Top Banner
Somali 3/9/2016 Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah Americans with Disabilities Act Complaint Form Santa Clara Valley Transportation Authority (VTA) VTA waxa ka go’an hubinta inaan cidna loo diidin helitaanka adeegyadeeda, barnaamijyadeeda, ama hawlaheega iyada oo lagu salaynayo naafada, sida ku cad title II ee Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah ee 1990 (“ADA”). Dacwadaha ADA waa in lagu fayl gareeyo 180 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda dhacdada eedaynta. Macluumaadka soo socdaa wuxuu daruuri u yahay inuu naga kaalmeeyo ka shaqaynta dacwadda. Haddii aad u baahato kaalmo dhammaystirka foomkan, ama haddii aad jeclaan lahayd inaad samayso dacwad hadal ah, fadlan la xidhiidh Isu-duwaha ADA adiga oo wacaya (408) 321-2300. Foomka dhammaystiran waa in lagu soo celiyo Isu-duwaha ADA, 3331 North First Street, Building B-1, San Jose, CA 95134. Dacwoodaha: Complainant: Taleefanka: Phone: Cinwaanka Jidka: Street Address: Taleefan Kale: Alt Phone: Magaalada, Gobolka, SIP-Koodhka City, State, Zip Code Qofka Diyaarinaya Dacwadda (haddii aanu ahayn Dacwoodaha): Person Preparing Complaint (if different from Complainant): Cinwaanka Jidka, Magaalada, Gobolka, SIP-Koodhka Street Address, City, State, Zip Code Taariikhda Dhacdada (Date of Incident):________________________ Fadlan sharrax dhacdada takoor ee la soo eedeeyey, oo ay kujirto goobtu, haddii ay khusayso. Sheeg magacyada iyo mansabyada shaqaalaha VTA ee ku lug lahaa, hadday jiraan. ______________________________________________________________________________
14

Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Jan 25, 2019

Download

Documents

lamkhuong
Welcome message from author
This document is posted to help you gain knowledge. Please leave a comment to let me know what you think about it! Share it to your friends and learn new things together.
Transcript
Page 1: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah

Americans with Disabilities Act Complaint Form

Santa Clara Valley Transportation Authority (VTA)

VTA waxa ka go’an hubinta inaan cidna loo diidin helitaanka adeegyadeeda, barnaamijyadeeda,

ama hawlaheega iyada oo lagu salaynayo naafada, sida ku cad title II ee Xeerka Dadka

Maraykanka ah ee Naafada ah ee 1990 (“ADA”). Dacwadaha ADA waa in lagu fayl gareeyo 180

maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda dhacdada eedaynta.

Macluumaadka soo socdaa wuxuu daruuri u yahay inuu naga kaalmeeyo ka shaqaynta

dacwadda. Haddii aad u baahato kaalmo dhammaystirka foomkan, ama haddii aad jeclaan

lahayd inaad samayso dacwad hadal ah, fadlan la xidhiidh Isu-duwaha ADA adiga oo wacaya

(408) 321-2300. Foomka dhammaystiran waa in lagu soo celiyo Isu-duwaha ADA, 3331 North

First Street, Building B-1, San Jose, CA 95134.

Dacwoodaha:

Complainant:

Taleefanka:

Phone:

Cinwaanka Jidka:

Street Address:

Taleefan Kale:

Alt Phone:

Magaalada, Gobolka, SIP-Koodhka

City, State, Zip Code

Qofka Diyaarinaya Dacwadda (haddii aanu ahayn Dacwoodaha):

Person Preparing Complaint (if different from Complainant):

Cinwaanka Jidka, Magaalada, Gobolka, SIP-Koodhka

Street Address, City, State, Zip Code

Taariikhda Dhacdada (Date of Incident):________________________

Fadlan sharrax dhacdada takoor ee la soo eedeeyey, oo ay kujirto goobtu, haddii ay khusayso.

Sheeg magacyada iyo mansabyada shaqaalaha VTA ee ku lug lahaa, hadday jiraan.

