayeen dib u cusboonaysiinta guryuhu/kordhinta tayada nololeed.
18

(EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

Feb 01, 2020

Download

Documents

dariahiddleston
Welcome message from author
This document is posted to help you gain knowledge. Please leave a comment to let me know what you think about it! Share it to your friends and learn new things together.
Transcript
Page 1: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

1

(EPAP)

Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha

Magaalada Ka hortaga Barakaca Lama filaanka ah

Talo soo jeedinta 5 – 10 Sanadood ah ee loogu tala galay Bariga Portland

Waxyaalaha La soo jeediyay ee Loo isticmaalayo Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada:

A. Habka Looga qayb qaadanayo Hawlaha Magaalada Iyadoo la hirgeliyay Waxyaalo Loo isticmaalo Ka hortaga Barakaca Lama filaanka ah ee Bariga Portland, waa muhiim in ay bulshadu ka qayb qaadato si looga helo hogaan iyo tilmaamo ku saabsan sida qorshe ahaan wax looga qabanayo arrimaha ay bulshada garawsadeen iyo qoondaynta ilaha dhaqaale ee jira. Waxaa talo ahaan ku soo jeedinaynaa in waxyaalaha soo socda* la sameeyo oo uu noqdo nidaam loo baahan yahay oo si firfircoon bulshada uga qayb galin doona iyagoo qaadaya mas’uuliyadda iyo natiijooyinka daacada ah ee ka soo baxa hawsha la wado si looga hortago barakaca lama filaanka ah ee Bariga Portland.

1) In la bixiyo fursaddo kala duwan oo lagaga qayb qaadayo oo si fudud loo heli karo iyo in go’aan gaarida laga qayb galiyo kuwa ay suurtagalka tahay in ay sida xun u saamayeen dib u cusboonaysiinta guryuhu/kordhinta tayada nololeed.

Page 2: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

2

2) In la dhiiri geliyo heshiishka wanaagsan soo socda ee u dhexeeya bulshada iyo Dowladda Hoose iyadoo la xaqiijinayo in uu jiro la xisaabin la xiriira kordhinta wanaaga bulshada iyo ka qayb galinta laga qayb galinayo hawsha, iyo sidoo kale xaqiijinta u hogaansanaanta heshiisyada faa’iidada u leh bulshada faa’iidada u leh ee ay tahay in uu bilow u noqdo in ay ka faa’iidaystaan bulshada Bariga Portland ee ay sida xun u saamayeen dib u cusboonaysiinta guryaha/kordhinta tayada nololeed markasta oo ay suuragal tahay.

3) In la aqoonsado in Dowladda Hoose ay mas’uul ka tahay qorshaynta baahiyaha iyo in ay soo jiitaan bulshada kala duwan ee aan sida fiican adeega u helin, aan lahayn ilo dhaqaale oo badan, cid ka wakiil ahi aanay jirin, iyo in muhiimada la siiyo fulinta siyaasadda iyadoo hadba lagu salaynayo baahida jirta, si loo helo sinnaansho ay gaaraan kuwa ay sida xun u saamayeen dib u cusboonaysiinta guryuhu/ kordhinta tayada nololeed.

4) In la kordhiyo fursadaha bulshada lagaga qayb galinayo oo ay noqoto

mid macno ku fadhida taasi oo loo baahan yahay in ay noqoto mid cad, si fiican loo qorsheeyay, laga fakaray, sidoo kalena dhaqan ahaan iyo luqad ahaan ah kuwo gaar ah oo leh wakiil iyo jawaab ku habboon hawlaha bulshada iyadoo la adeegsanayo waxyaalaha la soo jeediyay: iyadoo la ogaanayo dhibaatada jirto, la baarayo, sidoo kalena la qiimaynayo mashruuca iyadoo la isticmaalayo, lala soconayo, la qiimaynayo, lala xisaabtamayo, sidoo kalena la dhaqan gelinayo.

5) In la dhisho awoodda bulshada si loo kordhiyo ka qayb qaadashada

mid macno ku fadhida oo bulshadu ka qayb qaadanayaan hawsha, hal-abuurnimada, xalinta iyo sida wax loo hogaamiyo iyadoo illo kala duwan oo sax ah loo qoondaynayo si guul looga gaaro najiijada ka soo baxda ka qayb qaadashada ay bulshadani ka qayb qaadanayso.

6) In fikradda bulshadu dhiibato ay noqoto qayb ka mid ah qiimaynta

daacada ah ee la qiimaynayo saamaynta ay ku leedahay bulshada si loo dhiiri geliyo fikir laga sii baaraandagay iyo yaraynta siyaasadaha keena raadad xun oo kala duwan, iyadoo aan la eegaynin waxay ujeedadu ahayd markii hore.

