Dec 22, 2021
Bangiyada
Islaamiga ah waxyaabaha ugu horreeya ee ay kaga duwan yihiin, bangiyada
ganacsiga ee dheef raadiska ah, marka laga yimaaddo in aan lacagta laga
ganacsan oo aan dulsaar lahayn, waa in muhiimmada ugu wayn la siiyo kobcinta
dhaqaalaha iyo korinta ganacsiga, taas oo faa’iidadeedu u noqonayso bulshada
muslinka, iyaga oo u helaya adeegyada iyo alaabaha ay u baahan yihiin si
sahlan. Korinta ganacsigu waa mid ka mid ah ujeedooyinka udub dhexaadka u ah
jiritaanka Bangiyada Islaamiga ah.