Page 1
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
HORDHACA GUUD EE SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Bogga SomaliSwisstv.com wuxuu soo bandhigayaa Silsilad qoraallo ah oo ka
hadlaysa ururada Islaamiga ah ee Soomaliya sida ay ku bilowdeen,
ujeedooyinkooda, waxa ay kala aaminsan yihiin, meelaha ay ku kala xiran
yihiin iyo damacooda kursiga hogaaminta Soomaliya. Akhristayaasha waxan
ka filaynaa inay iyagu kala dhex baxaan khatarta iyo faa'idada ay
Soomalida u wadaan ururadaas Islaamiga ah.
Cilmi Baaris, xog uruurin iyo wareysiyo badan oo uu sameeyay Bogga
wadanka.com ka dib ayaa lagu diyaariyay isla markaana lagu daabacay
qoraalladaan, waxaana lala sugayay waqtigooda. Ujeedada guud ee hadda loo
soo bandhigayo Qoraalladaan waa in Shacabka Soomaaliyeed uu ogaado, isla
markaana umaddu aysan ku kadsoomin ururada islaamiga ah qaarkood iyo
ujeedooyinka marin habaabinta ah ee ay aaminsan yihiin, waana muhiim in
qof kasta oo Soomaali ah uu miisaan rasmi ah saaro. Qoraaladeena waxan
ugu hormarin doonaa ururka ugu khatarta badan ee Al-Shabaab waxanan
cinwaan uga dhignay Silsilada Qoraalada Al-Shabaab Iyo Halka Ay Kasoo
Bilowdeen.
QEYBTA 1-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA Inta aanan u guda galin maqaaladeena waxan u hambalyaynaynaa Sh. C/raxman
Janaqow iyo saaxiibadiis Sh. Bashir Axmed-Salaad iyo Sh. Max'ud Abu-
Shayba oo noqday raggii ugu horeeyay oo si bareer ah u radiya kana diga
Al-Shabaab iyo khatarta ay soo wadaan. Waxaase ragaas laga rabay inay
qirtaan in ururkoodii Al-Itixaad ama Al-Ictisaam ay ahaayeen kuwii dhalay
Shabaabka ay maanta ka qaylinayaan. Maqaalada soo socda ayanan ku cadeyn
doonaa sida ay Al-Itixaadku u dhaleen Al-Shabaab.
Diinta Islaamka iyo Soomalida Keebaa Horeeyay?
Diinta Islaamku waqtigii ay soo gaartay dhulka Somalida waxa ka taagan
dood maadaama Soomalidu aysan waxba qori jirin, mana la helayo qoraal
Carabi ah oo cadaynaya waqtigii ay soo gaartay. Waxaase jira cadaymo iyo
taariikh hore oo sheegaysa in waqti hore ay soo gaartay diinta Islaamku
ama la oran karo jiritaanka Soomaaliduba wuxuu la bilwday imaatinkii
diinta Islaamka, oo Soomalida maanta jirtaa waa mirihii ka dhashay
Carabtii dalka timid iyo Afrikaankii madoobaa oo loogu yimid.
Waxa kaloo la ogsoon yahay in aysan diintu kusoo gaarin Somaliya hab
dagaal ah ee ay ku timid nabad, mana jirto khilaafo Islaami ah oo ka
talin jirtay Somaliya marka laga reebo khilaafadii ugu dambaysay ee
Cismaaniyiinta oo wakiilkoodii Cumaan uu ka talin jiray xeebaha Somaliya.
Waxana xarun u ahayd wakiilkaas jasiiradda Zanzibaar ee xeebaha
Tanzaniya. Waxa jirta laba aragtiyood ee qeexaysa qaabkii Islaamku kusoo
gaaray Somaliya.
1. Midi waa waqtigii uu Nabi Max’ed NNK joogay Makka intii uusan u
hijroon Madina. Markii lagu dhibay Makka ayuu asxaabtiisa qaarkeed usoo
diray dhulka Xabasha oo Harar ay ka mid ahayd. Waxana halkaas soo gaaray
Asxaab uu hogaaminayo nabiga ina adeerkiis Jacfar Bin Abii Daalib.
Asxaabtaas oo mudo joogtay dhulkaas waxay Islaamiyeen dadkii halkaas
Page 2
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
daganaa, waxana dhici karta inay halkaas naga soo gaartay diintu iyadoo
nabad ah.
2. Mida labaad waa in dadka Soomalida ah iyo diinta Islaamkuba ay isku
mar soo galeen dhulka Somalida ee maanta la yaqaano. Waxana la sheegaa in
dhulkaan ay daganaayeen dadka loo yaqaan Bantu ee u eg dadka Afrikaanka
ah. Somalida oo asalkeedi Carab ka timidna ay ku milmeen dadkaas. Inta
badan dadka Bantu-ga ah waxaa loo durkiyay dhanka Koonfurta ilaa la
gaarsiiyay xuduuda Kenya. Midabka dadka Somalida ah oo ka duwan kan
Afrikaankana wuxu u muuqdaa intiisa badan isku dar Carab iyo Afrikaan mid
ay iska dhaleen.
Ku Dhaqanka Diinta Islaamka Ee Soomaliya
Sida aan soo sheegnay khaliifa Islaam oo ku xukuntay shareecada Islaamka
dhulka Somaliya ma aysan jirin. Cadaynta ugu wayn arinkaasna waa xijaabka
dumarka Muslimiinta oo ku haray dhamaan dhulkii ay xukumi jireen
khaliifooyinka Islaamka ee markii dambe gumaysigu uu gacanta ku dhigay.
Dhulka Soomalida lagama aqoon dumar xijaabta intii ka horaysay sanadihii
todobaatameeyadii. Maadaama noocaas ay kusoo gaartay diinta Islaamka
Somaliya, waxa hormuud u noqday fidinta diinta dariiqooyin Suufiya ah oo
saddex magac kala lahaa, haba kala xoog badnaadaane.
1. Dariiqada ugu waynayd waxay ahayd Qaadiriya oo laba garab usii kala
qaybsanayd. Uwaysiya oo ku abtirsata Sh Uweys Al-Qaadiri. Iyo Sayliciya
oo ku abtirsata Sh. C/raxman A-Saylici.
2. Dariiqada labaad waa Axmadiya oo ku abtirsata ama uu bilaabay Sh. Cali
Maye oo reer Marka ah.
3.Dariiqada saddexaadna waa Saalixiya oo la sheego inay Somaliya kasoo
gashay magaalada Basra ee dalka Ciraaq.
Waxa la sheegaa dariiqooyin yar yar oo kale oo aan wax kasoo qaad lahayn.
Inkastoo dariiqooyinkaas ay diinta fidiyeen isla markaana ay difaaceen,
hadana waxay lahaayeen habacsanaan wayn oo khalkhal galisay cibaadada iyo
ku dhaqanka diinta Islaamka. Waxa ka buuxay khuraafaad iyo bidcooyin fara
badan. Tusaale ahaan Dariiqooyinku waxay aamin sanaayeen in qabuuraha
dadka dhintay ee Saalixiinta ah la baryi karo ama loosii maro baryada
Rabi, oo Rabi kaligiis aan la baryi karin haddii aadan soo marin
Awliyada. Culumada dariiqooyinka qaarkood waxay tusaale ka dhigan jireen
in madaxweynaha dalka aadan u gali karin ilaa aad sii marto wasiiradiisa
iyo lataliyayaashisa. Waana arin khatar ah oo qofka gaarsiin kara Shirki
lagu cadaabo abidkiis, haddii uusan ka toobad keenin. Waxa kale oo si
wayn ay ugu dhaqmi jireen dariiqooyinku bidcooyin ay cibaado ka dhigteen
oo Nabi Max’ed iyo Asxaabtiisii gadaashood la keenay.
Waxay kaloo si buuxda u qaateen dariiqooyinku fikradda ah in la kala
saaro Diinta iyo dowladda. Fikradaan oo ay dajiyeen shucuubta
Kirishtaanka ah markii ay u adkaysan waayeen khiyaanada iyo cadaalad
darada Kaniisada Kirishtaanku ay ku dhaqi jirtay shacabkeeda. Mana la
sheegin inta aan ka warqabo culumada Suufiyada oo ku wacdiyay dadka in
Page 3
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
kitaabka Quraanku uu yahay dastuur dalka iyo dadka in lagu dhaqo ay
waajib tahay.
Dhaqanka noocaas ahi wuxu keenay in Diinta Islaamku ay ka noqoto Somaliya
mid ku ekaata Masaajida iyo qabuuraha oo kaliya, oo aan u soo gudbin
guryaha, iskoolada, jaamacadaha iyo xarumaha dowladda. Sidoo kale
bulshada dabaqadaheeda marka la fiiriyo diinta waxa lagu yaqaanay
odayaasha waawayn oo kaliya, mana aysan jirin dhalinyaro iyo dumar ku
dhaqma diinta. Culumadda Dariiqooyinku waxay ka waliimaysan jirteen
guryaha tujaarta iyo madaxda, mana aysan ku wacdin jiray in guryahaas
lagu dhaqo diinta oo la xijaabo dumarka guryahaas jooga. Kaliya waxay ka
cuni jireen bariis, hilib, bun, iyo cambuulo. Cabitaana caano, shah iyo
qaxwe ayaa u ahaa.
Dhanka dhalinyarada Xerta ah iyo kuwa ka baxa iskoolada Carabiga ee
dariiqooyinka marka ay shaqooyin ka helaan dowladda, ama qaarkood loo
diro waxbarasho dibadaha ah sida Ruusha iyo Talyaaniga, waxay soo noqon
jireen iyagoo diintii ka faanaya. Kuwa ka soo laabta Ruushka qamrada ay
soo bartaan waxa u wehlin jiray inay noqdaan Shuuciyo oo diinta oo dhanba
inkira. Kuwa kasoo laabta Talyaanigana qamro iyo dhilaysi ayay ku
caanbixi jireen.Hadiiba ay jiraan dhalinyaro wadaado ah oo ku dhaqma
diinta Islaamka, waa lala yaabi jiray. Halhayska Somaliduna wuxu ahaa 40
jir ayaa lagu toobad keena oo masaajida lagu galaa. Dumarka Somalida waxa
ceeb ku ahayd gabar timada daboolata, waxana la oran jiray gabadhii
timaha dadata “malagu guursaday”
QEYBTA 2-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Baraarugii Diinta Islaamka Ee SoomaliyaIyadoo noloshu ay sidaas tahay,
markii la qaatay xornimada kadib waxa bilowday socdaalo waxbarasho oo
ardaydu ay ku aadaan wadamada Muslimiinta ah gaar ahaan wadanka Masar oo
Somaliya xiriir fiican lalahaa xiligii xornimo raadinta.
Sidoo kale wadamada Sucuudiga iyo Suudaan waxa aaday arday fara badan
waxbarasho nooc walba lehna u raadsaday. Taasi waxay keentay in waxbadan
la fahmo iyo in kutub badan oo aan horay u oolin Somaliya lasoo galiyo.
Cilmigii iyo cibaadadiiba kor ayay u kaceen. Culumadii kasoo noqotay
dibada waxay camireen masaajidii firaaqada ahaan jirtay, waxayna kasoo
buuxiyeen dhalinyaro iyo dumar farabadan.
Odayaashii Dariiqooyinka Suufiyadana waaga ayaa ku baryay oo waxay u
muuqdeen niman saldanadoodii diinta lala qaybsaday, waxayna bilaabeen
qaylo dhaan iyo dacaayad ay uga hortagayaan dhalinyarada dibadaha kasoo
laabatay.
Waxayna shacabkii iyo dowladiiba u sheegeen in diin cusub dalka lasoo
galiyay, laakin taasi ma hakin xowligii baraaruga dhalinyada ee diinta
Islaamka.Culumada dibada kasoo laabatay hal cilad oo ilaa iyo maanta xal
loo waayay ayay dalka soo galiyeen, waana ciladda aan darteed buugan u
qorayo. Waa cilada ururada Diinta.
Page 4
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Waa cilad abuurtay kooxaysi xisbiyo diimeed iyo tartan ku dhisan xukun
raadis, oo urur walba uu u xusul duubayo inuu isagu noqdo ururka diinta
Islaamka ku xukumaya dalka.
Haddii ururka kale uu uga hormaro kursiga xukunka Soomaliyana waxa
muuqata inaysan ururada kale ogolaan doonin, xataa haddii ururka kursiga
fuulay uu kitaabka Quraanka wax ku xukumayo. Waxaana tusaale la taaban
karo u ah arinkaas ururka Al-Islaax oo ka carooday lixdii bilood ee
golaha Maxaakimtu ay koonfurta Soomaliya maamulayeen kana qoray qoraalo
ay uga soo horjeedaan Maxaakimta maadaama rag ururkooda aan ahayn ay
gacanta ku hayeen hogaanka sare ee Maxaakimta. Halkasna waxa kasoo baxay
in ujeedada dhabta ah ee ururada Islaamiga ah ay tahay kursi ee aysan
raadinayn ku dhaqanka shareecada Islaamka. F
aahfaahinta hoose ayaan kusoo bandhigi doonaa cadaymaha arinkan.Ururkii
Ugu Horeeyay Somaliya: Jameeca Islaamiya. Wadaadkii ugu horeeyay ee
Soomalidu ay wada taqaano, oo bilaabay baraarujinta qaladaadkii ay diinta
ku wadeen dariiqooyinka Suufiyadu wuxu ahaa Sh. Nuur Cali Colow oo
casharo ka bilaabay gobolka Mudug, magaalada Gaalkacyo.
Halkaas oo ahayd meesha ugu adag ee dariiqooyinku ay saldhigyo waawayn ku
leeyihiin. Sh. Nuur wuxu si aad ah awooda u saaray ka digidda Shirkiga oo
ah in Ilaahay wax lala wadaajiyo inta uu abuuray. Wuxu cadaymo muuqda ka
keenay quraanka aayado faro badan oo Rabi uu uga digay dadka inay cid aan
isaga ahayn, baryaan, magan galaan, irsiq waydiistaan, ilmo waydiistaan,
gargaar waydiistaan, ka cabsadaan, wax ka rajeeyaan. Culumadii Mudug oo
ka carootay dacwada noocaas ah, waxay weerar ku qaadeen Sh. Nuur Cali
Colow iyo ardaydiisii, waxayna u bixiyeen magacyo ay ka mid ahaayeen
Bidco iyo Wahaabiyo. Ugu dambayntii Sh. Nuur waxa laga soo ceyriyay
Mudug, wuxuna yimid Muqdisho oo uu ka bilaabay dacwadiisii.
Waxana ku liibaanay dacwadaas kumanaan qof oo ka haray baryadii iyo magan
galkii Awliyada iyo qabuuraha. Sh. Nuur ha lahaado qaladad diini ah,
laakin wuxu ka nabad galay ciladda aan kor kusoo sheegnay oo ah
kooxaysiga iyo ururada diinta. Ma uusan abuurin urur, mana uusan ka mid
noqon urur horay u jiray inta aan ka warqabo.
Xiliga uu dacwadaan bilaabay Sh. Nuur waa xiligii dowladda Rayidka ee
dhamaadkii lixdameeyadii.Wadaadka labaad ee qayb wayn ka qaatay
baraarujinta umadda Soomaliyeed gaar ahaan dhalinyada wuxu ahaa Sh.
Max’ed Macalim, oo wax kusoo bartay jaamacadda Azhar ee magalada Qaahira,
Masar. Wuxuna tafsiirka Quraanka ka bilaabay masaajidka Maqaamka ama Sh.
C/qadir ee ku yaala xaafada Xamar Weyne, dhamaadkii lixdameeyadii.
Isagoo maraya dhamaadka tafsiirkisa aya waxa dalka ka dhacay afgambigii
ciidamada waxana dhashay Kacaankii 21 Octobar 1969. Sannadkii 1970 ayuu
mar labaad kor kasoo bilaabay tafsiirka Quraanka waxana ku soo xirmay
dhalinyaro faro badan oo la oran karo waxay noqdeen culumada mustaqbalka
dacwada Somaliya, qaar badan oo ka mid ahna ay hada ka dhex muuqdaan
Midowga Maxaakimta Soomaliyeed oo xusul duubka ugu jira kursiga
dowladnimada Soomaliya.
Sh. Max’ed Macalim wuxu la yimid Somaliya fikradda siyaasiga ah ee ururka
Al-Ikhwaan Al-Muslimiin inkastoo uusan ka dhisin Somaliya urur-
Page 5
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
siyaasadeed leh xubno gooni ka ah dadka intiisa kale hadana waxa laga soo
xigtay inuu xubin buuxda ka yahay ururka Ikhwaan Muslimiinka Dowliga ah
ee laga xukumo Masar isla markaana ah urur qarsoon oo aan laga ogolayn
dalka Masar. Wuxuna si muuqata u taageeri jiray urur diimeedkaas, wuxuna
ka sheekayn jiray qaab dhismeedka ururka Ikhwaanka iyo dacwadooda kursi
doonka ah.
Taasi waxay keentay in qaar ka mid ah dhalinyaradii dhagaysan jirtay
casharka Sh. Max’ed Macalim ay xadaan Shiikha fikradii uu keenay ayna ku
dhiiradaan inay dhisaan urur-diimeed u dhisan qaabka Ikhwaanka Masar.
Sida aan sheegnay Sh. Max’ed wuxu ka dabqaadan jiray dacwadda Ikhwaanka
Masar oo ujeedadoodu ay ahayd qabashada kursiga madaxtinimada Masar, si
ay u gaaraan kursigaasna manhajka Ikhwaanku wuxu ku salaysnaa inaan
shacabka loo sheegin waxyaabaha ay dhibsanayaan loona daayo khuraafaadka
iyo bidacda qaarkeed si aysan uga didin dacwadda ku salaysan gaaritaanka
kursiga siyaasadda.
Qodobka ugu wayn ee uu u dajiyay aasaasihii ururka Ikhwaanka Xasan Al-
Banaan (Rabi ha u naxariistee )ayaa ahaa “Waa inaan ku wada shaqaynaa
inta aan isku raacsanahay, isla markaana aan iskugu cudur daarnaa inta
aan isku qilaafsanahay” Qaacidadan ayaa ah mid ku dhisan siyaasad isla
markaana kasoo horjeeda qodobada aasaasiga ah ee diinta Islaamka. Waayo
ma dhici karto in diinta Islaamka loogu cudur daaro qof qalad ka galaya
diinta, ee waa in loo nasteexeeya loona sheega qaladka uu diinta ka
galay, haddii uu diidana waa in laga goostaa wadashaqaynta diinta
Islaamka.
Laakin ururada diintu waxay ku dhaqmaan maanta qaacidadaas oo way u cudur
daaraan, wayna la shaqeeyaan qof walba oo diinta Islaamka qalad ka
galaya.
Sidaas daraadeed dadka ku xiran casharadda Sh. Max’ed Macalim 90% waxay
ahaayeen dariiqooyinkii oo sidooda u wata shirkiyaadkii iyo khuraafaadkii
Suufiyadda. Ninkii ugu horeeyay ee aasaasa urur-diineed Somali ah wuxu
ahaa wadaad ka tirsan dariiqadda Qaadiriyo faraceeda Sayliciyadda una
dhashay beesha Leelkase, magaciisana lagu sheegay Sh. C/kariin. Magaca uu
u bixiyay ururkaasna wuxu ahaa Jameeca Islaamiya. Waxa intaas u dheeraa
Sh. C/karin wuxu ahaa nin cuna Tubaakadda, wuxuna xubnihii ururkiisa ku
kulmin jiray guri uu ka daganaa xaafadda Xamar-Jajab qaybteeda Buur-
Karoole. Halkaas oo ay ku xadrayn jireen. Waqtigani waa bilowgii
todobaatameyadii, Kacaanka Okboobarna uu ku socdo xowli lixaad leh.
Ururka cusub ee Sh. C/karin waxa ka mid ahaa wiil uu adeer u ahaa oo la
yiraahdo C/qadir Sh. Max’ud iyo wadaad kale oo la yirahdo Xasan
Indhaceel.