Page 3: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

3

*Talooyinkan la soo jeediyay waa dib u eegiddii “Talooyinka la soo jeediyay ee Bulshada ku Salaysan ee ka Hortaga Barakaca”oo aay soo saaridiisa lahaayeen dhowr hay’adood oo bulshada ka tirsan iyadoo talo ahaan loogu soo gudbiyay Cusboonaysiinta Qorshaha Buuxa ee Portland: Febraayo 2015-ka.

B. Lacagaha ka Qayb qaadashada Hawlaha Magaalada ee

Qorshe Hawleedka Bariga Portland In la dhaqaale Lacageed la siiyo barnaamijka ka Qayb qaadashada Hawlaha Magaalada ee Qorshe Hawleedka Bariga Portland ee qoondeeya lacagaha mashariicda gaarka ah ee la xiriira luqadda iyo jinsiyadda/qowmiyadda ee loogu tala galay dadka aan lahayn ilo dhaqaale oo badan/aan sida fiican adeega u helin iyagoo aan qayb ka ahayn gaaridda go’aanka. Isticmaalida la isticmaalayo habkan wuxuu muujiyay in uu yahay habka ugu fiican ee Qorshe Hawleedka Bariga Portland uga dhex shaqeeyo degaankan qaniga ku ah dadka meelaha kala duwan ka soo jeeda. Waxyaalaha loo Isticmaalay Qayb qaadashada Hawlaha Magaalada Dib ayaa loo eegay, laakiin Maaha Mid Hada La iskula Talinayo la Isticmaalo: Waxyaalaha soo socda ee la isticmaalay ee la xariira Sinnaanshaha Caafimaad waxaa la ogaaday in ay lagama maarmaan u yihiin tayada nololeed ee Bariga Portland, laakiin aan loogu tala galin in uu ka hortago barakaca 5 – 10 sanadood ee soo socda.

C. Beeraha Magaalada & Beeraha Dadweynaha Habkani wuxuu keenaa helista cunto la kala dooranayo oo la awoodi karo in la gato cuntooyinka ay adag tahay in la helo si loo kordhiyo caafimaadka bulshada. Cuntadu waxay sidoo kale noqon kartaa mid dhaqan ahaan ku dadka ku habboon. Beeraha bulshadu waxaa laga helaa fursad cunto lagu beero iyadoo la bixinayo meel bulshadu wadaagto taasi oo kordhisa isku xirnaanta bulshada. Xataa qoysaska hela dhul qiyaastiisu tahay 1 acre ee sanadkii bixiya $100 si ay u beertaan wax lacag ah kama helaan maalgelinta ay sameeyeen, naftooda ayay ku quudiyaan lacagta ay

Page 4: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

4

sameeyaana waxay dib u gashaan si ay carrada iyo dhirta uga dhigaan kuwo qani ah…iyagoon ka fakaraynin kharashyada ku baxaya shaqaalaha.

D. Helidda Cunto Caafimaad leh Helidda Cunto Caafimaad leh waxay bulshada siisaa caafimaad iyo nolol tayo leh. Xaqiiqdii waxaa jirta baahi loo qabo in ay jirto Guddi Siyaasadda Cuntada u qaabilsan oo matasha bulshada Barigga Portland ku nool taasi oo samaysa siyaasaddo lagu kordhinayo sinnaanshaha dhanka cuntada. Nasiib daro, waxyaalahani waxay inta badan keenaan koror ku yimaada qiimaha hantida taasi oo keeni kara koror ku yimaada qiimaha canshuurta hantida iyo ijaarka.

E. Suuqa Beeralayda

Qiyaasta – suuq aad u yari ma noqon karo mid is bixiya oo la helo beeralay wax ku gada oo barwaaqo ku gaarta suuqa loogu tala galay dadka dakhligoodu hooseeyo. Waxbaa ka khaldan farsamada la isticmaalayo marka cuntada darayga ahi ay aad uga qaalisan tahay ta dukaanka laga helo. Dadka caddaanka ah ee dakhligoodu dhexdhexaadka yahay ayaa bilaaba suuqyada beeralayda marka ay u soo guuraan meelaha ay ku nool yihiin dadka dakhligoodu hooseeyo ee ay adag tahay in la helo cunto. Waxbay ka tartaa marka suuqu qaato faa’iidooyinka gargaar ee bulshada (WIC) ee ay abaalmarin gaar ah siiyaan dadka dakhligoodu hooseeyo. Suuqu sidoo kale wuxuu abuuri karaa dhaqan iyo horumar ka turjumaya oo uu noqdo meel bulsho oo dadkaasi u yimaadaan in ay wada xiriir sameeyaan. Suuqa Beeralaydu wax muuqda oo lacag ah uma badbaadsho degaanka sidoo kalena mushahar lagu noolaan karo degaanka kuma soo kordhiyo.

