This document is posted to help you gain knowledge. Please leave a comment to let me know what you think about it! Share it to your friends and learn new things together.
Transcript
—1—
JAMHUURIYADDA
SOMALILAND
FAAFINTA RASMIGA AH SOMALILAND REPUBLIC
OFFICIAL GAZETTE
لنَّشرةأ الرَّسمية لجمهورية صوماليلاند
XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE QARANKA JSL, HARGEYSA
E-mail: [email protected] Sanadka: 4aad Cadadka: 1aad ee January Taariikh: 07/02/2015
QIIMAHA CADADKA: SL. Sh. RUKUNKA (Subscription):
QIIMAHA FAAFINTA AAN DAWLIGA AHAYN ee Qaybta Shanaad: Sadarkii Boggii kastaaba SL. Sh.
TUSMADA CADADKA
QAYBTA KOWAAD: XEERARKA
BAARLAMAANKA IYO XEER
NIDAAMIYAYAASHA:
1) Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka Xeer Lr.67/2014
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2015 ee ku taariikheysan 5/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr.67/2014.
Wuxuu Soo Saaray
—5—
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
Allaa Mahad Leh, Axmed Maxamed Silanyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Habraacyo:- Waa habraacyada kala duwan ee ay raacdo Gudidu sida ka Maamulka, xisaabaadka, shaqaalaha iyo kuwa kale ee la mid ka ah.
Agaasinka Fulinta:-
Waxaa loola jeedaa agaasimayaasha uu Madaxweynuhu soo magacaabo.
—10—
Guddidu (Komishanku) waxay yeelanaysaa astaan u gaar ah oo ah (Khariidadda Somaliland oo uu ka dhex talowsanyahay Qool cas oo astaan u ah AIDS-ka, didabka khariidadda Somaliland waa cagaar waxaana Ku xeeran midab cadaan ah, Qoolka iyo cadaanka waxaa ku dul wareegsan laba goobaabood oo kala sarreeya oo dhexdooda uu marsanyahay midab cagaarani, dhinaca sare ee midabka cagaaran waxaa min bidix ilaa Midig Ku qoran: “Guddida (Komishanka) Qaranka ee HIV-AIDS-ka”, Dhinaca hoose ee diillinta cagaaran meel badhtamaha hoose ah waxay ku dul fadhiyaan barkin leh midab buluugga oo ay Ku dhex qorantay (SOLNAC)/Waxaana awood u leh waxka bedelkeeda Guddida.
Qodobka 4aad Aasaasidda Guddida (Komishanka) Qaranka ee HIV-
AIDS-ka iyo Astaantiisa
1. Xeerkan waxaa lagu Aasaasay Gudiga Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo ah Hay’ad qaran oo leh qofnimo qaanuuneed iyo shaambad u gaar ah, una madaxbannaan maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
2. Xarunta Guddidu waa caasimadda JSL ee Hargeisa xafiisyana way ka furan kartaa Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.
Qodobka 5aad Ujeeddooyinka Komishanka Qaranka ee AIDS-ka.
1. Dejinta siyaasaddaha iyo hagayaasha lagaga
jawaabayo fiditaanka cudursidaha/cudurka HIV/AIDS iyo hab-maamulka cawaaqibkiisa ee dalka JSL.
2. Qaabaynta Istaraatiijiyad guud oo heer Qaran oo dhinacyo badan kuna wajahan ka hortagga xakamaynta HIV/AIDS iyo daryeelka, ilaalinta dadka la nool HIV/AIDS.
yahay iskuduwayaasha wasaaradaha uu ka kooban yahay golaha hagiddu.
2. Unugga kormeerka ee degmadu wuxuu ka kooban yahay madaxda heer degmo ee wasaaradaha uu ka kooban yahay golaha hagiddu ama cidda wasaaradahaas uga wakiil ah degmada.
6. Ka gacan-siinta agaasinka fulinta caqabadaha soo food-saara.
7. Baadhista iyo go'aan ka gaadhista khilaafyada maamul ee soo kala dhex-gala masuuliyiinta agaasinka fulinta ama agaasinka fulinta iyo dhinacyada uu xidhiidh la leeyahay.
8. Arrimaha kale ee agaasinka fulintu ka codsado in ay ka gacan-siiyaan.
hagidda, ka dib marka guddoomiyuhu ama wakiilkiisu marka aanay guddoomiyaha u suurto-geleyn ka qayb-galka shirku.
2. Marka uu maqan yahay Agaasimaha fulintu waxaa xilka ku sii simaya agaasimaha maamula iyo lacagta.
Qodobka 13aad
Masuuliyadda Xidhiidhiyaha Hawlaha Komishanka ee Gobolka/Degmada
1. Xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee gobolka ayaa
gobol ahaan uga masuula ah agaasinka fulinta dhamaan hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS.
2. Xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee degmada ayaa uga wakiil ah xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee gobolka dhamaan hawlaha la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta HIV/AIDS.
• Golaha hagiddu waxa kale oo uu yeelan karaa shir
aan caadi ahayn mar kasta oo loo baahdo, waxaana isugu yeedhi kara guddoomiyaha golaha ama wakiilkiisa,
• Xoghaya golaha fulintu, marka uu helo amarka guddoomiyaha komishanka ama wakiilkiisa, ee ah in la qabto shir aan caadi ahayn, wuxuu ku wargelinayaa xubnaha shirka aan caadiga ahayn goobta, taariikhda iyo ajendaha shirka
d) Golaha hagidda waxay go'aamadiisu ku ansaxayaan hal dheeri codadka xubnaha jooga.
e) Xoghayaha golaha hagiddu wuxuu shirka ka dhiiban karaa ra'yi iyo talo balse kuma laha cod.
Qodobka 18aad
Shirarka Golaha Iskudiwidda iyo Unugga Kormeerka
1. Shirka golaha isku-duwidda waxa guddoominaya guddoomiyaha gobolka, haddii uu maqan yahayna, isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka, oo uga wakiil ah guddoomiyaha gobolka socodsiinta hawsha komishanka ee gobolka.
—17—
2. Shirka golaha isku-duwidda waxa diyaarinaya xidhiidhiyaha komishanka ee gobolka, ka dib markuu la tashado guddoomiyaha golaha isku-duwidda ee gobolka ama wakiilkiisa (markuu guddoomiyuhu maqan yahay), isagaana shirka golaha isku-duwidda xoghayn ka ah.
3. Shirka unugga kormeerka waxa guddoominaya
guddoomyaha degmada, haddii uu maqan yahayna waxaa guddoominaya madaxda waaxda caafiamadka ee degmada oo uga wakiil ah guddoomiyaha degmada socodsiinta hawlaha komishanka ee degmada.
4. Shirka unugga kormeerka waxa diyaarinaya
xidhiidhiyaha hawlaha komishanka ee degmada, ka dib markuu la tashado guddoomiayaha unuga kormeerka degmada ama wakiilkiisa isaga ayaana shirka unuga kormeerka xoghaye ka ah.
Markuu arkay: Qodobka 78aad ee xeerka ismaamullka gobolada iyo degmooyinka, ee ka hadleya qurxinta iyo dayactirka
Markuu ogaaday: Baahida loo qabo dibu habaynta meheradaha ganacsiga iyo kala xadayntooda Oo ku xusan qodobka81aad ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka.
Markuu arkay: Qodobka 75aad ee isla xeerkan, oo tilmaamaya fayodhawrka.
—24—
Markuu ku qancay: Qodobka 4aad ee xeerka wado marista gaadiidka, oo ka hadlaya mas’uuliyad Maamulka wadooyinka.
UJEEDO: DAR-DAR GELINTA BILICDA CAASIMADDA 2015
Maadaama sanadkan loo qaatay bilicada iyo nadaafada magaalooyinka waxa dhamaan dawladaha hoose la farayaa in ay: 1. Miisaaniyadda sanadeedkooda ku soo muujiyaan
4. Fidiyaan Haamaha iyo Agabka qashinka lagu rido ama lagu ururiyo ee heheradahu u baahan yihiin, isla markaana la dhigo goobaha ku haboon eel agama maarmaanka u ah,
ALLAA MAHAD LEH
CALI MAXAMED WARAN-CADE
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
—25—
QAYBTA AFRAAD:
AMARADA & GO’AANADA MAAMUL
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/01/2015. 04/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-
Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, MYRRH OLIBANUM COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
—26—
Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-
Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, AL MACO LIMITED COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
Markuu arkay: - In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004
—28—
(Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
Markuu arkay: - Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaban Yahay AL MACO LIMITED COMPANY, Astaanteeduna tahay :-(Midho Baxaya) shaqadeeduna tahay Dhoofinta wax soo saarka beeraha (Exporter Agriculture Production), xarunteeduna tahay Magaalada Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 04/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L
—29—
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/03/2013. 04/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaraN Diiwaan Gelinta Shirkadaha.
Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo Awood u siinaya Xafiiska Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha..
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, MURUQ AND MAAN COMPANY (MMC), oo ay ku cad yihiin xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad(2) (a) Somaliland Comany law..
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkaddan ku magacaaban MURUQ AND MAAN COMPANY (MMC), Astaanteeduna tahay:- (Geed Weyn) shaqadeeduna tahay Dhismaha ( Construction) xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 04/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/04/2015. 07/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saran Diiwaan Gelinta Shirkadaha.
Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta
—31—
Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, DALMAR TRADING COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaban yahay DALMAR TRADING COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Xidig) shaqadeeduna tahay soo dejinta cuntooyinka (Importer of food stuffs), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 07/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
—32—
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/05/2015. 07/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha.
Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, SOMALILAND LIVESTOCK EXPORT COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
—33—
Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaaban yahay SOMALILAND LIVESTOCK EXPORT COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (afar gees dhinaca bidix wareeg ka ah oo uu ku dhex sawiran yahay dibi madoobi, magaca shirkaduna xaga sare kaga qoran yahay) shaqadeedu tahay Dhoofinta Xoolaha (Exporter of Livestock), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 07/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
—34—
XIG/JSL/06/2015. 10/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-
Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, TAMAD GEMETONE COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
—35—
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaaban yahay TAMAD GEMETONE COMPANY, Astaanteeduna tahay: - (dhagax gem ah) shaqadeeduna tahay ka ganacsiga macdanta (Export of minerals), xarunteeduna tahay Magaalada Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 10/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/07/2015. 10/01/2014
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-
—36—
Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, NORDAN GEM AND MINERAL COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda ku magacaaban yahay NORDAN GEM AND MINERAL COMPANY, Astaanteeduna tahay :- (Export of minerals) shaqadeeduna tahay ka ganacsiga macdanta (Export of mirerals), xarunteeduna tahay Magaaladda Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 10/01/2015.
—37—
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/08/2015. 14/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Caddeyn Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha dalka (sole proprietorship).
Markuu arkay: - Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Qodobka 502aad ee Xeerka Madaniga.
—38—
Markuu arkay:- Ogolaanshaha Wasaaradad Ganacsiga JSL ee WGM-AG-PCA-01/015.
Markuu arkay:- Xeerka Shirkada ku magacaaban BAABU SALAAM GENERAL TRADING COMPANY .
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkan ku magacaaban BAABU SALAAM GENERAL TRADING COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Magaca Shirkada oo la soo qaabiyey BSCO) shaqadeeduna tahay Soo dejinta Allaabooyinka iyo buugta (Importer), xarunteeduna tahay Magaaladda Hargeysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 14/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka J.S.L
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/09/2015. 17/01/2015
Hargeysa.
—39—
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Caddeyn Diiwaan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-
Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Qodobka 502aad ee Xeerka Madaniga.
Markuu arkay:- Xeerka Shirkad ku magacaaban RESEARCH AND CONSULTANCY CENTER (RCC).
Markuu arkay:- Saxeexa saamileeyda Shirkaddu ay saxeexeen.
Wuxuu Caddeynayaa.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan tahay Shirkan magacaaban RESEARCH AND CONSULTANCY CENTER (RCC), Astaanteeduna tahay: - (Goobo uu ku dhex jiro magaca shirkada oo la soo gaabiyey RCC) shaqadeeduna tahay Cilmi Baadhista iyo la talinta (Research and Consultancy), xarunteeduna tahay Magaalada Burco, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 17/01/2015.
—40—
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/10/2015. 18/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saaran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-
Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, TAAKULO TAKAFUL COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad
—41—
Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda magaceedu yahay TAAKULO TAKAFUL COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Magaca shirkadda oo la soo gabiyey) shaqadeeduna tahay soo takaaful (Fund management), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 18/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
—42—
XAFIISKA XEER ILAALINTA GUUD
OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL
XIG/JSL/11/2015. 18/01/2015
Hargeysa.
KU: Cidda Ay Khuseyso.
Ujeeddo:- Diiwan Gelin Shirkadeed
Xafiiska Xeer Ilaainta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xil saran Diiwaan Gelinta Shirkadaha;-
Markuu arkay:- Qodobadda 11aad ee Xeer Shirkadaha, kaas oo awood u Siinaya Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud in ay Diiwaan geliso Shirkadaha.
Markuu arkay: - Xeerka Shirkadda Magaceedu yahay, DOMAIN GROUP COMPANY, oo ay ku cad yihiin Xubnaha Shirkaddu, sida ku cad Qodobka 11aad (2) (a) Somaliland company Law.
Markuu arkay:- In ay saamiga Shirkaddu waafaqsan yihiin Xeerka Shirkadaha Xeer N0.25/2004 (Company Act of Somaliland) saamiyadooduna ay sugan yihiin.
—43—
Markuu arkay:- Saxeexa saamilayda Shirkaddu ay saxeexeen sida uu qabo qodobka 11aad xubintiisa 3aad ee Xeer Shirkadaha .
Wuxuu Diiwaan Geliyey.