______________________________________________________________________________

Page 2: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

______________________________________________________________________________

______________________________________________________________________________

______________________________________________________________________________

Ka sii Wad Bogga Xiga

Sharraxaadda dhacada sii socda:

______________________________________________________________________________

______________________________________________________________________________

______________________________________________________________________________

______________________________________________________________________________

______________________________________________________________________________

______________________________________________________________________________

Ma ka fayl garaysatay dacwad hay’ado kale oo fadaraal, gobol, ama deegaan? Haa/Maya (Mid

Goobaab). Haddii ay sidaas tahay, ku tax hay’adaha iyo macluumaadka meesha lagala

xidhiidhayo hoos:

______________________________________________________________________________

Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda

Agency Contact Name

______________________________________________________________________________

Cinwaanka Jidka, Magaalada, SIB-Koodhka Taleefanka

Street Address, City, State, Zip Code Phone

______________________________________________________________________________

Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda

Agency Contact Name

______________________________________________________________________________

Cinwaanka Jidka, Magaalada, SIB-Koodhka Taleefanka

Street Address, City, State, Zip Code Phone

Waxaan xaqiijinayaa inaan akhriyey eedaynta sare iyo inay tahay run inta aan ka ogahay,

macluumaadka aan ka hayo, iyo sida aan u haysto.

Page 3: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

_______________________________________ ______________________________

Taariikhda Saxeexa Dacwoodaha

Complainant’s Signature Date

_______________________________________

Daabac ama Garaac Magaca Dacwoodaha

Print or Type Name of Complainant

Taariikhda La Helay: __________________ Date Received:

Helay: _____________________________ Received By:

Page 4: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

Beddellada/Waafajinaha Macquulka ah Reasonable Modifications/Accommodations VTA waxay gargaartaa rakaabka naafada ah ee adeegsanaya adeegyada baska tareenka laydka iyada oo ku samaynaysa beddello macquul ah siyaasadaha hawlgalka, dabbakhaadaha iyo habraacayda marka la codsado iyada oo raacaysa Xeerka u Dambeeya ee Waaxda Gaadiidak Maraykanka 49 CFR Qaybaha 27 iyo 37. Beddellada macquulka ah waxa kamid noqon kara ka caawinta rakaabka galinta lacagta sanduuqa nooliga, u oggolaanshaha rakaabka inay wax cunaan, cabbaan ama daawo qaataan iyaga oo gaadiidka saaran si looga fogaado dhibaato caafimaad, iyo u oggolaanshaha rakaabka inay si gaar ah gaadiidka u soosaaraan aaladaha ay ku dhaqaaqaan marka rakaabku uu xakamayn karayo dhaqdhaqaaqa aaladda. Rakaabku waxay sii codsan karaan beddello, ama waxay codsan karaan marka ay u baahdaan. Rakaabka loogama baahna inay dhahaan “Beddello Macquul ah” marka ay codsanayaan gargaar. Shaqaalaha VTA waxay la shaqayn doonaan rakaabka si ay u helaan qaab kale si loo gargaaro baahiyahooga galaangalka, haddii codsi beddelis siyaasad, dabbakhaad, ama habraac aan la oofin karin. Si aad u samayso codsi waafajin macquul ah, fadlan la xidhiidh Adeegga Macmiilka VTA. Adeegga macmiilka: (408) 321-2300 Macluumaadka is-wada ee jira 24 saacadood ah Ingiriisi iyo Isbaanish (800) 894-9908 dibadda Degmada Santa Clara (408) 321-2330 TTY [email protected] Siyaasadda/Habraaca Waafajinta Macquulka ah ee VTA

Page 5: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee

Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca

SIYAASADDA (POLICY)

Transportation for Individuals with Disabilities; VTA

Reasonable Modification Policy and Procedure

Lambarka

Dokumentiga:

OPS-PL-0060

Lambarka Qaybta: 01

Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 1 ee 6

8/25/15 Aan khusayn

Somali 3/9/2016

1.0 Ujeedada:

Laga bilaabo Luulyo 13, 2015, xukunka u dambeeya ee Xeerka Dadka Maraykanka ah ee

Naafada ah ee Waaxda Gaadiidka ee la xidhiidha Gaadiidka iyo Dadka Naafada ah;

Beddelista Macquulka ah ee Siyaasadaha iyo Dabbakhaadaha wuxuu dhigayaa in

gaadiidlaydu ay ku sameeyaan beddello macquul ah xukunadooda hawlgalka iyo

habraacyada si loo xaqiijiyo in adeegyada ay galaangalka u yeelan karaan dadka naafada

ah (fiiri Diiwaanka Fadaraalka /Buugga. 80, No. 49 (80 FR 13253, Maarso 13, 2015.

Goobada Maamulka Gaadiidka Fadaraalka FTA C 4710.1 sidoo kale ku sheegaya

xukunka u dambeeya §2.10 & §2.11).

Siyaasaddan waxa kujira xukunada iyo qaynuunada hawlgalka VTA ee xukunka u

dambeeya ee beddelka macquulka ah ee Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah ee

Waaxda Gaadiidka, iyada oo markaa loo ballaadhinayo galaangal u yeeladka dadka

naafada ah ee adeegyada basaska, tareenada laydhka, gaadiidka dadka naafada.