QEYBTA 3-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Labadan nin ee dambe C/qadir Sh. Max'ud iyo Xasan Indha-Ceel) ayaa u
adkaysan waayay in amiirka Jameecadoodu uu cuno tubaakadda waxayna go’aan
ku gaareen inay iyagu qabtaan hogaanka Jameecadda ayna ka saaraan ururka
wadaadka Tubaako-Cunka ah, sidii ayayna ku dhaqaaqeen, waxayna dib u
Page 6
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
habayn wayn ku sameeyeen ururkii cusbaa oo ay u bixiyeen magaca Al-Ahal
oo ujeedadiisu ay ahayd in looga dhuunto taliskii shuuciyadda oo aad u la
dagaalayay magaca diinta Islaamka, waxana loogu tala galay in marka
xubnaha ururku ay is waraysanayaan ay yiraahdaan “ka waran Ahelkii” oo
loo fahmayo reerkaagi, laakin u jeedadu ay tahay ka waran ururkeenii Al-
Ahal. Sh. C/qadir Sh. Max’ud wuxu noqday amiirkii Jameecada oo wuxu ku
fariistay kursigii adeerkiis Sh. C/karin.
Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo soo dhigtay dugsiyadii Talyaaniga una
shaqaynayay xiligaas wakaalada xooga korontoda wuxu muujiyay hogaamin loo
bogay, wuxuna si wayn iskugu duba riday ururkii Al-Ahal. Wuxu ka
ugaarsaday casharkii Sh. Max’ed Macalim wuxuna ururkiisa kusoo daray inta
badan dhalinyaradii dhagaysan jirtay casharkaas. Sidoo kale wuxu xooga
saaray dugsiyadii Kacaanku uu furay, wuxuna ardaydii iskooladaas ee uu ku
daray ururkiisa kusoo xiray casharka Sh. Max’ed Macalim oo aan isagu ka
warqabin ururkaas iyo dhaqdhaqaaqa uu wado. Waqtiga quraacda iskoolada
waxa ardayda ugu soo celiya casharkii xalay ee Sh. Max’ed wiil ka tirsan
ururka Al-Ahal oo iskoolka dhigtay.
Ururka Al-Ahal waxa shardi u ahaa inaan lagu soo darin nin da’ wayn iyo
nin cilmi diineed leh toona, sababtuna waxay ahayd waxa hogaanka hayay
dhalinyaro yar yar oo aan cilmi lahayn. Haddii uu ururka kusoo biiro nin
cilmi leh iyo nin da’ wayna waxa iska cad in hogaamintoodu ay khatar gali
lahayd, maadaama amiirka Al-Ahal uusan lahayn cilmi diineed oo sidaas u
sii wayn. Waxa ururka Al-Ahal xiligiisii hora mamnuuc ka ahaa kutubta
culumada qaarkood sida Shiikhul Islaam Ibnu Taymiya iyo ardaygiisa Ibnu-
Qayim Al-Jowsiya iyo kutubta Sh. Max’ed Cabdi Wahaab. Waxaase la ogolaa
kutubta culumada Ikhwaanka sida Sayid Khudub, Xasan Al-Banaa iyo Max’ed
Khudub.
Xubnaha Al-Ahal waxa la fari jiray inay quraanka akhriyaan oo bishii hal
marna ay ku dhameeyaan. Maalinka ugu dambaysa bisha xubnuhu waa inay
soomaan, afurkana waxay ku wada cuni jireen hal guri, marka la afuro ayaa
Amiirka Jameecadu u khudbayn jiray xubnihiisa, khudbada kadibna waxa lagu
soo gabagabayn jiray shirkaas Qasiidooyin xadro ah oo la wada qaado
maadaama la wada ahaa dariiqooyinkii Suufiyada iyo Ikhwaankii oo isku jir
ah sida aan kor kusoo sheegay.
1975 Sh. Max’ed Macalim waa la xiray oo wuxu galay ololihii balaarnaa ee
Kacaanku uu ku dabargoynayay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah, waana sanadkii
la toogtay culumadii diiday xeerkii qoyska ee Kacaanku uu soo bandhigay.
Booskii Sh. Max’ed Macalim waxa la fariisiyay oo tafsiir Quraan ka
bilaabay Sh. Aadan Sh. C/lahi. Masaajidka Arbaca-Rukun waxa laga xiray Sh
Nuur Cali Colow oo isagu ka madaxbanaana ururka Al-Ahal sidan kor kusoo
sheegnay. Dacwadiisuna ay ahayd la dagaalanka shirkiyaadka iyo
quraafaadka. Ardaydiisuna inta badan way ka madax banaanaayeen xiligaas
ururka Al-Ahal waxana ka mid ahaa ardaydiisa Abshir Bacadle, C/raxman-
Goobe, iyo C/lahi Afweyne. Booskii Sh. Nuur Cali Calow ee Arbaca-Rukun
waxa dowladu u ugolaatay nin la yiraahdo Sh. Iimaankeey oo casharo ka
bilaabay, isna hoostiisaa laga shaqaystay oo waxa casharkiisa kusoo celin
jiray wiil ka tirsan ururka oo la yiraahdo Muriidi Xaaji Suufi. Madaxdii
ururka Al-Ahal iyo culumadii waawaynayd waxay noqdeen wax la xiray iyo
wax dalka ka baxsaday.
Page 7
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Amiirkii Al-Ahal Sh. C/qadir Sh. Max’ud wuxu u baxsaday Kenya kadibna
Sucuudi ayuu kasii aaday. Howshii ururka waxa la wareegay dhalinyaro
iskooley ah oo dardar tii hore kasii badan bilaabay. Xamar waxa madax
looga dhigay ururka nin la yiraahdo Cismaan Cabdulle Rooble. Casharka Sh.
Aadan Sh. C/lahi sidii kii Sh. Max’ed Macalim ayaa loosoo camiraa
dhalinyaradana loogu soo xiraa. Waxa casharka Sh. Aadan markuu dhamaado
kusoo celiya wiil ka tirsan ururka xubnaha ururkuna waa u camiraan.
Dadka howsha wada waa dhalin yaro cusub sirdoonka NSS-tuna wali ma baran
dhalinyaradaan. Garkii waa la wada xiirtay, intii uu ku yaalay, inta
kalana wali umaba soo bixin gar. Maadaama dhalinyaro iskooley ah ay
hogaankii dacwada qabteen, ardayda qaarkeed waxay galeen macalimiinta BB-
da qaarna shaqadoodii qaran ayay macalimiin noqdeen, waxaana loo kala
badalay gobolada dalka oo dhan. Taasina waxay keentay inay gobolada dalka
oo dhan gaarsiiyaan ururkii Al-Ahal kuna soo daraan ururka dhalinyaro
badan oo gobolada dalka kala daganaa. Wixii jaamacado galay ama
shaqooyinka dowladda helayna meeshoodii ayay kasii faafiyeen dacwadii iyo
balaarintii ururkii Al-Ahal.
Inta badan ardaydaas waxay yaqaaneen cilmi-dhagood oo tafsiirka Sh.
Max’ed Macalim ayay dhagaysan jireen, kooda bartay kitaabka Arbiciinka
wuxu ahaa Shiikh wayn oo dadka wacdiya. Tusaale ahaan magaalada
Baledweyne waxa loo badalay arday ahaa kalkaaliye caafimaad oo la
yiraahdo Aadan Xaaji Xuseen oo ka tirsanaa ururka Al-Ahal. Aadan wuxu
dhagaysan jiray tafsiirka Sh. Max’ed Macalim wuxuna aqrin karay kitaabka
Arbiciinka. Markii uu tagay Baladweyne wuxu ka noqday Shiikh yeesha arday
badan wuxuna halkaas kasoo saaray rag badan oo loo yaqaan culumada
Hiiraan, qaarkoodna ay maanta yihiin Iimaamo Masaajid, waxana ka mid ahaa
ragaas Sh. C/raxman Sh. Cumar, C/raxmaan Barre, Col. C/samad, Xasan
Kaafi, C/raxmaan Cawaale, C/qadir Baledweyne, C/laahi Hiiraan iyo
C/qaadir Gabeyre. Ragaan iyaga ah oo arday ahaa qudhooda waxa loo sii
kala badalay gobolada dalka oo ay noqdeen iyaguna markooda culumo. Sida
C/raxman Barre oo loo badalay Garoowe, Xasan Kaafi oo aaday Burco,
C/raxman Sh. Cumar iyo C/samad Buula Burte.
La Soco Qaybta 4aad
QEYBTA 4-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA Dacwadii baraaruga sidaas ayay ku faaftay carabka culumo Arbiciinka
taqaan, maadaama culumadii waaweynayd Kacaanku u xirxiray. Waxaana
halkaas laga dheehan karaa dacwo u dhexaysa faa’ido iyo khasaare.
Faa’idadu waa in dhalinyaradii ay ku mashquuleen diinta Islaamka,
gabdhihiina la xijaabay, lagana fogaaday fisqigii sida shaleemooyinkii
iyo heesihii. Khasaaruhuna waa in dhalinyaradaas Arbiciinka wax ku
wacdiya ay isku arkeen culumo waawayn oo ka talin kara mustaqbalka Dalka
iyo Diinta. Waana mida keentay in dhalinyaradaas ay ku dhaqaaqaan
talaabooyin keenay in dhiiga Soomalida Muslimiinta ah ay farahooda
lagalaan.
Culumada aan kor kusoo sheegayna waa kuwa soo saari doona Al-Shabaabka
maanta laga wada qayliyay, ee u fiirsada sida sheekadu iskugu xiran
tahay. Waxaan gaari doonaa (Haddii Rabi idmo) marka magaca Al-Ahal lagu
Page 8
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
badalo Al-Itixaad in la furi doono Xafiiska Jihaadka oo noqon doona
xafiiska rasmiga ah ee soo saaray xubnaha Al-Shabaab maanta loo yaqaan.
Hordhaca xafiiskaasna waqtiga aan hada marayno ayuu bilowday. Xiligaan
1977 waxa ururka Al-Ahal uu go’aan ku gaaray in xubnihiisa qaar uu ku
daro ciidamada qalabka sida si ay ugu soo tababartaan xirfadaha ciidanka
oo bari ay ugu anfacaan ururka marka uu gaaro xili uu dagaal gali karo
ama afgambi uu dalka ku qabsan karo. Xubnihii lagu daray ciidankana waxa
ka mid ahaa C/raxman Sh. Cumar, C/samad iyo Xasan Mahdi oo reer
Baledweyne ah iyo rag kale. Waxa ragaas uga horeeyay ciidanka Sh. Xasan
Daahir Aweys oo isagu iskiis u galay ciidanka kana mid noqday ururka Al-
Ahal isagoo askari ah, mase hubo inuu isagu keenay fikradda ah in lagu
biro ciidamada, waxaas muuqata inuu ku dhiiri galiyay in lagu biro
ciidamada. La soco wax qabadka saraakiishaan marka la gaaro xiliga
dagaalka dhamaadka sideetameeyada.
Culayskii Kacaanku aad ayuu ugu batay culumadii da’da yarayd ee waday
dacwada baraaruga. Wuxu Kacaanku adeegsaday culumadii Dariiqooyinka
Suufiyada oo uu u dhiibay xilalkii wasaarada garsoorka iyo arimaha Diinta
waxayna culumadaas dacaayad aad u xoog badan ku fureen dhalinyaradii
dacwada waday xiligaas oo aan lahayn awood dhanka aqoonta naxwaha
Carabiga, culumadii ka difaaci lahaydna xabsiga ayaa la dhigay. Ragga
weerarka ahaa ee dariiqooyinka Suufiyada waxa hormood u ahaa Sh. Max’ed
Guuleed oo gaaray heer uu xirxiro masaajida qaarkood, sida masaajidkii
Dumarka ee uu sameeyay Sh. Max’ed Macalim intii aan la xirin ee uu u
shaqayn jiray wasaarada Garsoorka iyo Arimaha Diinta. Dumarkii laga xiray
masaajidka Dumarka waxay dantu ku qasabtay in guryahooda loogu aqriyo
casharada Diinta, mararka qaarkoodna iyaga dhexdooda ayaa la isku diri
jiray oo wax isku aqrin jiray maadaama ragga lagu daba jiray.
Ururkii Ka Dhisnaa Waqooyiga Waxdatu Al-Shabaab.
Halkaas urur ee Al-Ahal ayaa ka jiray Koonfurta Somaliya, waanan usoo
noqon doonaa Al-Ahal iyo sida uu u xuub-siiban doono. Waxan wax yar ka
iftiimin doonaa urur ka dhisnaa Waqooyiga oo la oran jiray Waxdatu Al-
Shabaab. Ururkan isaga ah uma nidaamsanayn sida midka ka dhisan Koonfurta
ee Al-Ahal, dhaqdhaqaaqiisuna ma badnayn. Waxayse wadaageen labada urur
fikirka Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo waxay labaduba ka biyo cabi jireen
dalka Masar. Dhalinyarada Waxdadu waxay lee yihiin Maktabad waxayna
akharistaan kutubta Ikhwaanka Masar. Raggii ka yimid Koonfurta oo
shaqooyinka loogu soo badalay Waqooyiga waxay dhex galeen dhalinyaradii
Waxdada waxayna isku dayeen inay ururkoodi Al-Ahal kusoo daraan, waxayse
kala kulmeen xooga yar oo iska caabin ah, maadaama urur dhisan ay yihiin,
sida caadiga ahna urur kuma biiro urur kale inay midoobaan maahee.
Dhalinyaradii Waxdada kuwoodii ugu firfircoonaa waxa lagu casumay
Muqdisho si madaxdii Al-Ahal loogu geeyo oo looga soo dhaadhiciyo inay
kusoo biiraan Koonfurta. Dhalinta dacwada ka waday Waqooyiga waxa ka mid
ahaa C/qadir Xaji Maxud, Xasan C/salan, Ismacil, C/raxman Garweyne,
Max’ed Yusuf iyo Mustafa Xaaji Haaruun. Madaxdii Al-Ahal ee Muqdisho
waxay ku guulaysteen inay kusoo daraan ururkooda inta badan dhalinyaradii
Waqooyiga marka laga reebo Sh. Mustafa Xaaji oo isagu diiday inuu ku
biiro Al-Ahal. Sidaasna waxa ku burburay ururkii Waxdatu Al-Shabaab
maadaama intii badnay ay ku biireen Al-Ahal.
Page 9
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Sidaas wadanka oo dhan wuxu ku yeeshay hal urur oo ah Al-Ahal uuna u
madax yahay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo markaan masaafuris ku jooga Makka,
Sacuudiga.
QEYBTA 5-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Sixitaan Qoraaladii Hore
Inta aanan u galin qaybta afaraad waxan rabaa inaan wax yar ka saxo
qaladaad ku jiray qoraaladii hore.
Ururka ugu horeeyay Soomaliya magaciisu ma ahayn Jamaaca Islaamiya ee
wuxu ahaa Al-Nahda waxana ku jiray ururkaas inta badan culumo waawayn oo
qaybta 5aad aan ku sheegi doono. Marka uu fashilmo Al-Ahal ayuu u xuub-
siiban doonaa Jamaaca Islaamiya.
Sh. Max'ed Macalim kama uusan mid ahay Ikhwaanka Dowliga ah ee wuxu
ka mid ahaa ururka aan kor ku sheegnay ee Al-Nahda oo ay ku midoobeen
culumo waawayn, dhalinyaraduna way ku yarayd ururkaas. Wuxuuse burburay
markii uu dhashay Kacaankii 21ka Oktoobar. Ka dibna dhalinyaradii ayaa
furtay ururka Al-Ahal.
Qeyta 5aad Urur Labaad Oo Samaysmay: Al-Islaax
1977 dagaalkii Itoobiya iyo Soomaliya oo socda, amiirkii Al-Ahalna uu
qaxooti ku yahay Sucuudiga ayaa waxa u yimid rag fikir ahaan ay ka
midaysnaayeen fikradda Ikhwaanka. Ragaas oo dhigan jiray jaamacadihii
Sucuudiga si gooni ahna iskugu xirnaa ayaa waxa ka mid ahaa Dr. Cali-
Dheere oo hada madax ka ah Jaamacadda Muqdisho iyo Dr. Max’ed Yusuf
waxayna u soo bandhigeen Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo amiirka Al-Ahal ah
inay midoobaan soona nooleeyaan ururkii burburay ee Al-Nahda ee ay ka mid
ahaayeen Sh. Max’ed Macalim Xasan, Sh. Max’ed Garyare, Sh. C/qani iyo
culumo kale ayna qaataan magacaas Al-Nahda. Sh. C/qadir waa ku gacan-
seyray codsigaas, wuxuna cilad uga dhigay diidmadiisa in culumadaas
qaarkood ay qaaliyaal u yihiin dowladda sidaas darteedna aan waxba lagu
darsan karin. Fikradda Takfiirka oo uu qaadan doono mardhow ayaa kasoo
dhadhamaysa jawaabta Sh. C/qadir, wuxuna iyaga usoo bandhigay inay kusoo
biiraan ururkiisa, iyaguna waxay u sheegeen in ururka Al-Ahal laga soo
buuxiyo dhalinyaro yar yar oo aan aqoon iyo da’ toona u saaxiib ahayn
aysana ku biiri karin, waxayna u sheegeen in haddii guul laga rabo
ururkaan la hoos geeyo midkii culumadda. Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo aan
raali ka ahayn in ururkiisa lagu soo daro qof isaga ka da’ wayn iska daa
inuu ku biiro urur kale oo culumo ay hogaaminaysee ayaa albaabka ka
xirtay dalabki uga yimid ragaas.
Iyadoo xiisadaas ay taagan tahay, ayaa hadana waxa loosoo bandhigay Sh.
C/qadir in ururka Al-Ahal uu ka qayb qaato dhaqaale loo aruurinayo dadka
dagan Soomali-Galbeed ee uu saameeyay dagaalka Itoobiya iyo Soomaliya,
laakin Sh. C/qadir waa diiday in ururkiisu uu faraha la galo arimaha
dagaalkaas dhan walba.
Markii labadaas dhacdo ay dheceen ayaa rag uu hor kacayo Dr. Cali-Dheere
waxay u tageen Sh. Max’ed Gar-Yare waxayna halkaas ku dhisteen urur loo
Page 10
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
bixiyay Al-Islaax oo Amiir looga dhigay Sh. Max’ed Gar-Yare. Labada urur
Al-Ahal iyo Al-Islaax waa isku fikir oo labaduba waxay aaminsan yihiin
fikradda Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo Masar ayay ka biyo cabaan labaduba,
qilaafka kaliya ee u dhexeeya waa inta aan kor kusoo sheegnay. Waqtiga la
aasaasay Al-Islaax waa 1978.
Burburkii Al-Ahal Oo Soo Dhawaaday.
Madaama hogaanka Al-Ahal ay hayaan dhalinyaro cilmigoodu yar yahay
xubnaha ururkana ay mar walba u kordhayso cilmi iyo da’ waxa soo baxayay
mar walba su’aalo la is waydiinayay iyo amardiido dhalinyarada dhexdeeda
ah. Waxa la joogaa Sucuudiga, waxaana is qabtay markaan dhalinyaro u bogi
waayay qaabka hogaaminta amiirkooda iyo Sh. C/qadir oo amiirkii ururka
ah, waxana ka mid ahaa ragas ku dhaga adayga amiirkooda Yuusuf Food-
Cadde, C/salam Cismaan C/salaam iyo Max’ed Turki. Wuxuna go’aan ku gaaray
Sh. C/qaadir inuu ka saaro ragaas ururkiisa isagoo aan waliba u sheegin
inuu ka saaray ururka. Wuxu kaloo amar ku bixiyay Sh. C/qaadir in ragaas
aan loo sheegin in laga saaray ururka, isla markaana aan loo sheegin
shirarka iyo dhaqdhaqaaqyada ururka oo laga gaabsado warkooda. Iyadoo
xaalku uu sidaas yahay ragiina laga goostay xiriirka oo ay layaaban
yihiin meel laga soo galay, ayaa waxa Xamar ka yimid nin la yiraahdo Sh.
C/salam Sh. Ibraahim (Rabi ha u naxariistee) waxana loo sheegay amarka
kasoo baxay amiirka iyo ragga laga saaray ururka. Arinkii ayaa la
xumaaday Sh C/salaam wuxuna codsaday in dhalinyarada oo dhan loo balamiyo
maadaama uu ka yimid dalkii si uu warbixin u siiyo. Raggii laga saaray
ururkana isagaa ugu yeeray goobta lagu balamay. Markii uu warbixinta
dhiibay ayuu shirkii ka dhex sheegay in ragaan laga saaray ururka aanana
loo sheegin, ficilkaasna uusan ahayn wax wanaagsan. Mudo yar kadibna wuxu
dib ugu laabtay Muqdisho iyadoo xaalka dhalinyaradii Sucuudiga joogtay uu
aad u kacsan yahay oo qaarkood ay ka bexeen ururkii kuna biireen ururkii
cusbaa ee Al-Islaax.