F. Suuqyada Koonaha ku yaala

Suuqyada Koonaha ku yaalaa waa meelo wanaagsan oo la isku dhexgalo bulshadana lagu dhiso, laakiin dukaamada yar yari waxay la kulmayaan tartar weyn oo lagula jiro dadkana qiime jaban kama siin karaan sababtoo ah ma haystaan macamiil badan. Qofka iska leh suuq koone ku yaala

Page 5: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

5

wuxuu si dhif ah awooddi karaa in uu bixiyo mushahar qoysku ku noolaan karo. Dadku waxay u guuraan degaanka uu dukaanka koonaha uu xaaladda meesha ka jirta ka dhigay mid wanaagsan tana waxay keentaa barakac.

G. Dukaanka laga Adeegto Waxyaalo loo isticmaalo ka hortaga barakaca oo taageero siinaya dukaamada laga adeegto waa in culayska la saaraa, iyadoo loo arko in ay yihiin waxyaalo u fiican tayada nololeed. Malaha basaska ganacsiga ee aadaya tukaamada laga adeegto ayaa noqon karan wax loo isticmaalo ka hortaga barakaca. Helitaan siyaaddo ah oo dadka degaanku helayaan dukaamada laga adeegto waxay horseedi kartaa koror ku yimaada ijaarka iyo kharashyada guryaha.

Page 6: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

6

EPAP Guddi Hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha

Ka hortaga Barakaca Lama filaanka ah Talo soo jeedinta 5 – 10 Sanadood ah ee loogu

tala galay Bariga Portland

Ujeedada laga leeyahay Qorshe Hawleedka Bariga Portland (EPAP) Guddi Hoosaadka Horumarinta Dhaqaaluhu waa in ay abuuraan xaalad ganacsi oo awood leh oo xoojisa ganacsiyada jira, dhiirina gelisa ganacsiyada cusub, kordhisana mushaharka qoysku shaqada ka helo ee Bariga Portland. Waxyaalaha la soo jeediyay in la isticmaalo ee hoosta ku qoran waa kuwa guddi hoosaadku talo ahaan ku soo jeediyeen si looga hortago barakaca Bariga Portland ee 5 – 10 Sanadood ee soo socota iyadoo la taageerayo ganacsiyada degaanka ka jira iyo kordhinta mushaharka qoysku shaqada ka helo ee Bariga Portland.

Waxyaalaha La soo jeediyay ee Loo isticmaalayo Horumarinta Dhaqaalaha:

A. Xeerarka Mushaharka In Lagu Noolaado Loogu Tala Galay Dakhli dheeraad ah oo la hela waxay dadka ka dhigi doonaan in ay awoodaan ijaarka iyo qiime kororka ku yimaada guryaha. Tani waxay kordhin doonaa dakhliga dadka shaqaynaya, laakiin shirkadaha loo shaqeeyaa waxay qaadan karaan shaqaale intii hore ka yar, inkastoo tani aanay noqon mid run ah wakhtiyadii hore ee la dhaafay. Tani noqon mayso mid wax u taraysa dadka dakhligoodu go’an yahay ama aan shaqo haysan, laakiin waxay faa’iido u keeni kartaa dadka intiisa badan, gaar ahaan dadka saboolka ah ee shaqaynaya. Tiro-koobyo la sameeyay ayaa muujinaya in dadka degan Bariga Portland ay helayaan mushahar hooseeya, sidaa darteed fikirku waa in ay saamayn ku yeelan doonto dad badan oo degan Bariga Portland.

Page 7: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

7

B. Shaqo Siinta Dadka Degaanka Tani waa mid dadka wax dhisa iyo qandaaraaslayaasha looga baahan yahay in ay muhiimada siiyaan shaqo siiyaan dadka degaanka (oo macnaheedu yahay dadka ka socda Bariga Portland), iyo in ay sidoo kale shaqo siiyaan haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay. Tani waa qayb ka mid ah Heshiiska Faa’iidooyinka Bulshada (CBA), oo ay EPAP isla hadaba tixgelinta siisay sidoo kalena taageertay iyadoo faa’iido u keenaysa dadka degan Bariga Portland awoodda ay u leeyihiin in ay helaan mushahar qoysku ku noolaan karo. Dugsiga Degmada David Douglas ayaa qiyaastii 26% shaqo siiyay dadka laga tirada badan yahay iyadoo la adeegsanayo mashruuca Earl Boyles. Iyadoo la eegayo horumarka la saadaaliyay ee Bariga Portland, tani waxay saamayn la taaban karo ku yeelan kartaa mushaharka qoysku shaqada ka helo ee lagu noolaan karo ee degaanka.