Inay Xafiiskan si sharci ah uga Diiwaan gashan Tahay Shirkadda magaceedu yahay DOMAIN GROUP COMPANY, Astaanteeduna tahay:- (Xarfaha DG) shaqadeeduna tahay soo dejinta Allaabooyinka (Importer of Food stuufs), xarunteeduna tahay Magaalada Hargaysa, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 10/01/2015.
Allaa Mahad Leh.
(Xasan Axmed Aadan)
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
MAXKAMADDA RAFCAANKA GOBOLKA MAROODI JEEX
MRGMJ/D-MRL/05/2015 Taar..21/01/2015
Ku: - Taliyaha saldhiga Dhexe ee Hargaysa
Ku: - Taliyaha Sladhiga Ibraaahim-Kood-Buur
Ku: - Radio Hargeysa
—44—
Ku: - Wargeesyada Madax-Banaan iyo kuwa Dawliga ahba
Og: - Meeyarka Caasimadda Hargaysa
Og: - Guddoomiyaha degmadda 26 juun
Og: - Guddoomiyaha Degmadda Ibraahim Kood-Buur
Og: - Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa
Og: - Rafcaanleyaal: - Deeqa Aadan Dhamac iyo
Amiira Aadan Dhamac
Og:- Rafcaansaneyaal:- Waris Maxamed Qaasaali
Ayaan Aadan Dhamac
Axmed Aadan Dhamac
UJEEDO: Amar Xayiraad Guri Iyo Dhul Laba Baloodh Ah.
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodijeex.
Markay Aragtay: Galdacwadeedka Sumadiisa iyo Dhinacyadiisuba kor ku xusan yihiin.
Markay Ogaatay: In Hanti la isku hayo Dacwadiisuna ku j irto Maxkamadda Racfaanka cid Gaarina Aanay ku taagi fali Karin ilaa inta lagu kale Baxayo.
—45—
Markay Aragtay: Qodobada Sharci ee kale ah 293.294.295XHM. Sidaa Daraadeed Waxay Maxkamaddu soo saartay Amarkan Xayiraadda ah ee soo socda.
1. Waxa la farayaa Taliyaha Saldhiiga Dhexe iyo Taliyaha saldhiiga Ibraahim Kood-Buur in Maxkamaddu Xayiraad saartay Guriga iyo Dhulka Labadan Baloodh Ah. Jihooyinkeeduna Kala Yihiin Sidan:
Jihooyinka Guriga
Bari…………………. Waddo
Galbeed………….. Dhisme
Waqooyi……….. Waddo
Gurigaas oo ku yaala Degmada Ibraahin Koodbuur Ee ay Leeyhiin iyo Labada Baloodh Ku yaala Aadan Dhamac.
Sidaas Daraadeed, lama dhisi karo, Lama libin karo, lama Rahmi Karo Lama Hibayn karo, sifo kalena looma isticmaali karo ilaa amar Dambe ka soo Baxayo Maxkamadda , Ciddi jabisana Xayiraadan Aad hor keentaan.
KU: DHAMAAN KU XIGEENKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE FADHIGOODA
OG: XEER ILAALIYAHA GUUD QARANKA JSL HARGEYSA
UJEEDDO: Wareegto ku saabsan Qiimaha lacagta lagu Qaadanayo Magta iyo Meherka Dumarka.
GUUDOOMIYAHA GUDIGA CADAALADU.
MARKU ARKAY: Goaanka Guddiga cadaaladda ee fadhiiga 7aad ee ku taarikhaysan 12/06/2014, kuna saabsan qiimaha lagu qaadanayo Qudh gooyada Badheedhka ah (Dilka), meherka Dumarka iyo wixii ka soo hadhay magta.
Markuu Arkay: In qiimaha xoolaha nooli aad sare ugu kacay intii ka dambaysay
—47—
dekreetadii hore ee sumadeeda tahay Ms/ GSM/G-7/321/2005, ee 13/2/2005,
Marku Arkay: Xeerka Madaniga qodobada 160,161 ee ka hadlaya magdhawaga madaniga.
Markuu Arkay: Baahida loo qabo in digreeto lagu soo saaro qiimaha geela magaha, qoomaha,.
Asbaabtaasi Dartood Guddoomiyuhu wuxu soo saaray Wareegtadan Hoos Ku qoran:
Waxaa lagu kala qaadanayaa magta Qoomaha Ama Nabarada 1500,000 shilin Somaliland ah hashiiba.
Dhaqan galka wareegtadan waxa uu sameynayaa wixii aan la kala qaadan dhamaan ama aan qayb ka mida ah ala kala qaadan ama fulitiisa aan Maxkamaduhu guda gelin, ama aanay dhinacyaddu la iman heshiis ay ku kala qaadanaya qimaha Geela.