Dhanka Muqdisho wali ma uusan gaarin kacdoonka ka bilowday Sucuudiga
maadaama ragga Soomaliya ay indho xiran yihiin, halka kuwa Sucuudiga
joogay ay u furmeen dhagihii iyo indhihiiba. Dhalinyaradii Soomaliya
dacwadoodii ayay iska wataan, waxayna isku kala qaybiyeen qaybo badan oo
kala ah ardayda, shaqaalaha, macalimiinta, ciidamada. Sirdoonkii dowladdu
daba gal ayuu ku hayaa oo qarsoodi ayaa loo shaqeeyaa. Qaybaha loo
qaybsan yahay lama ogala inay isbartaan oo ardaydu waxay isku haystaan in
ururkaan uu yahay mid ardayda kaligood ay leeyihiin oo qof kale uusan ku
jiri. Shaqaaluhu sidoo kale, macalimiintuna sidoo kale. Waxaase jira gudi
ka kooba siddeed wiil oo dhalinyaro ah oo wada yaqaana dhamaan qaybaha oo
dhan, loomana ogala inay is baraan qaybahaas kala xirxiran. Howsha la
wado dacwo kaliya maaha oo waxaa loo diyaar garoobayaa sidii loo afgambin
lahaa dowladda. Qaybtii ciidamada waa la kordhiyay diyaargarowgooda.
Saraakiishii aan kor kusoo sheegnayna waa bateen, waxana ka mid ahaa
Xasan-Mahdi, C/samad C/lahi, C/raxman Sh. Cumar, C/casiis Guureye
Kaarshe, Xasan Daahir Aweys (C. Asluubta) Aadan Dhaga-Seyn, Saadaq Eenow,
Cali Muuse Ciise iyo rag kale. Wakiilkii amiirka ee Soomaliya Cisman
Cabdule Rooble waa la xiray, waxana lagu badalay wakiil cusub oo la
yiraahdo Xuseen Cali Xaaji.
Iyadoo halkaas xaalku marayo sannadkii 1978-na uu dhamaad ku dhow yahay
ayuu amiirkii ururka Al-Ahal Sh. C/qadir Sh. Max’ud wuxu ku qancay oo
Page 11
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
qaatay fikirka Takfiirka. Waxaana ku qanciyay fikradaas macalim Masri ah
oo Jaamacadaha Sucuudiga midood wax ka dhigi jiray. Macalimkaan ayaa ka
mid ahaa xubnihii ururka Ikhwaan Muslimiinka Masar qaybta ku qanacday
fikirka Sayid Qudub ee Takfiirinta umadaha Islaamka ah dowladahooda iyo
shucuubtaba. Wuxuna macalimkaas muddo yar kahor kasoo baxay xabsigii
Jamaal C/naasir madaxweynihii Masar.
Sh. C/qadir Sh. Max’ud markii uu ku qanciyay rag badan oo Sucuudiga la
joogay fikirkii Takfiirka ayuu saddex nin u kala diray Soomaliya, Kenya
iyo Suudaan si ay xubnihii ururka Al-Ahal oo dhan uga soo dhaadhiciyaan
fikradaan Takfiirka ah.
La soco Qaybta 6aad
QEYBTA 6-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybta 6aad: Ururkii Al-Ahal Intiisa Badan Oo Takfiir Noqday.
Sida aan kusoo sheegnay qaybta 5aad gudoomiyihii Al-Ahal iyo inta badan
raggii la joogay Sucuudiga waxay qaateen fikradii Takfiirka, wuxuna
saddex nin oo ka tirsan Al-Ahal u kala diray wadamadii ay ku badnaayeen
xubnaha Al-Ahal. Soomaliya wuxu u diray C/qaadir Aw-Muuse oo ganacsade
ahaa. Kenya wuxu udiray Aadan Dheere oo arday ka ahaa Sucuudiga. Suudaana
wuxu u diray Axmed Nuur Carab oo isna arday ka ahaa Sucuudiga. Labada
nin ee loo kala diray Soomaliya iyo Kenya way ku guulaysteen howshii loo
diray oo inta badan xubnihii Al-Ahal waxay si fudud ku qaateen fikradii
Takfiirka. Ninkii loo diray Suudaan waa ku guuldaraystay, maadaama
dhalinyaradii Suudaan joogtay badan kood ay jaamacadaha dhiganayeen oo
yaqaaneen in fikrada Takfiirku ay tahay mid qaldan. Soomaliya iyo Kenya
khidad fiican ayuu u dagay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo fikirka Takfiirka
waxa markii hore lagu shubay dhalinyaradii yaryarayd intii wax
aqrinkartay dib ayaa loo dhigay, si aysan dood iyo su’aalo ukeenin,
waxayna ka warheleen arinka mar dhalinyaradii oo dhan laga dhigay
Takfiir.
Raggii ka tirsanaa Al-Ahal oo diiday inay qaataan Takfiirka waxa ka mid
ahaa Sh. Axmed Daahir Aweys, Sh. C/qaadir Cukaasha, Sh. Xasan Daahir
Aweys, Sh. Max’ud Ciise Max’ud, Axmed Cali Axmed, C/qaadir Jaziira, Cali
Abshir, C/salaam Sh. Ibraahim iyo rag kale oo dhowr ah. Rag uu ka mid
yahay Sh. Max’ed Cabdi Daahir waa galeen Takfiirkii laakin kuma daahin oo
isla markiiba waa kasoo bexeen, isagaana sabab u ahaa intii kasoo baxday.
Dhamaan intii kale xubnihii Al-Ahal waxay galeen Takfiirka. Intii diiday
inay galaana waa laga saaray ururkii, waxaana loo bixiyay Tasliimiyiin oo
ay ula jeedaan (kuwo Muslim ku magacaaba dad gaalo ah) waxana halkaas ka
dhalanaysa in ragga diiday fikirka Takfiirka laftirkooda la gaalaysiiyo.
Sidaas ururkii Al-Ahal wuxu isku badalay kuligiis urur Takfiir ah oo ilaa
hada wali ka jira Soomaliya haba taagdaraadee.
Fikradii Takfiirku si xawli ah ayay ugu faaftay Soomaliya oo dhan marka
laga reebo Waqooyiga oo raggii loo diray ay usuuroobi wayday inay ku
faafiyaan Takfiirkii. Madaxdii hore ee Waxdatu Shabaab waxay ku
guulaysteen inay dib usoo nooleeyaan ururkoodii hore, dhalinyaradiina ay
kasoo saartaan Al-Ahal, xiligaasna waxaa Amiir u ahaa nin la yiraahdo
Page 12
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
C/qaadir Xaaji oo loo yaqiinay Garweyne. Halkaas waxa Somaliya ay ku
yeelatay saddex urur, Al-Ahal, Al-Islaax iyo Waxdatu Shabaab.
Maxay Aaminsanaayeen Takfiirku?
Fikradaan Takfiirka oo ah mid soo bilaabatay waqtigii Qaliif Cali Bin-
AbiDaalib, waxa bilaabay rag loo bixiyay Khawaarij oo banaystay dhiiga
Muqlimiinta. Kuwa waqtigaan ka bilowday Soomaliya ma aysan helin fursad
ay kula dagaalamaan Soomalida Muslimiinta ah, laakin waxay ka fogaadeen
masaajidii iyo kawaanadii xoolaha lagu qali jiray. Waxay rumaysnaayeen in
xoolaha aysan iyagu qalin inaysan cunin, maadaama qofka qalay uu gaal
yahay. Waxay kaloo ku dhex faafiyeen dhalinyaradii iyo dumarkii in
wadaadka ka aadaama Masaajidka marka uu leeyahay LAA ILAAHA ILALAAH uu la
mid yahay wiilka kubada marka uu laado yiraahda “LAA ILAAHA ILALAAH,
SIDAAN U LAADAY MA UJEEDEEN” sidaas darteedna aan lagu tukan karin
masaajida. Waxay dumarkii Somalida ka dhaadhiciyeen in aabayaashood ay
gaalo yihiin, sidaas darteedna aysan mehrin karin, waligoodana aysan
ahayn. Sidaasna waxay magaalooyinka ugu guuriyeen gabdho badan oo
aabayaashood ay joogaan guryahooda.
Kutubta ay akhrisan jireen oo ay kala soo dhex bexeen fahamkaas waxa ka
mid ah Tafsiirka Sayid Qudub ee Dilaal Al-Qur’aan, sidoo kale kutubta
Sayid Qudub oo ay ka mid yihiin Macaalim Fi-Dariiq iyo Dariiqu Dacwa Fii-
Dilaalul Qur’aan. Kitaab kale oo uu qoray Mowduudi oo la yiraahdo
Mustalaxaatul Arbac Fil-Qur’aan. Sidaasna waxa Muqdisho iyo hareeraheeda
si aad ah ugu faafay fikradaas musiibada ku noqotay Somaliya ilaa iyo
manta. Raggii diiday inay galaan Takfiirka waxay bilaabeen inay radiyaan
fikirkaas, waxayna soo qaateen kutubtii loo diidi jiray markii hore, oo
ay qoreen Shiikul Islaam Ibnu-Taymiya iyo ardaygiisa Ibn-Qayim Al-
Jowsiya.
Ururkii Afaraad Oo Samaysmay: Al-Jamaaca Al-Islaamiya.
Ragii diiday Takfiirka oo laga saaray Al-Ahal, maadaama ay wali qabaan
fikradii Ikhwaanka oo ahayd raadinta kursiga dowladda waxay dhisteen urur
cusub oo ay ubixiyeen Jamaaca Islaamiya, (kor ayaan kusoo saxay qaladkii
ahaa in Jamaaca Islaamiya ay ugu horaysay ururada, booskoodu waa
waqtigaan) waxayna madax ugu dhigeen Sh. Max’ud Ciise. Ururkan cusub wuxu
helay fursad aad u wayn maadaama Al-Ahal ay dadkii gaalaysiiyeen, waxay
weerar lixaad leh ku qaadeen fikradda Takfiirka waxayna ku guulaysteen
inay inta badan dadka uga digaan khatarta Takfiirka ayna kazoo reebaan
dhalinyaro farabadan.Casharo waawayn ayay bilaabeen xubnihii ururka cusub
ee Jameeca Islaamiya, waxaana hal habeen laba tafsiir ay ka kala
bilaabeen labada masjid ee kala ah, Ceel-Hindi oo uu ka bilaabay Sh.
Max’ud Ciise tafsiirka suuratul Xujuraat, halka Sh. C/qadir Max’ed Aadan
Cukaasha uu ka bilaabay isla suuradaas Masaajika Al-Khadir ee Bakaaraha
ku yaalay. Waxayna ugu talagaleen in dhalinyarada lagu soo celiyo
masaajidda, maadama Takfiirku ay ku tilmaameen masaajida goobo aan lagu
hayn cibaadada Rabi ee ay la mid yihiin degmooyinka Kacaanka.
Ururkii Al-Ahal ee ugu horeeyay wuu burburay wuxuna u kala jajabay afar
urur oo afartuba uu manhajkoodu yahay manhajka Ikhwaanka, waxayna kala
ahaayeen:
Page 13
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
1. Takfiir uu hogaamiyo Sh. C/qadir Sh. Max’ud
2. Islaax uu hogaamiyo Sh. Max’ed-Garyare.
3. Waxtadu Shabaab uu hogaamiyo Sh. C/qadir Garweyne
4. iyo Jamaaca Islaamiya uu hogaamiyo Sh. Max’ud Ciise.
Jamaaca Islaamiya waxay ku qaadatay laba sanno inay xadidaan awoodii
Takfiirka, shacabka intiisa badana ay ka dhaadhiciyeen in fikirkaas uu
qaldan yahay oo aan lagu kadsoomin. Sida aan kor kusoo sheegnay Jamaaca
Islaamiya waxay ka faa’idaysatay qaladaadkii Takfiirka, waxayna aqriyeen
kutub aan horay loo ogolayn in la akhriyo, waxayna halkaas ka barteen
Towxiidul Cibaada, oo ah in Rabi kaliya loo kali yeelo Cibaadada oo aan
lala wadaajin baryaha, talasaarashada, rajada, cabsida iyo jaceylkaba
inta uu abuuray, kaligiisna uu muto arimahaas. Waxay halkaas uga hareen
Suufiyadii iyo Xadradii lagu dhex waday ururkii Al-Ahal.
La Soco qaybta 7aad Jamaaca Islaamiya oo xoogaysatay iyo Sh. Max’ed
Macalim oo xabsiga kasoo baxay lana kulmay isbadal fara badan oo dhacay
intii uu xirnaa.
QEYBTA 7-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Jamaaca Islaamiya Oo Balaaratay.
Dabayaaqadii 1981 iyagoo xowli ku socda xubnihii ururkii Jamaaca
Islaamiya ayay u bandhigeen ururka inay kusoo biiraan rag wax ka
baranayay Jaamacadda Madiina oo markaas fasax kusoo gaaray Muqdisho. Waxa
ka mid ahaa ragas Sh. C/lahi Diiriye Abtidoon iyo Sh. C/laahi Cali
Xaashi. Waxayna ragas shardi uga dhigeen xubnihii ururka in marka hore si
fiican ay u wada qaataan Manhajka Salafka (oo ah in kitaabka quraanka iyo
sunnada Nabiga NNK loo fahmo looguna dhaqmo sidii ay ugu dhaqmeen
Asxaabtii Nabiga NNK) Waxay ku xireen in lagu daro manhajka Jamaaca
Islaamiya barashada Towxiidul Asmaa Wa Sifaat oo ah in Rabi loo sugo
tilmaamaha iyo magacyada uu isku sheegay oo ay ka mid tahay inuu Rabi
isku sheegay inuu ka koreeyo inta uu abuuray oo dhan, uuna jiro
Carshigiisa korkiisa. Xiligaan isaga ah way diidanaayeen xubnaha Jamaaca
Islaamiya fahamkaas oo waxay aaminsanaayeen in Rabi uu meel walba jooga,
dhulkana uu la joogo adoomihiisa. Laakiin lagama wada hadal mana la aqoon
xiligaas inay qalad tahay manhajka Salafkana aysan ka mid ahayn in
xukaamta Muslimiinta lagu kaco oo lala diriro lana afgambiyo waana
ujeedada dhan ee ururada oo dhan loo dhisay ilaa iyo hadana ay u dhisan
yihiin.
Ururkii Jamaaca Islaamiya waxay qaateen dalabkii Sh. C/lahi Diiriye
Abtidoon, waxaana Muqdisho lasoo galiyay kutub badan oo markii hore aan
la ogolayn in la keeno oo ka hadlayay Culuwiga Rabi iyo cadaymaha kusoo
arooray inuu Rabi ka koreeyo inta uu abuuray. Si fiican ayaana loo
aqristay kutubtaas looguna qancay. Ururkii Jamaaca Islaamiyana wuxu ku
faafay koonfurta Somaliya. Rag badan oo kasoo laabtay Takfiirkii iyo kuwo
xabsiga laga soo dayay ayaa dib usoo galay ururka waana lasoo dhaweeyay.
Sh. Max'ed Macalim Oo Xabsiga Kasoo Baxay
Page 14
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Sanadkii 1982 waxaa xabsiga laga soo daayay Sh. Max’ed Macalim Xasan
wuxuna la kulmay isbadal badan oo ka dambeeyay, maadaama uu xirnaa mudo 7
sanno ah. Wuxu arkay afar urur oo ka dhisan dalka, wuxu kaloo arkay
Manjah aan ahayn kii Ikhwaanka ee uu ku qanacsanaa oo dalka soo galay si
fiicana loo qaatay, manhajkaasoo ah kan Salafka (inkastoo sida aan kor
kusoo sheegnay aan loo qaadan sidii uu ahaa Manhajkaas) Wuxu kaloo arkay
arday badan oo kasoo qalin jabiyay Jaamacadaha dibada intii uu xirnaa, oo
faafinaya manhajkaas Salafka oo qabyada ah. Sh. Max’ed ushiisa ayuu
qaatay wuxuna ka dhex dhacay ardaydiisii hore, oo dhamaantood ku kala
jira afartaas urur ee aan kor kusoo sheegnay. Sh. Max’ed waxaa dood-
cilmiyeed la yeeshay raggii jaamacadaha dibada kasoo baxay waxayna isku
qabteen oo isku mari waayeen Culuwiga Rabi iyo in lagu sheego Rabi inuu
ka koreeyo Carshigiisa, taasoo Sh. Max’ed uu diiday inuu sidaas u qiro.
Doodahaas dheer ka dib waxa carooday rag ka mid ahaa ururkii Jamaaca
Islaamiya oo u arkay in Sh. Max’ed meel looga dhacay ayna la doodeen
wiilal yar yar oo carabiga bartay intii uu Shiikhu xirnaa. Ragaas iyaga
ah waxa ka mid ahaa Sh. Cali-Garabaati (Rabi ha u naxariistee) Max’ed Sh
Cali Cosoble, Max’ed C/qadir, Cali Axmed Xalane, Siid Abaa Cali, Saalim,
C/rashid iyo C/qadir oo isla dhashay. Caradoodiina waxay keentay inay ka
baxaan ururkii Jamaaca Islaamiya ayna dhistaan urur cusub oo ay ubixiyeen
magacii rasmiga ahaa Al-Ikhwaan Al-Muslimiin. Waxa xusid mudan in Sh.
Max’ed Macalim Xasan uusan ka mid noqon ururkaas cusub, inkastoo isaga
dartiis loo dhisay. Xubnihii ururka Jamaaca Islaamiyana waxay u bixiyeen
ururkii cusbaa ee laga agfuray magac dacaayad ah oo ah Aala-Shiikh oo ay
utiirinayaan Shiikh Max’ed Macalim, lakin ururku wuxu la baxay magaca aan
kor kusoo sheegnay ee Ikhwaan Muslimiin. Waxa la marayaa dhamaadkii
sanadkii 1982, waxana samaysmay ururkii 5aad oo Soomali ah.
Sh Xasan Turaabi Oo Dhisay Itixaad Al-Islaami
Jamaaca Islaamiya oo ku hubaysan Towxiidul Cibaada iyo Towxiid Al-Asmaa
Wa Sifaat oo aan kor kusoo sharaxnay, waxay joojiyeen aqrinta kutubada
Ikhwaanka qaarkood sida kutubta Sayid Qudub oo ay uga cabsadeen fikrado
Takfiir inay xambaarsan yihiin. Markay halkaas marayso waxa ka war-helay
ururada ka dhisan Soomaliya wadaadka la yiraahdo Xasan Turaabi oo u
dhashay Suudaan ahna hogaamiyaha Ikhwaanka Suudaan. Sh. Xasan Turaabi
markaas ayuu kasoo goostay Ikhwaanka Dowliga ah ee laga xukumo Masar,
wuxuna go’aan ku gaaray in Muslimiinta Afrika uu isagu hogaamiye u noqdo,
kana soo gooyo Carabta. Dagaalkaas qabaliga ah ayuu lasoo dhex galay
Soomalidii. Wuxuna ogaa in dhamaan ururada ka jira Soomaliya ay ku
dhaqmaan manhajka Ikhwaanka. Sh. Xasan Turaabi oo dhexgal kusameeyay
dowladda Suudaan ayaa wuxu usoo wakiishay Soomaliya nin la oran jiray
Mubaarak oo xafis samafal ku laha 3 Biyano, wuxuna isku keenay afartii
urur ee ugu waawayneyd Takfiir, Islaax, Jamaaca Islaamiya iyo Waxdatu
Shabaab oo waqooyiga ka dhisnayd, wuxuna u sheegay inay midoobaan oo hal
urur samaystaan, haddii ay sidaas yeelaana ay dhaqaale joogta ah ka heli
doonaan Sh. Xasan Turaabi iyo Ikhwaankiisa Suudaan. Ururkii Islaax waxay
shardi ka dhigeen in magacooda lagu midoobo oo iyaga lasoo hoosgalo,
waana lagu diiday. Takfiirku waxay yiraahdeen umaduba waa Gaalee yaan la
midownaa yaanse u midownaa. Waxa dalabkii ogolaaday oo halkaas ku
midoobay labadii urur ee kale Jamaaca Islaamiya iyo Waxdatu Shabaab.