C. Qandaraas Siinta Dadka Laga Tirada Badan Yahay Bariga Portland waxay leedahay qiyaasta ugu badan magaalada ee dadka isku aqoonsan in ay yihiin "dadka laga tirada badan yahay", sidaa darteed qandaraas siinta dadka laga tirada badan yahay waa inay taageero ka geysataa shaqo siinta bulshada laga tirada badan yahay ee Bariga Portland marka laga hadlayo mushaharka qoysku shaqada ka helo ee lagu noolaan karo isagoo dhanka kalena ka hortagaya barakaca. Ma jiro wax balanqaad ah oo la xiriira in Qandaraas qaatayaasha ka soo jeeda dadka Laga tirada badan yahay ay runtii faa’iido u keeni doonaan dadka degan Bariga Portland, sidaa darteed waa in ay weheliyaan Shaqo Siinta Dadka Degaanka iyo Heshiiska Faa’iidooyinka Bulshada.

D. Xasilinta Ganacsiga Tani waxay ka mid tahay waxyaabo badan oo ay Tallaabooyinka Horumarka la Xiriira ee Xaafadda (NPIs) iyo mashaariicda loo yaqaan Main Street u adeegsadaan horumarinta dhaqaalaha, taasi oo ay ka mid yihiin hagaajinta wejiga hore ee dukaanka, taageerada ganacsi ee saxda ah, kordhinta dhaqaalaha, soo jiidashada ganacsiga, iyo horumarinta ganacsiga ee ay bulshadu maamusho. Marka la isticmaalo Xasilinta Ganacsiga wuxuu ka hortagi karaa barakaca ganacsiyada isla hadaba ka jira Bariga Portland, iyadoo shirkaddo cusub imaanayaan degaanka guryo cusboonaysiinta laga bilaabay.

Page 8: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

8

E. Xeerka Dib U Maalgelinta Bulshada

Bangiyada iyo isbitaaladu waa in ay dib u maalgeliyaan bulshooyinka 3 ilaa 5 mayl u jira dhismayaashooda. Barnaamijkan qaab federaali ah ayaa loo abuuray si uu bangiyada talo ahaan ugu soo jeediyo in ay bixiyaan dayn iyo maalgelin kale oo bulshada loogu tala galay oo qofkastaa heli karo, gaar ahaan dadka degaanka ku nool. Bulshada Midabyada kale duwan leh sidoo kalena laga tirada badan yahay ayaa aan si xaq ahayn loogu diidaa in dayn la siiyo. Waan u doodi karnaa nidaamkan la isticmaalayo si uu ugu faa’iideeyo dadka degaanka ku nool, haweenka, iyo xasilinta ganacsiga ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay iyo inuu kordho. Waxay ka hortagi kartaa barakaca iyadoo laga faa’iidaysanayo lacagaha horumarinta dhaqaalaha loogu tala galay, horumarka la iska kaashanayo, iyo sida joogtada ah ee loo kordhinayo degaanka iyo maalgelin tayo leh oo la maalgelinayo guryaha loogu tala galay dadka uu dakhligoodu hooseeyo, iyadoo la adeegsanayo urrurada ganacsiga dardar geliya, ama mashaariicda kale ee bulshada.

F. Horumarinta Ganacsiga Gaadiidka La Xiriiira (TOD) Mashaariicda u qalanta in dhaqaale la siiyo iyo taageerada abaalmarineed ee horumarka ku saaban waxaa dhaqaalahooga loo bixiyaa si loo kordhiyo helidda ay dadka degaanku helayaan gaadiidka dadweynaha, taasi oo ay inta badan la socoto qorshaynta iyo muuqaalada dhulka la isticmaalayo si loo dhiiri geliyo raacidda gaadiidka dadweynaha loona yareeya gawaaridda qof ahaan loo leeyahay. Abaalmarinta TOD ee loogu tala galay meel ku haynta ganacasiga iyo kororka ganacsiga ee meelaha u dhow xarumaha gaadiidka ee la qorsheeyay waxay dhiiri gelin karaan horumarka iyo shaqo helidda. Si kastaba ha ahaatee, TOD talo ahaan looma soo jeedin guryaha hela cashuur yar ee qiime dejintu guryuhu soconayso wakhti kooban, ilaa uu jiro dhaqaalaha loogu tala galay horumarinta aan faa’iidada lacageed laga rabin uu ka noqonayo mid joogteeya in la awooddo.