2.0 Baaxadda:

VTA iyo qandaraaslayaasheeda ayaa ka masuul ah ku samaynta beddellada/waafajinaha

xukunada, siyaasadaha, iyo habraacyada hawlgalka marka loo baahdo ayna habboon

tahay in loo oggolaado dadka naafada ah inay isticmaalaan adeegyada baska, tareenka

laydhka, gaadiidka meelaha iskaga goosha, ama gaadiidka naafada.

3.0 Masuuliyadaha:

3.1 Wadayaasha Basaska, Wadayaasha Tareenka Laydka, Kormeerayaasha Nooliga,

Kormeerayaasha Goobta, Ku-xigaanada Ilaalada Gaadiidka, iyo shaqaalaha

Nabad-sugidda VTA waxay waajihi karaan tusaalayaasha soo socda ee codsiyo

waafajin macquul ah. Liiska ma aha khaas maadaama ay jiri karaan codsiyo kale ee

beddellada siyaasadda, xukunka, ama habraaca, aan la saadaalin, kuwaasi oo u baahan

doonaa in la gargaaro.

3.1.A Kaalmada maaraynta nooliga, marka la codsado, waa in la bixiyo (Buugga

Xukunka Wadaha Baska 7.11). Waduhu waa inaanu laacin boorsada, kiishka,

alaabta, ama dharka rakaabka si uu u gaadho lacagta ama nooliga si uu u

kaalmeeyo dhiibista nooliga.

3.1.B Rakaabka wax ku cunaya waxna ku cabbaya iyaga oo saaran gaadiidka si looga

dheeraado xaalad caafimaad oo gurracan. (Buugga Xukunka Wadaha Baska 8.12;

fiiri Sharciga Deegaanka VTA 98.1 Sec 4 (b) 7)

3.1.C Rakaabka daawo ku qaadanaya isagoo saaran gaadiidka (Buugga Xukunka

Wadaha Baska 8.13). Waduhu waa inaanu ka kaalmayn rakaabku inuu qaato

daawo. Rakaabka ayaa ka masuul ah qubista shayada daawadooda waana

Page 6: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee

Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca

SIYAASADDA (POLICY)

Transportation for Individuals with Disabilities; VTA

Reasonable Modification Policy and Procedure

Lambarka

Dokumentiga:

OPS-PL-0060

Lambarka Qaybta: 01

Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 2 ee 6

8/25/15 Aan khusayn

Somali 3/9/2016

inayna ku tuurin shayada daawada (waxyaalaha dadka sara/muda, siriijyada,

falliiqyada baadhitaanka, daawada, ama wixii kale ee la xidhiidha) gaadiidka

dushiisa ama qashin-qub ay leedahay xarunta gaadiidku (kaabadda tareenka

laydka, xarunta adeegga macmiilka, xarunta gaadiidka, meesha basku joogsado

ama gabbaad).

3.1.D Rakaabku waxay baabuurka si gaar ah uga raaci karaan aaladaha ay ku

dhaqaaqaan (Buugga Xukunka Wadaha Baska 8.9.1). Waduhu waa inaanu

kaalmayn shaqada aaladda dhaqdhaqaaqa.

3.1.E Basaska waa in la dhigo meesha basku joogsado ama meel u dhaw si looga

dheeraado caqabado marka ay daruuri tahay ama la codsado marka Waduhu uu

go’aansado inay ammaan tahay inuu sidaas yeelo (Buugga Xukunka Wadaha

Baska 5.16).

Tilmaam dheeraad ah, wadayaashu waa inay la xidhiidhaan Xarunta Maamulka

Hawlgallada VTA haddii ayna awoodin inay bixiyaan waafajin la codsaday.

Wax diiwaangalin xog oo dheeraad ah looma baahna bixinta beddelloo

macquul ah.

3.2 Kormeerayaasha Goobta

3.2.A Waa inay ka taageeraan Wadayaasha go’aaminta haddii beddello/waafajin

macquul ah oo la codsaday la buuxin karo.

3.2.B Waa inay la falgalaan rakaabka si ay u hubiyaan inay awoodaan isticmaalka

adeegyada VTA iyaga oo adeegsanaya qaadashada go’aano samaynta beddello

macquul ah ama go’aaminaya qaabab kale kuwaasi oo bixinaya galaangalka la

codsaday.