Laakiin Waxdatu Shabaab waxay shardi ka dhigeen in lasoo celiyo kutubtii
Page 15
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Sayid Qudub haddii la rabo inay la midoobaan Jamaaca Islaamiya. Waa laga
aqbalay dalabkaas, iyagana waxa shardi looga dhigay in madax looga dhigo
ururka cusub nin aaminsan manhajka Culuwiga. Halkaasna waxa lagu dhisay
urur cusub oo wata laba manjah oo iskasoo horjeeda Ikhwaani iyo Salafi,
waxana loogu magac daray ururkaas Al-Itixaad Al-Islaami ama ururka
Itixaad sida Soomalidu u taqaan. Waxa madax looga dhigay Sh. Cali Warsame
oo reer Burco ah kana soo baxay Jaamacada Imaam ee Sucuudiga, aaminsana
Culuwiga Rabi, wuxuna Sh. Cali Warsame wax yar ka hor kasoo baxay ururka
Al-Islaax oo muddo kooban uu ku jiray. Inkastoo dhismaha ururkan cusub ay
ka dambeeyeen Turaabiyiintu hadana waa laga qariyay midowga iyo magaca
cusub ee lala baxay, waxana sidaas loo yeelay cabsi laga qabo inay kusoo
qoraan wargaysyada Suudaan iyagoo ku faanaya labada urur ee ay ku
mideeyeen Somaliya, markaasna dowladda Kacaanku ay ogaato arinkaas oo
olale kela ay ku qaadu xubnaha ururkaas oo la xabsiga lagu guro mar kale.
Sanadka la dhisay Itixaadka waa 1983.
La soco qaybta 8aad. Sh. Max’ed Macalim oo rag kala soo haray ururka
cusub ee Itixaad.
QEYBTA 8-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybta 8aad. Itixaadka Oo Ka Dheereeyay Ururadii Kale.
Sida aan kor kusoo sheegnay ururka Itixaad nus wuxu ka ahaa Ikhwaan oo
wuxu qabay in xukunka lagu qabsado dagaal iyo afgambi ama laga qaybgalo
baarlamaanka dowladda. Maadaama dowladii markaas jirtay ay ahayd Shuuciyo
hal xisbi ku dhisan ma aysan helayn fursad ay uga qayb qaataan baarlamaan
iyo doorashooyin, sidaas darteedna waxay door bideen in dagaal iyo xoog
lagu qaybsado kursiga talada dalka. Nuska kale wuxu ka ahaa Salafi oo
waxay qabeen in dadka la baro Towxiidka lagana soo reebo shirkiyaadka iyo
quraafaadka, arinkaasna si muuqata ayay ugu guulaysteen oo dad badan ayaa
Rabi sababtood uga soo reebay quraafaadkii ay ku jireen. Hadaan tusaale
yar ka keeno labada manhaj ee isku dhafan ee Itixaadku qaatay, waxa
manhajka waxbarashada laga dhigay kutubta culumada soo socota: Sayid
Qudub, Max’ed Qudub, Mowduudi, Abul Xasan A-Nadawi, Fatxi Takan, C/qadir
Cowda, Siciid Ramadaan Buudhi oo kuligood ah manhajka Ikhwaanku ku taagan
yahay. Kutubta manhajka kale ee Salafiga waxa qoray Ibnu-Taymiya, Ibnu-
Qayim Al-Jawsiya iyo Sh. Max’d C/wahaab. Waxayna ragga qaarkiis qabaan in
Itixaadku uu maalinkaas si buuxda uga laabtay manhajkii Salafiga ee uu
sheegan jiray. Itixaadku waxay isku yaqaanaan iyagu inay yihiin
Salafiyo, oo ma ogola in lagu magacaabo Ikhwaan Muslimiin inkastoo ay nus
ka yihiin. Laakiin ururada kale ee tartanku kala dhexeeyo iyo shacabka
Soomaliyed waxay Itixaadka ku magacaabaan inay yihiin Wahaabiyo, oo loola
jeedo u tiirin loo tiirinayo Sh. Max’ed CabdiWahaab oo u dhashay
Sucuudiga ahaana ninkii ka sifeeyay dhulkaas shirkiga iyo quraafaadka.
Markii ay isku darsameen Jamaaca Islaamiyo iyo Waxdatu Shabaab oo
waqooyiga ka dhisnayna ayna la bexeen Itixaad Islaami, waxa arinkii soo
faragaliyay Sh. Max’ed Macalim Xasan oo la kulmay rag u dhashay Waqooyiga
oo ku biiray ururka cusub, wuxuna u sheegay Shiikhu in culumadii
Waqooyigu ay afka u galeen Wahaabiyo ayna ka tageen manhajkii Ikhwaanka,
taasina waxay keentay in ragaas iyo intii kale ee ay heli kareen ay ka
bexeen Itixaadkii ayna dib u dhisteen ururkoodii hore ee Waxdatu Shabaab.
Page 16
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Ururadii Somalidu mar kale ayay noqdeen 5 urur oo labadii isku darsantay
ayaa koox kale ay ka go’day.
Shantii urur waxa ugu orod dheeraaday Itixaadka, waxana kaalinta labaad
galay Islaaxa. Saddexdii urur ee kale Waxdatu Shabaab waxay ku
koobnaayeen Waqooyiga oo tartan xoog leh uu kala dhexeeyay Itixaadka oo
awood ku lahaa. Ururkii Takfiirku waa iska shiiqay, waxayna ku koobmeen
inay dumarka ka furaan ragooda iyagoo u sheegaya in ragoodu ay gaalo
yihiin aysana ku xirmin, iyo inay ka digaan masaajidda iyo hilbaha
kawaanada lagu qalo. Ururkii Ikhwaan Muslimiin ama Aala-Shiikh sida
Somalidu u taqaano awoodoodu ma faafin ilaa laga soo gaaro wixi ka
dambeeyay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Waxana sabab u noqotay
faafid la’aantooda Sh. Max’ed Macalim oo dartiis loo dhisay ururkaas oo
diiday inuu ku biiro.
Fagaarihii dagaalka waxa iskugu soo haray markaan Itixaad iyo Islaax
waxana dhex maray loolan iyo dagaal aad u xoogan oo la mid ah midkii dhex
maray jabhadihii qabaa’isha, laakin ururadaan diiniga ah hub ma aysan
haysan waqtigaas. Ururba ururka kale ayuu ka faafiyay wixii ceeb iyo
cilad uu lahaa, waxayna isku tilmaameen inay u kala shaqeeyaan wadamada
Sucuudiga iyo Masar. Ardada dhigata iskoolada iyo jaamacadaha inta aanan
la barin waajibaadka Rabi ku leeyahay, urur walba wuxu baraa ururka kale
iyo khatartiisa wuxuna u sheegaa ardayda inay iska ilaaliyaan ururkaas
kasoo horjeeda. Naceybku wuxu gaaray heer gabdhaha la isku diido oo
haddii wiil urur ka tirsan uu doono gabar uu dhalay oday ururka kale ka
tirsan, waa loosoo diidi jiray. Haddii nin ka tirsan labada urur midkood
uu ka baxo ururkii waxa ururka kale uu geed dheer iyo mid gaabanba u
fuuli jiray inuu soo xera gashto ninka ka baxay ururka kale, haddii uu ku
guulaystana waxay u noqon jiray farxad iyo rayn-rayn, halka ururkii kale
uu ka murugoon jiray ninka ka raacay ururka kale.
Taasi waa ururada dhexdooda, markaanse fiirino halka urur dhexdiisa waxa
ka dhexeeyay dagaal awoodeed iyo mid dhaqaale, waana sababta keenaysay in
ragga qaarkood ay ka caroodaan ururkaan oo ka baxaan isla markiina ay
galaan ururkii kasoo horjeeday. Haddii waxbarasho dibadeed ay soo baxdo
waa lagu dagaali jiray, waxana heli jiray ardayda la qaraabada ah ragga
madaxda ka ah ururkaas. Tusaalooyin kooban ayaan ku keeni doonaa qoraalka
qaybta 9aad haddii Rabi idmo.
Xaga qaabka lagu gaarayo kursiga way ku kala duwanaayeen labada urur oo
ururka Islaax wuxu xooga saaray dhanka doorashoyinka iyo baarlamaanada in
la galo, inkastoo ay sugan tahay in xubnaha ururkaas ay ka qayb qaateen
kacdoonkii dhiiga badan uu ku daatay sannadkii 1989 oo ka dhacay
masaajidka Sh. Cali Suufi. Laakin ururka Itixaad wuxu rumaysnaa inaan
dowlad Islaami ah la dhalin karin ilaa dhiig badan loo daadiyo Jihaadna
la galo, laakin waxaysan is waydiin yaa lala jihaadayaa yaase jihaadaya.
Dowladdii Kacaanka Oo Mar Kale Xirxirtay Xubnihii Ururada.
Bartamihii 1986 ayay dowladii Kacaanku heshay qaab dhismeedka ururka
Itixaad iyo dhamaan xubnaha ku jira, waxayna ku dhacday arintaasi kadib
markii ciidanka Guul-Wadayaashu ay usoo galeen guri uu cashar ku
aqrinayay wiil Itixaad ah, casharkaasoo uu siinayay dumarka xaafada.
Wiilkii ayaa la diriray Guulwadayaashi damcay inay qabtaan wuxuna midi ku
Page 17
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
dhuftay mid ka mid ah ciidankii, halkii ayaana lagu qabtay oo lagu xiray.
Ciidankii nabad-sugidda ayaa ka hadliyay wiilkii wuxuna sheegay dhamaan
magacyada xubnihii ururka iyo qaab-dhismeedka ururka. Taasina waxay
keentay olole balaaran oo lagu qaaday culumadii dalka oo dhan guud ahaan,
gaar ahaana kuwii Itixaadka. Waxay noqdeen wax la qabtay iyo wax baxsaday
oo dalka dibada uga baxay. Culumadii baxsatay ee ururka Itixaad waxa ka
mid ahaa amiirkii ururka Sh. Cali Warsame,Sh. Max’ed Cabdi Daahir, Sh.
C/qadir-Gacamey, Sh Max’ud Ciise iyo Sh. C/qadir Cukaasha. Waxa kaloo
baxsaday rag aan Itixaadka ahayn oo uu ka mid ahaa Sh. Max’ed Axmed
Rooble Boqolsoon. Sh. Boqolsoon mudo gaaban ayuu galay ururka Islaax,
kumase raagin oo wuu ka cararay markuu arkay dhaqanka ururada Islaamiga
ah.
Raggii la xiray qaarkood waxa lagu xukumay dil toogasho ah sida Sh. Xasan
Daahir Aweys, iyo Sh. C/casis Faarax oo lagu dilay dagaalkii Bari ku dhex
maray Itixaad iyo SSDF (Rabi ha u naxariistee) qaarkoodna waxa lagu
xukumay xabsi daa’in, halka qaar kale lasoo daaday qabiilka ay u dhasheen
awgiis. Iyadoo lagu fulin rabo dil toogasho ah raggii la xukumay ayaa
waxa arinka soo fara galiyay boqor Fahad-kii Sucuudiga wuxuna ka codsaday
madaxweyne Max’ed Siyaad Barre inuu cafiyo culumadaas, sidaas ayayna uga
soo bexeen xabsigii. Waxa wax lala yaabo ah in ragaas xabsiga laga soo
daayay qaarkiis ay wali aaminsan yihiin in boqor Fahad iyo Max’ed Siyaad
ay ahaayeen gaalo, diinta Islaamka ka baxay. Ururkii Islaax xubihiisa
qaar baa la xirxiray sida Sh. Nuur-Baaruud. Waxa kaloo jira culumo aan ka
tirsanayn wax urur ah oo u shaqayn jiray Hay’adda Iftaha Sucuudiga oo
iyagana la xiray, laakin dhamaantood waa la soo daayay mudo ka dib.
La soco Qaybta 9aad: Dagaaladii Khaliijka 1990, kuwii Soomaliya 1991 iyo
burburkii ururka Itixaadka.
QEYBTA 9-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybta 9aad. Qilaafaadka Urur Walba Dhexdiisa Ka Jiray.
Ururka Al-Itixaad Al-Islaami.
Waxan kor kusoo sheegay in ururada dhexdooda uu ka dhexeeyay qilaaf,
tartan iyo dacaayad aad u xoogan oo mararka qaarkood ku dhawaata inay
cadowgooda isku gacan galiyaan. Markaana waxan fiirin doonaa qilaafka ka
jira urur walba dhexdiisa.
Aan ku horayno ururka Itixaad oo ahaa ururka ugu waynaa Somaliya.
Ururkaan xubnihiisa waxa ku jiray rag badan oo jaamacado uga soo baxay
Sucuudiga, xiligaas isaga ahna waxa jiray hay’ad Sucuudigu maal galiyo oo
la yiraahdo Daarul Iftaa ama (Iftaha) hay’adaan waxay mushaar joogto ah
siin jirtay ardayda kasoo baxda Sucuudiga qaarkood oo dacwada ka wada
dalalkooda.
Somaliya waxay ku lahayd xafiis wayn oo arimahaas qabta. Waxa dhacday in
hay’adaas ay dalbatay in shaqaalihii ay mushaarka siin jirtay laga soo
xulo rag toban gaaraya oo loo diro Suudaan oo siminaar dacwo ah ay uga
qayb galaan. Markii lasoo xulay raggii dhamaantood waxay noqdeen qabiilka
Daaroodka ah oo hal nin oo ka mid ah uma uusan dhalan qabaa’isha kale ee
Soomaliyeed, gaar ahaan Hawiye iyo Isaaq.
Page 18
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Qabiilkii Isaaqu wuu iska samray oo dood kama keenin arinkaas, laakin
xubno ka mid ah beesha Hawiye ayaa dood iyo dacwo ka keentay arinkaas.
Raggii Hawiye ee buuqay ugu dambayntiina ka baxay ururka Itixaad waxa ka
mid ahaa Sh. C/raxmaan Abtiyoow, Sh. C/salam Xasan Gacal (Rabi ha u
naxariisto) Sh. Siciid-Gurey (Rabi ha u naxariisto) iyo rag kale. Waxayna
dacwo kusoo oogeen Sh. C/lahi Cali Xaashi iyo Sh. C/qadir Gacamey.
Eedayntii ahayd in hal qabiil lasoo xulay waxa u wehliyay labadaas shiikh
oo lagu maxkamadeeyay in markii la tagay Suudaan ay kusoo dareen ururka
rag aanan soo buuxin shuruudihii ka mid noqoshada ururka, waxana ka mid
ahaa ragaas Sh. Xasan Turki oo markaas muddo yar ka hor kasoo baxay
ururka Islaax. Maxkamadiina waxa lagu dhameeyay xaal mustuur, laakin
ragga aan kor kusoo sheegay ma qancin oo way iskaga bexeen ururka,
waxayna u arkeen sadbursi inuu ka dhex socdo Itixaadka dhexdiisa.
Isla waqtigaas mudo yar ka dib waxa la galay doorasho Shuurada Itixaad,
waxana Muqdisho raggii kasoo baxay ugu batay mar kale beesha Daarood.
Sidii lagu yaqaanay beesha Isaaq waa iska samreen, waxaase dood iyo dacwo
kale keenay xubno ka tirsan beesha Hawiye oo ay hormuud ka yihiin Sh.
Cali-Wajiis iyo Sh. Xasan Calasow. Qilaaf kale oo kii hore ka wayn ayaa
hadana ka dhex dhashay ururkii Itixaadka. Inkastoo la heshiiyay hadana
boogtii ma biskoon oo ugu dambayntii labada Shiikh ee kore waa ka bexeen
ururkii Itixaad inkastoo ay kala dambeeyeen.
Waxa xigay sanadkii 1988 in dagaalo xoog leh ay ka dheceen gobolada
waqooyi, dagaaladaso u dhexeeyay jabhaddii SNM iyo dowladdii xiligaas
jirtay. Waatii dadka waqooyigu ay wada qexeen oo diyaarado lagu duqeeyay,
magaalooyinkiina ay burbureen. Dhalinyaro ka tirsan beesha Isaaq ayaa soo
jeediyay in la bilaabo Jihaadkii lagu balamay oo "dowladaan gaalada ah
laga celiyo shacabka Muslimiinta ah" waa sida ay hadalka u dhigeene.
Lakin waa lagu diiday arinkaas waxana go’aan ay ku gaareen xubnihii
Shuurada Itixaadku in dagaalka u dhexeeya dowladda iyo jabhadaha uu fitno
yahay oo aan la dhex galin, banaan kana laga joogo.
Dhalinyaradii Isaaq iyagoo u arka go’aankaas inuu qalad yahay hadana way
u hogaansameen amarka ururkooda oo ma aysan galin dagaalkii Waqooyiga.
Waxaan u tagi doonaa sannadka 1991 in balankaas la jabiyay oo raggii
diiday in la galo dagaalka 1988 ay iyagu saxiixeen kaligood dagaalkii
1991 dhex maray Itixaadka iyo jabhaddii USC, iyagoo aan fasax waydiisan
Shuurada Itixaadka.
Bartamihii sannadkii 1990 markii ay taagdaraysay dowladdii Kacaanku
jabhadihiina ay dagaal kulul ka wadaan gobolada, wuxu madaxweyne Siyaad
Barre sheegay inuu wadanka ku dabaalayo nidaamka dimuqraadiga uuna
ogolaanayo in la furto xisbiyo siyaasaded. Shir degdeg ah oo Shuurada
Itixaadku ay iskugu timid waxay go’aan ku gaareen inay markaan banaanka
keenaan sirtii u qarsoonayd mudada dheer oo ay sheegaan inay yihiin xisbi
siyaasi ah oo Diini ah, ayna ka qaybgali doonaan doorashooyinka
dimuqraadiga ah ee dowladdu ay ku dhawaaqday.
Ururku wuxu diyaariyay nidaamkiisa siyaasiga ah, waxana la guda galay in
la xulo xubnaha loo sharixi doono doorashooyinka dowladu ay qaban doonto.
Bishii September 1990 Sh. Max’ed Cabdi Daahir oo daganaa London,
Ingiriiska ayaa BBC siiyay waraysi uu ku cadeeyay arimaha kore. Laakin
Page 19
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
nasiib daro saddex bilood kadib waxa Muqdisho ka qarxay dagaalkii USC iyo
dowladda.
Qaybta soo socota ayan ku faahfaahin doonaa dagaaladaas iyo sidii
Itixaadku uga qaby qaatay, waxanse qaybtaan kusoo gabagabaynayaa ururo
cusub oo samaysmay waqtigaan. Ragii Hawiye ka carooday safarkii Suudaan
ee aan kor kusoo sheegnay Sh. C/raxmaan Abtiyoow, Sh. Sh. Siciid-Gurey
(Rabi ha u naxariisto) iyo rag kale, oo ka baxay Itixaadka waxay
samaysteen urur cusub oo ay u bixiyeen Ansaar A-Sunah. Sidoo kale rag u
dhashay beesha Isaaq oo ka carooday in dagaalkii 1988 la diiday, lana
galay kii 1991 sidaan u tagi doono waa iskaga bexeen Itixaadka waxayna
dib ugu laabteen ururkii ka dhisnaa Waqooyiga ee Waxdatu Shabaab.
Waxa kaloo iyana kala jabay ururkii Ikhwaan Muslimiin (Aala-Shiikh) oo
noqday laba garab oo ay kala hogaamiyaan Jaangoow iyo Xuseen Koofile.
Halkaas waxa ku samaysmay 7 urur oo Diini ah.
QEYBTA 10-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybta 10aad. Burburkii Itixaadka:
Waxan kusoo jirnay sababihii keenay burburka Itixaad iyo cidii ka
mas’uulka ahayd burburkaas. Ururka waxa u qornaa sharci iyo balan uu kala
galay in la raaco, waxa ka mid ahaa sharcigaas inaan ururka lagu soo dari
karin qof uusan soo ogolaan golaha shuurada ururka. Qofka lagu soo darayo
ururka waa inuusan balwad lahayn, diinta ku dhaqmaa, mudo lagu soo
tarbiyeeyo gacanta xubnaha ururka qaarkood, si ay usoo ogaadaan
ciladihiisa, sida inuu qabyaalad ku dhaqmo iyo in kale. Sharciyadaas
qaarkood waa la jabiyay oo waxa lagu soo daray ururka rag aan kasoo
gudbin shuraadaha kore oo dhan. Tusaale ahaan wadaad la yiraahdo Sh.
Max’ed Xaaji Yusuf oo mudo kooban madax ka noqday maamulkii Itixaadka ee
gobolka Gedo sanadkii 1996-97 markii la soo bandhigay xaafada Huriwaa
maamulkii xaafadaas way diideen in lagu soo daro ururka iyagoo ku
eedeeyay ku dhaqanka qabyaaladda. Mudo kadib Sh. Max’ed wuxu aaday
Sucuudiga, waxaana looga soo daray ururka magaalada Maka iyadoo xubnihii
ururka ee joogay magaaladaas aysan ogolaansho waydiisan golaha Shuurada.