G. Heshiisyada Bulshada Faa’iidada U Leh (CBA) CBA waxay qofka wax dhisa faraysaa in uu la yimaado waxyaalo faa’iidooyin gaar ah u leh bulshada ama xaafadda. Mashaariicda dadweynaha, CBAs waa laga wada xaajoon karaa iyadoo lagala xaajoonayo yeelano hay’adda dowladeed ee hawsha wada waxaana la raacin karaa Codsiga Talo Soo Jeedinta (RFP). Marka lala shaqaynayo dadka wax dhisa ee gaarka ah, waxa ay faa’iidooyinka ay helayaan

Page 9: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

9

bulshadu lagaga wada hadli karaa qandaraaska lala galo kooxaha bulshada kuwaasi oo markaa aqbala (ama aan diidin) waxyaalaha laga beddelayo mashruuca. CBAs ayaa bixisay dhaqaalaha tababarka goobta shaqada, shaqaalaynta bulshada degaanka, helidda daryeelka carruurta, iyo mashaariicda bulshada faa’iidada u leh oo xoojiya helidda mushaharka qoysku shaqada ka helo oo lagu noolaan karo. Waxyaalaha loo Isticmaalay Horumarinta Dhaqaalaha ee Dib loo eegay, laakiin Maaha Mid Hada La iskula Talinayo la Isticmaalo: Waxyaalaha la isticmaalay ee hoosta ku qoran, inkastoo ay fiican yihiin, hadana waxaa loo arkay in aanay ahayn waxyaalaha ugu fiican ee EPAP ay ku shaqayn karto si looga hortago barakaca lama filaanka ah ee la xiriira shaqada ama ganacsiyada ka jiraya Bariga Portland 5 – 10 sanadood ee soo socda.

H. Dukaanka Laga Adeegto Dukaamada laga Adeegto waa kuwo qiime leh oo loo isticmaali karo tayada nololeed, laakiin sida Suuqa Beeralayda oo kale, korodhka iyo helidda waxyaalaha kala duwan waxay inta badan keenaan koror ku yimaada ijaarka iyo kharashyada guryaha, iyadoon caadiyan kor u qaadaynaynin mushaharka qoysku shaqada ka helo oo lagu noolaan karo.

I. Dukaamada Koonaha Ku Yaala Fikirka samaynta suuqa koonaha ku yaalaa wuxuu albaabada u furaa in ay noocyo ganacsi oo kala duwan xaafadda ka jiraan iyadoo noocyo ka mid ganacsiyadu ay dhibaato keeni karaan. Haddii ay tani tahay hab lagu dayan karo oo horseedi karta lahaanshaha ganacsi markaa wuxuu noqon karaa wax fiican. Qofka iska leh suuq koone ku yaala wuxuu si dhif ah awooddi karaa in uu bixiyo mushahar qoys ku noolaan karo isagoo inta badan dadka qiime qaali ah kaga gada iyadoo sababtu tahay macaamiil badan oo aan jirin.

J. Iskaashatooyinka Iskaashigu waa ganacsi wadajir ahaan loo wada leeyahay, oo ay hawshiisa wadaan xubnaha ka tirsan dadka ganacsiga leh iyo shaqaalahooda si ay

Page 10: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

10

labbada dhinac uga faa’iidaan. Shaqaalaha ayaa maalka keena iyadoo ganacsiyada yaryarna ay lacagi u badbaado marka ay gataan marka ay alaab badan hal mar gataan. Horumarku inta badan waa nidaam wakhti dheer qaata.

K. Lacagaha Laga Dalbanayo Qofka Wax Dhisaya Lacagta la dalbado waa kharash la iska qaado oo dowladdu uga baahan tahay qofka wax dhisaya sababtoo ah waxay u rabaan in ay dhismayaasha cusub ku xiraan adeegyada ka jira degmada, sida biyaha, bulaacada, korontada, kaabayaasha jidka, booliska, badbaadada dabka la xiriirta, dugsiyada, iyo beeraha nasashada. Lacagta la dalbado waxaa inta badan loo isticmaalaa in lagu bixiyo kaabayaasha bulshada; wixii lacag ee la dalbanayo waa in ay noqotaa mid yeelata saamayn la mid ah saamaynta ay dhismayaasha cusubi ku yeelanayaan bulshada. Portland waxay isla hadaba isticmaalaysaa "Nidaamka Lacag qaadida ee Horumarka la Xiriira" (SDCs) ee, biyaha, bulaacada, iyo beeraha nasashada, gaadiidka ee ay saamaynta ku yeelanayaan dhismayaasha cusubi. Wada xaajood badan ayaa loo baahan doonaa si loogu daro horumar dhanka dhaqaalaha ah.