3.3 Adeegga Macmiilka/Shaqaalaha ISR

3.2.A Adeegga Macmiilka VTA/Shaqaalaha ISR waa inuu u galo codsiyada

macaamiisha beddello siyaasad, habraac, ama xukun gudaha nidaamka raadraaca

jawaabcelinta Adeegga Macmiilka. Codsiyadan waxa loo aqoonsan Codsiyo

Beddello Macquul ah. Codsiyada waxa loo wareejin Maaraynta Adeegga

Macmiilka/ Kormeerka shaqaalaha.

3.2.B Haddii Adeegga Macmiilka VTA/Shaqaalaha ISR uu helo dacwad macmiil oo

kusaabsan diidmo codsi beddel siyaasad, habraac, ama xukun intuu isticmaalayo

adeegyada VTA, dacwadda waxa la galin doonaa nidaamka raadraaca

jawaabcelinta Adeegga Macmiilka waxaana loogu calaamadin diidmo codsi

beddel oo macquul ah.

3.4 Maaraynta Adeegga Macmiilka

Page 7: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee

Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca

SIYAASADDA (POLICY)

Transportation for Individuals with Disabilities; VTA

Reasonable Modification Policy and Procedure

Lambarka

Dokumentiga:

OPS-PL-0060

Lambarka Qaybta: 01

Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 3 ee 6

8/25/15 Aan khusayn

Somali 3/9/2016

3.4.A Shaqaalaha Maaraynta Adeegga Macmiilka waa inuu u wareejiyo codsiyada

macmiilka ee beddelleada siyaasad, habraac, ama xukun shaqaalaha ku habboon

ee VTA. Maaraynta Adeegga Macmiilku waxay galin doontaa xalka codsiga xog-

kaydinta Adeegga Macmiilka iyada oo laga tilmaan qaadanayo shaqaalaha VTA

ee qaabisani.

3.4.B Shaqaalaha Maaraynta Adeegga Macmiilku waa inuu codsadaa fiidyowga weelka

xogta CCTV ee diidmada la sheegay ee codsiga beddelka macquulka ah.

Warbixinta macmiilka ee diidmada macluumaadka kusaabsan dhacdada weel

xogta ee loo jeedo waxa loo wareejin Isu-duwaha VTA ee ADA. Fiidyowga

weelka xogta CCTV waxa la codsan karaa ilaa 14 maalmood kadib dhacdada la

sheegay iyada oo la dhammaystirayo foomka codsiga Weelka Xogta Adeegyada

Ilaalineed: http://thehub.vta.org/divisions/protectiveservices/Documents/Forms.

3.5 Shaqaalaha VTA ee Qaabilsan

Shaqaalaha VTA ee qaabilsan wuxuu haysan doonaa 14 maalmood laga bilaabo

taariikhda codsiga si uu u qaato go’aan la xidhiidha codsiga macmiilka.

3.5.A Haddii codsiga la ansixiyo, macaamiisha waxa loogu sheegi qoraal.

3.5.B Haddii codsiga la diido, xubinta shaqaalaha ee go’aanka qaadatay ayaa qoraal ku

bixin doonta, sababta diidmada oo bixin doonta wax kale oo beddela, hadday

suurogal tahay.

3.5.C Haddii macmiilku khilaafo diidmada ama waxa loogu beddelay ee loo soo

bandhigay, macmiilku rafcaan ayuu qaadan karaa. Ogaysiiska diimada VTA

waxa kujiri doona lambarka tixraaca macmiilka iyo talo macmiilka loogu

sheegayo inuu haysto 21 maalmood laga bilaabo taariikhda ogaysiiska diidmada si

uu rafcaan ugu qaado Isu-duwaha VTA ee ADA, kaasi oo qoran ama inuu waco

xarunta adeegga macmiilka. Macaamiishu waa inay isticmaalaan lambarkooda

tixraaca markay fayl garaysanayaan rafcaan.

3.6 Isu-duwaha ADA

Isu-duwaha ADA wuxuu dib-u-eegi doonaa rafcaanka macmiilka wuxuuna ugu diyaarin

doonaa bushqad Guddida Dib-u-eegista Rafcaanada si ay eegaan. Bushqadda rafcaanku

waxay ka kooban tahay guudmarka waafajinta la codsaday, sababaha keenay in

waafajinta la codsaday la diido, rafcaanka macmiilka, xukunnada VTA ee ku tacaluqa,

ra’yiga Wadaha/Kormeerayaasha Goobta ee ku lug lahaa, iyo nuqul wixii fiidyow weelka

xogta ee dhacdada la sheegay.