Arinkaasna wuxu keenay cuqdad iyo cabasho kala dhexgashay qabaa’ishii
ururka ka wada tirsanayd.
Arinka kale ee ka qayb qaatay burburkii Itixaad waxa ka mid ahaa in
madaxda Itixaadku ay u ogolaadeen xubnihii Itixaadka ee u dhashay dhulka
Ogadeenya inay ka madaxbanaanaadaan ururka maamulkiisa oo go’aamadooda ay
gooni u gaari karaan, marka laga reebo dhanka dhaqaalaha, taasina waxay
keentay in gobolkaas si shuruud la’aan ah loogu soo daro dadka dagaanka
ururka Itixaad. Waxa lasoo sheegaa in qofkii tukada la oran jiray, ma
ogoshahay in shareecada Islaamka la isku xukumo, haddii uu haa yiraahdana
horay looga qaadi jiray beecada ururka lagu galo.
Shirkii shuurada Itixaadka 1991 ee Jabuuti, Itixaadkii Waqooyiga ayaa soo
dalbaday in iyagana la siiyo madaxbanaani kooban oo gaar ah, maadaama
koonfurta wali dagaalo kasocdaan, waqooyiguna xoogaa xasiloon yahay,
waase laga diiday. Waxay ku doodeen in Itixaadka Ogadeenya loo ogolaaday
dalabkoodii ahaa madaxbanaanida gudaha, lakin way ku guulaysan waayeen in
madaxdii Itixaadka ay ka helaan dalabkooda. Arimahaan oo dhan waxay ka
Page 20
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
mid yihiin arimihii keenay kala taga iyo burburka Itixaadka, oo rag badan
ayaa u arkay in meesha ay ka jirto sadbursi iyo nin jeclaysi.
Diyaargarowgii dagaalada ee ururka Itixaadka:
Markii ay taagdaraysay dowladii Somaliya ayna bateen dagaaladii
jabhadaha, waqooyi ay si wayn uga dagaalayso SNM, gobolada dhexana ay USC
dagaal ka bilowday ururka Itixaad wuxu dardar galiyay xafiiskii Jihaadka.
Waxa xusid mudan sidaan kor kusoo sheegnay in dhalintii waqooyiga laga
diiday inay ka dagaalamaan dhulkooda oo dowladda kasoo horjeestaan.
Markii madaxda ururku ay arkeen in jabhuhu ay kusoo socdaan Muqdisho,
waxay go'aan aan loo dhamayn ku gaareen in la diyaariyo ciidamo ka qayb
qaata dagaalada lagu doonayo kursiga hogaaminta Somaliya. Magaalada
Muqdisho dhexdeeda waxa laga furay guryo lagu baro dhalinyarada qoryaha
fudfudud iyo xeeladaha dagaalka. Waxa kale oo la diray rag ciidamada ku
jiray Itixaadna ahaa si ay usoo sahmiyaan gobol xoog lagu qabsado oo loo
raro dhamaan xubnaha Itixaadka, xaasaskooda iyo caruurtooda kadibna
halkaas laga dhigto xarun la difaacdo, lagana soo faafo markaas kadib
ilaa Somaliya oo dhan ay ka qabsadaan. Raggii sahanka loo diray oo aan ka
xasuusto Xasan-Mahdi iyo C/casiis Guureeye waxay jawaab kusoo celiyeen
saddex gobol oo ay u arkeen inay muhiim yihiin oo kala ah Jubada Hoose,
Hiiraan iyo Bari. Gobolka Bari waxay galiyeen kaalinta koowaad, waxayna
sabab uga dhigeen halka uu dhaco oo ah dhul buuraley ah, togog biyo
maraan leh, xeeb dheer leh, dhulka carabtana daris la ah oo ay ka heli
karaan gurmad nooc walba ah.
Waa la isku qilaafay in laga guuro Muqdisho oo la qabsado gobol, waxana
raggii diiday ay sabab ka dhigteen inaysan u haboonayn ururka Itixaad
inuu ka qayb qaato dagaalada Somalida dhexdeeda ah oo u muuqda kuwo qaab
qabiil ku socda, waxayna talo kusoo jeediyeen in lagu joogo go'aankii
1988 oo ahaa inaan la dhex galin dagaalka ka dhex socda dowladda iyo SNM.
Intii ay socotay doodaas waxa si lama filaan ah Muqdisho uga qarxay
dagaalkii USC iyo dowladda, waxayna xubnihii ururka Itixaad noqdeen kuwo
kala qaxay oo nin walba uu aaday halka reerkiisu uu aaday.
Kala bar xubnihii Itixaadku waxay u qexeen Kismaayo, halka barka kalana
ay ku hareen Muqdisho. Intii uusan Siyaad Barre kasoo bixin Muqdisho waxa
laga bilaabay Kismaayo diyaargarow ciidan, waxaana goob tababar laga
dhigay guri ku yiilay xaafada Calanleey oo uu lahaa nin lagu magacaabo
Col. Max'ud Rashid (Kabsha) (Rabi ha u naxariistee) oo u dhashay beesha
Wabeeneeye, Majeerteen. Gurigaan oo ahaa dugsi quraan ayaa loo badalay
mucaskar ciidan. Col. Max'ud Kabsha oo ka tirsanaa ururka Itixaad wuxu ka
mid ahaa saraakiishii Majeerteen ee iskudayday afgambigii dhicisoobay ee
9kii April 1978, wuxuna ahaa sarkaalkii ka hadlay idaacada war-laliska ee
Dayniile kuna dhawaaqay inay la wareegeen xukunkii dalka. Col. Max'ud
wuxu u hibeeyay gurigiisa in lagu tababaro dhalinyarada Itixaadka, waxana
howsha tababarka dhalinyradaas loo dhiibay laba nin oo u dhashay beesha
Isaaq kana soo laabtay Jihaadka Afgaanistaan mudadaas. Waxay kala
ahaayeen Aadan Ducaale oo aanan ogayn halka uu ku dambeeyay iyo Ibraahim
X. Jaamac Meecaad (Ibraahim-Afgaan) oo waqtigaan ah gudoomiyaha magaalada
Kismaayo ee maamulka Al-Shabaab kuna howlgala magaca ah Sh. Abuubakar Al-
Zaylici. Labaduba waxay ka tirsanaayeen Itixaadka xiligaas.
Page 21
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Iyadoo dugsigaas lagu tababaro dhalinyaradii Itixaadka ayaa Max'ed Siyad
Barre uu yimid Kismaayo inkastoo uusan joogin mudo badan, waxana
magaalada soo camiray dad kasoo barakacay USC-da Muqdisho qabsatay.
Dhalinyaradii Itixaadka oo kusoo badatay Kismaayo iyo dhalinyaro cusub oo
markaas lagu soo daray ayaa buux-dhaafiyay dugsigii tababarka, waxayna
Itixaadku u wareegeen xero ciidan oo la yiraahdo Guul-Wade oo ku tiilay
Kismaayo. Waxa xusid mudan in magaalada ay joogaan xiligaan dhamaan
madaxdii dowladii dhacday ee u dhashay beesha Daarood. Waxa dagaalku
markaan isku rogay mid qabiil maadaama USC ay Muqdisho ku nabadgalisay
dhamaan xubnihii Hawiye ee ka tirsanaa dowladdii Siyaad Barre. Hogaanka
dagaalka labada beelood waxa kala hogaaminayay waqtigaan Gen. Neero oo
Abgaal ahaa iyo Gen. Moorgan oo Majeerteen ah. Waxana la isku ceyrsanayaa
inta u dhaxaysa Kismaayo iyo Afgooye oo marba qolo ceyro lagu geeyaa
dhinaca kale.
Odayaashii Itixaad ee beesha Daarood waxay olole u galeen in dagaalkan ay
ka dhigaan Jihaad, waxayna xoogooda iskugu geeyeen sidii ay uga
sharciyaysan lahaayeen hogaanka sare ee Itixaadka. Waxay Kismaayo keeneen
oo Muqdisho uga yeereen amiirkii Itixaadka ee xiligaas Sh. Cali Warsame
oo Isaaq u dhashay, waxay usoo bandhigeen awoodooda, waxayna ka codsadeen
inuu u saxiixo inay gali karaan dagaalka haddii USC ay Kismaayo usoo
dhawaato mar kale. Sh. Cali Warsame oo ku farxay awooda ciidanka
Itixaadka ayaa qalinka ugu duugay codsigoodii, wuxuna dib ugu laabtay
Muqdisho isaga iyo raggii la socday oo aan ka xasuusto Macalim Max'ud oo
beesha Mareexaan u dhashay. Ogolaanshaha Sh. Cali Warsame wuxu dardar
galiyay ciidankii Itixaadka waxayna damceen inay ku faafaan magaalada
Kismaayo oo dhan oo tartiib ku qabsadaan, meelihii ay isku dayeen waxa ka
mid ahaa idaacada Kismaayo, waxaase u diiday Gen. Aadan Gabyow, wax
dagaal ahna halkaas kama uusan dhicin. Raga waday ololaha xooga leh waxa
ka mid ahaa C/lahi Raabi, Max'ud Ciise Siciid Abu-Muxsin, (Rabi ha u
naxariistee) Xuseen Cabdule Codweyn, Sh. Daahir Cabdi (Indhabuur)C/raxman
Max'ed Jibriil, Dalmar Guureeye Kaarshe, C/lahi Cali Xaashi.
Ciidamadii Daarood oo ay wataan Gen. Moorgan iyo Gen. Gabyow waxay si
fiican usoo riixeen kuwii USC ilaa ay soo dhaafsiiyeen Afgooye oo ay
qabsadeen xaruntii Carbiska oo Muqdisho u jirtay 20km. Markuu dagaalku
halkaas marayo ayay odayaashii Hawiye ku qasbeen inuu dagaalka hogaamiyo
Gen. Caydiid oo wixii intaas ka horeeyay ka caraysnaa Cali Mahdi oo USC
ay u magacaabeen madaxweyne. Rogaal celintii Hawiye oo uu hogaaminayo
Gen. Caydid waxay gaareen duleedka Kismaayo halka lagu magacaabo buundada
Araare. Ciidamadii Itixaadka ee uu tababaray Ibraahim Afgaan safkii hore
ee dagaalka ayay soo galeen, waxayna difaac ka galeen buundada, halka
ciidankii Moorgan iyo Gabyowna la geeyay dhanka bidixda oo difaac adag ay
ka galeen. Isku daygii ugu horeeyay ee USC-da Gen. Caydiid ay u
dhaqaaqeen waa lasoo jabshay, wuxuna ogaaday in ciidankii uu la diriray
ciidan aan ahayn ay difaaca hore soo galeen, dib ayuuna usoo gurtay
dhanka Jilib. Isagoo diyaar garow adag ku jira ayaa xubnihii Itixaadka ee
Muqdisho waxay soo direen shan nin oo afar ka mid ah ay yihiin Itaxaad,
midka haray oo ah Sh. C/lahi Lakari-na kama uusan tirsanayn Itixaadka.
Afarta kale waxay ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys, iyo walaalkiis Dr.
Max’ed Daahir Aweys (Rabi ha u naxariistee)Sh. Xasan Calasow iyo Sh.
C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariistee)
La soco qaybta dambe, kulankii dhex maray ragaas iyo Gen. Caydiid.
Page 22
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
QEYBTA 11-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybt 11aad: Dagaalkii Dhex Maray Itixaadka iyo Jan. Caydiid
Raggii shanta ahaa ee laga soo diray Muqdisho, una dhashay beesha Hawiye,
waxay ka kala ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Dr. Max’ed Daahir
Aweys (Rabi ha u naxariisto) oo isla dhashay iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal
(Rabi ha u naxariisto) waxay ahaayeen Habargidir, Sh. Xasan Calasow,
Abgaal iyo Sh. C/lahi Lakari oo Murursade ahaa.
Waxay la kulmeen Jan. Caydid waxayna u sheegeen in wadaado ay saaxiibo
yihiin ay ku sugan yihiin Kismaayo ayna ugu yimaadeen in maleeshiyaadka
USC ay ka hor istaagaan inay dhibaateeyaan wadaadadaas. Jan. Caydid wuxu
u sheegay raggii shanta ahaa in wadaadada saaxiibadood ah ay mar hore
dagaalka soo galeen, safka horana ay ku jiraan, uuna kala kulmay iska
caabin xoog leh dhankooda.
Waxay ka codsadeen Caydiid inuu siiyo 48 saacadood si ay dagaalka uga
saaraan ragaas. Caydid wuxu u sheegay inuu siinayo 24 saac oo ay ku
dheertahay 48 saac. Saddex nin oo ka mid ah shantoodii ayaa aaday dhanka
Kismaayo. Waxana looga tagay Jan. Caydiid inay lasii joogaan Sh. C/lahi
Lakari iyo Dr. Max’ed Daahir Aweys.
Saddexda nin ee soo aaday buundada Araare waxay ahaayeen Itixaad, waxayna
halkaas kula kulmeen wiilashii dhalinyarada ahaa oo cimaamado gaduudan
xiran iyo horjoogayaashii watay oo ay ka mid ahaayeen Xasan-Mahdi oo ay
isku hayb yihiin Jan. Caydid iyo Ibraahim-Afgaan.
Waxay u sheegeen inay usii gudbayaan Kismaayo, waxayna kula balameen
inaysan weerar qaadin iyagana aan lasoo weerari doonin. Saddexdii nin Sh.
Xasan Daahir, Sh. Xasan Calasow iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal waxay usoo
gudbeen Kismaayo waxayna halkaas kula kulmeen rag ay ka mid ahaayeen Sh.
Daahir Cabdi (Indha-buur) C/raxman Max’ed Jibriil, Xuseen Cabdule
Codweyn, Sh. C/lahi-Raabi, Dalmar Guureeye, Max’ud Ciise Sicid (Rabi ha u
naxariisto) Cali-Muuse Siciid.
Niqaash dheer iyo caqli calin kadib raggii dagaalka waday waa diideen
inay ka baxaan dagaalka marka laga reebo Cali-Muuse Sicid oo ku raacay
ragga yimid inay ka baxaan dagaalka u dhexeeya qabaa’isha Soomaliyed. Sh.
Xasan Daahir ayaa ka codsaday ragga dagaalka hogaaminayay bal inay usoo
bandhigaan saadka dagaalka ee ay haystaan, markii ay tuseena wuxu yiri
“hubkaan waa maalin-dagaal, hadaad u badataana saddex maalmood ayaa isku
celcelin kartaan” ee ka baxa dagaalka.
Waa laga diiday. Sh. Xasan Daahir hadana wuxu soo bandhigay dalab kale oo
ah, “maadaama aad diideen inad ka baxdaan dagaalka, saraakiil sar sarana
aysan idinla joogin, ka warama hadaan anigu idinku soo biiro oo dagaalka
hogaamiyo, si aan saanadaan yar u beekhaamiyo. Taladiisii waa u guuxeen
waana ka aqbaleen inuu hogaamiyo dagaalka, lakin Sh. Xasan Calasow ayaa
ku qabsaday arinkii Sh. Xasan Daahir, wuxuna ku yiri “Shiikh ii sheeg
meesha ay diinta uga taalo nin ergo ah oo lasoo diray, dadkana kala
badbaadinaya inuu isagu dhan kasoo jeesto oo dadkii uu kala badbaadinayay
uu qaarkood ka diriro. Sh. Xasna Daahir markas ayuu baraarugay kana
laabtay go’aankisi, waxayna dib ugu laabteen Jan. caydid oo u sheegeen
Page 23
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
inay xal usoo waayeen arinkii. Mudo yar kadib Jan. Caydid wuxu qaaday
weerarkiisi ragiina Muqdisho ayay u laabteen. Ciidankii Jan. Caydid waxay
la kulmeen iska caabin aad u adag, rag badana waa laga laayay, waxaana
maalinkaas ay nolol ku qaban rabeen wadaadada Itixaadku fanaanad Xaliima
Qaliif Magool oo ka mid ahayd ciidanka Jan. Caydiid.
Dib ayuu usoo gurtay Jan. Caydid, difaacna wuu galiyay ciidankiisii,
wuxuna dirsaday sahan usoo fiiriya sida difaacyadu kala yihiin. Wuxu soo
ogaaday in dhanka kale ee buundada ay difaac iga jiraan ciidan uu wato
Jan. Moorgan, wuxuna go’aansaday inuu difaac yar uga tago dhanka
wadaadada uuna weerar ku qaado dhanka Moorgan.
Qorshahaas waa u shaqeeyay Jan. Caydid wuxuna si fudud ku jiiray
ciidankii Moorgan, wuxuna gadaal uga yimid wadaadadii Itixaadka oo ku
mashquulsan difaacii hortooda fadhiyay. Halkaas ayaa lagu jabiyay
dhalinyaradii Itixaadka, waxana goobtaas ku geeriyooday dhalinyaro yar
yar oo da’doodu labaatan sano aysan dhaafin, halka madaxdii dagaal
galisay ay kuligood badbaadeen oo Raaskamboni ay nabad ku tageen, qaarna
ay Nairobi usii gudbeen. Dhalinyaradii ku dhaawacantay dagaalka iyo intii
badbaaday waxa la dajiyay Raaskamboni, waxana laba mucaskar oo hor leh
laga kala furay Dhoobley iyo Buula-Xaawo.
Dagaalka noocaas ku dhacay waa lagu kala jabay, burburkii Itixaadka
ayuuna dhamaystiray. Raggii waawaynaa ee ururka ee dibada iyo gudaha
dalka kala joogayna way ku kala qaybsameen. Tusaale ahaan Dr. Cusmaan
Macalim Max’ud iyo Dr. Axmed Daahir Aweys waxay noqdeen labadii qof ee
ugu horeeyay ee muxaadaro radis ah ka duubay dagaalkaas iyo qaabka loo
galay, waxayna isla markiiba ka bexeen ururkii Itixaad. Raggii Muqdisho
iyo meelaha kala joogay waa ka xumaadeen dagaalkaas, waana diideen inay
jihad u aqoonsadaan, laakin kama aysan bixin ururka, waxana ka mid ahaa
ragaas Sh. C/qadir Cukaash, Sh. Max’ed Cabdi Daahir, Sh. C/lahi Diriye
Abtidood, iyo rag kale. Waxayna sabab uga dhigeen in shuuradii Itixaadku
aysan ogolaan dagaalkaas, rag gaar ahna ay galiyeen dhalinyarada
dagaalka.
Waxayna iskugu yeereen shir degdeg ah golaha shuuradu inuu iskugu yimaado
Jabuuti, si loo maxkamadeeyo raggii dagaalka galiyay dhalinyarada.
Raggii dagaalka abuulay ee aan kor kusoo sheegay waxa wehliyay rag
dibadaha jiray oo taageeray dagaalkaas, dhaqaale iyo niyadbana ku ayiday,
waxana ka mid ahaa ragaas Dr. Axmed Xaji C/raxman, Sh. C/qadir Max’ed
Cabdule (Garre) Sh. C/waaxid Xaashi, Sh. C/qadir Nur Farax (Gacamey)
C/casis Faarax Max’ed (Rabi ha u naxariistee)Sh. Jaamac C/salaam, C/casis
Guureeye, Max’ed-Rashid Cismaan, C/wahab Isxaaq iyo rag kale.
La soco qormadeena soo socota, sidii loogu raray dhalinyarada gobolka
Bari iyo shirkii shuurada Itixaadka ee Jabuuti.
QEYBTA 12-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybt 12aad: Ciidankii Itixaadka Oo U Guuray Boosaaso.
Inta aanan bilaabin qaybta 12aad waxan rabaa inaan halkan ku saxo
qoraalkii hore. Dr. Cisman Macalim Max’ud iyo Dr. Axmed Daahir Aweys kama
Page 24
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
aysan bixin ururka markii uu dhacay dagaalka Araare, mana aysan ka duubin
muxaaradaro dadweynuhu dhagaysaan. Muxaadaradu waxay dhacday dagaalkii
Bari kadib, oo qoraalada soo socda ayay noogu imaan doontaa Insha Allah.