L. Degaannada Bulshada Saamaynta Ku Yeesha Tani waa qoondayn ku saabsan maalgelinta la maalgelinayo degaanka gaar ah oo cayiman oo kooban ama xad leh oo loogu tala galay qorshaynta yaraynta barakaca halkaasi oo waxyaalo loo isticmaalo saamaynta bulshada la adeegsan doono. Degaankan laga hadlayo waxaa jiri doona waxyaalo go’an loo la filayo oo qorshaysan oo dhismahaasi wax la dhisayaa tixgelinta siiyo saamaynta uu yeelanayo iyagoo isku dayaya in ay yareeyaan cawaaqibka xun ee ka dhallan kara iyadoo codsanaya lacagta kaalmada ee dadweynaha si ay bulshadu uga faa’iidaysato iyo loona isticmaalo hab looga hortago barakaca oo ku habboon heerka barakac ee ka jira degaanka laga hadlayo. Iyadoo la eegayo xadaynta Barigga Portland, dhismayaasha ganacsigu waa kuwo isla hadaba kooban ama la xadeeyay.

M. Lacagta Loo Qoondeeyay Maalgelinta Bulshada - (Lacagta loo qoondeeyay Maalgelinta Hantida Guryood ee xaafadda ku saabsan)

Kani waa hab loo isticmaalo maalgelinta ganacsiga oo la mid ah lahaanshaha la wada leeyahay, laakiin shaqaalaha ama dadka xubnaha ahi aanay yeelanayin wax saamayn ah. Tani waa maalgelin ganacsi oo

Page 11: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

11

kooban sidoo kalena qorshaysan iyo fursad lahaansho oo noqon karo mid u gaar ah degaan ah iyo dad dakhligoodu hooseeyo. Hay’adda Mercy Corps daraasad ku samaynaysa fikradan; waxaa jira waxyaalo dhanka sharciga la xiriira oo aanay wali xalin.

Page 12: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

12

Guddi Hoosaadka Guryaha EPAP

Ka hortaga Barakaca Lama filaanka ah Talo soo jeedinta 5 – 10 Sanadood ah ee loogu

tala galay Bariga Portland Waxyaalaha la soo jeediyay in la isticmaalo ee hoosta ku qoran waxay culayska saaraan ka hortaga barakaca lama filaanka ah ee Bariga Portland 5 – 10 sanadood ee soo socda. Waxay si fiican ula socdaan waxyaalaha Guddi hoosaadka Guryuhu EPAP Siyaasad Muhiimada Siinayaan. Ujeedada Guddi hoosaad Guryaha EPAP waa in heshiis ka gaaraan siyaasad waxtar leh oo loogu tala galay guryaha iyo in muhiimada la siiyo dejinta siyaasadaha Qorshe Hawleedka iyo waxyaalaha kale ee la xiriira guryaha ee Bariga Portland. Waxyaalaha aan ku doodno waxaa ka mid ah (balse aanan ku koobnayn): dhiiri gelinta guryo helidda dadka dakhligoodu kala duwan yahay---oo ay ka mid tahay helidda guryo la awooddo oo loogu tala galay dadka dakhligoodu hooseeyo, dhiiri gelinta samaynta guryo tayadoodu sarayso iyo dhisme tayadiisu fiican tahay, iyo dhiiri gelinta dayactirka hantida iyo sidoo kale dhismaha cusub. Waxyaalaha La Soo jeediyay Ee Loo isticmaalayo Guryaha:

A. Xasilinta Ijaarka Sida ay Oregon u leedahay waxyaalo lagaga hortago kororka canshuurta dhanka hantida oo kale, Xasilinta Ijaarku wuxuu dadka wax ijaarta ee ku nool hantida loogu tala galay qoysaska badan ka illaaliyaa kororka xad dhaafka ah ee ku yimaada ijaarka isagoo qasab ka dhigaya in kororka ijaarku noqdo mid si tartiib tartiib ah oo macquul ah u yimaada, iyadoo sidoo kale la xajiijinayo in mulkiilayaashu helaan waxyaalo fiican oo uga soo noqda maalgelintooda.

