KIDS’ HEALTH (SOMALI) HEY, CARUURTA! Diyaarso Qado Boorso Aad ku Qaadatid oo Caafimaad Leh! Cun Cunto Leh Midabo Badan Isku day inaad dooratid cuntooyin leh midabyo kala duwan. Ku fikir jeegaan roob. Waa wax fiican in midabo badan ka muuqdaan taraygaaga cuntada sababta oo ah taa macnaheedu waa waxa aad dooratay noocyo cunto oo badan oo kala duwan. Cuntooyin ka Dooro Koox Cunto Kasta Isku day inaad cuntooyin ka dooratid mid kasta oo ah shanta koox cunto. Tani waxa ay kaa caawin doontaa inaad diyaarsatid qado caafimaad leh. Halkan waxa ku yaalaa dhawr fikradood: Khudaar: dabocase/karooto ama seleri Furut: tufaax, moos/muus ama istaroobeeri Xabuub: rooti, tortilla ama bagel Caano: caano, caano-fadhi/yogeer ama jiis Borootiin: hilib, subagga lawska ama yicib. Waa Wakhtigii Qadada! Jalaskii ama gambalaalkii ayaa la garaacay oo waa wakhtigii qadada. Boorsadaada qadada ma ku soo ridatay cuntooyin caafimaad leh? Rog bogga si aad ugu tababarid diyaarinta qadadaada!