Kabixitaankoda Itixaadkuna wuxu ahaa 1994. Lakin waxa jiray qilaaf
manhaji ah oo soo bilowday mar hore lakin si fiican usoo shaac baxay 1990
markii uu dhacay dagaalkii Khaliijka. Dr. Cisman Macalim iyo culumo kale
waxay dood ka keeneen Beycada laga qaado qofka lagu soo darayo ururka,
waxayna sheegeen in Beycada noocaan ah uu lee yahay Amiirka dhulka
gacantiisa uu ku jiro oo dadka amaankooda sugi kara. Madaxdii Itixaadkuna
waxay ku adkaysteen inay u banaan tahay inay Beyco ka qaadaan dadka.
Markii uu dhacay dagaalkii Khaliijka, waxa is qilaafay culumadii
waawayneyd ee Caalamka Islaamka iyo dhalinyaradii yaryarayd ee ururada ku
jiray. Xamaasad iyo kacdoon ayay bilaabeen dhalinyaradii, culumadii
waawaynaydna waxay ka digeen in la degdego oo dagaalo dhiig ku daataan la
galo, waxa ka mid ahaa culumadaas Sh. Max’ed Nasirudin Albaani, Sh.
C/casis Bin Baas, Sh. Max’ed Salax Cusaymiin iyo rag kale.
Maadaama culumadaas ay ahaayeen ragga hormuudka u ah dacwada Salafka,
waxay saamayn ku yeesheen ururkii Itixaad oo sheegan jiray inay ku
dhaqmaan Manhajka Salafka. Culumo badan oo ka mid ah Itixaadka ayaa soo
jeedshay in culumadaas taladooda la yeelo iyagana la waydiiyo talaabo
kasta oo la qaadayo, laakin raggii kale ee kursiga siyaasada hadafkoodu
uu ahaa way ku gacan-seyreen taladaas, taasina waxay keentay inay hoos u
dhacdo wada shaqayntii xubnaha ururka ilaa marka dambe lagu kala tago
meesha.
Aan halkaan kasii wado, xiligii dagaalada Itixaadka ee 1991. Markii
ciidankii jabay degeen Raaskamboni iyo Dhoobley waxa dhaawicii loo qaaday
Boosaaso inta doono laga saaray Raaskambooni, ciidankiina si meelgaar ah
ayay u degeen Raaskamboni. Waxa la isku dayay in ciidanka markab wayn
lagu qaado oo Boosaaso la geeyo, lakin way suuroobi wayday. Waxa loosoo
raray Dhoobley oo mucaskar cusub laga furay. Xubnihii Itixaadka ee
Boosaaso joogay waxa soo martay fursad dahabi ah oo odayaashii beesha
gobolkaas ayaa u dhiibay dekadii Boosaaso inay maamulaan, maadaama
jabhaddii SSDF ay maamuli wayday dekada, kuna sigteen inay dhexdoda ka
dagaalamaan. Odayaashii Boosaaso joogay ayaa u yeertay ciidankii kusoo
jabay dagaalkii Araare, laakin waxa arinkaas is hortaagay raggii joogay
Jubada Hoose iyo Nairobi oo damacsanaa inay ciidanka dib ugu celiyaan
Kismaayo oo mar kale ay qabsadeen ciidankii Jan. Moorgan iyo Jan. Gabyow.
Waxay u sheegeen dhalinyaradii dagaalantay inay u diyargaroban in dib
loogu laabto Kismaayo, lakin horjoogayashi ciidanka ayaa diiday inay
galaan dagaal dambe oo qabaa’isha dhexdeeda ah. Waxay u yeereen Sh. Xasan
Daahir Aweys oo joogay Sucuudiga, waxana loosoo saaray dal-ku-gal Kenya
ah, kadibna Nairobi ayuu yimid. Waxana loogu yeeray inuu ciidanka ka
dhaadhiciyo inay dib ugu laabtaan Kismaayo.
Intii uusan imaan Sh. Xasan Daahir, waxay odayaashii Itixaadku u direen
Kismaayo rag xul ah si qabaa’isha joogtay Kismaayo ay uga soo
dhaadhiciyaan in wadaadadii Itixaadka dib loogu soo celiyo Kismaayo si ay
wax uga difaacaan, arinkaasna way soo dhaweeyeen odayaashii iyo
saraakiishii joogtay Kismaayo. Raggii loo diray Kismaayo waxa ka mid ahaa
Sh. C/waaxid Xaashi, Sh. C/wahaab Isxaaq, Xuseen Cabdule Codweyn,
C/raxman Jabriil, Xasan Ashkir, Max’ed-Rashid Cismaan iyo rag kale oo
dhowr ah.
Page 25
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Sidoo kale, odayaasha Itixaadka qaarkoodi joogay Nairobi waxay qado u
sameeyeen siyaasiyiintii joogtay Nairobi ee beelaha Harti iyo Absame si
ay uga dhaadhiciyaan in ciidanka Itixaad ee jooga Dhoobley loo raro
Kismaayo. Guriga qadada lagu sameeyay oo uu lahaa Max’ed Qaasim waxa ka
mid ahaa raggii yimid Col. C/lahi Yusuf Axmed wuxuna diiday inuu yeelo
qorshihii Itixaadka ee ahaa inay magaalada Kismaayo wax ka difaacaan
hadii USC soo weerarto mar kale, wuxuna Col. C/lahi shaki ka muujiyay
inay daacad ka yihiin arinkaas, wuxun sheegay inay wataan qorshe afgambi
ah oo ay rabaan inay ku qabsadaan Kismaayo, shirkaasna wuxu ku dhamaaday
guul daro.
Markii uu soo gaaray Sh. Xasan Daahir Nairobi waxay dhoobley isku raacaan
Sh. C/qadir Cukaasha iyo Sh. Aadan Garweyne (Rabi ha u naxariistee) Waxay
ku kulmeen Dhoobley gudigii ka yimid Kismaayo oo doonayay inay raraan
ciidankii joogay Dhoobley. Sh. Xasan Daahir wuxu bilaabay inuu cod ka
qaado horjoogayaasha ciidanka, culumada iyo xubnaha Shuurada wixi ka
joogay Dhoobley, wuxuna kala dooran galiyay in Kismaayo la aado iyo in
Boosaaso la aado, natiijadiina waxay noqotay in Boosaaso la aado oo
codkii ayaa u batay. Raggii watay qorshaha Kismaayo ayaa ka codsaday Sh.
Xasan in 10% uu u reebo ciidanka Dhoobley, wuuna ka yeelay. Ciidankii
waxa loo raray gobolka Bari, waxana la dhex marsiiyay dhulka Somaliyed ee
Itoobiya ay haysato. Dowladda Meles Zanawi oo xiligaas dhalatay waxa
warqad fasax ah kasoo qaaday Itixaadkii dhulka Ogadenya oo xafiis
siyaasadeed ku lahaa markaas Itoobiya. Sidaas ayaana ciidankii oo
hubkooda wata gawaari dagaalna saaran ay u dhex mareen Godey iyo
magaaloyin kale oo waawayn, waxayna nabad ku gaareen Boosaaso. Ciidankan
waxa watay Sh. Max’ud Ciise Sicid oo ku dhiman doona dagaalka Bari (Rabi
ha u naxariistee)
Ciidankii yaraa ee lagu reebay Dhoobley, waxa madax looga dhigay Xasan
Ashkir, waxana isla markiiba la dardar galiyay balaarinta ciidankaas oo
mudo laba bilood ah waxa qoriga BKM (Dabajeexa) looga safay ciidan dhan
200. Ciidankas oo si fiican loo hubeeyay ayaa markii la diyaariyay in loo
raro Kismaayo, waxa nasiibdaro ku dagaalamay Kismaayo labadii beelood ee
ciidanka Itixaadku ka koobnaa Harti iyo Absame, waxana Kismaayo laga soo
saaray beeshii Absame. Maadaama ciidanka Itixadka ee la diyaariyay 90% ay
ahaayeen Absame way suuroobi wayday in Kismaayo la geeyo, sidaasna waxa
ku fashilmay qorshihii ku laabashada Itixaadka ee Kismaayo.
La soco qaybta dambe shirkii shuurada Itixaadka iyo dagaalkii Bari
QEYBTA 13-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybta 13aad Shirkii Shuurada Itixaadka Ee Jabuuti 1991.
Markii lagu jabay dagaalkii Araare, uuna halkaas ka dhashay qilaaf ku
dhawaaday in ururka lagu kala tago, raggii diidanaa dagaalka waxay
codsadeen in shirweyne la iskugu yimaado magaalada Jabuuti maadaama
Somaliya ay ka jireen xiligaas dagaalo sokeeya, meel la wada tagi karana
aysan jirin. Xubnihii golaha Shuurada intoodii badnayd way yimaadeen
Jabuuti waxaana laga dooday sababta loo galay dagaalka ka dhex socda
beelaha Soomaliyeed gaar ahaan Hawiye oo uu hogaaminayo Jan. Caydiid iyo
Daarood oo ay hogaaminayeen Jan. Moorgan iyo Jan. Gabyow. Raggii dagaalka
Page 26
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
galiyay dhalinyarada waxay ku doodeen inay saxsanaayeen dagaal Jihaad
ahna ay galeen, maadaama magaalada Kismaayo ay Islaantay, mana aha in
nalala xisaabtamo ee waxan mudanahay in nala taageero naloona mahad
celiyo. Ragaas waxa ka mid ahaa Xuseen Cabdulle Codweyn, C/lahi Raabi,
Max’ud Ciise Sicid, C/raxman Jibriil, Sh. Daahir Cabdi, iyo rag kale.
Waxa arinkaas ku taageeray oo difaacay rag intooda badan ka maqnaa goobta
dagaalka xiligaas oo aan qoraaladeenii hore kusoo sheegnay.
Xubnihii Shuurada ee ku doodayay in dagaalkaas uu ahaa qalad iyo fidno la
dhex galay waxa ka mid ahaa Sh. C/lahi Diiriye Abtidoon, Sh. C/qadir
Cukaasha iyo rag kale, waxayna ku doodeen in go’aanka dagaalkaas aysan
ansixin Shuurada ururka, isla markaana la jabiyay go’aankii Shuurada lagu
gaaray sanadkii 1988kii -markii dhalinyarada Waqooyi ah dalbadeen inay
galaan dagaalka dowladda iyo SNM u dhexeeyay- oo ahaa inaan la dhex galin
dagaalada u dhexeeya dowladda iyo qabaa’isha Soomaliyeed, waxayna
sheegeen in markaan aysan jirin dowlad oo dagaalku uu kasii fool xumaaday
uuna u dhexeeyay qabaa’il Soomaliyeed. Ragga diidanaa dagaalka waxay
xuseen in rag qalinka ku duugay 1988-kii inaan la dhex galin dagaalada
sokeeye ay hada hormuud ka ahaayeen dagaalkii Araare. Waxay kaloo uga
jawaabeen hadalkii ahaa in “magaalada Kismaayo ay Islaantay” in markeedii
horaba ay magaalada iyo dadka daganiba Islaam ahaayeen, waqti ay
gaaloobeena aysan jirin, waxayna sheegeen in hadalada noocan oo kale ah
ay horseedi karaan fikrad Takfiir oo mar kale dib ugu soo noqota
Soomaliya.
Dood dheer oo socotay mudo ka badan laba isbuuc kadib, waxa go’aan lagu
gaaray in la ganaaxo raggii dagaalka galiyay dhalinyarada oo jagooyinka
ka hayay golaha Shuurada, golaha Fulinta iyo ciidamada ururka, waxana
lagu ganaaxay in muddo laba sanno ah aysan wax xil ah ka qaban karin
jagooyinka ururka dhexdiisa ah. Laakiin go’aanka ganaaxaas wuxu noqday
mid waradaha lagu qoray oo kaliya, mana dhaqan galin go’aankaas oo isla
raggii la ganaaxay ayaa howshoodii dagaal-galinta horay usii watay,
waxayna mucaskaro cusub ka fureen isla markiiba magaalooyinka Boosaaso,
Marka-Cadeey, Dhoobley, Raaskambooni Buula-Xaawo iyo Halooyo (SOMALI-
GALBEED)
Qorshihii Dagaalka Bari
Inta badan ciidamadii Itixaadka waxa la iskugu geeyay Boosaaso kadib
markii Itixaadkii joogay halkaas ay beesha degaanku u dhiibtay maamulka
dekada Boosaaso oo qabaa’ishu ay ku heshiin waayeen. Raggii loo dhiibay
maamulka dekada aya waxa galay damac ah inay gebi ahaanba la wareegaan
maamulka goboblada waqooyi Bari. Waxay olole balaaran u galeen in dhamaan
xubnaha Itixaad meel walba oo ay dalka ka joogaan ay soo dagaan Boosaaso
si ay awood ugu yeeshaan halkaas. Sida aan qoraalkii hore kusoo sheegnay
ciidamadii Dhoobley iyo Raaskambooni waxa loosoo raray Boosaaso.
Fikrada ah in xoog lagu qabsado gobolada Bari waxa la yimid C/casiis
Faarax Lagu-Jire (Rabi ha u naxariistee) oo ku dhiman doona dagaalkan.
Naqshadda dowladan wuxu Sh. C/casis Faarax ku dajiyay wadanka Sucuudiga
wuxuna diyaariyay dowlad dhamaystiran oo leh madaxweyne, gole baarlamaan
iyo wasiiro isagoo aan kala tashan ama aan hor keenin Shuuradii ururka
ayuuna go’aankaas gaaray. Rag ka tirsan ururka ayaa Sucuudiga kula dooday
oo xasuusiyay in howshaan ay u baahan tahay in Shuuradu ay ka doodo
Page 27
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
go’aana ka gaarto, lakin horay ayuu uga socday wuxuna yimid Boosaaso.
Markii uu Boosaaso yimid ayuu wuxu u yeertay rag dibadaha ku kala maqnaa
oo uu u arkayay inuusan uga maarmin dowladda uu dhisayo. Wuxu Canada uga
yeertay Sh. Max’ud Food-Cadde iyo Sh. Aadan Max’ed Ciise, Ingiriiskana
Sh. Max’ed Sh. Cismaan halka Zaambiya uu uga yeertay Sh. Jaamac C/salaam.
Kadib wuxu u soo bandhigay shaxda dowladiisa wuxuna madaxweyne u
magacaabay C/casiis Guureeye.
Qorshahaan oo wajigiisii hore uu hirgalay inkastoo isbadalo yar yar lagu
sameeyay, ayaa wajigi labad la guda galay, waxana gudaha Somaliya looga
yeeray qaar ka mid ah madaxdii ururka si ogolaansho looga helo. Shir
qarsoodi ah ayaa lagu qabtay tuulada Bacaadweyn, Mudug waxana looga
yeeray shirkas oo kasoo qayb galay Amiirkii Itixaadka xiligaas Sh. Cali
Warsame. Shirkaas oo lagu go’aamiyay in xoog lagu qabto gobolada Waqooyi
Bari waxa goobjoog ka ahaa xubno Carab ah oo ka tirsanaa ururka Al-
Qaacida oo muddo yar ka hor la dhisay walina aan aduun waynaha laga
baran. Shirkan oo markii hore loo qorsheeyay inuu ka dhaco Halooyo,
(SOMALI-GALBEED) ayaa loosoo wareejiyay Bacaadweyn. Go’aankii la gaaray
ee ahaa in xoog lagu qabto gobolada Bari waxa ka horyimid oo diiday Sh.
C/qadir Gacamey iyo C/casis Guureeye, laakin cod aqlabiyad ah ayaa lagu
ogolaysiiyay oo lagu marsiiyay go’aankii. Diidmada labadaas wadaad waxay
sababtay in laga qarsado go’aanada howl galka dagaalka, laguna tilmaamo
niman qabiiliistayaal ah. Madaxtinimadii C/casis Guureeye loo wadayna dib
ayaa looga laabtay.
Markii laga saxiixay Sh. Cali Warsame go’aanka dagaalka Bari ayuu Shiikhu
u yeeray mucaskarkii Marka inuu usoo guuro Boosaaso laakin raggii Marka
joogay way diideen inay yimaadaan oo waxa ka hor istaagay Sh. C/lahi
Diiriye Abtidoon oo safar degdeg ah ku yimid Marka iyadoo ciidankaas
lasoo rari rabo. Wuxuuna xasuusiyay ciidankii joogay Marka in shirkii
Jabuuti go’aan lagu gaaray inaan la qaadin talaabo aysan ogolaan golaha
Shuuradu. Colaadii Sh. Abtidoon looga qaaday talaabadaas uu ku
horjoogsaday ciidanka Marka ilaa iyo maanta way taagan tahay, waxana loo
arkaa inuu yahay nin dhabar jabiyay guushii Al-Itixaad ay wadanka ku
qabsan lahaayeen. Waxayna madaxdii Itixaadka qaarkood ku direen dhowr mar
madaxda wadamada Imaaraadka iyo Qadar oo labaduba sharcigii ka qaaday Sh.
Abtidoon kana musaafuriyay wadamadooda.
Intii uu socday shirka Bacaadweyn ayaa waxa loo yeeray Sh. Xasan Daahir
Aweys oo markaas ku sugnaa magaalada Buula-Xaawo inuu yimaado Bacaadweyn,
laakin intii uu jidka kusoo jiray ayaa go’aanka la gaaray, markii uu
yimidna waxa loo dhiibay hogaanka mucaskarkii Bari oo markaas laga qaaday
ninkii hayay oo ahaa Faarax Xasan Faarax (Rabi ha u naxariistee) oo ku
dhiman doona dagaalka maalmo kadib bilaaban doona. Sh. Cali Warsame
markii uu amray Sh. Xasan Daahir inuu hogamiyo dagaalka wuxu dib ugu
laabtay magaalada Burco, Sh. Xasan Daahirna wuu aqbalay inuu hogaamiyo
dagaalka, waxana la guda galay diyaar garowga dagaalka iyo weerar lagu
qaado dadka dega gobolada Waqooyi Bari.
La soco dagaalka Bari, balan qaadka beenoobay ee Al-Qaacida iyo qasaaraha
ka dhashay dagaalkaas.
QEYBTA 14-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Page 28
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
QAYBTII 14AAD DAGAALKII DHEX MARAY ITIXAAD IYO SSDF
Inta aanan u guda galin dagaalka Bari, waxan jeclahay inan hordhac ahaan
u sheego aasaaskii Al-Qaacida oo taariikhda ururada Somaliya meelo kooban
kasoo gali doona, sida aan ku faahfaahin doono qoraaladeena soo socda
haddii Rabi idmo. Munaasabada hordhaca Al-Qaacida waxa keenay laba
sababood, midi waa waqtiga la aasaasay Al-Qaacida oo ku beegan mudada
aanu hada marayno, midina waa saamaynta ay ku lahaayeen dagaalka Bari.
Markii uu dhamaaday Jihaadkii Afganistaan dhamaadkii 1991 lagana xoreeyay
Midowgii Soofiyeeti dhulka Afganistaan, waxa dhexdooda ka dagaalamay
mujaahidiintii Afgaan, taasina waxay keentay in Mujaahdiintii Carabtu ay
ka soo baxaan halkaas ayna dib ugu soo laabtaan wadamadoodii. Sida aan ku
faahfaahin doono cinwaanka soo socda ee Al-Qaacida: Siday ku soo
bilaabatay iyo saamaynteeda Soomaaliya, hogaamiyihii Mujaahidiinta
Carabta xiligii la joogay Afganistan Usama Bin-Ladin ayaa go’aan ku
gaaray inuu sameeyo ururkan uuna ku faafiyo wadamada Muslimiinta ah oo
dhan isagoo adeegsanaya Mujaahidintii wadamadas ka kala yimid ee ka
dagaalamay Afganistaan.
Markii uu aasaasay Usama ururkisa Al-Qacida ayna ka shakiday dowladda
Sucuudigu dhaqdhaqaaqiisa waxay howl musaafuris ah ugu dirtay dalka
Suudaan oo shirkadda reerkisa Bin-Ladin ay howl dhisme ah ka waday.
Halkaas ayuu Usama kula kulmay xubno ka tirsan ururka Al-Itixaad, wuxuna
ka codsaday inay kusoo biiraan ururkiisa cusub. Xubnahas ayaa ka diiday
inay ku biiraan ururka Al-Qaacida, waxayna warsadeen in wadashaqayn guud
ay dhexmarto iyagoo aanan ku biirin. Usama Bin-Ladin wuxu u sheegay
xubnihii ka diiday inay ku biiraan inuu Somaliya kasoo gali doono
dariishadda haddii ay u diideen inuu ka galo albaabka, wuuna ka dhabeeyay
hanjabaadaas, sida aan ku faahfaahin doono maqaalada soo socda.