ARC waxay ka kooban tahay 3 xubnood oo ka socda waaxaha soo socda:

3.6.A Isu-duwaha ADA, ama wakiilkiisa

Page 8: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee

Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca

SIYAASADDA (POLICY)

Transportation for Individuals with Disabilities; VTA

Reasonable Modification Policy and Procedure

Lambarka

Dokumentiga:

OPS-PL-0060

Lambarka Qaybta: 01

Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 4 ee 6

8/25/15 Aan khusayn

Somali 3/9/2016

3.6.B Khabiir Takhasus u Leh Arrinka (shaqaale aan ku lug lahayn go’aanka hore ee

lagu diiday codsiga beddelka)

3.6.C Adeegga Macmiilka

Xubno ayey la tashan doonaan xubnaha ARC, haddii loo baahdo, si ay dib ugu eegaan

ugana talobixiyaan xal codsiga diibmada codsiga Beddelka/Waafajinta Macquulka ah.

Guddida Dib-u-eegista Rafcaanadu waxay qoraal ku jawaabi doontaa 21 maalmood

gudahood laga bilaabo taariikhda rafcaanka. Haddii diidmada la beddelo, ARC waxay

ugu jawaabi qoraal macmiilka kaasi oo loogu sharxayo go’aankooda. Haddii diidmada la

taageero, ARC waxay qoraal ku siin, sharraxaad faahfaahsan oo kusaabsan sababta

waafajinta aan loo samayn karin. Qaab kale oo loo gaadhayo adeegga ay ku dabajirtay

waafajinta la codsaday ayaa lagula talin karaa macmiilka. Go’aanka ay qaataan ARC waa

kama-dambays.

Dhammaan macluumaadka la xidhiidha codsiyada macmiilka ee beddellada macquulka

ah iyo rafcaanada waxa la galin doonaa nidaamka raadraaca jawaabcelinta Adeegga

Macmiilka.

4.0 Siyaasadda:

VTA waxay ku samayn beddello/waafajino macquul ah siyaasadaheega, dabbakhaadaha

iyo habraacyada hawlgalkeeda si ay u caawiso hubinta in adeegyada gaadiidka ay heli

karaan rakaabka oo dhan.

In kastoo hay’adaha gaadiidka aan looga baahnayn inay sameeyaan beddello loo

tixgaliyo inayna macquul ahayn, xukunka kama-dambaysta ah wuxuu ku waajib yeelayaa

inay la shaqeeyaan macaamiisha si ay u helaan siyaalo kale oo macquul ah.

Marka codsi beddello/waafajino lagu samaynayo siyaasadda, dabbakhaadda, ama

habraaca la go’aamiyo inaanay ahayn macquul, VTA waxay la shaqayn macmiilka

codsanaya, ama wakiilkiisa, si loo helo dib-u-habayn siyaasad, dabbakhaad, ama habraac

oo kale si loogu oggolaado macmiilka inuu isticmaalo adeegyada gaadiidka VTA.

Waxa soo socdaa waa liis codsiyada waafajinta taasi oo USDOT ay u aqoonsatay inay

tahay mid aan macquul ahayn. Wadayaasha gaadiidka loogama baahnai nay bixiyaan

waafajinahan.

Liiskan ma aha khaas maadaama ay jiri jiraan habab kale, oon la ogayn, kuwaasi oon la

gargaari karin.

Page 9: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee

Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca

SIYAASADDA (POLICY)

Transportation for Individuals with Disabilities; VTA

Reasonable Modification Policy and Procedure

Lambarka

Dokumentiga:

OPS-PL-0060

Lambarka Qaybta: 01

Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 5 ee 6

8/25/15 Aan khusayn

Somali 3/9/2016

4.1 Kaalmada Kaaliyaha Daryeelka Qofka ee wade

4.2 Kaalmada alaabta iyo bushqadaha

4.3 Nooli qaadista wadaha, ama bixin-waaga

4.4 Daryeelka wadaha ee xayawaanka adeega

4.5 Waxyaalaha rakaabku gacanta ku sitaan

4.6 Sifooyinka gaadiidka ama qalabka gaarkak ah ee gaadiidka

4.7 Safarka gaadiidka naafada ee khaaska ah ama mugga ya dhimay (qofka kaliya)

4.8 Safarrada Gaadiidka Naafada ADA ee ka baxsan mandaqadda adeegga ama

saacadaha shaqada

4.9 Joogsiga iyo ku sugista meel dhexe inta lagu jiro safarka gaadiidka naafada ADA

4.10 Codsi ku abuuraya halis gaadiidka, wadaha, ama rakaabka kale

4.11 Codsi ku aaddan dirawal khaas ah

4.12 Codsi inay ka fogaadaan rakaabka kale ee safarka gaadiidka naafada ADA

5.0 Shuruudaha Tabobarka:

Iyada oo laga tilmaan qaadanayo Waaxda VTA ee Tabobarka iyo Horumarka

Shaqaalaha, maamulku wuxuu ka masuul noqon doonaa ku tabobaridda shaqaalahooga

sida loogu jawaabo codsiyada macmiilka ee beddello/waafajino macquul ah. Tabobar

ayaa la siin doonaa shaqaalaha marka u horraysa iyo si joogto ah.