B. Is Cayrinta Sababta la Haysto (JCE), Fulinta Nidaamka La Dejiyay, iyo Waxbarashada Qofka Wax Ijaarta

Joojinta is cayrinta sababta la haystaa waa sharciyada dhowra dadka wax ijaarta iyadoo la xaqiijinayo in mulkiilayaashu ay kaliya dadka guryaha ka

Page 13: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

13

cayrin karaa marka sabab saxi jirto, sida marka qofka wax ijaartaa ku guuldaraysto in uu bixiyo ijaarka ama haleeyo/burburiyo hanti. Iyadoo JCE ay tahay ta illaalisa dadka wax ijaarta, hadana mulkiilayaashu waxay lahaadaan xuquuqda buuxda ee ay ku cayrin karaan qofka wax ijaarta markuu jebiyo heshiiska ijaarka. Fulinta Nidaamka la Dejiyay wuxuu mulkiilayaasha ku khasbaa in ay kordhiyaan xaaladda dhismaha ku sugan yahay ee aan badbaadada ahayn. Fulinta Nidaamka la Dejiyay wuxuu xaqiijin karaa guryaha loogu tala galay qoysaska badan loo lahaado sidoo kalena si loo maamulo si mas’uuliyaddi ku jirto. Marka la ogaado in lagu xadgudbay xeerka u yaala guryaha oo ka dibna wax laga qaban waayo, markaa dowladdu waxay ciqaabo weyn ku soo roggi karaan mulkiilayaasha. Waxbarashada la xiriirta xuquuqda iyo waajibaadka ee loogu tala galay dadka wax ijaarta waa in ay noqotoo qayb firfircoon oo ka mid ah JCE iyo Fulinta Nidaamka la Dejiyay, si loo xaqiijiyo in nidaamka la isticmaalayo si daacad ah loola socdo sidoo kalena noqday mid sharci ah.

C. Baaritaanka Saamaynta Ka Hortaga Barakaca Baaritaanka La Baarayo Saamaynta uu shay leeyahay waa hab la isticmaalo oo dhismayaasha qoysaska badan iyo dhismayaasha ganacsiga looga baahan yahay in ay bixiyaan qiimeyn ay sameeyaan inta aan wax la dhisin ka hor taasi oo la xiriirta saamaynta waxan la dhisayaa ku yeelan karo barakaca degaanka (caadiyan dhul qiyaastiisu tahay hal may loo isku wareeg ah).

D. Dayactirka Hantida Guryaha si loo Xaqiijiyo in la Awooddo Tani waxay khusaysaa lacagaha guryaha dowladda si loo gato dhismayaasha hada jira ee loogu tala galay qoysaska badan ee xaaladoodu liidato iyo si loo dayactiro dhismaha si ay u noqdaan guryo la awooddo oo ay maamulkiisa hayaan kooxo bulshada ka tirsan ama hay’add aan faa’iido doon ahayn oo u adeegta dadka dakhligoodu hooseeya.

E. In Aanu Kharashku Ka Badnaan Macaashka/Xeerka Illaalinta Guryaha La Awooddo

In Aanu Kharashku Ka Badnaan Macaashka waa marka Magaaladu ay tahay in ay sii wado tiro la cayimay oo ah guryaha la awooddo iyadoo la dhowrayo guryaha jira, dhismayaasha cusub, ama dib u dhisidda guryaha

Page 14: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

14

la lumiyay. Xeerka Illaalinta Guryaha La Awooddo waa samaynta siyaasad la xaqiijinayo in tiradaasi guryaha la awooddi karo ee loogu tala galay dadka dakhligoodu hooseeya iyo kuwa uu dhexdhexaadka yahay aanay hoos u dhicin muddo ka dib.

F. Kordhinta Lahaanshaha Guri iyo Lahaanshaha La Iska Kaashanayo

Tani waxay abuurtaa barnaamijyo lagu kordhinayo fursadaha ay qoysaska dakhligoodu hooseeyaa ay ku helayaan fursad ay ku gataan guri. Macnaheedu waa in la qaado waxyaalaha caqabadaha ku ah dadka guryaha leh si ay lahaanshaha guri ugu fududaato kooxo dadka ka tirsan oo ay inta badan ku adan tahay in ay naftooda u gataan guryo. Lahaanshaha La Iska Kaashanayo ee guryaha loogu tala galay qoysaska badan wuxuu yimaadaa marka koox dad ahi ay sameeyaan iskaashi dhanka ganacsiga si loo wadaago lahaanshaha dhismaha. Xubnaha iskaashigu ka dhexeeyaa waxay ka wada shaqeeyaan in ay gaaraan waxyaalo labbada dhinac u dan ah oo ku salaysan hab dimuqraadi oo wax loo maamulayo iyo go’aan gaarid. Xubnaha iskaashigu ka dhexeeyaa waxaa suuragal ah in ay noqdaan ama aanay noqon dadka degan dhismaha lahaanshihiisa la wadaagayo.