Markay ku adkaysteen xubnihii Itixaadku inaysan ku biiri doonin Al-
Qaacida lakin uu sidooda kale u caawiyo, wuxu Usama u diray howl lugooyo
ah, wuxuna u balan qaaday haddii ay Jihaad ka bilaabaan gudaha Soomaaliya
inuu usoo diri doono lacag iyo ciidan fara badan oo caawiya, balantaas oo
uu uga baxay markii Itixaadku ay dagaalka Bari bilaabeen iyagoo fulinaya
balankii ay lasoo galeen Usama Bin-Ladin. Wuxu usoo diray rag fara-ku-
tiris ah oo howsha loo soo diray ay ahayd inay si hoose ula heshiiyaan
isla markaana ugu soo daraan Al-Qaacida qaar ka tirsan Itixaad.
Munaasabada aan u keenay Al-Qaacida waa intaas, faahfaahinta saamaynta
Al-Qaacida ee Somaliya la soco qoraalada soo socda.
Aan usoo laabano dagaalkii Bari, odayaashii Itixaadka ee ku shiray
Bacaadweyn, intii tagtay mooyee intii hartay waxay go’aamiyeen waqtiga
dagaalka la qaadayo iyo meelaha laga bilaabayo. Waxay amreen Sh. Xasan
Daahir Aweys oo hogaaminayay dagaalkaas inuu bilaabo dagaalka.
Intii uusan bilaabin dagaalka, Amiirkii Itixaadka Sh. Cali Warsame oo
kasoo laabtay Bacaadweyn soona saxiixay dagaalkas, aya waxa Burco ku
qabsaday raggii ka joogay Itixaadka waxayna xasuusiyeen inuu jabiyay
heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen golaha shuuradu oo ahaa inaan dagaal la
qaadi Karin ilaa golaha Shuuradu uu ogolaado. Sh. Cali Warsame halkaas
ayuu ku baraarugay wuxuna lasoo hadlay Sh. Xasan Daahir oo isku
Page 29
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
diyaarinaya dagaalka, wuxuna u amray inuusan qaadin dagaal oo uu ka
laabto go’aankii uu amray. Sh. Xasan Daahir oo ay gadaal ka riixayaan
raggii markii horaba watay qorshaha dagaalka ayaa dhagaha ka furaystay
fariinta Amiirkisa, wuxuna horay usii waday qorshihii dagaalka.
Si dhib yar oo uusan ku daadan dhiig ayay kula wareegeen Itixaadku
maamulka Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo degmooyin kale. Markii ay arkeen
odayaashii iyo siyaasiyiintii beesha Majeerteen in la qabsaday ayay shir
iskugu yimaadeen magaalada Garoowe, waxana ka war helay shirkaas
ciidamadii Itixaadka oo isla markiiba soo xirxiray odayaashii shirka u
fadhiyay oo tiradoodu ay gaaraysay 30 oday. Ragga lasoo xiray waxa ka mid
ahaa Jan. Max’ed Abshir Haamaan iyo Col. C/lahi Yusuf Axmed, waxana la
dhigay xabsiga Garoowe.
Waxa laga dooday sidii laga yeeli lahaa, waxana Itixaadkii goobtaas
joogay ay u kala qaybsameen 3 qaybood, qayb tiri hala dilo odayasha
qaarkood sida Col. C/lahi Yusuf iyo qayb tiri yaan la dilin ee xabsiga ha
lagu hayo iyo qaybta 3aad oo tiri halasii daayo odayaasha. Qaybtan dambe
oo ay horkacayeen Sh. C/qadir Gacamey, Xuseen Cabdule Codweyn iyo C/casis
Guureeye ayaa ku guulaysatay inay kasoo daayaan odayaasha dhalinyaradii
ay u xirnaayeen.
Markii lasoo daayay Col. C/lahi Yusuf ayuu xabsigii laga soo daayay ku
xiray saddexdii wadaad ee soo daysay isaga, wuxuna isla markiiba amray in
lala dagaalamo Hawiyaha kusoo duulay dhulka Majeerteen, wuxuna shacabkii
Garoowe u sheegay in ninka dagaalka hogaaminaya uu yahay Xasan Daahir
Aweys oo la qaraabo ah Jan. Caydiid uuna soo dirsaday Jan. Caydid inuu u
qabto gobolada Waqooyi Bari. Go’aanka Itixaadku uu ku gaaray in
dagaalkaas uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys way ka qoomameeyeen, waayo
shacabkii Majeerteen waxay si buuxda ugu qanceen doodii Col. C/lahi Yusuf
waxayna rumaysteen in ciidamada qabsaday ay yihiin Hawiye uu soo diray
Jan. Caydiid.
Col. C/lahi Yusuf wuxu kaalmo dhaqaale iyo mid ciidanba ka helay intii uu
socday dagaalku dowladaha Itoobiya iyo Maraykan oo ka walwalsanaa in
Islaamiyiin ay qabsadaan Somaliya. Magaalada Garoowe waxa lagu laayay
wixi sheeganayay magac wadaad, Itixaad ha ahaadaan ama yaysan ahaan,
dagaalka haku jiraan ama yaysan ku jirin. Dadkii la dilay waxa ka mid
ahaa wadaad curyaan ah oo la oran jiray Siciid-Cagoole oo gurigiisa loogu
tagay laguna dilay halkaas. Wadaadadii Itixaadka ee joogay Garoowe waxay
noqdeen wax cararay oo baxsaday iyo wax iyagoo cararaya la laayay iyo wax
magaalada dhexdeeda lagu dilay. Dumarkii xijaabnaa guryahay kasoo bixi
waayeen, masaajidii ay maamuli jireen Itixaadkana albaabada ayaa loo
laabay.
Itixaadkii Garoowe sidaas ayaa lagu jabshay, intii badbaadayna waxan u
carareen Boosaaso. Saddexdii wadaad ee soo daayay odayaasha ee la xiray,
waxa ku hagoogtay odayaashii lasoo daayay qaarkood, inkastoo Col. C/lahi
Yusuf uu rabay in iyagana la dilo, laakin waa laga sii daayay. Sh.
C/qadir Gacamey isla markiba waxa la saaray diyaarad gaysay Nairobi.
Raggii dagaalka go’aankiisa lahaa waxay noqdeen wax la laayay sida
taliyihii mucaskarka Kismaayo Col. Max’ud Cise Siciid (Abu Muxsin)
madixii Itixaadka gobolada Bari Sh. C/casis Faarax Max’ed (Lagu-Jire)
Col. Farax Xasan Farax (Waji-Xun) iyo rag fara badan oo aanan halkan
Page 30
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
kusoo koobi karin, iyo rag u dhoofay wadanka dibadiisa sida Sh. Max’ed
Idiris, Sh. C/lahi Cali Xashi, Sh. Daahir Cabdi (Indha-buur) Saddexdan
wadaad ee dambe waxay ku jireen raggii usoo baxsaday Boosaaso oo isla
markiba uga soo gudbay Jabuuti iyo wadamada Carabta. Dhalinyaradii
wadaadada ahaa oo qaarkood ay Quraanka korka ka hayeen ee halkaas lagu
laayay waxa lagu qiyaasay 1000 nin.
La soco qaybta dambe, Boosaaso iyo sida looga baxay. Buuraha Saliid iyo
dagaaladii Sanaag. Heshiiskii Itixaad iyo SSDF. Kala diridii ciidamada
iyo xiritaanki Mucaskarka.
QEYBTA 15-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Qaybta 15aad Dagaaladii Bari Iyo Gabagabadoodii.
Col. C/lahi Yusuf oo ku hubaysan taageerada dadweynaha Harti iyo hub iyo
dhaqaale uga yimid Itoobiya iyo Maraykan ayaa u dhaqaaqay dhanka Qardho
iyo Boosaaso kadib markii uu ku jabiyay ciidamadii Itixaadka magaalada
Garoowe. Col. C/lahi Yusuf wuxu daba joogaa ciidamo Itixaad ah oo uu
hogaaminayo Col. Xasan Daahir Aweys oo beesha Habargidir u dhashay,
taasina waxay dhabarjab wayn ku noqotay qorshihii Itixaadka ee ahaa inay
maamulaan dhulka Waqooyi-Bari. Ciidamadii Itixaadku dib ayay uga gurteen
magaaloyinka Qardho iyo Boosaaso waxayna aadeed degmada Qow oo ay u
bixiyeen magac cusub oo ah Nasru-Diin, halkasna waxay dajiyeen
mucaskarkii Boosaaso. Col. C/lahi kama harin ee halkii ayuu ku weeraray,
isagoo laga hagayo diyaaradaha Maraykanka oo dul heehaabayay degaankaas.
Ciidamadii Itixaadku markii ay u adkaysan waayeen weerarada is daba jooga
ah ee SSDF ayay dib ugu gurteen buuraha Saliid ee gobolka Sanaag,
halkaasoo ah goob muhiim u ah dagaalada oo isku darsatay buuro iyo waadi
biyo mareen ah. Goobtii ayay difaac adag ka galeen inta ay kasoo
gaarayeen gurmadyo uga kala yimid Laascaanood oo uu hogaamiyay Col.
C/nasir-Fareey iyo mid ka yimid Halooyo, Soomali-Galbeed, waxayna ku
guulaysteen inay jabiyaan dhowr weerar oo ciidankii Col. C/lahi Yusuf ay
soo qaadeen, ilaa markii dambe ay dantu ku qasabtay inuu dib ugu gurto
Boosaaso oo uu ka daayo weerarka ciidamadii Itixaadka. Col. C/lahi Yusuf
wuxu albaabada u laabay dhamaan masaajidii ay gacanta ku hayeen Itixaadka
ee ku yiilay Boosaaso, Qardho iyo Garoowe. Wadaadadii intooda badana way
ka qexeen goboladaas.
Mar kale ayaa shuuradii Itixaadku ay shir degdeg ah ku qaateen Jabuuti
sannadkii 1992. Rag badan ayaa ka maqnaa shirkaan waxase timid intii
imaan kartay. Waxay ka doodeen qaladka dhacay mar labaad iyo cidda
mas’uulka ka aha. Dood dheer kadib waxa mar kale lasoo saaray go’aamadii
shirkii 1991 oo kale, inaan mar kale la jabin heshiisyada ururka. Talaabo
dambe oo aysan ogolaan Shuuradana inaan la qaadi Karin. Go’aanka ugu wayn
ee shirkan kasoo baxay laakiin aan dhaqan galin wuxu ahaa in xilkii
gudoomiyanimada laga qaaday Sh. Cali Warsame maadaama uu isagu ogolaaday
dagaalka Bari, waxana lagu badalay Sh. Max’ed Cabdi Daahir oo xiligaas ku
sugnaa London, UK oo uu daganaa. Magacaabista Sh. Max’ed waxa si buuxda
uga soo horjeestay raggii taageersanaa dagaalka, maadaama Sh. Max’ed uu
kasoo horjeeday dagaalka. Dood dheer oo la isku mari waayay kadib Sh.
Max’ed Cabdi Daahir wuxu go’aan ku gaaray inuu ka tanaasulay isagu
magacaabiska xubnaha shirka joogay ay u magacaabeen, halkaasna waxa ku
dhamaaday is-mari waagii qodobkaasi uu keenay. Sh. Cali Warsame ayaa dib
Page 31
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
loogu celiyay jagadiisii muddo 6 bilood ah sidaas ayuuna ku dhamaaday
shirkaas.
Sida aan qoraaladeenii hore kusoo saxay Dr. Cismaan Macalim Max’ud iyo
Dr. Axmed Daahir Aweys ayaa noqday raggii ugu horeeyay oo si muuqata u
radiyay dagaaladaas, waxayna muxaadaro ay u qabteen ardayda jaamacada
Madiina oo fasax ku aadaysay dalkii u sheegeen in dhiiga Muslimiinta ee
lagu daadiyay gobolada Waqooyi Bari aysan meelna ka waafaqsanayn diinta
Islaamka, ragii sameeyayna laga doonayo inay cadayn u keenaan arinkaas.
Mudo kadib dagaalkii Bari, ayay rag odayaal ah oo ka tirsanaa ururka
Itixaad go’aansadeen inay heshiis la galaan SSDF iyo Col. C/lahi Yusuf,
waxana labada dhinac u furmay wada hadal. Raggii bilaabay wadahadalkaas
waxa ka mid ahaa Sh. C/qadir Gacamey, C/waaxid Xaashi, iyo C/lahi Cali
Xaashi. Wada hadalkan oo lagu guulaystay waxa kasoo baxay go’aamo ay ka
mid ahaayeen.
1. In la kala diro ciidamada Itixaadka lana xiro mucaskarka Saliid ku
yaala.
2. In ciidamada Itixaadka loo kala celiyo wiil walba gobolkii iyo
qabiilkii uu u dhashay.
3. In wiilasha u dhashay gobolada Bari iyo Nugaal aan laga aargoosan
doonin haddii ay dib ugu soo laabtaan dageenadooda.La soco qaybta 16aad
QEYBTA 16-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Fulintii heshiiska, gaar ahaan qodobka ugu horeeya ayaa adkaaday sidii
loo fulin lahaa, waayo kala diridda mucaskarka ma sahlanayn maadaama
ciidamada joogay halkaas ay si aad ah isku dhex galeen, dagaalo badan soo
wada galeen, si wayna ay ugu kalsoonaayeen madaxdooda, gaar ahaan Sh.
Xasan Daahir oo hogaamiye u ahaa. Dhalinyarada dagaalkaas gashay oo ka
tirsanaa mucaskarka la kala dirayay waxa ka mid ahaa Aadan Xaashi Ceyrow
(Rabi ha u naxariistee) oo gantaal Maraykan uu ku dilay degmada Dhuusa-
Mareeb 1dii May 2008, Ibraahim Xaji Jaamac Meecaad oo hada madax ka ah
maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo kuna jooga magaca ah Abuubar
Al-Zaylici. Iyo Mahad Warsame Mahad-Karatee oo ku sugan Muqdisho kana
tirsan madaxda Al-Shabaab.
Raggii howsha kala diridda ah ku dhaqaaqay oo qubaro ku ahaa kicinta iyo
dajinta dhalinyarada ayaa alifay qorshe ay ku kala furfurayaan
mucaskarkaas, waxayna ka bilaabeen sidii ay Sh. Xasan Daahir uga dhoofin
lahaayeen gobolka Sanaag. Way ku guulaysteen waxana Sh. Xasan Daahir
looga yeeray magaalada Burco oo xiligaas ay ku sugnaayeen wadaado ay ka
mid ahaayeen Shariif Cabdi-Nuur (kama uusan tirsanayna Itixaadka)
C/waaxid Xaashi, Max’ed Qaasim (kama uusan tirsanayna Itixaadka) Max’ed
Rashiid Cismaan, C/wahaab Isxaaq, C/lahi Cali Xaashi iyo Sh. C/qadir
Gacamey. Waxana Sh. Xasan Daahir loo sheegay inuu degdeg kusoo gaaro
Burco si loogu diro Muqdisho oo uu uga hortago rag halkaas jooga oo
doonaya inay ka goostaan ururka Itixaadka. Laakin ragaas waxay sheegeen
inay Muqdisho u yimaadeen inay ka hortagaan dagaal ka dhaca Muqdisho oo
uu galo mucaskarkii ku yiilay Marka, si aysan Muqdisho uga dhicin wixi ka
dhacay Boosaaso iyo Garoowe. Xiligaas isaga ah waa 1993 waxana Muqdisho
Page 32
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
joogay ciidamadii soddonka kun ahaa ee uu horkacayay Maraykanku,
qabaa’isha Muqdishana ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen. Wadaadada yimid
Muqdisho xiligaas waxa ka mid ahaa Sh. C/lahi Diriye Abtidoon, Sh.
C/qaadir Sh. Max’ed Cukaasha, C/raxman Barre, Sh. Axmed Daahir Aweys,
C/lahi Ciise Cilmi iyo Axmed-Caadil, waxayna ku guulaysteen inay ka
hortagaan dagaal ka dhaca Muqdisho. Ciidamadii Itixaadka ee mucaskarka
Marka intiisii badnayd waxay aadeen gobolka Gedo, intii hartayna waxay
soo galeen Muqdisho oo qaarkood ay ka qayb qaateen dagaalka ka dhex
bilaaban doona Jan. Caydid iyo ciidamada Maraykanka oo xiligiisa aan
faahfaahin doono.
Sh. Xasan Daahir sidii ayaa loogu soo diray Muqdisho. Kadibna waxa la
fuliyay qodobadii kale ee heshiiska oo ciidamadii Itixaadka ee Mucaskarka
Saliid wiil walba waxa loo sheegay inuu aado degaankii uu u dhashay,
sidaasna waxa lagu xiray mucaskarkii galay dagaalka Bari. Halkaasna waxa
ku dhamaaday dagaalkii Itixaadka iyo SSDF oo ilaa iyo maanta si nabad ah
ugu wada nool goboladaas oo ay ka socoto waxbarasho dhan walba ah diin
iyo maadi labadaba.
Qaladaadkii Ay Galeen Itixaadku Intii Uu Dagaalku Socday.
1. Qaladka ugu wayn oo dhabar jabka ku riday Itixaadka waa magacaabidii
Sh. Xasan Daahir Aweys loo magacaabay inuu hogaamiyo dagaalka, waayo
xiligaas waxa gobolka Gedo qabsaday USC iyo Jan. Caydiid oo ay isku hayb
qabiil yihiin Col. Xasan Daahir, taasina waxay keentay inay cidiyaha ku
diriraan dadweynihii gobolada Waqooyi-Bari maadaama goboladaas ay
ahaayeen meesha kaliya oo waqtigaas aan gacanta ugu jirin Jan. Caydiid
iyo USC-diisa, waxana jirtay cabsi ah marka uu Gedo ka saaro Max’ed
Siyaad inuu Jan. Caydiid soo weerari doono gobolada Waqooyi-Bari. Haddii
dagaalka Bari uu hogaamin lahaa nin u dhashay beesha Daarood waxa hubaal
ah in Col. C/lahi Yusuf uusan heleen teegarada uu ka helay dadweynaha
gobolada Waqooyi-Bari.
2. Marka ciidamada Itixaadku ay qabtaan qof ka tirsan ciidamada SSDF way
dili jireen, taasoo kasoo horjeeda dhaqanka iyo sharciga dagaalka
Muslimiinta dhexdooda ah, waayo ma banaana in qof Muslim ah oo dagaal
lagu qabtay la dilo, ama xoolihiisa la qaato, ama dumarka iyo caruurta
Muslimiinta la qafaasho. Dilka noocaas ah ee maxaabiista SSDF lagu dilay
waxay cadayn u tahay in loo arkayay inay gaalo yihiin sidaas darteedna
dhiigoodu uu xalaal yahay.
3. Intii ay daganaayeen Itixaadku waadiga Saliid ee gobolka Sanaag waxa
usoo guuray halkaas dumar fara badan oo ka kala yimid Garoowe, Boosaaso
iyo Laas-Qoray. Dumarkaas iyaga ah oo kasoo tagay aabayaashood waxa Wali
u noqday oo mehrin jiray Sh. Xasan Daahir Aweys oo isku arkayay markaas
inuu yahay Amiirka Muslimiinta, wuxuna ku mehrin jiray Wilaayo Xaakim
Muslimiin inuu haysto oo kale. Haddii aysan sidaas ahayn dhanka kale ayaa
kasii daran oo markas waxa lagu mehrin jiray gabdhahaas sidii in
aabayaashood ay gaalo yihiin oo wilaayadooda aysan gacanta ugu jirin.
4. Ciidamadii Itixaadku waxay isku dayeen inay kacsadaan warshadii
Kaluunka Laas-Qoray iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan ganacsatadii
iska lahayd warshadda, lakin uma suurto galin inay u kacdo oo
Page 33
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
xirfadlayaashii isku dayay inay kicyaan waxay u baahdeen qalab aan
markaas oolin gudaha Somaliya.
La soco qaybta 17aad dagaalkii UNISOM iyo Jan. Caydid Iyo Mowqofkii
Itixaadka.