5.1 Wadayaasha Baska iyo Tareenka Laydhka waxa la tabobari doonaa inta lagu jiro

tabobaka bilawga iyo fasallada muraajicada tabobarka farsameed ee xiga.

5.2 Kormeerayaasha Goobta, Maamulayaasha Guud, iyo Shaqaalaha Raadiyawgu

waxay heli doonaan tabobar bilawga oo kusaabsan qaynuunka

beddellada/waafajinta macquulka ah. Tabobar muraajico oo la qabto muddadiiba

mar, marka loo baahdo, ayaa la siin doonaa shaqaalaha Hawlgallada.

5.3 Kormeerayaasha Nooliga iyo Ku-xigeenada Ilaalada Gaadiidku waxay heli

doonaan tabobar bilawga kusaabsan qaynuunka beddellada/waafajinta macquulka

ah. Tabobar muraajico oo la qabto muddadiiba mar, marka loo baahdo, ayaa la

siin doonaa shaqaalaha Hawlgallada sida ay ku talogashay maaraynta Adeegyada

Ilaalineed.

5.4 Shaqaalaha Adeegga Macmiilka ayaa heli doona tabobar bilawga kusaabsan

qaynuunka beddellada/waafajinta macquulka ah. Tabobar muraajico oo la qabto

muddadiiba mar, marka loo baahdo, ayaa la siin doonaa maamulka Adeegga

Macmiilka.

Page 10: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Gaadiidka Dadka Naafada ah; Siyaasadda VTA ee

Beddelka Macquulka ah ee Siyaasadda iyo Habraaca

SIYAASADDA (POLICY)

Transportation for Individuals with Disabilities; VTA

Reasonable Modification Policy and Procedure

Lambarka

Dokumentiga:

OPS-PL-0060

Lambarka Qaybta: 01

Taariikhda Hore: Taariikhda Dib-u-eegista: Bogga 6 ee 6

8/25/15 Aan khusayn

Somali 3/9/2016

5.5 Isu-duwaha ADA wuxuu la shaqayn doonaa maamulka Adeegga Macmiilka iyo

shaqaalaha Hawlgallada ee loogu talogalay si loo hubiyo in xubnaha Guddida

Dib-u-eegista Rafcaanka loo sheegay macluumaadka kusaabsan habka dacwadda

iyo dib-u-eegista rafcaanka beddellada/waafajinta macquulka ah.

6.0 Qeexdimaha:

6.1 Beddel/Waafajin Macquul ah Isbeddel lagu sameeyo siyaasadda, dabbakhaadda,

ama habraaca hawlgalka si awood loogu siiyo dadka naafada ah inay isticmaalaan

gaadiidka dadwaynaha.

6.2 Beddel/Waafajin Aan Macquul Ahayn Isbeddel lagu sameeyo siyaasadda,

dabbakhaadda, ama habraaca hawlgalka kaasi oo khatar u leh wadaha ama dadka

kale, daruuri ma aha si loo helo adeegga, waa culays, waxaanu aad ah u beddeli

nooca adeegga.

7.0 Guudmarka Isbeddellada:

Fasaxa bilawga ee siyaasaddan.

8.0 Macluumaadka Ansixinta:

Diyaariyey: Dib-u-eegay: Ansixiyey

David Ledwitz

Falanqeeye Maaraynta

Qorshaynta Adeegga & Hawlgallada

(Management Analyst

Service & Operations Planning)

Camille C. Williams

Maareeyaha Barnaamijka Adeegyo la

Isitcmaali karo/

Maareeyaha Mashruuca Title VI

(Accessible Services Program

Manager/

Title VI Project Manager)

~saxeexay

Inez Evans, Sarkaalka Madaxa

Hawlgalka(Chief Operating

Officer

~saxeexay

Nuria I. Fernandez

Maareeyaha Guud

(General Manager)

Page 11: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

ADA: Habka Dacwadda

ADA: Complaint Process

Santa Clara Valley Transportation Authority (VTA) waxay u ballanqaaday muwaadiniinta oo dhan inay si

isku mid ah u helaan adeegyada gaadiidka.