G. Ka qaybgalinta Xadaynta Tani waa mid dadka wax dhisa looga baahan yahay in ay tiro guryo ah oo ka mid ah dhismayaasha cusub ee ay dhisayaan ay noqdaan kuwo ay heli karaan qoysaska dakhligoodu hooseeya iyo kuwa uu dhexdhexaadka yahay. Taasi beddelkeeda dadka wax dhisaa waxay helaan magdhow aan lacag ahayn oo ah abaalmarin ay guryo dheeraad ah ku dhisan karaan, xadaynta dhulka oo kala duwan, ruqsaddo degdeg ah, ama xeerar la mid ah oo yaraynaya kharashyada ku baxaya dhismaha ama dhiiri gelinta waxyaalaha ay hiigsanayaan dadka wax dhisaya. Tani waxaa laga samayn karaa marka la dhisayo guryaha loogu tala galay hal qoys ama dhismayaasha loogu tala galay qoysaska badan.

H. Heshiisyada Faa’iidooyinka Bulshada (CBA) Kani waa qandaraas lala galo hay’ad ka socota dowladda, qofka wax dhisa, ama meel kale si faa’iidooyin gaar ah u ay helaan bulshada degaanka ama xaafaddu iyadoo bulshada ama xaafadda la is dhaafsanayo

Page 15: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

15

aqbalaad. Mashaariicda dadweynaha, CBAs waa laga wada xaajoon karaa iyadoo lagala xaajoonayo yeelano hay’adda dowladeed ee hawsha wada waxaana la raacin karaa Codsiga Talo Soo Jeedinta (RFP) ee qandaraaslayaasha lala leeyahay. Marka lala shaqaynayo dadka wax dhisa ee gaarka ah, waxa ay faa’iidooyinka ay helayaan bulshadu lagaga wada hadli karaa qandaraaska lala galo kooxaha bulshada kuwaasi oo markaa aqbala (ama aan diidin) waxyaalaha laga beddelayo mashruuca. CBAs ayaa bixisay dhaqaalaha tababarka goobta shaqada, shaqaalaynta bulshada degaanka, helidda daryeelka carruurta, helidda guryaha qololka ka kooban oo la awooddo, dib u dejinta lacagteeda la bixinayo, iyo faa’iidooyinka kale ee bulsho. Waxyaalaha loo Isticmaalay Guryaha ee Dib loo eegay lana Qiimeeyay, laakiin Maaha Mid Hada La iskula Talinayo la Isticmaalo:

Guddi hoosaadka Guryuhu waxay dib u eegtay tiro kala duwan hababka la isticmaalaya ah si ay u yarayso barakaca. Habkasta oo la isticmaalay waxaa la siiyay qiyaasiisa loo kala saaray +3 ilaa 3. Kuwa soo socdaa liiska buuxda ee waxyaalaha dib loo eegay iyo qiimeyntoodii.

Page 16: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

16

Page 17: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

17

Page 18: (EPAP)eastportlandactionplan.org/sites/default/files/Ka hortaga Barakaca Lama Filaanka ah...1 (EPAP) Guddi Hoosaadka Ka qayb qaadashada Hawlaha Magaalada . Ka hortaga Barakaca Lama

18

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan waxyaalaha loo isticmaalo ka hortaga barakaca, la tasho kuwa soo socda: Isku xirka Siyaasadda ‘PolicyLink’: http://www.policylink.org/equity-tools/equitable-development-toolkit/all-tools; ‘Warbixinta Siyaadaha Ka Hortaga Barakaca Ee Aan Cully Ahayn: http://www.pdx.edu/usp/sites/www.pdx.edu.usp/files/A_LivingCully_PrinterFriendly_0.pdf; ‘Yaraynta Barakaca la Xiriira Dib u cusboonaysiinta Guryaha: Waxyaalaha loogu tala galay Portland, Oregon’ https://wikis.uit.tufts.edu/confluence/download/attachments/37718593/Thesis_Eunice_Kim_2011_final.pdf?version=1&modificationDate=1321809955000; 2013 Daraasadda Dib u cusboonaysiinta Guryaha iyo Barakaca: http://www.portlandoregon.gov/bps/article/454027 .