QEYBTA 17-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA Admiral Jonathan Howe. Taliyihii ciidanka Maraykana xiligii UNISOM Diidmadii Ugu Horaysay Ee Dagaalka Bari
Sida aan kusoo saxay qoraalka qaybta 12aad, markii uu dhacay dagaalka
Bari waxa markii ugu horaysay taariikhda Itixaad muxaadaro radis ah oo la
duubo ka jeediyay Jaamacadda Madiina labada Shiikh ee la kala yiraahdo
Dr. Cismaan Macalim Max’ud iyo Dr. Axmed Daahir Aweys, waxayna ku
sheegeen muxaadaraas inaysan raali ka ahayn dagaalka Bari, iyo in dhiiga
Muslimiinta si fudud faraha loola galo. Waxay kaloo ku iftiimiyeen
muxaadaraas in dood wayn ay ka taagand Itixaadka dhexdiida intii muddo ah
loogana doodayay Mubaayacada lala galayo xubnaha ururka oo ay sheegeen
inaysan xaq u lahayn madaxda Itixaadku inay Beecada noocaas ah qaadaan,
diintana ay ku qaldan tahay in nin aan madax u ahayn dowladda Muslimiinta
uu Beeco ka qaado xubnaha bulshada. Muxaadaraas waxay dhalisay baraarug
iyo shaki wayn oo galay qaar ka tirsanaa xubnihii ururka, waxana isla
markiiba ka baxay ururka rag dhalinyaro u badan oo dunida daafaheeda kala
joogay. Laakin labadii shiikh ee muxaadarada jeedisay kama aysan bixin
waqtigaas ururka.
Qaybteenii 16aad waxan kusoo sheegay in culumadii u dhalatay gobolada
Waqooyi Bari ee hada loo yaqaan Puntland ay ku guulaysteen inay xiraan
mucaskarkii gobolka Sanaag oo dagaalada ba’an la galay SSDF, waxayna usoo
jeesteen inay xoojiyaan mucaskarkii gobolka Gedo ka furnaa. Ciidamadii
Itixaadka ee mucaskarka la xiray joogay waxa laga dhigay wax goboladoodii
loo diray iyo wax mucaskarka Gedo loo diray. Mucaskarkaas Gedo oo gali
doona dagaalo lagu hoobto oo socday ilaa 1997 qoraalkeena dambe ayaan
kusoo gudbin doonaa, waxanse hada ka hormarin doonaa dagaalkii UNISOM iyo
Jan. Caydiid ku dhex maray Muqdisho iyo kaalintii Itixaadku ay ku
lahaayeen.
Shir Degdeg Ah Oo Shuurada Itixaad Ay Yeelatay Markale.
Markii uu dhamaaday dagaalkii Bari walina uusan bilaaban dagaalkii
Muqdisho ee UNISOM iyo USC ayaa shir kale la iskugu yeeray shuuradii
Itixaadka si looga xisaabtamo dagaalka Bari iyo cidda ka mas’uulka ahayd.
Waxa shirkaas uu ka dhacay dalka Jabuuti mar kale. Dood dheer kadib sidii
shirkii hore oo kale ayaa hadana la isku raacay in dagaalka Bari uu ahaa
qalad, raggii dagaalkaas galayna waa la ganaaxay mar kale. Markii uu
dhamaaday shirkaas ayaa raggii dagaalada galay waxay bilaabeen olale ay
ku doonayaan in la badalo xubnaha shuurada oo hada jira, lana soo doorto
xubno cusub, iyadoo qorshahoodu uu ahaa in dhalinyarada ururku aysan
dooran doonin inta diidan dagaalada oo markaan ay shuurada soo galaan
ragga dagaalada raba oo kaliya, markaasna shuurada laga ogolaado
dagaalada mustaqbalka la gali doono. Laakin raggii dagaalada diidana oo
gartay qorshahaas ayaa is hortaagay in doorasho cusub ay dhacdo, waxayna
soo jeediyeen in doorashada ka hor la dhaqan galiyo qodobadii shirka
Page 34
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
shuurada, isla markaana la sameeyo dib-u-heshiisiin ururka dhexdiisa ah,
hal meelna loo wada jeesto. Markii la isku mari waayay arinkaas ayaa rag
odayaal ahi soo jeediyeen in shirweyna lagu qabto Muqdisho, waxana
bartamihii 1993 iskugu yimid Muqdisho inta badan odayaashii ururka
Itixaadka oo tiradoodu gaaraysay dhowr iyo konton oday. Shirkaan oo mudo
socday ayaa waxa kasoo baxay qodobada hoose.
In xilka madaxtinimada Itixaadka laga qaado Sh. Cali Warsame
loona dhiibo Sh. Max’ud Ciise Max’ud.
Iyo in la kala diro mucaskaradii u haray uruka oo ka kala
furnaa Dhoobley iyo Luuq.
Dagaalkii UNISOM iyo USC: Intii ka qayb qaadatay iyo Intii diiday.
Qodobka hore oo kaliya ayaa ka fulay go’aanadaas, waxase soo dhex galay
fulinta qodobka dambe dagaalkii UNISOM iyo Jan. Caydid oo bilowday intii
shirkaas loo fadhiyay. Rag ururka ka mid ah ayaa soo jeediyay qodob
shirweynihii hore lagu heshiiyay oo ahaa “in haddii shacabka iyo gaaladu
ay diriraan laga faa’idaysto fursadaas oo dagaalka lala galo shacabka oo
gaalada lala jabiyo. Waxayna codsadeen in dagaalka ay dhinac ka galaan oo
la diriraan Maraykanka, isla markaana la siiyo hubkii Itixaadka ee la
duugay, laakin intii badnay xubnihii shuuradu waydiideen in la galo
dagaalkan, waxayna ku amreen xubnaha ururka inay ka fogaadaan dagaalkan.
Xubnihii shuurada oo shirayay waxay go’aan ku gaareen inay soo saaraan
bayaan ay ku diidan yihiin joogitaanka ciidamada shisheeya ee dalka,
waxayna eedayn usoo jeediyeen xoogaga xasuuqaya shacabka Somaliyeed.
Bayaankaas oo loo xilsaaray inay soo daabacaan oo qaybiyaan madaxdii
Itixaadka ee gobolka Banaadir oo uu xiligaas madax u ahaa Sh. C/lahi Sh.
Nuur ayna ka mid ahaayeen Max’ed C/qadir, C/qadir Ciro, Max’ud Abu-Shayba
iyo C/qadir Cadow (Rabi ha u naxariistee) ma aysan soo saarin bayaankii,
ilaa hadana lama oga sababta ay u qariyeen bayaankaas.
Go’aanka inaan la galin dagaalka ah oo intii badnayd ay fuliyeen waxa
diiday dhalinyaro uu horkacayay Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u
naxariistee) oo si toos ah u galay dagaalka. Waxa xusid mudan in rag
hormuud ka ahaa dagaaladii ka dhacay Kismaayo iyo Bari oo lala galay
jabhadaha Soomalida ay diideen inay galaan dagaalkaan. Intaas kaliya kuma
ekaysane waxay dadaal u galeen inay kasoo saaraan dhalinyaradii gashay
dagaalkaas, iyagoo u sheegay inay isku mid yihiin USC iyo UNISOM in loo
kala hiiliyana aysan mudnayn. Raggii olalahaas qaaday waxa ka mid ahaa
Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh Max’ed Xaji Yusuf iyo Macalim Max’ud Macalim
Nuur oo isagu BBC ka sheegay inay isku mid yihiin Jan. Caydiid iyo
Admiral Howe oo ahaa ninkii taliyaha u ahaa ciidamadii Maraykanka ee
Muqdisho joogay.Waxa kaloo xusid mudan, markii uu dhamaaday dagaalkii
UNISOM, ciidamadii Maraykankuna ay bilaabeen inay ka baxaan dalka in rag
uu ka mid yahay Sh. Xasan Daahir Aweys ay cajilad muuqaal ah iskaga
duubeen Beebayaashii laga gubay UNISOM iyagoo cajiladaas ku sheegay inay
iyagu ka dambeeyeen jabka loo gaystay ciidamada Maraykanka.
Al-Qaacida Oo Kusoo Biirtay Dagaalka UNISOM.
Markii uu qarxay dagaalka UNISOM iyo USC waxa Muqdisho soo gaaray xubno
ka tirsan ururka Al-Qaacida oo uu soo diray madaxooda Usama Bin-Laadin,
Page 35
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
waxayna bareen dhalinyaradii gashay dagaalka sida loo dhigo miinada
dhulka, isla markaana looga hago meel fog. Miinooyinkaas oo horay u
yaalay dalka, lama aqoon sida looga hago meelaha fog, waxayna ku
guulaysteen ragaas iyo dhalintii caawinaysay inay gubaan gawaari badan oo
ciidamada Maraykanku leeyahay. Waxa xiligaan isaga ah dhacay heshiis
qarsoodi ah oo dhex maray wakiilada Usama Bin-Laadin usoo diray Muqdisho
iyo qaar ka mid ah raggii dagaalada ee ururka Al-Itixaad ka tisanaa.
Qoraaladeena dambe ee ka hadli doona Al-Qaacida ayaan ku faahfaahin
doonaa heshiiskan isaga ah.
Talo iyo Tusaale:
QEYBTA 18-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
NAGA RAALLI NOQDA
Cillad Farsamo darteed mahayno Qeybtaan. Sidaasi darteed SomaliSwiss
waxay isku dayday inaan nuqul kobi kale ka helno Wadanka.com oo isagu
lahaa qoraalka asalka ah hayay, iyaga ayaana ka sugaynaa weli Qeybta 18-
aad ee taxanahaan,
QEYBTA 19-AAD SILSILADA TAARIIKHDA URURADA DIINIGA AH EE SOOMALIYA
Kala fogaanshihii Itixaad iyo Beesha gobolka Gedo
Qoraalkeenii hore waxa ugu dambaysay Itixaadka oo qabsaday inta badan
gobolka Gedo, dagaalna kula jira jabhadii SNF.
Maleeshiyaadkii Itixaad oo dhan waxay iskaga yimaadeen gobalada dalka oo
dhan. Ciidankii joogay Marka waxa loosoo raray Luuq. Mucaskarkii laga soo
xiray Bari intiisa badana waxa loosoo raray gobolka Gedo. Intii ciidamada
Maraykanku ay Muqdisho joogeen horaantii 1993 ayay shuurada ururka
Itixaad odayaashoodii ay shirweyne ku qabsadeen magaalada Muqdisho waxana
go’aan lagu gaaray in la xirxiro mucaskarada haray oo kala ahaa Marka,
Dhoobley, Balad-Xaawo, iyo Luuq oo ay markaas qabsadeen, sida loo xiray
midkii gobolka Bari.
Go’aankas wax ka hirgalay ma aysan jirin, waxaana meeshiisii kasii socday
qorshihii ragga dagaalada waday. Sidoo kale ajaanib fara badan ayaa ka
kala yimid aduunka oo soo aaday Luuq, kadib markii taageerayaashii
Itixaadku ay aduunka galiyeen in dowlad Islaami ah ay ka dhalatay degmada
Luuq. Waxa ka mid ahaa ajaanibtii u guurtay Luuq nin Maraykan ah oo qabay
gabar Soomali ah magaciisana lagu sheegay Haaruun, ninkaan oo ku
dhaawacmay degmada Buurdhuubo, marna ku sigtay gudaha Itoobiya isagoo la
socday ciidamo gaaraya 80 oo laga soo diray Luuq howlgalna kasoo
fulinayay gudaha xuduuda. Itixaadkii Luuq waxay bilaabeen howlgalo ay ku
weerarayaan gudaha dhulka Somali-Galbeed, waxayna halkaas ka gaysteen
dhib wayn oo ay gaarsiiyeen ciidamadii gumaysiga Itoobiya.
Taliska Tigreega oo xiligaas ku cusbaa maamulka Itoobiya wuxu u bareeri
waayay inuu soo weeraro gudaha Somaliya iyo fariisinka Itixaad ee Luuq,
wuxuna isku dayay inuu la galo Itixaadka heshiis xabad joojin iyo
darisnimo ku dhisan, mase suurto galin heshiiskaas. Waxa xusid mudan inuu
heshiis horay u dhex maray Itixaadka Ogadenya iyo taliska Tigreega
sanadkii 1991, loona ogolaaday Itixaadka inay xafiisyo siyaasadeed ka
furtaan Adis-Ababa iyo magaalooyinka Somalidu dagto, kitaabadoodana ay
Page 36
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
siday rabaan ugu aqrin karaan masaajida Itoobiya. Qoraaladeenii hore
ayaan kusoo sheegay in maleeshiyaadkii Itixaadka ee kusoo jabay dagaalkii
Kismaayo ay warqad fasax ah ku dhex mareen gudaha Itoobiya ilaa ay ka
gaareen gobolada waqooyi Bari Somaliya. Qayta 20aad ayaa uga hadli doonaa
Itixaadka Ogadeenya, qaabdhismeedkoodii, cidda ay hoostagi jireen,
waxqabadkoodii iyo faa’ido iyo qasaare midkii ay usoo jiideen shacabka
Soomaliyeed ee ku hoos nool dhulka gumaysigu haysto.
Taliska Meles Zanawi isagoo u adkaysan la’ weerarada Itixaadka Luuq, meel
uu talo ka bilaabana waayay, ayaa waxa u tagay odayaashii SNF oo
xiligaas uu hogaaminayay Jan. Cumar Xaaji Masale, lagana soo saaray
gobolka Gedo, waxayna ka codsadeen inuu siiyo kaalmo Milatari maadaama ay
hal cadow wada lee yihiin. Tigreega oo helay fursad dahabi ah ayaa gacmo
furan kusoo dhaweeyay SNF wuxuna la garab istaagay kaalmo hiil iyo hooba
leh, waxayna SNF u fasaxday in ciidamada Itoobiya ay soo gali karaan
gudaha gobolka Gedo, kana sifayn karaan ururka Itixaad oo ka marooqsaday
taladii gobolka.
Beesha Mareexaan ee SNF waxay xiligaas dadaal ugu jirtay sidii ay uga
qayb qaadan lahayd siyaasada Jabhadaha Somaliyeed oo ku salaysan qabiil
iyo gobolaysi isku dhafan, waxana usoo baxday inaysan qayb ka qaadan
karin siyaasada Somaliya haddii aysan gacanta ugu jirin gobolka ay u
dhasheen. Taasina waxay keentay inay u maraan wado walba oo ay Itixaad
uga saari karaan gobolkooda, haba noqoto inay ciidamo Itoobiyaan ah
keensadaane. Madaxdii ururka Itixaad waxay garan waayeen dareenka noocaas
ah iyo inay wax ka siiyaan maamulka gobolka qabiilka u dhashay, waxayse
taas badalkeeda sameeyeen in degmo walba oo ay qabsadaan ay ka ceyriyeen
odaygii beesha ama gudoomiyihii degmadaas halka ay u dhaafi lahaayeen
iyaguna ay korka ka maamuli lahaayeen.
Waxa dhacday in degmooyinka qaarkood loo dhiibay rag aan u dhalan gobolka
iyagoo hadafkoodu uu yahay inay ka gudbeen nidaamkii qaraaba-kiilka ku
dhisnaa, maamulada gobolada dalkana aan la kala xigin. Waxa xusid mudan
in nidaamka noocaan ah ay waqtigaan ku dhaqmaan ururka Al-Shabaab, waxaa
kaloo xusid mudan in Shabaabka maanta jooga ay hogaamiyaan raggii
Itixaadka ahaa ee ka dagaalamay sagaashamaadkii gobolada Jubadda Hoose,
Gedo iyo Waqooyi Bari. Dhacdooyinkaas waxay keeneen in beesha gobolka
Gedo siday u dhantahay gudaha iyo dibada dalka ay soo dhaweeyaan waddo
kasta oo Itixaadka looga saari karo gobolka Gedo.
Waxaa sii xoogaystay qilaafaadkii u dhexeeyay xubnaha Itixaadka waxana
mar kale lagu eedeeyay raggii dagaalada jeclaa inay ka dambeeyeen
dagaalada gobolka Gedo. Waxa la keenay cadaymo muujinaya in
mucaskaraadkii laga soo raray gobolada Waqooyi Bari la iskugu keenay
gobolka Gedo oo halkaas laga huriyay dagaal kale. Dood dheer iyo
xisaabtan kadibna waxa halkaas kasoo baxay in ragaas aysan isku manhaj
aamin sanayn. Ragga dagaalada diidanaana waxay ku doodeen inaan la
banaysan dhiiga Soomalida Muslimiinta, lana joojiya dagaalada oo la
xirxiro dhamaan mucaskarada hoos taga Itixaadka, dhalin yaradana loo
celiyo waxbarasho iyo in shacabka la baro diintooda. Waxay ka digeen in
haddii lagu sii socdo wadada hada la hayo uu dhiig badan ku daadan doono
gacmaha dhalin yarada Islaamiyiinta ah, xalkuna uu hadhow faraha ka bixi
doono.
Page 37
SIDII AY KU BILOWDEEN ama SILSILADDA TAARIIKHEED EE URURADA DIINIGA AH EE SOOMAALIYA Daabacaaddii hore Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Daabacaaddii 1-aad= Wadanka.com, Daabacaadda 2-aad = SomaliSwisstv.com , Re-Edited by Mohamed Saadaq
Guud ahaan culumada Itixaadku waxay u kala qaybsameen qayb u ololaysa
dagaalada oo markii dambe ku haray ururka Itixaad, kana badalay magacii
oo u bixiyay Al-Ictisaam iyo qayb kasoo horjeesatay dagaalada, xalna u
arkay markii dambe in cilada oo dhan ay tahay aasaaska ururada diiniga ah
ee kursi doonka ah, go’aana ku gaaray inay ka baxaan ururka Itixaad
dhalinyaradana uga digaan ka mid noqoshada ururada siyaasad doonka ah oo
manhajkoodii oo dhan ka dhigay kursi iyo dagaal lagu raadiyo. Ragaas
waxan ka xasuustaa magacyadooda sida hoos ku qoran.
Inta diidanayd dagaalada
Sh. C/lahi Diriye Abtidoon, Sh. Max’ed Cabdi Daahir, Sh. C/lahi Makaawi,
Sh. C/qadir Sh Max. Adan Cukaasha, Sh. C/karim Xasan Xoosh, Dr. Axmed
Daahir Aweys, Dr. Cumar Cali Cabdala (Lugeey) Dr. Cusmaan Macalim Max’ud,
C/raxman Ibraahim Faarax (Barre-Xusuley) Sh. Xasan Calasow, Sh. C/lahi
Cise Cilmi. Inta kore waxay ku jireen Shuurada Itixaad inkastoo ay iskaga
bexeen markii ay ku guulaysan waayeen inay ka joojiyaan ururka dagaalada
sokeeye.
Waxa jira rag kale oo aan shuurada ku jirin oo diidanaa dagaalada oo aan
ka xasuusto. Sh. C/lahi Sh. Xashi Cabdi, Sh. Cumar Shiino, Sh. Max’ud
Muumin Haaruun (Rabi ha u naxariistee) Sh. Axmed Caadil, Sh. Cumar Axmed
Wehliye, Sh. Max’ed Cosoble, Sh. C/qadir Cadow (Rabi ha u naxariistee)
Sh. C/lahi Cilmi Xalane (Rabi ha u naxariistee) Inta u ololayn jirtay
dagaalka xiligaas qaarkoodna ay ilaa iyo maanta wadaan dagaaladii waxa ka
mid ahaa
Sh. Cali Warsame oo ahaa Amiirkii ururka Itixaad, Sh. C/qadir Nuur Faarax
(Gacamey) Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh. C/casis Faarax Max’ed (Lagu-Jire)
(Rabi ha u naxariistee) Sh. C/lahi Cali Xaashi, Sh. C/waaxid Xaashi
Xasan, Sh. Cumar Khadiib, Dr. Axmed Xaji C/raxman, Sh. Max’ed Xasan. Inta
kore waxay ku jireen shuurada Itixaadka. Ragga aan ku jiri shuurada oo
taageersanaa dagaalada waxan ka xasuustaa Sh. Max’ed Xaji Yusuf oo ahaa
Amiirkii gobolka Islaamka ee Gedo, iyo kuxigeenkiisa Macalim Max’ud
Macalim Nuur, Sh. Yusuf Aadan, Sh. C/lahi Max’ud Cise, (Rabi ha u
naxariistee) Sh. Max’ed Idiris, Sh. Adan Max’ed Ciise, Sh. Max’ud Axmed
Xasan Foodcade (Rabi ha u naxariistee) Sh. C/raxman Sh. Cumar, Sh. C/lahi
Axmed Sahal, (Rabi ha u naxariistee) Sh. Adam Cabdule Geele (Adan
Garweyne) (Rabi ha u naxariistee) Sh. Max’ed Cabdi Umal iyo rag kale oo
fara badan oo aan ku dhamaystiri doona buuga soo socda mustaqbalka dhow.
Weli waa socdaa naga sug Qeybo kale …………