Habraacan Ashkatada waxa loo sameeyey in la buuxiyo Shuruudaha Xeerka Dadka Maraykan ah ee

Naafada ah ee 1990 (“ADA”). Waxa isticmaali kara cid kasta oo rabta inay fayl garaysato dacwad

sheegaysa takoor kusalaysan naafonimo bixinta adeegyada, hawlaha, barnaamijyada, ama dheefaha

VTA. Siyaasadda Shaqaalaha VTA ayaa lagu maamulaa dacwadaha shaqada la xidhiidha ee takoorka

naafada.

Fayl Garaysiga Dacwad

Dacwadda waa in la fayl garaysto intayna dhammaan 180 maalmood laga bilaabo dhacdada takoor ka la

soo eedeeyey. Habka la doorbiday waa in lagu fayl garaysto dacwadda qoraal iyada oo la isticmaalayo

Foomka Cabashada ADA (hoos ku cad), loona diro:

ADA Coordinator

Office of Diversity and Inclusion

Santa Clara Valley Transportation Authority

3331 North First Street, B1

San Jose, CA 95134

(408) 321-2300

www.vta.org

Dacwadaha hadalka ah waa la aqbali doonaa oo qori doona iyada oo lala xidhiidhayo xarunta adeegga

macmiilka (408) 321-2300. Dacwadaha sidoo kale waxa laga fayl garaysan karaa cidaha dibadeed sida

Maamulka Gaadiidka Fadaraalka (Federal Transit Administration), Guddida U-sinaanta Fursadaha

Shaqada (The Equal Employement Opportunity Commission), ama Waaxda Shaqaalayn iyo Guryeyn

Caddaalad ah (The Department of Fair Employement and Housing). Fadlan dib-u-eeg macluumaadka

websaytyada hay’adaha la xidhiidha si aad u hesho tafaasiil kusaabsan dacwadaha ADA.

Haddii dacwad laga fayl garaysto isla mar qudha VTA iyo cid dibadeed, dacwadda dibadeed ayaa ka

mudnaan doonta dacwadda VTA. Hase yeeshee, VTA waxay sii wadi doontaa baadhitaankeeda

dacwadda waxayna soo diyaarin natiijooyinka.

Baadhitaanada

10 maalmood gudahood laga bilaabo helista dacwadda tooska ah, Isu-duwaha ADA wuxuu ogaysiin

dacwoodaha wuxuuna bilaabi baadhitaan.

Baadhitaanadu waxay maarayn doonaan dacwadda ka-dhanka ah waax VTA ah. Baadhitaanka waxa lala

samaynayaa oo kana talinaya Waaxda Xidhiidhka Shaqaalaha.

Page 12: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

Baadhitaanka waxa kujiri kara kala hadal dacwadda dhammaan dhinacyada ay saamayso si loo xalliyo

dhibta. Dacwoodaha waxa matali kara qareen ama wakiil kale oo uu isagu soo doortay waxaanu keeni

karaa maragyo iyo caddayn inta baadhitaanku socdo.

Baadhitaanka waxa lagu samayn doona oo dhammaystiri doona 60 maalmood gudahood laga bilaabo

helista dacwadda tooska ah.

Iyada oo lagu salaynayo dhammaan macluumaadka la helay, warbixin baadhitaan ayuu qori doonaa Isu-

duwaha ADA u gudbinta Sarkaalka Madaxa Maamuleed.

Dacwooduhu wuxuu heli doonaa warqad sheegaysa go’aankaas kama-dambaysta ah ee 60 maalmood

ah. Baadhitaanada intooda badan waxa lagu dhammaystiraa 30 maalmood gudahood.

Dacwoodaha waa in la ogaysiiyo xaqiisa inuu rafcaan ka qaato go’aanka. Rafcaanada waxa loo qaadan

karaa Maamulka Gaadiidka Fadaraalka (Federal Transit Administration), Guddida U-sinaanta Fursadaha

Shaqada (The Equal Employement Opportunity Commission), ama Waaxda Shaqaalayn iyo Guryeyn

Caddaalad ah (The Department of Fair Employement and Housing).

Dhammaan dacwadaha qoran ee uu helo Isu-duwaha ADA ama wakiilkiisu, waxay rafcaan u qaadan

Maamulka Gaadiidka Fadaraalka, Guddida U-sinaanta Fursadaha Shaqada, ama Waaxda Shaqaalayn iyo

Guryeyn Caddaalad ah, jawaabaha ka yimaada xafiisyadan waxa hayn doona VTA ugu yaraan saddex

sano.

FOOMKA CABASHADA ADA (ADA COMPLAINT FORM)

Page 13: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

Siyaasadda Bayaanka Takoor La’aanta (Nondiscrimination Statement of Policy)

Iyada oo raacaysa shuruucda Xuquuqda Rayidka ee gobolka iyo fadaraalka, Santa Clara Valley Transportation

Agency (VTA) waxay hubinaysaa inaan qofna iyada oo lagu salaynayo qoomiyadda, midabka, diinta,

waddanka qofku ka soojeedo, aqoonsiga jinsiga kooxda, diinta, da’da, naafada, jinsiga, doorashada galmada,

ama macluumaadka hiddo-sidaha looga saarin kaqaybqaadashada, loogu diidin dheefaha ama adeegyada,

amabase loo takoorin dhammaan barnaamijyada, adeegyada ama hawlaha ay maamusho VTA.

Ogaysiiska sida uu dhigayo Xeerka Dadka Maraykanka ee Naafada ah

(Notice under the Americans with Disabilities Act)

Santa Clara Valley Transportation Agency

Iyada oo la raacayo shuruudaha Xeerka Dadka Maraykanka ah ee Naafada ah ee 1990 (“ADA”), Santa Clara

Valley Transportation Agency (VTA) ku takoori mayso dadka aqoonta leh ee naafada ah naafada ay yihiin

adeegyadeeda, barnaamijyada, ama hawlaha.

Shaqaalaynta: VTA kuma takoorta qofka naafada uu yahay hawlaha shaqaalaynteeda waxayna raacdaa

dhammaan qaynuunada uga yaala Guddida U-Sinnaanta Shaqada Maraykanka.

Xidhiidh Waxtar leh: VTA sida qaalibka ah, marka la codsado, waxay siin kaalmo iyo adeegyo habboon oo

keenaya xidhiidh waxtar leh dadka aqoonta leh ee naafad aah si ay markaa uga qaybqaadan karaan si siman

barnaamijyada, adeegyada, iyo hawlaha, ay kujiraan tarjumaano luuqadda calaamadda oo aqoon leh,

dokumentiyo ku qoran Farta Indhoolaha, iyo qaabab kale oo uga dhigaya macluumaadka iyo xidhiidhka qaar

ay isticmaali karaan dadka leh dhantaalnaan hadalka, maqalka, ama aragga. \

Beddelka Siyaasadaha iyo Habraacyada: VTA waxay ku samayn doontaa dhammaan beddelada macquulka

ah siyaasadaha iyo barnaamijyada si ay u hubiso in dadka naafada ah ay u helaan fursad loo siman yahay si ay

ugu raaxaystaan dhammaan barnaamijyadeeda, adeegyada, iyo hawlaha. Tusaale ahaan, dadka wata

xawayaanka adeega waxa lagu soo dhaweeyaa gaadiidka VTA, xarumaha gaadiidka, iyo xafiisyada maamuleed

xiitaa marka rabbaayadaha sida qaalibka ah la mamnuucay.

Cid kasta oo u baahata kaabayaal gargaar ama adeeg si ay si waxtar leh ugu xidhiidhaan, ama beddelis

siyaasadaha ama habraacayda si ay uga qaybqaataan barnaamij, adeeg, ama hawl VTA, waa inay la xidhiidho:

ADA Coordinator

Office of Diversity and Inclusion

3331 North First Street, B1

San Jose, CA 95134

(408) 321-2300

www.vta.org

Fadlan ula xidhiidh Isu-duwaha ADA sida ugu dhakhsaha badan inta ayna ka soo wareegin 72 saacadood

kahor dhacdada la muddeeyey.

ADA ugama baahna VTA inay qaaddo wax tallaabo ah taasi oo aasaas ahaan beddelaysa nooca

barnaamijkeeda ama adeegyadeeda, ama ku soo rogaysa culays dhaqaale ama maamul oon loo baahnayn.

Page 14: Foomka Dacwadda Xeerka Dadka Maraykanka ah ee …vtaorgcontent.s3-us-west-1.amazonaws.com/Site_Content/...Magaca Lala Xidhiidhayo Hay’adda Agency Contact Name _____ Cinwaanka Jidka,

Somali 3/9/2016

Dacwadaha in barnaamij, adeeg, ama hawl VTA ayna isticmaali karin dadka naafada ah waa in lagu hagaajiyo

Isu-duwaha ADA (macluumaadka la-xidhiidh ee sare).

VTA saari mayso dulsaar (lacag dheeraad ah) qof gaar ah oo naafo ah ama koox dad ah oo naafo ah si ay u

daboosho kharashka siinta kaabayaasha kaalmada/adeegyada ama beddello siyaasadda oo macquul ah, sida

kala soo bixista shayada goobaha u furan dadwaynaha laakiin ayna isticmaali karin dadka isticmaalaya kuris-

curyaanku.